Saturday, May 26th, 2018

Magacyada iyo Sawirada 12 Cayaaryahan oo siweyn looga Tebi doono koobka Aduun

Published on May 5, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(05-05-2018) Bisha June badhtamaheeda, waxa waddanka Ruushka ka bilaabmi doona tartanka Kubadda cagta ee dunida ugu weyn, taas oo balaayiin dad ah ay sannadka la qabanayo usii diyaar garoobaan daawashadiisa.

Koobka Adduunka ee sannadkan, waxa kulanka ugu horreeya garoonka layskugu iman doonaa 14 June, waxaanu socon doonaa muddo bil ah oo mucaashaqiinta kubadda cagtu ay daawashadiisa iyo wararkiisa ay si toos ah  uga heli doonaan shabakadda Qalinkacayaaraha

Haddaba shakadda Qalinkacayaaraha waxay halkan idiinku soo gudbinaysaa 12 ciyaartoy oo magac weyn leh oo dhaawacyo kaga maqnaan doona Koobka Adduunka, kuwaas oo dalalkoodu ay si weyn ugu xisaabtamayeen ka hor intii aanay helin warka naxdinta leh ee dhaawacood.

  1. Alex Oxlade-Chamberlain (England): Xiddiga khadka dhexe ee Ingiriisku, waxa uu dhaawac ka gaadhay jilibka isagoo Liverpool u ciyaaraya kulankii Semi-finalka Champions League ay ku martigeliyeen Roma garoonka Anfield. Waxa ils amarkiiba la shaaciyey in aanu ciyaari doonin finalka Champions League iyo Koobka Adduunka.

Warbixin ay Liverpool faafisay ayaa waxay ku tidhi: “Way u dhamaatay xili ciyaareedkii Chamberlain”

  1. Jakob Johansson (Sweden): Laacibka khadka dhexe ee AEK Athens ayaa xulka qaranka Sweden dhaawac kaga maqnaan doono Koobka Adduunka, isagoo u jiifa jug gaadhay wakhtigii isreeb-reebka uu dalkiisu ugu jiray ka-qaybgalka Koobka Adduunka gaar ahaan ciyaartii Sweden ay ku reebtay Talyaaniga.

Johansson ayaa dhaliyey goolkii kulankii hore ay Sweden kaga adkaatay Talyaaniga, waxaana  markaas dalkiisa looga aqoonsaday halyey qaran, hase yeeshee, dhaawac kulankii labaad ku habsaday ayaa uu u jiifi doonaa muddo dheer oo waddankiisuna u dhutin doono koobka Adduunka.

  1. Laurent Koscielny (France): Difaaca Arsenal ayaa garoonka laga dhex qaaday lugtii labaad ee semi-finalka Europa League oo ay ku reebtay Atletico Madrid, waxaana uu ka dhaacmay lugta. Difaacan ayaa seegi doona koobka Adduunka, waxaana si aad ah u tebi doona xulka qaranka Faransiiska.

  1. Youssef Msakni (Tunisia): Way jeclaan lahaayeen in laacibkooda dhexda ee Youssef Msakni oo uu funaanaddooda xidho wakhtiga Koobka Adduunka, hase yeeshee, taageereyaasha Carabta ahi, waxa ay goob joog u ahaayeen halyeygoodan oo horraantii bishii April garoonka dhexdiisa looga qaaday dhaawac dartii. Inkasta oo aan magaciisa laga aqoonin dunida, haddana waxa uu ka mid ahaa rukumadii sababta u noqday in Tunisa ay tagto Koobka Adduunka.

  1. Zlatan Ibrahimovic (Sweden): Halyeygan dunida caanka ka ah ee hadalladiisu muranka badan dhaliyaan ayaan waddankiisa u raaci doonin Koobka Adduunka, sababtoo ah, xidhiidhka kubadda cagta Sweden ayaa shaaciyey in aan loo yeedhi doonin.

Ibrahimovic oo wakhtigan u ciyaara naadiga Los Angeles Galaxy ee waddanka Maraykanka ayaa kasoo laabtay dhaawac sannad qaatay oo diciifiyey awooddiisa, kaas oo xataa Manchester United uu uga ciyaari kari waayey.

Dhamaadkii April 2017 ayuu dhaawac gaadhay, waxaana uu ka tegay Manchester United bishii April 2018 isagoon u ciyaarin oo weli la dhibatoonaya dhaawaca.

    1. Lars Stindl (Germany): Jarmalka ciyaaryahannadu kuma yara oo dunida ayaa uu haystaa, koobka Adduunka ee loo tartami doonana isaga ayaa ku dedaali doonna inuu difaacdo, hase yeeshee, Lars Stindl oo weerarka ka ciyaara ayaa qalliin ka geli doona, waxaana uu seegi doonaa koobka Adduunka.

  1. Karim Benzema (France): Halgamaa, khabiir, xirfadle iyo deggane u dhashay Faransiiska, kooxda Real Madrid na ka caawiyey in labadii sannadood ee u dambeeyey ay gaadho guulo waaweyn, hase yeeshee, fadeexad dhaqan-xumo oo u dhexaysay isaga iyo ciyaartoy kale oo Faransiis ah ayaa keentay in tababare Didier Deschamps uu liiska kooxdiisa ka saaro, lamana filayo inuu u qaato Koobka Adduunka 2018.
  2. Danilo Pereira (Portugal): Udub-dhexaad ka tirsan FC Porto oo aan hal kulan ka maqnaanin in uu dhaawac ahaado mooyee. Danilo Pereira, waxa uu koobka adduunka kaga maqnaan doonaa waddanka Portugal dhaawac.

  1. Aleksandr Kokorin (Russia): Ruushka oo Koobka Adduunka martigelin doona, waxay la dhibaatoonayaan hoos u dhac ku yimid tayada iyo awoodda laacibiintooda, hase yeeshee, waxa usii raacday laacibka Kokorin oo afka hore uga ciyaara oo lagu wargeliyey in aanu ciyaari doonin Koobka Adduunka kaddib dhaawac haleelay ciyaar kooxdiisa Zenit ay la yeelatayy Leipzing.

  1. Zouhair Feddal (Morocco): Dalka doonaya inuu u tartamo martigelinta koobka adduunka ee 2026 ee Morocco waxa sannadkan ay u safrayaan waddanka Ruushka iyadoo uu ka maqan yahay Feddal.

  1. Santi Cazorla (Spain): Laga soo bilaabo sannadkii 2013, Santi Cazorla waxa uu u jiifay dhaawac, waxaana uu maray siddeed qalliin oo kala duwan oo lagaga sameeyey boqonta. Aakhirkii waxa u dhacay Infakshan baabi’iyey carjowda boqonta oo sababtay in gebigeedaba la jaro, kaddibna dib layskugu xidhiidhiyo. Waxa xaqiiqo ah, in aanu haysanin rajo uu mar dambe kubadda cagta ku ciyaaro, sidoo kalena haba-soo hadal qaadin Koobka Adduunka.

REPORTAJE

Dhinaca kale, waxa jira ciyaartooyo shaki ku jiro inay ka qayb-geli doonaan Koobka Adduunka iyo inkale, waxaana ka mid ah Manuel Neuer, Jerome Boateng, Serge Gnabry iyo Emre Can.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Liverpool vs Real Madrid: Afar Meelood Oo Go’aamin Doona Natiijada Ciyaarta Caawa ee Finalka Champions League

(26-5-2018) Kaddib 12 ciyaarood iyo in ka badan 250 maalmood oo uu socday tartanka Champions League, waxa aakhirkii ...

Marcelo Oo Hanjabaad Culus U Diray Mohamed Salah iyo Jurgen Klopp

(26-5-2018) Halgamaaga dhinaca bidix ee Real Madrid, Marcelo ayaa digniin u diray Mohamed Salah ka hor ciyaarta caawa ...

Real Madrid vs Liverpool: Falanqaynta Ciyaarta Caawa Ee Finalka Champions League

(26-5-2018) Kaddib 12 ciyaarood iyo in ka badan 250 maalmood oo uu socday tartanka Champions League, waxa aakhirkii ...

Shax isku Dhaf ah oo Laga sameeyay Kooxaha Real Madrid iyo Liverpool iyo Madrid oo xiddigaha ugu badan ku leh!!

(26-5-2018) Labo ka mid ah kooxaha ugu guulaha badan Yurub ayaa isku heysta Champions League xilli ciyaareedkan 2018, ...

Dhaawaca iga muuqda waxaa igu dhigay Cristiano Ronaldo Sabab?Sawiro

(26-5-2018) Xiddiga kooxda Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa lasheegay in uu dhaawac u geystey mid ka mid ah ...

Daawo Sawirada Magaalada Kiev oo qaati kataagan Taageerayaasha Waalan ee kooxda Liverpool

(26-5-2018) Magalaada Kiev oo Caawa Marti gelineysa Cayaarta kama damabaysta ah ee koobka Horyaalada yurub ayaa beryahaan waxaa mashaquuliyey ...

Xog: UEFA Oo Xanibaat ku sameeysay Qooysaska Cayaartoyda Liverpool iyo Real Madrid, Ogow Sababta?

(26-5-2018) Xiriirka Kubada cagta qaarada yurub ee Magaciisa loo soo Gaabiyo UEFA ayaa xaqiijiyey in ayna qoysaska xiddigaha ...

Unai Emery oo durba soo saaray liiska Cayaartoyda uu doonayo+Sawiro

(26-5-2018) Macalinka cusub ee kooxda Kubada Cagta Arsenal Unai Emery ayaa soo saaray liiska Cataartoyda uu doonayo waxaana liiskaas ...

Daawo Sawirada Liverpool oo qaadatay Tababarkii ugu danbeeyey ee kulanka Champions League

(26-5-2018) Kooxda Kubaad cagta Liverpool ee dalka England ayaa qaadatay tababarkii ugu danbeeyey ee ay ugu diyaar garoobayaan ...

Halyeygii Reer Brazil Ee Ronaldo Nazario oo Saadaal ka baxiyey Kulanka Finalka koobka Champions League

(26-5-2018) Xiddigii hore ee xulka qaranka Brazil iyo Kooxaha Ajax, Barcelona, Inter Milan iyo Real Madrid ee Ronaldo ...

Arturo Vidal oo Wajahaya 10 Sano oo Xabsi adag ah

(26-5-2018) Xiddiga Bayern Munich iyo xulka qaranka Chile ee Arturo Vidal ayaa halis ugu jira inuu ku dhaco ...

Mohamed Salah Oo Aan Soomin Maanta iyo Berri Oo ay Dhacayso Cayaarta Finalka Champions League

(25-5-2018) Xiddiga kooxda kubbadda cagta Liverpool ee Mohamed Salah ayaa faadir ah maanta oo Jimce ah iyo berri ...

Arsenal oo Wadahadal lafuratay Stephan Lichtsteiner

(25-5-2018) Kooxda Kubada cagta Arsenal ayaa lasheegayaa in ay Xiriir lasameysey daafaca kooxda Juventus ee lagu Magacaabo Stephan Lichtsteiner ...

Luis Ronaldo” Aad ayaan u jeclahay Mohamed Salah

(25-5-2018) Weeraryaahnkii hore ee xulka qaranka Braziil Luis Ronaldo ayaa yiri aad ayaan u jeclahay Mohamed Salah waayo ...

Mohamed Salah Oo Ka Hadlay Sida Uu Ugu Daydo Zidane, Waxa Uu Ka Filayo Finalka, Awoodda Real Madrid, Kaalinta Klopp Iyo La-shaqaynta Mane & Firmino

(25-5-2018) Xiddiga kooxda kubadda cagta Liverpool ee Mohamed Salah ayaa waraysi dheer oo uu bixiyey waxa uu kaga ...