Tuesday, April 24th, 2018

Jose Mourinho oo ku hanjabey in uu qol mugdi ah ku xiri doono dhawr Cayaaryahan kulanka Tottenham

Published on April 17, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(17-4-2018) Xiddigihii Manchester United ee sida liidaata u ciyaaray kulankii Axaddii ee West Brom ay guul-darrada u xambarisay ayaa sababsan doona seefta tababare Jose Mouirnho ciyaarta Sabtida ee semi-finalka FA Cup, taas oo ay iskaga hor iman doonaan Tottenham.

Red Devils ayaa Axaddii la kulantay guul-darro lama filaan ah kaddib markii ay West Brom oo ugu hoosaysa horyaalku ku dhufatay 1-0 iyagoo jooga garoonka Old Trafford, waxaanay taasi fursad u noqotay Manchester City oo horyaalka qaadatay iyadoo aan ciyaarin, balse haddii United ay badin lahayd ku khasbanaan lahayd inay hal kulan oo kale sii dagaallanto.

Guul-darradan ayaa waxa ka cadhooday tababare Jose Mourinho oo tibaaxay in qaar ka mid  ah xiddigihii uu safay oo aan ka soo bixin waajibaadkooda uu ka tuuri doono shaxdiisa kulamada soo socda oo ay ku jirto ciyaarta Semi-finalka FA Cup ee Tottenham.

“Sida aad u ciyaarto ayuun baan ciyaartoyga ku xulan doonaa.” Sidaas ayuu yidhi Mourinho oo sidoo kale tibaaxay in aanu meel u haynin laacibiintii aan sida fiican u ciyaarin.

Mourinho oo digniintiisa sii wata, waxa uu yidhi: “Anigu hal qodob ayuun baan garanayaa: Waa sida aad u ciyaarto”

Laacibka khadka dhexe ee Ander Herrera ayaa uu Mourinho beddelay intii lagu jiray wakhtiga nasashada kulankii West Brom. Sidoo kale, Paul Pogba ayaa la saaray daqiiqaddii 58-aad.

Mourinho oo si gaar ah loo weydiiyey arrinta Pogba waxa uu sheegay inuu haystay kaadh digniin ah, halka uu ku jirayna ahayd meel xasaasi ah oo aanu xataa hal khalad geli kaynin, taas daraadeedna uu u saaray.

 

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Liiska Shanta Cayaaryahan ee ay Xiligaan Lacagtii ugu badnayd iyo Sida ay u kala Sareeyaan?

(24-4-2018) Waxaa lasoo saaray liisk Cayaartoyda kubada Cagta Caalamka ee Xiligaan helay lacagtii ugu badanayd ee Faa iido ...

Booliska Magaalada Liverpool oo Heegankii ugu Sareeyey lageliyey+Sawiro

(24-4-2018) Wararka ka imaanaya Magaalada Liverpool ee dalka England ayaa sheegaya in Heegankii ugu danbeeyey lageliyey boqolaal booliska ...

Shanta kooxood ee ay u dheeleen Cayaartoyda ugu badan ee ku Guuleysatey PFA Player of the Year+Sawiro

(24-4-2018) Kadib Markii Cayaaryahanka kooxda Liverpool ee Mohamed Salah uu ku Guuleystey abaal marinta Sanad kasta labixiyo ee PFA ...

Garsoore Jaale Bixiye oo dhex dhexaadin doona kulanka Liverpool iyo Roma?

(24-4-2018) Xiriirka kubada Cagta qaarada yurub ee UEFA ayaa soo Saaray Magaca garsooraha dhex dhexaadin doona kulanka adag ...

Muuqaal ahaan u daawo Goolkii dunida kayaabiyey ee uu dhaliyey Olivier Giroud kulankii Southampton

(24-4-2018) Waxaa Calamka oo dhan siweyn looga hadal hayaa Goolkii layaabka lahaa ee uu dhaliyey Weeraryahanka kooxda Chelsea ...

Kooxda Roma oo u duushay Liverpool iyo Kevin Strootman oo ka digay sharta Mohamed Salah+Sawiro

(23-4-2018) Cayaaryahanka dalka Holland ee Khadka dhexe uga dheela kooxda Roma ee Kevin Strootman ayaa u sheegay Cayaartoyda ay ...

Ronaldinho oo Talo Wanaagsan siiyey Paul Pogba una sheegay?

(23-4-2018) Cayaaryaahnkii hore ee Xulka qaranka Braziil Ronaldinho ayaa Talo siiyey Xiddiga dalka France ee u dheela Manchester ...

Jose Mourinho muxuu u sheegay Ander Herrera intii uu socdey dabaal degii Goolka bareejada ahaa ee Alexis Sanchez?

(23-4-2018) Macalinka kooxda Manchester United Jose Mourinho ayaa lasoo saaray fariintii uu u sheegay qaar ka mid ah ...

Maxay ahayd Sababtii Cayaartoyda Horyaalka Talyaanigu daanka u marsadeen Calaamada Guduudan?

(23-4-2018) Todobaadkaan Horyaalka dalka Talyaaniga inta badan Cayaartoydii Cayaartay iyo qaar ka mid ah Garsoorayaashii dhex dhexaadiyey ayaa ...

Jurgen Klopp” Macalinka Roma Waxaan isaga mid Nahay Ookiyaalaha iyo Shaararka Foosha xun ee aan qaadano

(23-4-2018) Macalinka kooxda Kubada Cagta Liverpool Jurgen Klopp oo shir Jaraa id qabtay kahor Kulanka Wareega Semifinalka ee lugta ...

Xiriirka FA ga oo Raali Garayn u diray Tottenham kadib kulankii Manchester United Sabab?

(23-4-2018) Xiriirka kubada Cagta dalka England ee FA ayaa Raali garayn siiyey kooxda Tottenham kadib kulankii Manchester United ...

Cayaartoyda Napoli oo sidii in ay Horyaal qaadeen loogu soo dhaweeyey Magaalada Napoli+Sawiro

(23-4-2018) Kadib Guushii muhiimka ahayd ee ay xalay Gaartay kooxda Napoli Cayaartoyda kooxdaas oo dib ugu laabtay halkii ...

Daawo Sawirada Maxamed Saalax Oo Ku Guuleystay Abaal Marinta Xiddiga Sanadka : PFA Player of the Year 2017-18

(23-4-2018) Laacibka reer Masar ee Maxamed Saalax ayaa ku guuleystay abaal marinta xidiga sanadka ee uu bixiyo ururka ...

Xulka Qaranka Soomaaliya yuu Lacayaari doonaa Semi-finalka koobka Cecafa?

(23-4-2018) Xulka Qaranka Soomaaliya ee 17-Jirada ayaa ku aaday xulka qaranka Uganda oo kaalinta labaad ee Group-ka B ...

Juventus oo Gurigeeda lagu Garaacay iyo Horyaalka Talyniga oo Shirko Noqdey+Sawiro

(23-4-2018) Kooxda Kubada Cagta Napoli ayaa Guul muhiim ah ka Gaartay kulankii Xiisaha badnaa ee ay lacayaareen Naadiga ...