Tuesday, April 24th, 2018

Halyeygii reer Masar Ee Mido Oo Mar Kale Qarxiyey Qorshe Real Madrid Kusoo Xero-gelinayso Mohamed Salah

Published on April 17, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(17-4-2018) Xiddigii hore ee xulka qaranka Masar ee Ahmed Hossam Hussein Abdelhamid oo loo yaqaanay Mido ayaa kashifay qorshe ay kooxda Real Madrid ku doonayso inay xagaaga kusoo xero geliso xiddiga kooxda kubadda cagta Liverpool ee Mohamed Salah, kaas oo wakhtigan hoggaaminaya gool-dhalinta guud ahaan horyaallada qaaradda Yurub.

Mido waxa uu sheegay in Real Madrid ay si aad ah uga shaqaynayso, isla markaana la dhacsan tahay tayada iyo qaab-ciyaareedka Mohamed Salah.

“Real Madrid way jeceshahay Salah, dhamaanteenna waynu arkaynaa bandhig ciyaareedka liita ee Gareth Bale iyo Karim Benzema ee hannaanka ciyaareed ee 4-4-2.” Sidaas waxa yidhi Mido oo waraysi siinayey warbaahinta King Fut.

Ahmed Mido waxa uu xusay in ka hor intii aanu horyaalku bilaabmin uu ka baqayey in Salah uu ku fashilmo Liverpool, laakiin ay hadda u caddaatay inuu heerka xiga u boodi doono, taas oo ah Real Madrid.

“Waxa aan ka baqayey inuu Liverpool ku fashilmo, laakiin waxay ila tahay inuu diyaar u yahay inuu u boodo heerka xiga. Real Madrid waxay isticmaali kartaa xirfaddiisa.” Sidaas ayuu yidhi.

Tan iyo markii uu Salah tegay garoonka Anfield oo ahayd bilowgii xili ciyaareedka, waxa uu dhaliyey 30 gool oo horyaalka Premier League ah, waxaana ay taasi keentay in Mido uu ku doodo in Salah uu yahay ciyaartoygii ugu wanaagsanaa ee soo maray waddanka Masar.

“Waxa aan ogahay in dad badan aanay igu raaci doonin, laakiin fikirkayga, Mohamed Salah waa ciyaartoygii ugu wanaagsanaa taariikhda kubadda cagta Masar” Sidaas ayuu mar kale yidhi Mido.

Si kastaba ha ahaatee, marka uu dhamaado koobka Adduunka ee badhtamaha sannadkan lagu qaban doono Ruusha ayaa la ogaan doonaa halka uu cago-dhigto mustaqbalka Salah oo aan isaga wax war ah laga haynin.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Liiska Shanta Cayaaryahan ee ay Xiligaan Lacagtii ugu badnayd iyo Sida ay u kala Sareeyaan?

(24-4-2018) Waxaa lasoo saaray liisk Cayaartoyda kubada Cagta Caalamka ee Xiligaan helay lacagtii ugu badanayd ee Faa iido ...

Booliska Magaalada Liverpool oo Heegankii ugu Sareeyey lageliyey+Sawiro

(24-4-2018) Wararka ka imaanaya Magaalada Liverpool ee dalka England ayaa sheegaya in Heegankii ugu danbeeyey lageliyey boqolaal booliska ...

Shanta kooxood ee ay u dheeleen Cayaartoyda ugu badan ee ku Guuleysatey PFA Player of the Year+Sawiro

(24-4-2018) Kadib Markii Cayaaryahanka kooxda Liverpool ee Mohamed Salah uu ku Guuleystey abaal marinta Sanad kasta labixiyo ee PFA ...

Garsoore Jaale Bixiye oo dhex dhexaadin doona kulanka Liverpool iyo Roma?

(24-4-2018) Xiriirka kubada Cagta qaarada yurub ee UEFA ayaa soo Saaray Magaca garsooraha dhex dhexaadin doona kulanka adag ...

Muuqaal ahaan u daawo Goolkii dunida kayaabiyey ee uu dhaliyey Olivier Giroud kulankii Southampton

(24-4-2018) Waxaa Calamka oo dhan siweyn looga hadal hayaa Goolkii layaabka lahaa ee uu dhaliyey Weeraryahanka kooxda Chelsea ...

Kooxda Roma oo u duushay Liverpool iyo Kevin Strootman oo ka digay sharta Mohamed Salah+Sawiro

(23-4-2018) Cayaaryahanka dalka Holland ee Khadka dhexe uga dheela kooxda Roma ee Kevin Strootman ayaa u sheegay Cayaartoyda ay ...

Ronaldinho oo Talo Wanaagsan siiyey Paul Pogba una sheegay?

(23-4-2018) Cayaaryaahnkii hore ee Xulka qaranka Braziil Ronaldinho ayaa Talo siiyey Xiddiga dalka France ee u dheela Manchester ...

Jose Mourinho muxuu u sheegay Ander Herrera intii uu socdey dabaal degii Goolka bareejada ahaa ee Alexis Sanchez?

(23-4-2018) Macalinka kooxda Manchester United Jose Mourinho ayaa lasoo saaray fariintii uu u sheegay qaar ka mid ah ...

Maxay ahayd Sababtii Cayaartoyda Horyaalka Talyaanigu daanka u marsadeen Calaamada Guduudan?

(23-4-2018) Todobaadkaan Horyaalka dalka Talyaaniga inta badan Cayaartoydii Cayaartay iyo qaar ka mid ah Garsoorayaashii dhex dhexaadiyey ayaa ...

Jurgen Klopp” Macalinka Roma Waxaan isaga mid Nahay Ookiyaalaha iyo Shaararka Foosha xun ee aan qaadano

(23-4-2018) Macalinka kooxda Kubada Cagta Liverpool Jurgen Klopp oo shir Jaraa id qabtay kahor Kulanka Wareega Semifinalka ee lugta ...

Xiriirka FA ga oo Raali Garayn u diray Tottenham kadib kulankii Manchester United Sabab?

(23-4-2018) Xiriirka kubada Cagta dalka England ee FA ayaa Raali garayn siiyey kooxda Tottenham kadib kulankii Manchester United ...

Cayaartoyda Napoli oo sidii in ay Horyaal qaadeen loogu soo dhaweeyey Magaalada Napoli+Sawiro

(23-4-2018) Kadib Guushii muhiimka ahayd ee ay xalay Gaartay kooxda Napoli Cayaartoyda kooxdaas oo dib ugu laabtay halkii ...

Daawo Sawirada Maxamed Saalax Oo Ku Guuleystay Abaal Marinta Xiddiga Sanadka : PFA Player of the Year 2017-18

(23-4-2018) Laacibka reer Masar ee Maxamed Saalax ayaa ku guuleystay abaal marinta xidiga sanadka ee uu bixiyo ururka ...

Xulka Qaranka Soomaaliya yuu Lacayaari doonaa Semi-finalka koobka Cecafa?

(23-4-2018) Xulka Qaranka Soomaaliya ee 17-Jirada ayaa ku aaday xulka qaranka Uganda oo kaalinta labaad ee Group-ka B ...

Juventus oo Gurigeeda lagu Garaacay iyo Horyaalka Talyniga oo Shirko Noqdey+Sawiro

(23-4-2018) Kooxda Kubada Cagta Napoli ayaa Guul muhiim ah ka Gaartay kulankii Xiisaha badnaa ee ay lacayaareen Naadiga ...