Monday, December 10th, 2018

“Neymar Kama Ciyaari Doono Koox Ay Ka Tirsanyihiin Midkood Messi Ama Ronaldo”

Published on April 14, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(14-4-2018) Pini Zahavi oo ah wakiil ku lug lahaa heshiiskii uu ciyaaryahanka ugu qaalisan dunida Neymar ku yimid Paris Saint-Germain ayaa ka hadlay hamiga laacibka Brazil ee ku aadan u dhaqaaqista koox cusub.

Wakiil Zahavi oo matala weeraryahanka kooxda Bayern Munich Robert Lewandowski oo wareysi siinayay jaraa’id ka soo baxa dalka Poland ayaa qiray in Neymar uu qorsheynayo deegaan cusub, laakiin waxa uu sheegay in uu si wanaagsan uga fiirsan kooxdiisa xigta marka uu ka guuro caasimada France.

“Neymar waxa uu awoodaa in uu sameeyo sida Messi iyo Ronaldo oo kale,kama ciyaari doono koox ay ku suganyihiin” ayuu yiri Zahavi oo wareysi siinayay Przeglad Sportowy.

“Markii uu joogay Barcelona, Neymar waxa uu ahaa mar walba midka labaad,dhana tuurista gool ku laadka, laadka xorta ah iyo dhan walba”

74 Jirka ka soo jeeda Israel ayaa tilmaamay in laacibka ugu qaalisan kubada cagta in xili ciyaareedka soo aadan uu PSG baaqi ku sii ahaan doono waxaana uu ka hadlay muhiimada uu xidigaasi u leeyahay kooxda hogaamineysa horyaalka France.

“Waxa uu yimid Spain isagoo da’yar ah, halkaasi ayuu ku qaatay waqti dahabi ah, hada waa 26 jir ugu yaraan 8 ama 9 sano oo heer sare ah ayaa ku hartay cagihiisa oo uu sii ciyaari karaa”.

“Waxa uu doonayaa xornimo, kooxdiisa PSG waxay leedahay qorshayaal waaweyn,ka hor intii Neymar uusan tagin caasimada France ma jirin laacib weyn oo halkaasi uga horeeyay”.

Wakiil Zahavi oo dhex dhexaadinaya qorshaha Lewandowski iyo Real Madrid ayaa ku lug lahaa kala wareejinta ciyaartooyda tan iyo sanadkii 1979,waana mid kamid wakiilada sumcada ku leh yurub iyo guud ahaan kubada cagta.

Waxa uu wakiil horay ugu soo noqday difaacii hore ee Reds Rio Ferdinand sidoo kale iibkii Chelsea ee Roma Abrahmovich ayuu ku soo lug yeeshay.

 

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Layaab!: Sagaal bilood kadib Romelu Lukaku oo Gool ku dhaliyey Old Trafford

(09-12-2018) Weeraryahanka kooxda Manchester United Romelu Lukaku ayaa ugu dambeyn soo gabagabeeyay abaartii gool la’aaneed ee ku heysatay ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Chelsea oo Jabisay Recotdkii layaabka lahaa ee Manchester City

(09-12-2018) Kooxda Kubada Cagta Chelsea ayaa soo gabagabeysay rikoodhkii guuldarro la’aanta Manchester City kaddib markii ay uga badiyeen ...

Kiniinka Viagra-ha Oo Badan Ayaad Cuntay Oo Xataa Kooxdii Arsenal Ee Guuldaro La’aanta Premier League Guulaysatay Ayaad Soo Gasheen- Piers Morgan Oo Messi Uga Hiilayay Pele

(09-12-2018) Halyaygii hore ee xulka qaranka Brazil ee Pele ayaa waraysi uu siiyay Daily Mirror waxa uu si ...

Geesiga Islaamka Khabib Nurmagomedov oo hadal qiiro leh ka jeediyey Saudi Arabia

(08-12-2018) Feedhyahanka Muslimka ah ee Khabib Khabib Nurmagomedov ayaa weerar ba’an kala kulmay gaalada reer galbeedka oo si ...

Chelsea oo qarka u saaran in ay heshiis lagasho badelka Eden Hazard Waa Kuma?

(08-12-2018) Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa isku diyaarinaysa xaalad kasta oo kasoo korodha xiddigeeda Eden Hazard oo aan ...

Manchester United Oo War Farxadle Ka Heshay Neymar Jr, Kaddib Dhawaaq Kasoo Yeedhay

(07-12-2018) Xiddiga kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ee Neymar ayaa yididiilo geliyey kooxda dhibaataysan ee Manchester United, taas ...

Saadaasha qabiirka Cayaaraha BBC da Mark Lawrenson iyo Todobaadkaan Horyaalka Premier League

(07-12-2018) Horyaalka Premier League ayaa usbuucan la ciyaari doonaa kulamadiisii 16aad, waxaana iskaga hor iman doona kooxo waaweyn ...

Zinedine Zidane Oo Mucaaradkii Ugu Horreeyey Ku Yeeshay Gudaha Manchester United Sabab?

(07-12-2018) Manchester United ayaa ku jirta mid ka mid ah xili ciyaareedadii ugu xumaa muddo ka badan 30 ...

Magacyada iyo Sawirada 6 da Cayaaryahan ee Sanadaha ugu badan kujira Garoomada ee weli Cayaara

(07-12-2018) Waxaan idiin soo gudbineynaa Magacyada iyo Sawirada  6 da Cayaaryahan ee Sanadaha ugu badan kujira Garoomada ee weli ...

Liiska dhaawacyada Barcelona oo si Kordhaya

(07-12-2018) Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa xalay 4-1 ku jiidhay naadiga heerka saddexaad ee Cultural Leonesa oo ay ...

Jamaahiirta Man United oo Kabaha ladul maray mid ka mid ah Cayaartoyda Naadigooda

(07-12-2018)Taageereyaasha kooxda kubadda cagta Manchesster United ayaa magacaabay ciyaartoy musiibo ku ahaa bandhiggooda kulankii xalay ay barbar dhaca ...

Radja Nainggolan oo ka maqnaan doona Inter Milan kulanka Juventus

(07-12-2018) Cayaaryahanka k9o9oxda Inter Milan ee lagu Magacaabo Radja Nainggolan  ayaa lacadeeyey in uu ka maqnaan doono kooxdiisa Cayaarta ...

Maxaa Iska Beddelay Gool-dhalinta Horyaalka Premier League, Yaase Hoggaaminaya?

(06-12-2018) Usbuucii 15aad ayaa soo dhamaaday tartanka horyaalka Premier League, waxaana ay kooxuhu isku diyaarinayaan jadwalka cidhiidhiga ah ...

Jurgen Klopp Oo Ku Sigtay Inuu Gacanta Ula Tago Tababaraha Burnley – Siday Wax U Dhaceen?

(06-12-2018) Tababaraha kooxda kubadda cagta Liverpool, Jurgen Klopp ayaa ku dhawaaday inay dhibaato ka dhex dhacdo dhiggiisa Burnley ...

Muxuu Lionel Messi U Sheegay Modric Kaddib Xafladdii Ballon d’Or?

(06-12-2018) Xiddiga Barcelona ee Lionel Messi ayaa la sheegay inuu farriin u diray Luka Modric waxyar kaddib markii ...