Saturday, October 20th, 2018

Xiriirka UEFA Oo Shaaciyey Qiimaynta Wadamada Iyo Kooxaha Yurub Ee 2018/19, Real Madrid & Spain Oo Qiimaynta UEFA Hogaaminaya.

Published on May 30, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(30-5-2018) Xidhiidhka kubbada cagta Yurub ee UEFA ayaa si rasmi ah u shaaciyay qiimaynta xili ciyaareed kasta lagu sameeyo wadamada iyo kooxaha Yurub ee ” UEFA rankings” Taas oo ku salaysan xogta natiijooyinkii kooxaha Yurub ay ka heleen shantii sano ee ugu danbeeyay ee ay ka soo ciyaareen tartamada Yurub, waxaana sanadkii lixaad oo xidhiidh ah qiimaynta UEFA ee wadamada Yurub hogaaminaya dalka Spain iyada oo Real Madrid ay iyaduna dhinaca kooxaha calanka u sido.

Qiimaynta UEFA ayaa soo baxday saddex maalmood kadib markii la soo gabagabeeyay finalkii UEFA Champions League ee Kiev ka dhacay waxayna qiimayntani si wayn wax ugu tartaa kooxaha iyo wadamada Yurub iyada oo xataa lagu saleeyo tirada kooxaha ee wadan uga qayb galaya Champions League ama Europa Lague.

Sidoo kale qiimayntan ayaa wax wayn kooxaha uga tartan marka isku aadka Champions League la samaynayo iyada oo kooxba kooxda ay ka qiimaynta sarayso ay soo gasho Pots ka sare waxayna UEFA faah faahin ka bixisay sida ay qiimayntan u dhacday.

Qiimaynta uu wadan ka helo UEFA ayaa ku xidhan natiijooyinka guud ee kooxaha dalkaasi ka soo hooyeen tartamada kooxaha Yurub shantii sano ee la soo dhaafay oo laysku daray, waxaana si aan la yaab lahayn wadamada Yurub u hogaaminaya Spain iyada oo waliba Real Madrid markii shanaad oo xidhiidh ah ay kaalinta kowaad kaga jirto qiimaynta UEFA.

Kooxda Atletico Madrid ayaa kaalinta labaad u soo booday kadib markii ay ku guulaysatay Europa League, waxaana labada kooxood ee qiimaynta Yurub ugu sareeyaa ay ka soo jeedaan Spain gaar ahaan caasimada Madrid.

Kooxaha Barcelona iyo Bayern Munich ayaa min hal boos hoose uga dhacay halkii sanadkii hore ku jireen, halka Manchester City ay noqotay kooxda ree England ee ugu qiimaynta saraysa iyada oo markii ugu horaysay soo gashay tobanka kooxood ee ugu qiimaynta sareeya , lakaiin Liverpool 12 kaalmood sare u soo kacday kadib guulihii ay sanadkan ka gaadhay Champions League laakiin wali waxay ku jirtaa kaalinta 22 aad.

Manchester United ayaa kaalinta 12 aad ku jirta halka Chelsea ay ku fadhido booska 13 aad waxaana jira kooxo badan oo waa wayn oo aan boos fiican kaga jirin qiimaynta ugu danbaysay ee UEFA.

Tobanka Kooxood Ee Qiimaynta Ugu Saraysa UEFA Ka Helay 2017/18:

Haddii aan ku sii socono qiimaynta wadamada Yurub ee UEFA ay soo saartay, dalka Spain ayaa xili ciyaareedkii lixaad oo xidhiidh ah kaalinta kowaad kaga jira qiimaynta UEFA waxaana kaalinta labaad ku jira England oo laba kaalmood sare uga soo kacay xili ciyaareedkii hore si la mid ah Italy oo kaalinta saddexaad ku jirta isla markaana hal kaalin soo guurtay waxayna tani la micno tahay in Germany uu kaalinta afraad u dhacay.

Halkan Kaga Bogo Tobanka Wadan Ee UEFA Ka Helay qiimaynta Ugu Saraysa Ee 2017/18:

Waxyaabaha ugu muhiimsan ee qiimayntan laga faa’iido waxaa ka mid ah in lagu go’aaminayo afarta wadan ee xidhiidhka kubbada cagtoodu uu qiimaynta ugu saraysa ka helaa in ay min afar kooxood oo toos ugu soo baxaya heerka groupyada Champions league ay ku leeyihiin.

Tusaale ahaan Germany oo kaalinta afraad u dhacay haddii uu kaalinta shanaad u dhaco waxa uu lumin doonaa afarta boos ee tooska ah kooxihiisu ugu soo baxayaan heerka Groupyada Champions League iyada oo Italy ay si wayn sare ugu soo kacday oo Germany gadaal iska marisay waxayna cadaadis ku haysaa England.

Si aad dhamaan kooxaha Yurub oo idil aad qiimayntooda u hesho waxaad riixi kartaa halkan shabakada UEFA ee rasmiga ah oo ah goobta lagu kaydinayo xogta qiimaynta ee la soo saaray: UEFA Rakings

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

DEG DEG: Lionel Messi oo Garoonka laga Saaray kadib dhaawac Culus oo soo gaaray+Sawiro

(21-10-2018) Cayaaryahanka kooxda Barcelona ee Linel Messi ayaa laga saaray Kulanka xiisaha badan ee ay lacayaarayaan kooxda Sevilla ...

Juventus oo lumisey dhibcihii koobaad Horyaalka Talyaaniga Xiligaan+Sawiro

(21-10-2018) Kooxda Kubada Cagta Juventus ee hogaanka u haysa Horyaalka Talyaaniga ayaa lumisey dhibcihii koobaad kadib markii ay ...

Daawo: Manchester City oo u awood sheegatay Burnley lana wareegtay hogaanka Horyaalka Ingiriiska

(20-10-2018) Kooxda Manchester ayaa ka faa’iidaysataya barbarihii ay Cheslealagashay Man United, waxayna si toos ula wareegtay hogaanka horyaalka, ...

Goolka Cristiano Ronaldo oo Record Cusub ku soo kordhiyey Kubada Cagta yurub?

(20-10-2018) Cayaaryahanka kooxda Kubada cagta Juventus ee Cristiano Ronaldo oo Gool ka dhaliyey kooxda Genoa kulan hada socda oo ...

Kumuu ahaa Cayaaryhanka loo doortay Man of the Match Kulankii Chelsea iyo Manchester United

(20-10-2018) Kadib kulankii xiisaha badnaa ee dhe maray kooxaha Chelsea iyo Manchester United waxaa lasoo saaray Cayaaryahankii loo ...

Jose Mourinho muxuu u dagaalamay markii labareejeeyey kooxdiisa+Sawiro

(20-10-2018) Macalinka kooxda Manchetser United Jose Mourinho ayaa la arkayey isaga oo dagaalamaya Markii laga dhaliyey Goolka bareejada ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Real Madrid oo lagu garaacay Garoonkeeda

(20-10-2018) Kooxda Kubada Cagta Real Madrid ayaa Guuldaro kala kulantay kooxda Levante oo ay Duhurnimadii maanta kula Cayaareen ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Chelsea oo bareejo ka tuugtay Manchester United

(20-10-2018) Kooxda kubada Cagta Manchetser United ayaa ku dhawaatay in ay Garoonkeeda ku Garaacdo kooxda Chelsea kadib markii ...

Dhamaan Kulamada Galabta iyo Caawa Saacadaha Geeska Africa ee midkastaa bilaaban doonto

(20-10-2018) Waxaa Galabta iyo Caawa lacayaari doonaa kulamo aad u xiiso badan oo kutirsan Horyaalada kala duwan ee ...

Daawo Sawirada Cayaartoyda Manchester United oo soo gaaray London

(20-10-2018) Cayaartoyda kooxda Manchyester United ayaa soo gaaray magaalada London halkaa oo ay ka degeen Hotel iyaga oo ...

Paris Saint-Germain oo bilaawday in ay Raadiso badelka Neymar

(20-10-2018) Kooxda Kubaad cagta Paris Saint-Germain  ayaa lasheegayaa in ay durba bilaawday Cayaaryahankii badelka u noqon lahaa Xiddiga dalka ...

Daawo Sawirada Kooxda Banaadir Sports oo qaaday koobkii Jeneral Da uud 2018

(19-10-2018) Kooxda Kubada Cagta Banaadir Sports ayaa ku Guuleysatay koobka koobabka Jeneral Daa uud ka dib markii ay ...

Baaritaan lagu Samayn doono qaabkii ay AC Milan ula Wareegtay Lucas Paqueta?

(19-10-2018) Wararka ka imaanaya dalka Braziil ayaa sheegaya in baaritaan lagu samayn doono qaabkii uu u dhacay heshiiska ...

Magacyada iyo Sawirada 6 da Macalin ee ugu Guuldarada Badana Taariikhda Premier League

(19-10-2018) Waxaan idiin soo gudbineynaa aqristeyaal Magacyada iyo Sawirada 6 da Macalin ee ugu Guuldarada badan Taariikhda Horyaalka Premier ...

Digniin: Julen Lopetegui oo loo qabtay Sadex Kulan in uu shaqadiisa ku bad baadiyo

(19-10-2018) Maamulka kooxda Kubada Cagta Real Madrid ayaa lasheegayaa in ay digniin kama dambays ah u direen Macalinka ...