Sunday, February 17th, 2019

Maxay ahayd Sababta Garsoorayaasha Ingiriiska loogu xulan waayey koobka aduunka?

Published on March 30, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(30-3-2018) Garsooreyaasha waddanka Ingiriiska ayaan markii ugu horreysay loo qaadannin ciyaaraha Koobka Adduunka, taas oo noqonaysa in muddo 80 sannadood ah kaddib laga waayey saacadda ugu sumcadda iyo magaca weyn ciyaaraha ee Koobka Adduunka oo badhtamaha sannadkan ku qabsoomi doonna waddanka Ruushka.

Garsooreyaasha Britain oo ka kooban Ingiriiska, Scotland, Wales iyo Northern Ireland ayaan tegi doonin waddanka Ruushka, waxaana ugu dambaysay inay sidan oo kale ku dhacdo sannadkii 1938-kii.

Xidhiidhka kubadda Cagta FIFA guddida u qaabilsan garsoorka ayaa shaaciyey magacyada 36 garsoore oo qaban doona ciyaaraha Koobka Adduunka, kuwaas oo aanay ku jjirin kuwo dhalasho ahaan kasoo jeeda Britain.

Garsooraha kaliya ee FIFA u diiwaangashanaa ee liiskan ugu jiray ee kasoo jeeda Britain, waxa uu ahaa Mark Clattenburg oo qabtay ciyaartii finalka Euro 2016 ee Portugal ku guuleystay, hase yeeshee, isaguna sannadkii hore ayuu ka tegay shaqada garsoorka waxaana uu ka degay waddanka Sucuudiga oo uu ka noqday madaxa garsooreyaasha.

Britain may waayin garsooreyaasha oo kaliya, hase yeeshee, waxa kale oo aan lagu darin kaaliyeyaasha garsoorka oo ay tiradoodu tahay 63 qof, halka garsooreyaasha muuqaalka garsoor caawiyaha VAR laga soo xulan doono marba garsoorka aan shaqada ku qornayn maalintaas.

Sannadkii ugu dambeeyey ee Ingiriiska ama Britain looga waayo liiska garsooreyaasha Koobka Adduunka, waxay ahayd sannadkii 1838-kii, markaas kaddibna Koob adduun lama qabannin muddo 12 sannadood ah maadaama lagu jiray dagaalkii labaad ee adduunka. Sannadkii 1950-kii markii dib loo bilaabay Koobka Adduunka, ugu yaraan hal garsoore oo Ingiriis ah ayaa loo qaadan jiray.

Howard Web oo u dhashay Ingiriiska ayaa labadii Koob Adduun ee ugu dambeeyey ee 2010 iyo 2014 laga soo xushay waddanka Ingiriiska, waxaana uu qabtay ciyaartii finalka ee koobkii adduunka 2010 ay iskaga hor yimaaddeen Spain iyo Netherlands, kaas oo ka dhacay waddanka Koonfur Afrika.

Sidee Loo xushaa Garsooreyaasha?

Xidhiidhka kubadda cagta FIFA iyo xidhiidhka garsooreyaasha PGMOL ayaa si wada jir ah uga shaqeeya soo xulista garsooreyaasha.

Xidhiidhka Ingiriiska ee FA ayaa isagu u gudbiyey FIFA magacyada toddoba garsoore oo ay doonayeen in laga qaato, kuwaas oo kala ahaa Martin Atkinson, Stuart Attwell, Robert Madley, Michael Oliver, Craig Pawson, Anthony Taylor iyo Paul Tierney.

Maxaa lagu diiday garsooreyaasha Ingiriiska

Xili ciyaareedkan, waxa horyaalka Ingiriiska ee Premier League kasoo ifbaxday saluug weyn oo loo jeediyo garsooreyaasha, kuwaas oo warbaahintu siyaabo kala duwan u qaadaa dhigtay.

Tababareyaasha qaarkood, sida Wenger, Mourinho iyo Conte ayaa si toos ah u weeraray garsooreyaasha qaarkood, waxaana ay ku mutaysteen ganaaxyo.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Madaxweynaha Ac Milan Paolo Scaroni Oo Dhac Layaab Leh Loo Geystay & Haweeney Qaab Cajiib Ah Garab Usiisay Dambiilaha.

(16-12-2018) Madaxweynaha kooxda Ac Milan Paolo Scaroni ayaa lagu soo waramayaa in laga xaday jimcadii shalay aheyd boorso ...

Macalinka Kooxda Liverpool Jurgen Klopp oo Ka Hadlay Jose Mourinho Ka Hor Ciyaarta Manchester United iyo Liverpool

(16-12-2018) Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa ka hadlay dhigiisa Manchester United ee Jose Mourinho iyo ciyaarta ay ...

Khabiirada Shabakadda Mirror Football Oo Isku Khilaafay Shaxda Isku Dhaf Ah Kulanka Liverpool vs Man United – Mid Walba Shax Ayuu Doortay!

(16-12-2018) Kulanka ugu weyn England ayaa berito dhici doona, waana kulan aan laga mideysneyn aragtida laga aaminsan yahay, ...

Wiilkii Uu Dunida Kaga Tegay Feedhyahankii Muslimka Ahaa Ee Mohamed Ali Oo Qarka U Saaran Inuu Dawarsado Ama Tuugsado Sabab?

(16-12-2018) Wiilka kaliya ee uu dhalay feedhyahankii Muslimka ahaa ee Muhammad Ali ayaa ku sugan xaalad nololeed oo ...

Wanda Nara Oo Diyaarinaysa Qandaraas Dabar Ku Noqonaya Mauro Icardi

(16-12-2018) Wanda Nara oo ah xaaska iyo Wakiilka ciyaartoyga reer Argentina ee Mauro Icardi oo afka hore uga ...

Farriintii Uu Diego Costa U Diray Arsenal Markii Uu Dhaawacay Laurent Koscielny Iyo Qaabkii Axmaqnimada Ahaa Ee Uu Isku Difaacay

(16-12-2018) Difaaca Arsenal ee Laurent Koscielny ayaa shaaciyey inuu u bilaabmay wax uu ugu yeedhay ‘Cutubka Cusub Ee ...

Barcelona Oo Baadi Goobaysa Beddelka Luis Suarez Iyo Xiddigaha Ay Isha Ku Hayso

(16-12-2018) Luis Suarez hadda da’diisu waxay noqotay 32 jir, waxaana kooxdiisa Barcelona u muuqatay in ay u baahan ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Manchester City oo Mar Kale Hogaanka Si Ku Meel Gaadh ah U Qabatay Maanta.

(15-12-2018) Cayaar ay maanta wada ciyaareen kooxda Manchester City iyo kooxda Everton oo ahayd horyaalka dalka ingiriiska oo ...

Layaab!: Boqortooyada Kuwait oo la ogaadey in ay lacag ka dhacday Cayaartoy waa weyn oo magac leh

(15-12-2018) Lix bilood kaddib markii dalka Kuwait uu martigeliyey ciyaar ay iskugu yimaaddeen xiddigaha waaweyn ee dunida oo ...

Dhamaan Kulamada Sabtiga iyo Saacadaha Geeska Africa ee ay bilaaban doonaan?

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa dhamaan Cayaaraha dhici doona Sabtiga ee ku tirsan Horyaalada kala duwan ee qaarada ...

Halyeygii Manchester United Ee Willie Morgan Oo Magacaabay Afarta Ciyaartoy Ee Uu Doonayo In Kooxdiisa Hore Iska Iibiso Bisha January

(15-12-2018) Halyeygii Manchester United ee Willie Morgan ayaa aaminsan in tababaraha kooxdaas Jose Mourinho ay tahay inuu iibiyo ...

May Ahayn In Arsenal Loo Ogolaado Inay Ciyaarto Europa League – Tababaraha Qarabag Oo Dood Cajiib Ah Bedka Keenay Kaddib Guushii Gunners Sabab?

(15-12-2018) Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa sii wadda guul-darro la’aanta xidhiidhka ah, waxaanay xalay 1-0 ku muquunisay naadiga ...

Qorshaha Jose Mourinho Ku Qaban Doono Salah, Mane & Firmino, Dhibaatada Difaaca Ee Haysata Iyo Sida Uu U Kala Xulan Doono Xiddigaha Uu Haysto

(15-12-2018) Manchester United ayaa Axadda safar ugu tegaysa Liverpool oo kulankooda ugu horreeya xili ciyaareedkan ee horyaalka Premier ...

Cristiano Ronaldo Oo Markale looga yeeray Maxkamad dalka Spain ah iyo Ciqaabta uu lakulmi doono?

(15-12-2018) Maxkamad ku taalla dalka Spain ayaa go’aamisay xilliga ay dhegaysan doonto dacwad la xidhiidha lunsi cashuuro oo ...

Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018 kaas ...