Tuesday, April 24th, 2018

Cajiib! Mohamed Salah Oo Loo Doortay Madaxweynaha Masar

Published on April 2, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(03-03-2018) Xiddiga xulka qaranka Masar iyo kooxda kubadda cagta Liverpool ee Mohamed Salah ayaa helay codad badan, doorashadii madaxtooyada ee toddobaadkii hore ka dhacday waddanka Masar.

Salah oo hoggaaminaya gool dhalinta guud ahaan qaaradda Yurub, ayaa si lama filaan ah codad badan uga helay doorashadii madaxtinimada ee ka dhacday waddankiisa, taas oo aanu xattaa ku jirin dadka ku tartamayey.

Markii la furay sanaaduuqdii codbixinta ayaa waxa loogu tegay codad ka badan hal milyan oo lagu doortay Mohamed Salah, halkaas oo dadku ay warqadda codbixinta ku qoreen magaca Mohamed Salah oo far waaweyn ah.

Sida uu qoray wargeyska The Economist, codbixiyeyaal badan ayaa masaxay magaca murashaxiinta oo uu ku jiro madaxweynaha hadda Abdel Fattah el-Sisi, waxaanay ku beddeleen Mohamed Salah.

Arrintan layaabka leh ayaanu ka hadal Mohamed Salah, hase yeeshee, waxay muujinaysaa inuu yahay shakhsiga ugu taageerada badan dalkaas.

Doorashada ayaa waxa ku guuleystay madaxweynaha hadda Abdel Fatah el-Sisi oo helay codad ka badan 23 milyan murashaxa kusoo xiga.

Egypt’s fans hold up a poster with an image of Mohamed Salah during the international friendly football match between Egypt and Greece at the Letzigrund stadium in Zurich on March 27, 2018. / AFP PHOTO / MICHELE LIMINA

 

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Liiska Shanta Cayaaryahan ee ay Xiligaan Lacagtii ugu badnayd iyo Sida ay u kala Sareeyaan?

(24-4-2018) Waxaa lasoo saaray liisk Cayaartoyda kubada Cagta Caalamka ee Xiligaan helay lacagtii ugu badanayd ee Faa iido ...

Booliska Magaalada Liverpool oo Heegankii ugu Sareeyey lageliyey+Sawiro

(24-4-2018) Wararka ka imaanaya Magaalada Liverpool ee dalka England ayaa sheegaya in Heegankii ugu danbeeyey lageliyey boqolaal booliska ...

Shanta kooxood ee ay u dheeleen Cayaartoyda ugu badan ee ku Guuleysatey PFA Player of the Year+Sawiro

(24-4-2018) Kadib Markii Cayaaryahanka kooxda Liverpool ee Mohamed Salah uu ku Guuleystey abaal marinta Sanad kasta labixiyo ee PFA ...

Garsoore Jaale Bixiye oo dhex dhexaadin doona kulanka Liverpool iyo Roma?

(24-4-2018) Xiriirka kubada Cagta qaarada yurub ee UEFA ayaa soo Saaray Magaca garsooraha dhex dhexaadin doona kulanka adag ...

Muuqaal ahaan u daawo Goolkii dunida kayaabiyey ee uu dhaliyey Olivier Giroud kulankii Southampton

(24-4-2018) Waxaa Calamka oo dhan siweyn looga hadal hayaa Goolkii layaabka lahaa ee uu dhaliyey Weeraryahanka kooxda Chelsea ...

Kooxda Roma oo u duushay Liverpool iyo Kevin Strootman oo ka digay sharta Mohamed Salah+Sawiro

(23-4-2018) Cayaaryahanka dalka Holland ee Khadka dhexe uga dheela kooxda Roma ee Kevin Strootman ayaa u sheegay Cayaartoyda ay ...

Ronaldinho oo Talo Wanaagsan siiyey Paul Pogba una sheegay?

(23-4-2018) Cayaaryaahnkii hore ee Xulka qaranka Braziil Ronaldinho ayaa Talo siiyey Xiddiga dalka France ee u dheela Manchester ...

Jose Mourinho muxuu u sheegay Ander Herrera intii uu socdey dabaal degii Goolka bareejada ahaa ee Alexis Sanchez?

(23-4-2018) Macalinka kooxda Manchester United Jose Mourinho ayaa lasoo saaray fariintii uu u sheegay qaar ka mid ah ...

Maxay ahayd Sababtii Cayaartoyda Horyaalka Talyaanigu daanka u marsadeen Calaamada Guduudan?

(23-4-2018) Todobaadkaan Horyaalka dalka Talyaaniga inta badan Cayaartoydii Cayaartay iyo qaar ka mid ah Garsoorayaashii dhex dhexaadiyey ayaa ...

Jurgen Klopp” Macalinka Roma Waxaan isaga mid Nahay Ookiyaalaha iyo Shaararka Foosha xun ee aan qaadano

(23-4-2018) Macalinka kooxda Kubada Cagta Liverpool Jurgen Klopp oo shir Jaraa id qabtay kahor Kulanka Wareega Semifinalka ee lugta ...

Xiriirka FA ga oo Raali Garayn u diray Tottenham kadib kulankii Manchester United Sabab?

(23-4-2018) Xiriirka kubada Cagta dalka England ee FA ayaa Raali garayn siiyey kooxda Tottenham kadib kulankii Manchester United ...

Cayaartoyda Napoli oo sidii in ay Horyaal qaadeen loogu soo dhaweeyey Magaalada Napoli+Sawiro

(23-4-2018) Kadib Guushii muhiimka ahayd ee ay xalay Gaartay kooxda Napoli Cayaartoyda kooxdaas oo dib ugu laabtay halkii ...

Daawo Sawirada Maxamed Saalax Oo Ku Guuleystay Abaal Marinta Xiddiga Sanadka : PFA Player of the Year 2017-18

(23-4-2018) Laacibka reer Masar ee Maxamed Saalax ayaa ku guuleystay abaal marinta xidiga sanadka ee uu bixiyo ururka ...

Xulka Qaranka Soomaaliya yuu Lacayaari doonaa Semi-finalka koobka Cecafa?

(23-4-2018) Xulka Qaranka Soomaaliya ee 17-Jirada ayaa ku aaday xulka qaranka Uganda oo kaalinta labaad ee Group-ka B ...

Juventus oo Gurigeeda lagu Garaacay iyo Horyaalka Talyniga oo Shirko Noqdey+Sawiro

(23-4-2018) Kooxda Kubada Cagta Napoli ayaa Guul muhiim ah ka Gaartay kulankii Xiisaha badnaa ee ay lacayaareen Naadiga ...