Monday, October 22nd, 2018

Mohamed Salah Oo Ka Hadlay Sida Uu Ugu Daydo Zidane, Waxa Uu Ka Filayo Finalka, Awoodda Real Madrid, Kaalinta Klopp Iyo La-shaqaynta Mane & Firmino

Published on May 25, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(25-5-2018) Xiddiga kooxda kubadda cagta Liverpool ee Mohamed Salah ayaa waraysi dheer oo uu bixiyey waxa uu kaga hadlay ciyaarta habeen dambe dhex mari doonta Real Madrid vs Liverpool ee finalka Champions League, xiddigihii uu ku dayan jiray markii uu carruurta ahaa, siday u wada shaqeeyaan Mane & Firmino, guubaabada Tababare Klopp iyo arrimo kale.

Salah oo maanta u warramay website-ka UEFA, ayaa waxa uu ugu horreyn sheegay inuu ku dayan jiray saddex ciyaaryahan oo kala ahaa halyeygii xulka qaranka Talyaaniga ee Francesco Totti, xiddigii Brazil ee Ronaldo iyo tababaraha hadda Real Madrid, Zinedine Zidane.

“Carruurnimadaydii, waxa geesiyadayda ahaa Francesco Totti, Ronaldo iyo Zinedine Zidane” ayuu yidhi.

Salah oo la weydiiyey waxa uu ka filayo ciyaarta finalka iyo siday Real Madrid ku qaabili doonto, waxa uu ku jawaabay: “Waa koox ku guuleysatay koobkan in ka badan cid kasta oo kale. Waa kooxdii ku guuleysatay saddexda jeer Champions League afartii sannadood ee tegay, waxay leeyihiin khibrad. Hore ayey ugu guuleysteen, laakiin ciyaartani waa mid, laba maaha, sidaas dardeed, kaliya waxa aanu u baahanahay inaanu diiradda saarno oo aanaan ka fikirin wixii hore. Marka aad ciyaarta gasho, waa 11 ka hor imanaya 11.”

Salah oo ka jawaabayey su’aal kale oo laga weydiiyey waxa ay ka dhigan tahay in  koobka lagu guuleysto, waxa uu yidhi: “Runtii ma garanayo wax aan idhaahdo, laakiin inaad ku guuleysato Champions League wax walba way ka duwan tahay. Waa wax weyn inaad ku guuleysato Champions League, inaad ciyaarto finalkuna waa riyo rumowday. Cid walba oo magaalada joogta way ku faraxsan tahay kooxda. Waxa aan xasuustaa laba sannadood ka hor, waxaan koobka ka daawanayey Masar, waxaanan arkay sida jewigu yahay.”

Mohamed Salah waxa uu sheegay inuu ku hamiyi jiray inuu ku guuleysto kabta dahabka ah ee uu sannadkan ka qaaday horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, waxaanu xusay inuu ku dedaali doono inuu sii joogteeyo qaab ciyaareedkaas wanaagsan.

“Shaqo adag ayaa fure u ahayd guusha, waxa ugu muhiimsanna waa in heerkaas lasii joogo oo sannadka dambena sidii aan u shaqeeyo. Hadda waxa aanu taaganahay final, waana inaanu ka fikirno finalka oo kaliya, waxaanan aaminsanahay inaanu ciyaar ku nimid. Laba sannadood ka hor waxaan joogay Roma oo aan laba xili ciyaareed oo wanaagsan la qaatay, qof walbana wuxuu iga codsaday inaan sii joogo, laakiin anigay iga go’nayd inaan kusoo laabto England oo aan ku guuleysto.” Sidaas ayuu mar kale yidhi.

Xiddiga reer Masar waxa uu tibaaxay in tababare Klopp uu ciyaartoy kasta siiyo xorriyad iyo kalsooni marka uu garoonka ku jiro, laacib kastaana uu fursad u haysto inuu goolal dhaliyo, saaxiib dhowna ay la yihiin tababarahooda.

Ugu dambayn, waxa uu Salah sheegay in Mane iyo Firmino ay wada shaqayn fiican leeyihiin, mid kastaana isku dayo inuu ka kale caawiyo, taasina ay u suurtogalisay in ay dhaliyaan 29 gool tartanka Champions League xili icyaareedkan.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Kulamada koobka Champions League ee Caawa iyo Saacadaha Geeska Africa ee ay bilaaban doonaan?

(23-10-2018) Waxaa lacayaari doonaa kulamo xiiso badan oo kutirsan koobka UEFA Champions League gaara ahaa Cayaarihii 3 aad ee wareega ...

Daawo: Cristiano Ronaldo oo loogu yeeray Ciidamo amaankiisa suga kadib markii uu kadegay Manchester

(23-10-2018) Boqolaal taageerayaal jidbeysan ah ayaa ku soo xoomey Cayaaryahanka dalka Portugal iyo Juventus Cristiano Ronaldo kadib markii isaga ...

Ugu danbayn Cristiano Ronaldo oo Saxaafada soo hor fariistay kana hadlay sheekeeyin badan oo xiiso leh+Sawiro

(23-10-2018) Cayaaryahanka kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa kahadalay shir Jaraa id ka hor kulanka xiisaha badan ee ay ...

Lix ka mid ah Cayaartoyda Manchester United oo dhaawac ku seegi doona Kulanka Juventus+Sawiro

(23-10-2018) Kooxda Kubaad Cagta Manchester United oo soo dhaweyneysa Naadiga dalka Talyaaniga ee Juventus ayaa lasheegayaa in ay ...

Daawo: Segio Ramos oo ku ceeboobey Xerada Tababarka Real Madrid muuu sameeyey?

(23-10-2018) Sida lagu soo bandhigay muuqaal laga duubay Tababarkii kooxda Real Madrid ee isniintii kabtanka kooxdaas Segio Ramos ...

Jose Mourinho oo fariin u diray Real Madrid

(23-10-2018) Macalinka kooxda Manchester United Jose Mourinho oo ka hadlayey shir Jaraa id ayaa laweydiiyey hadii uu dib ...

Daawo Sawirada Juventus oo u duushay Magaalada Manchester

(22-10-2018) Kooxda kubada Cagta Juventus ee dalka Talyaaniga ayaa u duushay Magaalada Manchester halkaa uu ay habeenka Talaadada ...

Jose Mourinho” Waa wiilyar fadlan markale jaanis halasiiyo yaan shaqada laga Cayrin

(22-10-2018) Macalinka kooxda Manchester United Jose Mourinho ayaa shaaca ka qaaday in uusan wax colaad ah u qabin ...

Daawo Sawirada Tababarkii Juventus kahor kulanka Manchester United iyo Cristiano Ronaldo oo kahdlay kulaabashada Old Trafford

(22-10-2018) Cayaaryahanka kooxda Juventus iyo dalka Portugal Cristiano Ronaldo ayaa ku laaban doonaa Garoonkii uu kasoo bilaabay halgankiisa Kubada Cagta ...

Rasmi: Alexis Sanchez oo Manchester United ka maqnaan doona kulanka Juventus Sabab?Sawiro

(22-10-2018) Cayaaryahanka kooxda Manchester United ee Alexis Sanchez ayaa lagu dhawaaqay in uu ka maqnaan doono kooxdiisa kulanka xiisaha ...

Magacyada 11 kii Cayaaryahan ee Todobaadkaan ugu fiicnaa Horyaalka Premier League

(22-10-2018) Kadib markii lacayaaray Kulamadii 9 aad ee Horyaalka Premier League dalka England ayaa waxaa lasoo saaray qiimeyn lagu ...

Ilgooni ah ku eeg Wiilkan Timaha weyn Jose Mourinho ayaa ka Caashaqay Caruurta Manchester United+Sawiro

(22-10-2018) Macalinka kooxda Manchester United Jose Mourinho ayaa doortay mid ka mid ah Cayaartoyda da.da yar ee Naadigaas ...

Eden Hazard oo inuu kaligiis Isla Hadlo ku kallifay Tababare Sarri, Sababta Ogow

(22-10-2018) Mar Farxad Gelin doonto, Taageere, Ciyaartoy iyo qof kasta oo Chelsea wanaageeda ka fakara, marka uu maqlo ...

Xiriirka Kubada Cagta Talyaaniga oo loo doortay Madaxweyne Cusub

(22-10-2018) Xiriirka kubada Cagta dalka Talyaaniga ayaa Maanta galay doorasho aad u adah oo ay ku loolamayeen laba ...

Icardi oo kuso wajahan Horyaalka Premier League-ga, Yuu ku biirayaa?

(22-10-2018) Kooxda Chelsea ayaa ku fikireysa in janaayo ay u dhaqaaqdo saxiixa xidiga kooxda Inter Milan ee Icardi. Tababaraha ...