Tuesday, June 19th, 2018

Real Madrid vs Liverpool: Falanqaynta Ciyaarta Caawa Ee Finalka Champions League

Published on May 26, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(26-5-2018) Kaddib 12 ciyaarood iyo in ka badan 250 maalmood oo uu socday tartanka Champions League, waxa aakhirkii finalka iskugu soo hadhay Real Madrid  iyo Liverpool oo caawa ku kala calaf-qaadi doona magaalada Kiev, halkaas oo Reds ay ku guuleysan doonto koobkeedii siddeedaad ama ay Madrid markeedii 13aad hanan doonto.

Ciyaarta caawa, waxa labada kooxood uu dagaalku ku dhex-mari doonaa afar aag oo midka ku gacan sarreeyaa uu la hoyan doono koobka iyo guusha qiimaha iyo lacagta badan wadata.

Goolhayeyaasha

Loris Karius oo Liverpool ah  iyo Keylor Navas oo uu wehelinayo Kiko Casilla ayaa labada kooxood soo difaacayey tan iyo bilowgii tartankan.

Karius waxa uu Liverpool u ciyaaray kulan kasta oo tartanka Champions League ah xili ciyaareedkan, hase yeeshee Real Madrid laba kulan ayaa uu dhaawac kaga maqnaa Navas, waxaana booskiisa galay Casilla.

Navas oo u dhashay waddanka Costa Rica, waxa uu Madrid u ciyaaray 10 kulan tartankan, waxaana uu badbaadiyey 32 ka mid ah 43 kubbadood oo lagu toogtay, taas oo ka dhigan in celcelis ahaan uu 72.09 boqolkiiba uu badbaadiyey kubbadihii goolkiisa tegay. Laakiin dhinaca kale, Karius waxa lagu toogtay 25 kubbadood oo kaliya, waxaana uu badbaadiyey 25 ka mid ah, waxaanay celcelis ahaan noqonaysaa  inuu 65.79 boqolkiiba shabaqiisa ka ilaaliyey kubbadihii loola tegay.

Sidaas oo ay tahay,  Karius waxa aan wax goolal ah laga dhalinin lix ka mid ah 12 ciyaarood oo kooxdiisu yeelatay tartanka Champions League ee xili ciyaareedkan, halka labada goolhaye ee Madrid ee Navas iyo Casilla ay saddex kulan oo kaliya goolkooda nadiif ka dhigeen.

Kulanka caawa, fure ayay labadan goolhaye noqon doonaan, kii ku guuleysta dedaalkiisa iyo dagaalkiisa ayaana kooxdiisa ka caawin doona inay libin badan yeelato.

Difaaca

Intii uu tartanku socday, tababaraha Liverpool, Jurgen Klopp waxa uu isticmaalay sagaal difaac oo kala duwan.

Da’yarka Trent Alexander-Arnold ayaa ah ciyaartoyga ugu wanaagsan marka la eego kubbadaha uu ku guuleystay inuu shabaqiisa kasoo qabto, waxaanu dilay 62 ka mid ah kubbadihii baashiisa ka socday. Lovren ayaa isaguna badbaadiyey kubbado badan oo goolal noqon karayey.

Dhinaca akhlaaqda, difaaca Liverpool aad ayuu u fiicnaa waxaana kaadhka cas loo taagay hal ciyaartoy oo kaliya oo ahaa Joseph Gomez, kaadhka digniinta ahna siddeed jeer ayay difaaca Reds qaateen, mana jiro hal ciyaartoy oo laba kaadh wax ka badan qaatay.

Real Madrid, hoggaamiyaha aan muranku ku jirin waa Sergio Ramos oo ah kabtanka naadiga, kaas oo 80 kubbadood oo halis ahaa ka badbaadiyey goolkiisa intii uu tartanku socday. Marcelo ayaa kusoo xiga oo 58 ka mid ah kubbadihii goolkiisa ku socday qabtay, halka Rapahel Varane uu yahay laacibka ugu badan ee soo tuura kubbadaha goolkiisa horteeda taga.

Dhinaca akhlaaqadda ma jiro difaacyahan Real Madrid ah oo kaadhka cas lagu saaray, hase yeeshee kaadhadhka ugu badan ee digniin ah ayaa la siiyey Dani Carvajal oo ay u qoran yihiin afar kaadh oo digniin ah intii uu tartanku socday.

Dhexda

Mishiinnada badbaadiyeyaasha khadka dhexe ee labadan kooxood usuurtogeliyey inay finalka tartanka Champions League yimaaddaan waa Jordan Henderson iyo Casemiro, kuwaas oo kooxahooda ka  dilay kubbado badan oo goolal lagaga dhalin lahaa haddii aanay meesha joogi lahayn.

Henderson, waxa  uu dilay 78 kubbadood oo halis gelin lahaa goolkiisa, laakiin Casemiro ayaa isaguna 66 kubbadood iska difaaacay.

Toni Kroos ayaa haysta rikoodhka kubbad dhiibista, waxaana uu bixiyey kubbado aad u badan oo dhamaantood uu gaadhsiiyey halkii uu ku waday. 93.72 boqolkiiba kubbadihii uu dhiibay, waxay si guul leh u gaadheen bar-tilmaameedkoodii.

Liverpool, Emre Can ayaa khadka dhexe ahaa udub-dhexaad, kubbadihii uu bixiyeyna 85.64 boqolkiiba waxay tageen halkii uu ku waday.

Dhinaca kale, laacibiinta Real Madrid ee Lucas Vazquez iyo Isco ayaa caawiye ka noqday in ka badan laba gool hal ciyaar gudaheed, halka Georginio Wijnaldum uu yahay laacibka kaliya ee Liverpool ah ee caawiye ka noqday hal gool iyo ka  badan hal ciyaar gudaheed.

Weerarka

Isku-darka goolasha ay dhaliyeen labada kooxood intii uu socday tartanka Champions League waa 70 gool, waana labada kooxood ee marka mid mid loo eego dhaliyey goolasha ugu badan.

Real Madrid, Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyey 15  gool oo ka mid ah 30 gool oo kooxdiisu dhalisay, hase yeeshee Liverpool goolasheedu aad ayey u qaybsan yihiin.

Labada weerar, kaliya ma dhaliyaan goolasha, hase yeeshee waxay sameeyeen caawin badan iyo fursado badan oo halis ahaa.

Ciyaartoyga ugu deeqsisan isku-darka labada kooxood waa Roberto Firmino oo caawiyey toddoba gool, taas oo hal gool ka badan caawinta uu sameeyey saaxiibkii James Milner. Sidoo kale, Firmino waxa uu aad uga sarreeyaa Cristiano Ronaldo oo caawiyey saddex gool oo kaliya.

Ronaldo ayaa haysta rikoodhka kubbadihii ugu badnaa ee goolka lagu toogtay, waxaana uu ganay 79 toogasho oo 33 ka mid ah ay ugu hagaageen bartil-maameedkiisa.

Sidaas oo ay tahay, waxa jira ciyaartoy ka duwan labadan laacib ee aynu sare kusoo sheegnay, waana Mohamed Salah oo ah xiddiga ugu khatarta badan marka kubbaddu lugtiisa ku jirto. Orodkiisa iyo xarfaddiisa ayaa fure u ahaa dhamaan guulihii Liverpool.

Xiddigan reer  Masar ee Muslimka ah, waxa uu ku guuleystay 28 xarfadood oo uu ku kala daadiyey difaaca, kuwaas oo uu si guul leh kubadda ugu dhiibay asxaabtiisa ama dhaliyey wakhti uu kala daadiyey difaacii kasoo horjeeday.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Rikooradii layaabka lahaa ee laga diiwaan geliyey Kulankii England iyo Tunisia?

(19-6-2018) Kadib Kulankii xiisaha lahaa ee dhex maray dalalka England iyo Tunisia waxaa lasoo saaray Rikooro laga diiwaan geliyey ...

Vladimir Putin oo aan daawan doonin Kulanka labaad ee koobka aduunka dalkiisa Sabab?

(19-6-2018) Madaxweynaha wadanka marti gelinaya koobka aduunka ee Ruushka Vladimir Putin ayaa lasheegayaa in uusan ka mdi ahaan ...

Daawo: England oo dirqi ku badisay iyo Harry Kane oo Taariikhdu xusi doonto

(19-6-2018) Xulka qaranka England ayaa guul dirqi ah oo daqiiqadihii ugu danbeeyay ah ka gaadhay Tunisia waxaana Three ...

DEG DEG: Diyaarad sidey Cayaartoyda Xulka Suadi Arabia oo hawada dab ku qabsaday iyo Xaaladooda oo laga dayrinayo

(19-6-2018) Diyaarad ay saaran yihiin ciyaartoyga xulka qaranka Suadi Arabia ayaa uu dab ku qabsaday iyada oo hawada ...

Nikola Kalinic oo laga Cayriyey Xulka dalka Nikola Kalinic ee Koobka aduunka Sabab?

(19-6-2018) Weeraryahanka Kooxda AC Milan iyo qaranka Croatia Nikola Kalinic ayaa loodiray Gurigiisa kadib markii uu diidey in uu badel ...

David de Gea oo Noqonaya Goolhayaha Caalamka ugu Mushaarka badan?

(19-6-2018) Goolhayaha kooxda Kubaad cagta Manchester United ee David de Gea ayaa lasheegay in uu Noqon doono kan ...

Daawo: Bandhigii Xulka Belgium-ka Wacdarihii Romelu Lukaku iyo Farshaxankii De Bruyne

(19-6-2018) Xulka qaranka Belgium ayaa guul wayn ku furtay koobka aduunka ee Russia 2018 kadib markii ay 3-0 ...

Wakiilka Xiddig Argentin ah oo Wadahadal u Jooga Magaalada London?

(18-6-2018) Kooxda Kubada cagta Arsenal ayaa Casuumaad u fidisey Wakiilka Cayaaryahanka khadka dhexe ee Naadiga Sevilla iyo Xulka ...

Sergio Ramos oo ku Maadeystey Cristiano Ronaldo Tababarka dalka Spain

(18-6-2018) Daafaca dalka Spain kabtanka au ah ee Sergio Ramos ayaa ku maadeystey Saaxiibkii Cristiano Ronaldo intii lagu ...

Arsenal oo dooneysa Xiddiga Sevilla ee Steven N’Zonzi,

(18-6-2018) Kooxda kubada Cagta Arsenal ayaa isku diwaan gelisey Saxiixa Xiddiga Naadiga Sevilla ee u dhashay dalka France Steven ...

Gerard Pique oo lagu eedeeyey in uu qiyaanay koodiisa Barcelona Sabab?

(18-6-2018) Difaaca xulka qaranka Spain iyo Barcelona ee Gerard Pique ayaa gaashaanka ku dhuftay eedaymo ah inuu khiyaameeyey ...

Daaficii hore ee dalka Braziil Cafu muxuu kayiri Rejada koobka aduunka ee dalkiisa?

(18-6-2018) Kabtankii hore ee Brazil Cafu ayaa sheegay in Selecao ay ku guuleysan doonto Koobka Adduunka xagaaga 2018. Cafu ...

Manchester United oo £60 million ku dooneysa Willian

(18-6-2018) Kooxda Kubada Cagta Manchester United ayaa lacadeeyey in ay dooneyso Xiddiga dalka Braziil ee u dheela kooxda ...

Fabio Capello Oo Bannaanka Soo Dhigay Kala-duwanaanshaha Cristiano Ronaldo Iyo Lionel Messi

(18-6-2018) Halyayga reer Talyaani Fabio Capello ayaa weerar ku qaaday xubnaha xulka qaranka Argantina ee kaga qeyb galaya ...

Waa Kuma Ciyaartoyga Xulka England Ee Tunisia Ka Baqayso?

(18-6-2018) Tababraha xulka qaranka Tunisia, Nabil Maaloul ayaa aaminsan in xiddiga xulka qaranka England ee Dele Alli uu ...