Thursday, January 17th, 2019

Arturo Vidal oo Wajahaya 10 Sano oo Xabsi adag ah

Published on May 25, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(26-5-2018) Xiddiga Bayern Munich iyo xulka qaranka Chile ee Arturo Vidal ayaa halis ugu jira inuu ku dhaco xukun maxkamadeed oo toban sannadood oo xadhig ah, kaddib markii uu rabshad ka sameeyey goob lagu caweeyo.

Afhayeen u hadlay xafiiska xeer ilaalinta waddanka Jarmalka oo lagu magacaabo Florian Weinzierl ayaa shaaciyey in Vidal iyo walaalkii Sandriano ay bishii September ee sannadkii tegay ay rasbshad ka sameeyeen hotel ku yaalla magaalada Munich, halkaas oo ay dad dhaawacyo ugu geysteen.

Afhayeenku waxa uu sheegay in maalinta la dhegaysan doono dacwadda aan weli wakhti loo qaban, hase yeeshee, xukun ciqaabeedka ku dhici doona uu u dhaxayn doono lix bilood illaa toban sannadood.

“Waxa aanu ku eedaynay inuu laba qof waxyeelleeyey, waxaana lagu xukumayaa sharciga loo adeegsado cidda waxyeelaysa qof kale.” Sidaas ayuu yidhi.

Dhacdadan hadda xukunkeedu soo baxayo ayaa waxay dhacday 16 September, 2017, markaas oo uu Vidal tegay hotelka caanka ah ee Oktoberfest si uu ugu damaashaado guul 4-0 ahayd oo Bayern ay ka gaadhay Mainz.

Markhaatiyo joogay goobta ayaa waxay sheegeen in Vidal, walaalkii Sandriano iyo saaxiibo kale oo la socday ay si xun u sakhraameen, kaddibna ay dadka ku kaceen.

Vidal ayaa dhawr quraaradood ku tuuray dhulka, kaddibna miiskii wax lagu cabbayey fuulay oo dusha kaga istaagay, waxaana uu waxyeello u geystayy dhawr qof oo goobta joogay, waxaana falkiisa oo kale sameeyey qolyihii la socday oo rabshadda joojin waayey illaa ay ciidamada boolisku goobta soo gaadhayeen.

Hal qof ayaa dhaawac uu gaadhay markii ay quraarad khamri ahi madaxa kaga dhacday, taas ayaana ah khasaaraha ugu weyn ee binu-aadam ee hotelka laga xaqiijiyey.

October 2014, Vidal ayaa rabshad ka sameeyey hotel lagu caweeyo oo ku yaalla magaalada Turin markii uu khamri ka dhargay, marar dhawr ahna waxa uu iska xaadiriyey garoonka tababarka isagoo cabsan, taas oo uu ku mutaystay in Juventus ay ku ganaaxdo £89,000.

Sandriano ayaa isagana marar dhowr ah jeel la geeyey iyadoo markii ugu dambaysay ahayd sannadkii 2016 oo sidan oo kale uu rabshad uga sameeyey Hotel.

Tababarihii hore ee xulka qaranka Chile, haddana ah macallinka Argentina Jorge Sampaoli ayaa hore u sheegay in Vidal uu jecel yahay Khamriga isla markaana aanu naftiisa maamuli karaynin, uuna u baahan yahay dhakhtar.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Madaxweynaha Ac Milan Paolo Scaroni Oo Dhac Layaab Leh Loo Geystay & Haweeney Qaab Cajiib Ah Garab Usiisay Dambiilaha.

(16-12-2018) Madaxweynaha kooxda Ac Milan Paolo Scaroni ayaa lagu soo waramayaa in laga xaday jimcadii shalay aheyd boorso ...

Macalinka Kooxda Liverpool Jurgen Klopp oo Ka Hadlay Jose Mourinho Ka Hor Ciyaarta Manchester United iyo Liverpool

(16-12-2018) Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa ka hadlay dhigiisa Manchester United ee Jose Mourinho iyo ciyaarta ay ...

Khabiirada Shabakadda Mirror Football Oo Isku Khilaafay Shaxda Isku Dhaf Ah Kulanka Liverpool vs Man United – Mid Walba Shax Ayuu Doortay!

(16-12-2018) Kulanka ugu weyn England ayaa berito dhici doona, waana kulan aan laga mideysneyn aragtida laga aaminsan yahay, ...

Wiilkii Uu Dunida Kaga Tegay Feedhyahankii Muslimka Ahaa Ee Mohamed Ali Oo Qarka U Saaran Inuu Dawarsado Ama Tuugsado Sabab?

(16-12-2018) Wiilka kaliya ee uu dhalay feedhyahankii Muslimka ahaa ee Muhammad Ali ayaa ku sugan xaalad nololeed oo ...

Wanda Nara Oo Diyaarinaysa Qandaraas Dabar Ku Noqonaya Mauro Icardi

(16-12-2018) Wanda Nara oo ah xaaska iyo Wakiilka ciyaartoyga reer Argentina ee Mauro Icardi oo afka hore uga ...

Farriintii Uu Diego Costa U Diray Arsenal Markii Uu Dhaawacay Laurent Koscielny Iyo Qaabkii Axmaqnimada Ahaa Ee Uu Isku Difaacay

(16-12-2018) Difaaca Arsenal ee Laurent Koscielny ayaa shaaciyey inuu u bilaabmay wax uu ugu yeedhay ‘Cutubka Cusub Ee ...

Barcelona Oo Baadi Goobaysa Beddelka Luis Suarez Iyo Xiddigaha Ay Isha Ku Hayso

(16-12-2018) Luis Suarez hadda da’diisu waxay noqotay 32 jir, waxaana kooxdiisa Barcelona u muuqatay in ay u baahan ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Manchester City oo Mar Kale Hogaanka Si Ku Meel Gaadh ah U Qabatay Maanta.

(15-12-2018) Cayaar ay maanta wada ciyaareen kooxda Manchester City iyo kooxda Everton oo ahayd horyaalka dalka ingiriiska oo ...

Layaab!: Boqortooyada Kuwait oo la ogaadey in ay lacag ka dhacday Cayaartoy waa weyn oo magac leh

(15-12-2018) Lix bilood kaddib markii dalka Kuwait uu martigeliyey ciyaar ay iskugu yimaaddeen xiddigaha waaweyn ee dunida oo ...

Dhamaan Kulamada Sabtiga iyo Saacadaha Geeska Africa ee ay bilaaban doonaan?

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa dhamaan Cayaaraha dhici doona Sabtiga ee ku tirsan Horyaalada kala duwan ee qaarada ...

Halyeygii Manchester United Ee Willie Morgan Oo Magacaabay Afarta Ciyaartoy Ee Uu Doonayo In Kooxdiisa Hore Iska Iibiso Bisha January

(15-12-2018) Halyeygii Manchester United ee Willie Morgan ayaa aaminsan in tababaraha kooxdaas Jose Mourinho ay tahay inuu iibiyo ...

May Ahayn In Arsenal Loo Ogolaado Inay Ciyaarto Europa League – Tababaraha Qarabag Oo Dood Cajiib Ah Bedka Keenay Kaddib Guushii Gunners Sabab?

(15-12-2018) Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa sii wadda guul-darro la’aanta xidhiidhka ah, waxaanay xalay 1-0 ku muquunisay naadiga ...

Qorshaha Jose Mourinho Ku Qaban Doono Salah, Mane & Firmino, Dhibaatada Difaaca Ee Haysata Iyo Sida Uu U Kala Xulan Doono Xiddigaha Uu Haysto

(15-12-2018) Manchester United ayaa Axadda safar ugu tegaysa Liverpool oo kulankooda ugu horreeya xili ciyaareedkan ee horyaalka Premier ...

Cristiano Ronaldo Oo Markale looga yeeray Maxkamad dalka Spain ah iyo Ciqaabta uu lakulmi doono?

(15-12-2018) Maxkamad ku taalla dalka Spain ayaa go’aamisay xilliga ay dhegaysan doonto dacwad la xidhiidha lunsi cashuuro oo ...

Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018 kaas ...