Saturday, October 20th, 2018

Lewandowski Oo Kulan Qarsoodi Ah La Qaatay Wakiilkiisa, Go’aankii Uu U Laqimay & Real Madrid Iyo Chelsea Oo Uu Ka Farxiyey

Published on May 16, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(17-5-2018) Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Bayern Munich ee Robert Lewandowski ayaa kulan qarsoodi ah la yeeshay wakiilkiisa Pini Zahavi, kaas oo uu kagala hadlay mustaqbalkiisa.

Kulan oo ahaa casho ayaa uu weeraryahankan 29 jirka reer Poland waxa uu ugu sheegay wakiilkiisa inuu doonayo inuu ka tago kooxda Bayern Munich, isla markaana uu dhegaysto dalabyada kooxaha raadinaya.

Real Madrid iyo Chelsea ayaa marar dhowr ah lala xidhiidhiyey inuu tegayo, hase yeeshee, Bayern Munich ayaan doonaynin inay lumiso laacibkeedan u dhaliyey goolasha ugu badan oo saddex sannadood ka hadhsan tahay heshiiskiisa.

Wargeyska SunSport ayaa soo bandhigay sawirrada kulanka casharada sirta ah oo ka dhacay magaalada Munich gaar ahaan maqaaxida cuntada ee Izakaya oo lagu sameeyo cuntooyinka Asia, kuna yaalla badhtamaha Magaalada Munich.

Lewandowski oo dhowaan ay isku dhaceen wakiilkiisii hore ee Cezary Kucharski oo toban sannadood ay wada shaqaynayeen, ayaa bishii February u wareegay wakiilka Yuhuudiga ah ee Zahavi oo xidhiidh dhow la leh Chelsea, isla markaana ka dambeeyey heshiiskii qaaliga ahaa ee Neymar uu ugu wareegay PSG xagaagii tegay.

Weeraryahankan hore ee Borussia Dortmund ee Lewandowski ayaa Bayern Munich waxa uu xili ciyaareedkan ku guuleystay kabta dahabka ah ee horyaalka Bundesliga, waxaana uu dhaliyey 29 gool, hase yeeshee, waxa kale oo uu noqday ciyaartoygii koowaad ee aan ahayn Jarmal ee Munich u dhaliya goolasha ugu badan.

Real Madrid ayaa ah bartilmaameedkiisa koowaad sida la aaminsan yahay, iyadoo kooxduna ay si dhow xaaladdiisa ula socoto, sababtoo ah waxay u baahan yihiin weeraryahan awood badan maadaama uu Karim Benzema shan gool oo kaliya u dhaliyey xili ciyaareedkan oo dhan horyaalka LaLiga.

Lewandowski oo Bayern Munich ay sannadkii 2014 heshiis xor ah kaga qaadatay Borussia Dortmund ayaa ay adag tahay in kooxdiisu si sahal ah kusii deyso, hase yeeshee, marka uu suuqu furmo Koobka Adduunka kaddib ayaa la ogaan doonaa kooxda uu ka ciyaari doono sannadka dambe.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

DEG DEG: Lionel Messi oo Garoonka laga Saaray kadib dhaawac Culus oo soo gaaray+Sawiro

(21-10-2018) Cayaaryahanka kooxda Barcelona ee Linel Messi ayaa laga saaray Kulanka xiisaha badan ee ay lacayaarayaan kooxda Sevilla ...

Juventus oo lumisey dhibcihii koobaad Horyaalka Talyaaniga Xiligaan+Sawiro

(21-10-2018) Kooxda Kubada Cagta Juventus ee hogaanka u haysa Horyaalka Talyaaniga ayaa lumisey dhibcihii koobaad kadib markii ay ...

Daawo: Manchester City oo u awood sheegatay Burnley lana wareegtay hogaanka Horyaalka Ingiriiska

(20-10-2018) Kooxda Manchester ayaa ka faa’iidaysataya barbarihii ay Cheslealagashay Man United, waxayna si toos ula wareegtay hogaanka horyaalka, ...

Goolka Cristiano Ronaldo oo Record Cusub ku soo kordhiyey Kubada Cagta yurub?

(20-10-2018) Cayaaryahanka kooxda Kubada cagta Juventus ee Cristiano Ronaldo oo Gool ka dhaliyey kooxda Genoa kulan hada socda oo ...

Kumuu ahaa Cayaaryhanka loo doortay Man of the Match Kulankii Chelsea iyo Manchester United

(20-10-2018) Kadib kulankii xiisaha badnaa ee dhe maray kooxaha Chelsea iyo Manchester United waxaa lasoo saaray Cayaaryahankii loo ...

Jose Mourinho muxuu u dagaalamay markii labareejeeyey kooxdiisa+Sawiro

(20-10-2018) Macalinka kooxda Manchetser United Jose Mourinho ayaa la arkayey isaga oo dagaalamaya Markii laga dhaliyey Goolka bareejada ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Real Madrid oo lagu garaacay Garoonkeeda

(20-10-2018) Kooxda Kubada Cagta Real Madrid ayaa Guuldaro kala kulantay kooxda Levante oo ay Duhurnimadii maanta kula Cayaareen ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Chelsea oo bareejo ka tuugtay Manchester United

(20-10-2018) Kooxda kubada Cagta Manchetser United ayaa ku dhawaatay in ay Garoonkeeda ku Garaacdo kooxda Chelsea kadib markii ...

Dhamaan Kulamada Galabta iyo Caawa Saacadaha Geeska Africa ee midkastaa bilaaban doonto

(20-10-2018) Waxaa Galabta iyo Caawa lacayaari doonaa kulamo aad u xiiso badan oo kutirsan Horyaalada kala duwan ee ...

Daawo Sawirada Cayaartoyda Manchester United oo soo gaaray London

(20-10-2018) Cayaartoyda kooxda Manchyester United ayaa soo gaaray magaalada London halkaa oo ay ka degeen Hotel iyaga oo ...

Paris Saint-Germain oo bilaawday in ay Raadiso badelka Neymar

(20-10-2018) Kooxda Kubaad cagta Paris Saint-Germain  ayaa lasheegayaa in ay durba bilaawday Cayaaryahankii badelka u noqon lahaa Xiddiga dalka ...

Daawo Sawirada Kooxda Banaadir Sports oo qaaday koobkii Jeneral Da uud 2018

(19-10-2018) Kooxda Kubada Cagta Banaadir Sports ayaa ku Guuleysatay koobka koobabka Jeneral Daa uud ka dib markii ay ...

Baaritaan lagu Samayn doono qaabkii ay AC Milan ula Wareegtay Lucas Paqueta?

(19-10-2018) Wararka ka imaanaya dalka Braziil ayaa sheegaya in baaritaan lagu samayn doono qaabkii uu u dhacay heshiiska ...

Magacyada iyo Sawirada 6 da Macalin ee ugu Guuldarada Badana Taariikhda Premier League

(19-10-2018) Waxaan idiin soo gudbineynaa aqristeyaal Magacyada iyo Sawirada 6 da Macalin ee ugu Guuldarada badan Taariikhda Horyaalka Premier ...

Digniin: Julen Lopetegui oo loo qabtay Sadex Kulan in uu shaqadiisa ku bad baadiyo

(19-10-2018) Maamulka kooxda Kubada Cagta Real Madrid ayaa lasheegayaa in ay digniin kama dambays ah u direen Macalinka ...