Friday, January 18th, 2019

Faalo kusaabsan koobka aduunka Maalmaha kaharay iyo Garoomada lagu dheeli doono

Published on May 19, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(20-5-2018) labaatan iyo lix Maalmood oo kali ah ayaa innaga xiga maalinta loo asteeyey in uu dalka Ruushka si rasmi ah uga furmo tartanka koobka kubadda cagta adduunka ee 2018 kaasi oo durba xummadiisu dunida qabanayso dalal badan oo adduunka ahna si weyn looga dhur sugayo.

Garoomada waaweyn eek u kala yaalla Magaalooyinka waaweyn ee dalka Ruushka oo ka mid ah dalalka adduunka ugu quwadda weyn uguna xadaaradda durugsan ayaa waxa isku haleeli doona 32 kooxood oo loo qaybiyey 4 kooxood waxaana la sheegayaa in diyaar garawgu meel wanaagsan marayo iyada oo dad badan oo aanay u suurto galin in ay Russia u safraan aad u xiisaynayaan in ay mar uun shaashadaha kala socdaan koobka ugu xiisaha badan tartamada isboorti ee adduunka.

muuqaalka garoomada Koobka Adduunka lagu qabanayoKubadda Cagta oo ah tan ugu shacbiyadda badan adduunka ayaa waxa sannadkan si gaar ah koobkeeda adduunka xiisahiisa u sii kordhinaya dagaalka ay koobkan u gali doonaan dalalka Brazil, England, Germany, Spain, France, iyo Argentine  oo wata xiddigo waaweyn oo ay mar walba ka filan karaan in ay guusha koobka u horseedaan.

Garoomada lagu ciyaarayo koobka kubadd acagta adduunka ayaa si weyn loo diyaariyey oo habaysan iyada oo shalay ay FIFA sheegtay in Moscow diyaar gaarwgii ugu wanaagsanaa ay ku samaysay qabashada maxfalka weyn ee caalamiga ah.

Xiddigo waaweyn oo koobkan dhaawac uga maqnaan doona ka sokow waxa iyana dhibaato ka taagan tahay xiddigo dhawr ah oo ay macalimiintoodu ka tageen iyaga oo aan ku soo darsan liiskooda kama dambaysta ah. Macalimiinta Dalalka Jarmalka, Ingiriiska iyo Faransiiska ayaa shalay iyo dorraad soo kala saaray liisaskoodii ugu dambeeyey ee ay u kaxaysanayaan dhinacaa iyo dalka qabawga ee lagu naanayso Peer.

Rabiot iyo Wagner oo u kala shashay Faransiiska iyo Jarmalka ayaa la yaabay sida ay macalimiintoodu uga yimaaddeen ee aanay ugu soo darsan liiskoodu. Waxa kale oo taageerayaasha Faransiisku aad uga naxeen dhaawacii uu Payet ku seegay koobkan isaga oo dhaawacmay kulankii Europa League.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Madaxweynaha Ac Milan Paolo Scaroni Oo Dhac Layaab Leh Loo Geystay & Haweeney Qaab Cajiib Ah Garab Usiisay Dambiilaha.

(16-12-2018) Madaxweynaha kooxda Ac Milan Paolo Scaroni ayaa lagu soo waramayaa in laga xaday jimcadii shalay aheyd boorso ...

Macalinka Kooxda Liverpool Jurgen Klopp oo Ka Hadlay Jose Mourinho Ka Hor Ciyaarta Manchester United iyo Liverpool

(16-12-2018) Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa ka hadlay dhigiisa Manchester United ee Jose Mourinho iyo ciyaarta ay ...

Khabiirada Shabakadda Mirror Football Oo Isku Khilaafay Shaxda Isku Dhaf Ah Kulanka Liverpool vs Man United – Mid Walba Shax Ayuu Doortay!

(16-12-2018) Kulanka ugu weyn England ayaa berito dhici doona, waana kulan aan laga mideysneyn aragtida laga aaminsan yahay, ...

Wiilkii Uu Dunida Kaga Tegay Feedhyahankii Muslimka Ahaa Ee Mohamed Ali Oo Qarka U Saaran Inuu Dawarsado Ama Tuugsado Sabab?

(16-12-2018) Wiilka kaliya ee uu dhalay feedhyahankii Muslimka ahaa ee Muhammad Ali ayaa ku sugan xaalad nololeed oo ...

Wanda Nara Oo Diyaarinaysa Qandaraas Dabar Ku Noqonaya Mauro Icardi

(16-12-2018) Wanda Nara oo ah xaaska iyo Wakiilka ciyaartoyga reer Argentina ee Mauro Icardi oo afka hore uga ...

Farriintii Uu Diego Costa U Diray Arsenal Markii Uu Dhaawacay Laurent Koscielny Iyo Qaabkii Axmaqnimada Ahaa Ee Uu Isku Difaacay

(16-12-2018) Difaaca Arsenal ee Laurent Koscielny ayaa shaaciyey inuu u bilaabmay wax uu ugu yeedhay ‘Cutubka Cusub Ee ...

Barcelona Oo Baadi Goobaysa Beddelka Luis Suarez Iyo Xiddigaha Ay Isha Ku Hayso

(16-12-2018) Luis Suarez hadda da’diisu waxay noqotay 32 jir, waxaana kooxdiisa Barcelona u muuqatay in ay u baahan ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Manchester City oo Mar Kale Hogaanka Si Ku Meel Gaadh ah U Qabatay Maanta.

(15-12-2018) Cayaar ay maanta wada ciyaareen kooxda Manchester City iyo kooxda Everton oo ahayd horyaalka dalka ingiriiska oo ...

Layaab!: Boqortooyada Kuwait oo la ogaadey in ay lacag ka dhacday Cayaartoy waa weyn oo magac leh

(15-12-2018) Lix bilood kaddib markii dalka Kuwait uu martigeliyey ciyaar ay iskugu yimaaddeen xiddigaha waaweyn ee dunida oo ...

Dhamaan Kulamada Sabtiga iyo Saacadaha Geeska Africa ee ay bilaaban doonaan?

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa dhamaan Cayaaraha dhici doona Sabtiga ee ku tirsan Horyaalada kala duwan ee qaarada ...

Halyeygii Manchester United Ee Willie Morgan Oo Magacaabay Afarta Ciyaartoy Ee Uu Doonayo In Kooxdiisa Hore Iska Iibiso Bisha January

(15-12-2018) Halyeygii Manchester United ee Willie Morgan ayaa aaminsan in tababaraha kooxdaas Jose Mourinho ay tahay inuu iibiyo ...

May Ahayn In Arsenal Loo Ogolaado Inay Ciyaarto Europa League – Tababaraha Qarabag Oo Dood Cajiib Ah Bedka Keenay Kaddib Guushii Gunners Sabab?

(15-12-2018) Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa sii wadda guul-darro la’aanta xidhiidhka ah, waxaanay xalay 1-0 ku muquunisay naadiga ...

Qorshaha Jose Mourinho Ku Qaban Doono Salah, Mane & Firmino, Dhibaatada Difaaca Ee Haysata Iyo Sida Uu U Kala Xulan Doono Xiddigaha Uu Haysto

(15-12-2018) Manchester United ayaa Axadda safar ugu tegaysa Liverpool oo kulankooda ugu horreeya xili ciyaareedkan ee horyaalka Premier ...

Cristiano Ronaldo Oo Markale looga yeeray Maxkamad dalka Spain ah iyo Ciqaabta uu lakulmi doono?

(15-12-2018) Maxkamad ku taalla dalka Spain ayaa go’aamisay xilliga ay dhegaysan doonto dacwad la xidhiidha lunsi cashuuro oo ...

Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018 kaas ...