Tuesday, November 13th, 2018

Wararkii ugu danbeeyey ee Suuqa kala iibsiga Cayaartoyda

Published on May 9, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(09-05-2018) Suuqa kala iibsiga xagaaga ayaa furmi doona maalmo kadib iyada oo si Rasmi ah loo furi doono dhamaadka horyaalada ugu waaweyn yurub oo ku jira marxaladihii ugu dambeeyay.

Suuqa xagaaga oo noqon doona mid si weyn lacago loo kharash garayn doono ayaa furmi doona wakhti dambe oo bishan aynu ku jirno ee May.

Koox walba ayaa u diyaar garoobi doonta sidii ay kooxdeeda u xoojin lahayd waliba gacanta ugu soo dhigi lahayd xiddigaha ay u baahan yihiin.

Weeraryahanka kooxda Everton ee Wayne Rooney oo 32 jir ah ayaa wadahadalo kula jira kooxda reer America ee DC United isaga oo doonaya in uu u wareego xagaaga(Washington Post).

Kooxda Man United ayaa diyaar u ah in ay Xiddiga Anthony Martial ku darto heshiiska 19 jirka khadka dhexe uga ciyaara kooxda Borussia Dortmud ee Christian Pulisic(Mirror).

Kooxda Barcelona ayaa doonaysa in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga daafaca uga ciyaara ee Samuel Umtiti kaas oo heshiiskiisa lagu bur-burin karo 52 milyan oo euro xilli ay Man United aad u doonayso saxiixiisa(Sun).

Tababaraha Kooxda Juventus ee Massimiliano Allegri ayaa sheegay in uu kooxdiisa Juventus la fariisan doono wadahadalana la qaadan doono dhamaadka xilli ciyaareedkan xilli lala xiriirinayo Arsenal(Express).

Tababaraha Arsenal ee Arsene Wenger oo ka tagi doona kooxda Arsenal dhamaadka xilli ciyaareedkan ayaa sheegay in laga yaabo in uu door agaasime ka qaabto kooxda Paris St-Germain(Telegraph).

Xiddigaha kooxda Arsenal ayaa ka niyad jabsan dhaawacyada badan ee xiddiga Mesut Ozil xilli uu xidigu dhaawac ku seegay kulankii ugu dambeeyay Arsene Wenger ee Emirates(Mail).

Wakiilka xiddiga Yaya Toure ayaa sheegay in ciyaaryahanku uu balanqaaday inuu bixin doono kala bar mushaharkiisa haddii kooxdiisa cusub aysan ku qancin qaab ciyaareedkiisa xilli ciyaareedka soo aadan (Express).

Kooxda Man City ayaa dib u bilowday wadahadalada ay ku doonayso in ay kula saxiixato xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Leicester city Riyad Mahrez oo 27 jir ah kadib markii uu heshiisku bur-buray suqii Janaury(Times).

Kooxda Juventus ayaan wali wax dalab ah ka soo gudbin weeraryahanka kooxda chelsea ee Alvaro Morata oo 25 jir ah inkasta oo uu xiddigu heshiiska shaqsiga ah la gaaray kooxda reer Italy(Goal).

Madaxweynaha kooxda Atletico Madrid ee Enrique Cerezo ayaa sheegay in uu Weeraryahanka Antoine Griezmann oo 27 jir ah sii joogi doono kooxda xilli ciyaareedka dambe wax walba oo dhaca(AS).

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Macalin Antonio Conte muxuu ku maagay Sergio Ramos?

(13-11-2018) Tababarihii hore ee kooxda Chelsea ee Antonio Conte ayaa ugu dambayn ka baxay aamusnaantii isaga oo jawaabo ...

London oo markale qaabileysa Samir Nasri

(13-11-2018i) Cayaaryahankii hore ee Arsenal Samir Nasri ayaa lagu wadaa inuu dib ugu soo laabto Magaalada London iyadoo ...

Rasmi: Santiago Solari oo loo Magacaabay Macalinka Rasmiga ah ee Real Madrid

(13-11-2018) Maamulka kooxda Kubada Cagta  Real Madrid ayaa si Rasmi ah xilka ugu dhiibatay Santiago Solari iyagoona ka ...

Lionel Messi oo ku Guuleystey Xiddiga Sanadka iyo abaal marinta Pichichi

(13-11-2018)Lionel Messi ayaa  loo gacan galiyay abaal marinta Pichichi  ee 2017/18 kaddib markii uu gool dhalinta La Liga ...

Halyeygii Reer Brazil Ee Roberto Carlos Oo Sameeyey Ballan-qaad Ka Farxiyey Jamaahiirta Real Madrid

(12-11-2018) Halyeygii reer Brazil ee Roberto Carlos ayaa sameeyey ballan-qaad ka farxiyey jamaahiirta kooxdiisii hore ee Real Madrid, ...

Leroy Sane Oo Magacaabay Labada Ciyaartoy Ee Ugu Wanaagsan Taariikhda Kubadda Cagta – Miyuu Iloobay Pele, Maradona, Zidane, Ronaldinho Iyo Halyeeyadii Jarmalka?

(12-11-2018)Xiddiga reer Germany ee garabka uga ciyaara Manchester City ee Leroy Sane ayaa magacaabay labada ciyaartoy ee uu ...

XOG: Afar Arrimood Oo Madaxweynaha Real Madrid Ku Qasbi Doona In Santi Solari Loo Magacaabo Tababare Rasmi Ah

(12-11-2018) Santi Solari waxa uu sii wadaa natiijooyin wanaagsan oo uu ku kasban karo in si rasmi ah ...

Sanchez oo Gadood ka ah Xiddigaha United isagoo kaliya la Hadla Seddax Laacib

(12-11-2018)P ALEXIS SANCHEZ ayaa qarka u saaran inuu ka hayaamo Man United wuxuuna sheegay inuu gadood ka yahay ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Chelsea oo Taako loo dhigay

Chelsea ayaa awood u yeelan weysay iney dhaafo kooxda Everton oo marti u aheyd kaddib markii ay ku ...

Daawo: Manchester United oo qaadatay Casharada Pep Guardiola iyo David Silva

(12-11-2018) Kooxda Manchester City ayaa guul dhamaystiran Etihad Stadium kaga gaadhay kooxda ay dariska yihiin ee Manchester United ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Barcelona oo dhulka lagu jiidey

(12-11-2018) Kooxda Barcelona aya guuldaro lama filaan ah kala kulanta kooxda Real Betis oo marti ugu ahayd gegida ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Inter Milan oo Guul daro Xanuun badan kala kulantay Atalanta

(11-11-2018) Kooxda Kubada Cagta Inter Milan ayaa Guuldaro Xanuun badan kala kulantay Naadiga Atalanta waxaana looga badiyey 4-1. Inter Milan ...

Kulamada Super Sunday Saacadaha Geeska Africa ee ay bilaaban doonaan?

(11-11-2018) Waxaa Maanta oo axad ah lacayaari doonaa kulamadii ugu xiisaha badnaa waxaana iska hor imaan doona kooxo ...

Taageerayaasha AC Milan oo soo bandhigay qorsha ay ku qaabili doonaan Leonardo Bonucci

(11-11-2018) Kulan adag ayaa ka dhici doona Garoonka San Siro ee Magaalada ,Milano kaas oo dhex mari doona ...

Alexandre Pato oo iska fogeeyey in uu ku soo laaban doono AC Milan

(11-11-2018) Weeraryahankii hore ee kooxda AC Milan Alexandre Pato ayaa beeniyey Warar dhawaan soo baxay oo sheegayey in uu ku ...