Sunday, September 23rd, 2018

Harry Kane Oo Gool Loogu kordhiyey tiradiisii Si Ugu Soo Dhowaado Mohamed Salah

Published on April 12, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(12-4-2018) Maamulka horyaalka kubadda cagta waddanka Ingiriiska ayaa shaaciyey in gool lagu kordhiyey tirada goolasha uu haystay Harry Kane.

Tottenham ayaa rafcaan ka qaadatay laba gool iyo hal ay Sabtidii kaga badisay Stoke City oo loo qoray Eriksen, waxaana ay ku doodday inuu kubadda sii taabtay Harry Kane, isla markaana ay tahay in magaciisa lagu qoro.

Arrintan oo u muuqata in Tottenham ay doonayso in Kane uu gool dhalinta kula tartamo Mohamed Salah oo dhaliyey 29 gool horyaalka Premier League iyo Kane oo 25 ay noqotay tirada goolashiisu marka lagu daro goolka loogu kordhiyey, ayaa waxa jawaab ka bixiyey Salah oo bartiisa Twitterka ku qoray ereyo kooban oo uu ku muujinayo inay layaab ku tahay go’aankani.

Maamulka kubadda cagtu waxay ku doodeen in markii ay dib u daawadeen ay arkeen goolka uu dhaliyey Kane, sifo khaldanna loogu diiday.

Siduu u dhacay go’aanku

Guddi saddex xubnood ka kooban ayaa ka fadhiistay cabashaii ay Tottenham usoo gudbisay, waxaanay dib u daawadeen muuqaalka goolkii, waxaanay ku qanceen in Harry Kane uu goolkaas dhaliyey, sidaas daraadeed ayaanay usoo saareen go’aanka oo dhaqangal noqday.

Jawaabta Salah:

Mohamed Salah ayaa bartiisa Twitterka ku shaaciyey inay layaab tahay arrintani.

Qoraal kooban oo uu soo dhigay ayaa waxa uu ku yidhi sidan: “WOOOOOOOOOOOOOW Ma run baa.”

Dhaartii Harry Kane

Harry Kane ayaa ku dhaartay inuu isagu goolka dhaliyey mar wax laga weydiiyey, waxaanu yidhi: “Nolosha gabadhayda yar ayaan ku dhaartaye, kubadda waan sii taaabtay.”

Jawaabaha layaabka leh ee bannaanka:

Ciyaaryahannadii hore ee xulka qaranka England ee Alan Shearer iyo Gary Lineker ayaa layaab ku tilmaamay go’aankan, waxaanay iyagoo riwaayadsanaya sheegeen in goolal badan oo ay dhaliyeen la siiyey ciyaaryahanno kale, balse haddii ay wakhtigan ahaan lahayd ay yeelan lahaayeen.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Dhamaan Cayaaraha Galabta iyo Caawa Saacadaha ay dhici doonaan

(23-9-2018) Waxaa galabta iyo Caawa lacayaari doonaa kulamo aad u xiiso badan oo ku kala tirsan Horyaalada kala ...

Manchester United oo France ka arkootay badalka Martial, Waa kee?

(23-9-2018) Naadiga Manchester United ayaa lagu soo waramayaa inay bartilmaameed ka dhigatay xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Lille ...

Juventus oo ay ku sii Kordhayaan dhaawacyadu iyo Cayaartoyda ka maqan kulanka Frosinone

(23-9-2018) Macalinka kooxda Juventus ayaa shaaca ka qaaday Magacyada Cayaartoy dhawr ah oo dhaawac kaga maqnaan doonta Naadigiisa ...

AC Milan oo soo saartay Liiska Cayaartoyda u diyaarka ah kulanka Atalanta

(23-9-2018) Kooxda Kubada Cagta AC Milan ayaa soo Saartay liiska Cayaartoyda u diyaarka ah kulanka adag ee ay ...

Roosihii Cristiano Ronaldo oo qilaaf ka dhex abuuray Xiriirada FIFA iyo UEFA?

(23-9-2018) Kadib Calaamadii Casaanka ahayd ee lasiiyey Cayaaryahanka kooxda Juventus Cristiano Ronaldo waxaa soo baxayey Warar kala duwan oo ...

Adrien Rabiot oo bisha Janaayo imaan doona Manchester City

(23-9-2018) Cayaaryaahnka kooxda Kubada Cagta PSG ee lagu Magacaabo Adrien Rabiot ayaa lasheegayaa in uu heshiis lagaaray Manchester City ...

Paul Scholes oo Tilmaamay Cayaaryahankii ugu fiicnaa ee uu abid ka horyimaado?

(23-9-2018) Cayaaryahankii hore ee Kooxda Man United Paul Scholes ayaa shaaca ka qaaday xiddigii ugu fiicnaa ee uu ...

Jose Mourinho oo dhaleeceeyey qaar ka mid ah Cayaartoydiisa Kulankii Wolves

(22-9-2018) Macalinka kooxda Manchester United Jose Mourinho ayaa dhaleeceeyey qaar ka mid ah Cayaartoyda Naadigiisa gaar ahaan qaybta ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Manchester United oo markale ku kuftay Old Trafford

(22-9-2018) Kadib Todobaadyo farxad iyo Guulo ah Manchester United iyo Jose Mourinho ayaa dib ugu laaban doona buuqii ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Liverpool oo Cagta marisay Southampton

(22-9-2018) Kooxda Kubada Cagta Liverpool ayaa markale halkeedii ka sii wadata Guulihii isdaba jooga ahaa ee Horyaalka dalka ...

Cristiano Ronaldo oo Juventus ka Caawiyey in Juventus hoos u eegto kooxaha Liverpool iyo PSG

(22-9-2018) Tan Iyo Markii uu ku soo biirey Juventus Cayaaryahanka dalka Portugal ee Cristiano Ronaldo waxaa sara u sii kacayey ...

Manchester United oo dhaqaale ugu xoog sheeganaysa AC Milan?

(22-9-2018) Kooxda Kubada Cagta Manchester United ayaa lasheegayaa in ay qarka u Saarntahay in ay heshiis lagaarto Cayaaryahanka ...

Daawo Sawirada Sir Alex Ferguson oo mudo dheer kadib ku soo laabtay Old Trafford

(22-9-2018) Macalinkii hore ee kooxda Kubada Cagta Manchester United Sir Alex Ferguson  ayaa mudo dheer kadib ku soo laabtay ...

Taageereyaasha Chelsea Oo U Codeeyey In Kaydka La Geliyo Mateo Kovacic – Waa Kuma Ciyaartoyga Ay Ka Doorteen?

(22-9-2018) Jamaahiirta kooxda kubadda cagta Chelsea intooda badan ayaa cod bidbixin laga qaaday waxay isku raaceen in ay ...

Wesley Sneijder oo Naftiisu halis Gashay markii uu Shil ku Galay dhul Lama degaan ah

(22-9-2018) Cayaaryaahnkii hore ee Real Madrid iyo Inter Milan Wesley Sneijder ayaa ka bad baaday shil aad u ...