Thursday, October 18th, 2018

Liverpool oo Sabab u Noqotey Jacaylkii lagu qasaaray ee Marco Asensio iyo fanaanada Dua Lipa

Published on May 31, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(01-06-2018) Xiddiga kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Marco Asensio ayaa jawaab niyad jab ah kala kulmay arrimo jacayl oo la wariyey inay dhaxmareen xiddigta fanka ee Dua Lima.

Asensio ayaa la sheegay inuu Lipa ku marti-qaaday xafladdii dabbaal-degga Champions League ee Real Madrid ay ku qabsatay magaalada Madrid, halkaas oo boqollaal kun oo taageereyaal ah iyo dad magac leh ay ka qayb-galeen.

Dua Lipa oo si weyn u taageerta Liverpool, isla markaana ka heestay xafladdii furitaanka Champions League ee finalkii Kiev, ayaa gaashaanka ku dhufatay soo jeedinta Asensio, waxaanay dafirtay guud ahaanba inay is arkeen.

Wargeyska El Periodico ee kasoo baxa waddanka Spain ayaa waxa uu qoray in Asensio iyo Lipa ay ku kulmeen hotel ku yaalla magaalada Kiev markii ay dhamaatay ciyaartii finalka ee Real Madrid ay ku qaadday Koobka, waxaanu u fidiyey marti-qaad iyadoo dhinaca kale oo u gudbiyey dareenkiisa caashaq ee uu u qabo, hase yeeshee fannaanada ayaa war ay ku baahisay barteeda xidhiidhka bulshada ee Twitter-ka waxay ku sheegtay in aanay waligeed la kulmin Asensio, haddii ay taasi dhici lahaydna ay dembi ka geli lahayd jamaahiirta Liverpool oo ay ku jirto dadka sida weyn u taageera.

“Lamaan kulmin Marco Asensio, waligayna ma filayo inaan la kulmo waayo taageereyaasha Liverpool ima cafin doonaan.” Sidaas ayey qoraalkeeda ku tidhi.

Lima oo ka jawaabaysay su’aal uu soo weydiiyey mid ka mid ah taageereyaasheeda oo ahayd halka ay ka timid sheekada kulanka Asensio, ayaa waxay ugu jawaabtay: “Ma garanayo”

Lipa ayaa bandhig ciyaareed ruaxay waddanka Ukraine kusoo bandhigtay magaalada Kiev ka hor intii aanay bilaabmin ciyaartii ku dhamaatay 3-1 ee ay Real Madrid koobkeedii saddexaad oo xidhiidh ah ku qaadday.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Cayaartoyda kaga dhaawacantay Cayaaraha Caalamiga ah kooxaha Premier League

(18-10-2018) Kadib Markii Todobaadkaan lacayaaray Cayaaro caalami ah oo ay dheeleen qaramada kala duwan ee dunida ayaa waxaa ...

Todoba Bilood kadib Alexis Sanchez oo ku soo laabtay xulka Chile kana caawiyey Guul

(18-10-2018) Cayaaryahanka kooxda Kubada Cagta Manchester United ee Alexis Sanchez ayaa 7 bilood ka dib ku soo laabtay xulka ...

Daawo Sawirada Kylian Mbappe oo sida geesiga loogu soo dhaweeyey Tuuladii uu ku dhashay

(18-10-2018) Cayaaryahanka da.da yar ee xulka dalka France iyo PSG Kylian Mbappe ayaa sida Geesi qaran loogu soo dhaweeyey ...

Cayaaro aysan ahayn in ay ku dhaafaan oo dhici doona dhawaan?

(18-10-2018) Waxaa lacayaari doonaa kulamo aad u xiiso badan oo dhex mari doona kooxo waa weyn oo yurub ...

Wakiilka Tiemoue Bakayoko oo beeniyey in bisha Janaayo uu ku laaban doono Chelsea

(18-10-2018) Wakiilka Cayaaryahanka kooxda AC Milan ee Tiemoue Bakayoko ayaa si kulul u beeniyey Warar ay daabaceen Warbaahinta qaar ...

Eric Cantona” Hal Koox oo kaliya ayaan ka daawadaa Premier League mana ahan Kooxdeydii hore

(17-10-2018) Cayaaryahankii hore ee kooxda Manchester United Eric Cantona ayaa shaaca ka qaaday in uu daawado hal koox ...

Juventus oo Xaqiijisey in dhaawac soo gaaray Paulo Dybala

(17-10-2018) Kooxda Kubada cagta Juventus ayaa sheegtay in dhaawac soo gaaray Cayaaryaahnkeeda dalka Argentina ee Paulo Dybala dhaawacaasna uu ...

Arsene Wenger oo ku dhawaaqay Xiliga uu ku soo laabanayo Garoomada?

(17-10-2018) Macalinkii hore ee kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa cadeeyey in uu ku soo laaban doono shaqadii uu ...

Magacayada iyo Sawirada 14 ka Cayaaryahan ee Caalamka isugu neceb

(17-10-2018) Waxaan idiin soo gudbineynaa aqristeyaal Magacyada iyo Cayaartoyda kubada Cagta caalamka ee ah kuwa iusgu neceb isla ...

Rasmi: Kooxda Flamengo oo ku dhawaaqday in ay AC Milan ka iibiyeen Lucas Paqueta

(17-10-2018) Kooxda Kubada Cagta Flamengo  ee dalka Braziil ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay AC Milan ka ...

Xiriirka kubada Cagta Holland oo ka farxiyey Jamaahiirta Liverpool

(17-10-2018) Daafaca naadiga Liverpool iyo xulka Holan Van Djik ayaa la sheegay in uu ciyaari karo kulnaka ugu ...

Jose Mourinho oo Taageero u muujiyey Peter Lim oo doonaya in uu iibsado Manchester United

(17-10-2018) Jose Mourinho ayaa ka cabsi qabo in Kooxda uu iibsadaa maalqabeenka Peter Lim oo ka qeyb ah ...

Daawo: Braziil oo Guul ka Gaadhay kulankii Argentina iyo Neymar oo Wacdaro dhigay

(17-10-2018) Xulka kubada Cagta dalka Braziil ayaa Guul muhiim ahayd ka gaaray kulankii xiisaha badnaa ee ay lacayaareen ...

Barcelona oo dooneysa Xiddigii kooxda Chelsea Branislav Ivanovic

(17-10-2018) Kooxda Kubaad Cagta Barcelona oo ay haysato dhibaato weyn oo dhanka daafaca ah ayaa lacadeeyey in ay ...

Nemanja Matic oo dhaawac ku seegi doona kulanka Chelsea

(17-10-2018) Kooxda Manchester United ayaa sheegtay in Cayaaryahankeeda khadka dhexe ee Nemanja Matic uu dhaawac kaga maqnaan doono kulanka ...