Wednesday, August 22nd, 2018

Cristiano Ronaldo oo ku hadlay hadal ka Caraysiiyey Jamaahiirta Real Madrid?

Published on May 26, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(27-5-2018) Xidiga xulka qaranka Portugal iyo kooxda Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa hadal sidii miinada oo kale ah ku qarxiyay xaflada dabaal dega kooxdiisa Los Blancos ee koobkeeda 13 aad ee UEFA Champions League wuxuuna si lama filaan ah u shaaciyay in uu go’aan ka gaadhayo mustaqbalkiisa isaga oo waliba si aan la rumaysan karin uga hadlay.

Inkasta oo uu Cristiano Ronaldo kooxdiisa la qaadanayay waqtigii ugu fiicnaa ee xili ciyaareedkan maadama oo ay ku guulaysteen koobkii saddexaad oo xidhiidh ah ee Champions League ayuu isla markii ay soo dhamaatay ciyaartii finalkii Champions League waxa uu aduunka kaga yaabsaday in uu mustaqbalkiisa Madrid uu si aan la filayn uga hadlay.

Cristiano Ronaldo oo xataa u muuqday mid ay indhihiisa ilmo ku taagan tahay isla markaana murugo wayn dareemaya ayaa dareen isku dhaf ah oo yaab ku noqday ciyaartoyda kooxdiisa, jamaahiirta Real Madrid iyo kuwa caalamka ayaa ku sheegay in wax fiican u ahayd in uu ka soo ciyaaray Real Madrid isla markaana uu maalmaha soo socda mustaqbalkiisa shaacin doono.

Ronaldo oo arinmahan si lama filaan ah uga hadlaya ayaa yidhi: “Wax fiican ayay ahayd in aan Real Madrid u soo ciyaaray, maalmaha soo socda waxaan jawaab siin doonaa jamaahiirta kuwaas oo markasta garabkayga taagnaa. Mustaqbalayga? Hadda waqtiga ayaan ku raaxaysanayaa, maalmaha soo socda ayaan jamaahiirta jawaab siin doonaa”.

Cristiano Ronaldo oo ka hadlaya in magaca Champions League loo badalao CR7 Champions League maadaama oo uu shan jeer ku soo guulaystay ayaa yidhi: “Ayuu markale ahaa gool dhaliyihii ugu sareeyay Pichichi?, Champions League-ga waxaa waajib ku ah in dib loogu magacaabo CR7 Champiions League…. Shan jeer ayaan ku soo guulaystay waxaanan markale ahay gool dhaliyaha ugu sareeya, sidaa daraadeed ma murugaysnaan karo”.

Cristiano Ronaldo oo ka jawaabaya hadii uu jamaahiirta Real Madrid uu ku macasalaameeyay finalkii Kiev ee Champions League ayaa yidhi: “Miyay taasi ahayd macasalaamayn? dhawrka maalmood ee soo socda ayaan jawaabta bixin doonaa, waqti xaadirkan waxaa waajib nagu ah in aanu waqtiga ku raaxaysano”.

Ugu danbayn Ronaldo ayaa hadalkiisa ku soo xidhay: “Mustaqbalka ciyaartoyna muhiim ma ah waqti xaadirkan, taariikh ayaanu samaynay, maalmaha soo socda ayaan wax sheegi doonaa. Hadda wax shaki ahi igagama jiro, wax muhiim ah ma aha, waa in aan nasto, oo aan kooxda qarankayga u tago kadib dhawrka usbuuc ee soo socda…..”.

 

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Wiil uu dhalay Ra iisul Wasaarihii hore ee Talyaaniga oo ka Cayaari doona Horyaalka dalkaas

(22-8-2018) Kooxda Kubada Cagta Udinese oo Cayaarta Horyaalka heerka koobaad ee dalka Talyaaniga ayaa lacadeeyey in ay heshiis lagaareen ...

N’Golo Kante Oo Cafis Weydiistay Taageere Reer Arsenal Ah – Muxuu Ku Sameeyey?

(22-8-2018) Cayaaryahanka khadka dhexe ee N’golo Kante ayaa raalligelin siiyey taageere reer Arsenal ah kaddib markii ay dhamaatay ...

Eden Hazard ooh al shuruud ku xiray heshiis Cusub oo uu Chelsea u Saxiixo?

(22-8-2018) Kubad Sameeyaha kooxda Chelsea ee Eden Hazard  ayaa shuruud ku xiray in uu heshiis Cusub lagaaro Naadigiisa waxaana ...

Shan Cayaaryahan oo uu kujiro Mesut Ozil oo lumisey kalasoonida Macalin Unai Emery+Sawiro

(22-8-2018) Tan iyo Markii macalin Unai Emery loo mahacaabay xilka kooxda Arsenal waxaa soo baxayey kalsooni daro iyo wel ...

Ma ogtahay in aan James Milner laga badin Taariikhdiisa kulan Premier League ah?

(22-8-2018) Waa macquul in uu layaab kugu abuuray aqriste qodobkaan aynu ku eegeyno Record-ka layaabka leh ee uu ...

Miralem Pjanic oo heshiis Cusub u Saxiixay Juventus+Sawiro

(22-8-2018) Cayaaryahanka kooxda Juventus ee Miralem Pjanic ayaa ugu danbayn qalinka dul dhigay Waraaqda isaga oo Saxiixay heshiis cusub ...

Manchester United oo war cad ka soo saartay doonisteeda Zinedine Zidane iyo Mustaqbalka Jose Mourinho?

(21-8-2018) Kooxda kubada Cagta Manchester United oo beryahaan aad loola Xiririyey Macalinkii hore ee Real Madrid Zinedine Zidaneayaa ...

Macalinka Inter Milan Luciano Spalletti oo laganaaxay

(21-8-2018) Maca;linka kooxda kubada Cagta Inter Milan ee Luciano Spalletti ayaa ganaax kala kulmay Gudiga Maamula Horyaalka Talyaaniga ...

TV ga Sky Sports oo shaaciyey Tirada dadkii daawaday kulankii koobaad ee Cristiano Ronaldo’

(21-8-2018) TV ga Caanka ah ee Sky Sports qaybtiisa baahisa Horyaalka dalka talyaaniga ayaa shaaca ka qaaday Tirada ...

Goolhaye Claduio Bravo Oo Halis Ugu Jira In Uu Seego Inta Ka Dhiman Xili Ciyaareedka Cusub

(21-8-2018) Kooxda kubada cagta Manchester City ayaa inta ka dhiman heysan doonta hal goolhaye oo kooxda koowaad k ...

Mino Riola Oo Weerar Afka Ah Ku Qaaday Paul Scholes Sabab?

(21-8-2018) Wakiilk laacibka xulka qaranka France Pogba ee Mino Riola ayaa weerar afka ah ku qaaday halyeyga Manchester ...

Daawo: Liverpool oo Guul muran badan ka Gaartay kulankii Crystal Palace

(21-8-2018) Liverpool ayaa guushii labaad oo xiriir ah gaartay xilli ciyaareedka cusub ee Premier League ka dib markii ...

Cayaaryahan ka Cayaara Premier League oo Kufsi lagu soo eedeeyey?

(21-8-2018) Cayaaryahan aan la magacaabin oo ka dheela Premier League ayaa lagu eedeeyay in uu magaalada London ku ...

Alexis Sanchez oo lakulmay Weerar kaga yimid Taageerayaasha Manchester United+Sawiro

(21-8-2018) Cayaaryahanka kooxda Manchester United ee Alexis Sanchez ayaa lakulmay Weerar dhanka baraha bulshada ah oo kaga yimid Taageerayaasha ...

Kooxaha ku dagaalamaya saxiixa Claudio Marchisio oo Juventus laga cayriyey

(21-8-2018) Waxaa jira kooxo fara badan oo qaarada yurub ah kuwaas oo ku dagaalamaya Saxiixa Cayaaryahankii hore ee ...