Friday, January 18th, 2019

Booskii Somaliland ee koobka Aduunka dalalka aan la aqoosanayn oo lagu badelay koox ku dheeleysa Magaca Gobolka Baraawe ee Soomaaliya?

Published on June 1, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(01-06-2018) Xidhiidhka kubadda cagta Adduunka waddamada aan la ictiraafsanayn ayaa booskii Somaliland ee ku buuxiyey koox yar oo ka socota Somaliya, kaddib markii sida la sheegay Jamhuuriyadda Somaliland ay ka gaabisay inay ka shaqayso sidii ay booskeeda u xejisan lahayd.

Ciyaaryahannada Baraawe oo u dabbaal-degaya guusha ay gaadheen

Xaflad weyn oo xalay lagu qabtay magaalada London oo lagaga dhowaaqay in Koobka Adduunka waddamada aan la aqoonsanayn ee 2018 uu si rasmi ah uga furan yahaya, ayaa waxa si layaab leh uga soo muuqday koox ciyaaryahanno ah oo laga ururiyey magaalada London oo ku ciyaaraysay magaca Gobolka Baraawe ee Somaliya.

Tartanka oo labadii sannadoodba hal mar la qabto, ayaa galay sannadkii saddexaad oo xidhiidh ah ee uu dhacayo, waxaana sannadba sannadka kasii dambaysa uu kasbanayaa taageero badan iyo in dunidu si aad ah ula socoto. Sannadkii 2013 ayaa la bilaabay, hase yeeshee, markii xigtay oo ahayd 2016 ayaa ay Somaliland nasiib u heshay, wacdarana ka dhigtay, balse sannadkan ayaanay tegin, waxaana booskeedii si lama filaan ah uga soo muuqatay Somaliya oo gobolka Barawe uu ugu jiro.

Baraawe oo sida la ogyahay aan madax-bannaani ka doonaynin Somaliya, ayna dheer tahay in aanay xattaa ku dhowaaqin maamul jira oo u gaar ah, ayaa waxay fagaarahan caalamiga ah kaga awood bateen Somaliland oo muddo soddon sannadood ah dunida ka raadinaysay ictiraaf kaddib markii ay xorriyaddeeda dib ugala soo noqotay Somaliland 1991, taas oo ka dambaysay xasuuq, tacaddiyo binu-aadannimada ka baxsan iyo faquuq ay shacabkeedu ku jireen tan iyo maalintii ay la midoobeen Somaliya 1960-kii.

Xafladdii Furitaanka iyo Magaca weyn ee Sannadkan ciyaaruhu leeyihiin

Xaflad weyn oo ay kasoo qayb-galeen dad badan ayaa habeennimadii Jimcuhu soo galayey lagu qabtay magaalada London, halkaas oo lagu shaaciyey inuu si rasmi ah uga bilaabmay Koobka Adduunka dalalka aan ictiraafka haysan.

Ciyaartii koowaad, waxay dhex-martay Baraawe oo ku jirta booskii Somaliland iyo gobolka Tamil Eelam oo ku ciyaarayey magaca dadka Tamil-ka ee ka bara-kacay Sri Lanka ee ku sugan waddanka , waxaana 4-0 ay guushu ku raacday Baraawe.

Ciyaartaas furitaanka, waxa dhexdhexaadiye ka ahaa garsooraha caanka ah ee Mark Clattenburg oo ciyaaro waaweyn sida kuwii koobkii Adduunka 2014 soo qabtay.

Muddada Uu Soconayo iyo halka lagu qabanayo

Bilow: 31 May

Dhamaadka: 9 June

Goobta: London, UK

Isku-aadka kooxaha iyo halkii ay Somaliland kaga jiri lahaydGroup 1: Barawa (Booskii Somaliland), Ellan Vannin, Tamil Eelam, Cascadia

Group 2: Abkhazia, Northern Cyprus, Karpatalya, Tibet

Group 3: Padania, Székely Land, Tuvalu, Matabeleland

Group 4: Panjab, United Koreans in Japan, Western Armenia, Kabylia

Koobkii Adduunka CONIFA ee 2016 iyo halkii ay Somaliland kaga jirtay

Koobkii Adduunka CONIFA ee lagu qabtay Abkhazia sannadkii 2016, waxay Somaliland ku jirtay group D, waxaanay ku wada jireen Sapmi iyo Punjab oo hadda magac weyn ku heshay tartankan.

Jadwalkii 2016 oo dhamaystiran

Group A – Abkhazia, Chagos Islands & Western Armenia

Group B – Kurdistan, Székely Land, United Koreans in Japan

Group C – Northern Cyprus, Romani People iyo Raetia

Group D – Panjab, Sápmi, Somaliland.

Maxaa Somaliland Ka Reebay tartanka sannadkan?

Somaliland ayaa ka qayb-gashay tartankii ugu dambeeyey ee CONIFA ee laba sannadood ka hor lagu qabtay waddanka Abkhazia, halkaas oo xulkii qaranka Somaliland uu wacdaro ka dhigay, isla markaana warbaahinta dunida kusoo jeediyey qaddiyadda Somaliland oo dad badan oo aan hore u maqal ay wakhtigaas barteen.

Ma jiro war kasoo baxay xidhiidhka kubadda cagta Somaliland ee UK oo sannadkii 2016 abaabulay kooxdii ka qayb-gashay Koobka Adduunka dalalka aan la aqoonsan ee CONIFA oo ay ka mid ahaayeen afar ciyaartoy oo Hargeysa ka tegay iyo inta kale oo waddanka Ingiriiska laga kexeeyey, hase yeeshee, mar aanu la xidhiidhnay ayey ku gaabsadeen in Somaliland ay ku dhacday waxay ku tilmaameen ‘Nasiib-darro’.

Wasaaradda ciyaaraha ayaa 2016 waxay si adag uga soo horjeedsatay xulkii Somaliland ee wakhtigaas ka qayb-galay tartanka, waxaana uu Agaasimihii wakhtigaas oo hadda jooga wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Maxamed Xuseen Dhabbeeye oo ku tilmaamay inay dembi qaran galeen, isla markaana uu la xidhxidhayo markay ciyaartoygu soo laabtaan, hase yeeshee, xukuumaddii Siilaanyo ay canaan badan ugu jeedisay go’aanka khaldan ee Wasiirka ciyaaraha iyo agaasimuhu qaateen.

Ciyaaryahannadii wakhtigaas tegay Abkhazia oo shakabadda qalinkacayaaraha ay la xidhiidhay, waxay sheegeen in niyad-jabkii ay qaadeen laba sannadood ka hor ay weli kasoo kaban la’yihiin oo masuuliyiintooduu khaayimiin dalkooda dembi ka galay ku sifeeyeen. Waxa kale oo ay sheegeen intartanka sannadkan ay Somaliland ka baaqatay ay wasaaradda ciyaaruhu leedahay dembigeeda oo aanay ka hawl-gelin.

Guddoomiyihii hore ee guddida Olambikada Somaliland, Xasan Waraabe Cadde oo ka mid ahaa raggii sida adag uga shaqeeyey in 2016 ay Somaliland ka qayb-galo tartanka CONIFA, kuna guuleystay loollankii ay u galeen, ayaa tibaaxay in Somaliland ay isku dayday inay tartanka sannadkan ka-qayb-gasho, hase yeeshee uu wakhtigu ka dhacay.

Ciyaaraha sannadkan ee CONIFA waa ay ka magac weyn yihiin kuwii ay Somaliland wacaraha ka dhigtay, waxaana si aad ah loogu qaadaa dhigayaa guud ahaan warbaahinta dunida gaar ahaan kuwa Ingiriiska.

Warbaahinta dawladda Ingiriiska ee BBC oo iskugu jirta idaacado, telefishano iyo website-yo ayaa si weyn wax uga qoray tartankan, waxaana ay si gaar ah u falan-qeeyeen dalalka ka qayb-galaya oo mid walba ay taariikhdiisa, qaddiyadiisa iyo waxa uu ku doonayo madax-bannaani iyo aqoonsi ay dunida u bandhigeen.

Waddamadii Koobka Adduunka 2016 ka qayb-galay CONIFA World Cup

Punjab oo ka mid ah dhulweynaha waddanka India, hase yeeshee dadka kasoo jeeda gobolkaasi ay ka badan yihiin 125 milyan oo qof ayaa indhaha warbaahinta si weyn u haysata, waxaana xiiso usii yeelay xulkooda oo ay ka mid yihiin Injineero iyo dad magac leh oo iskood uga shaqaysta waddanka Ingiriska.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Madaxweynaha Ac Milan Paolo Scaroni Oo Dhac Layaab Leh Loo Geystay & Haweeney Qaab Cajiib Ah Garab Usiisay Dambiilaha.

(16-12-2018) Madaxweynaha kooxda Ac Milan Paolo Scaroni ayaa lagu soo waramayaa in laga xaday jimcadii shalay aheyd boorso ...

Macalinka Kooxda Liverpool Jurgen Klopp oo Ka Hadlay Jose Mourinho Ka Hor Ciyaarta Manchester United iyo Liverpool

(16-12-2018) Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa ka hadlay dhigiisa Manchester United ee Jose Mourinho iyo ciyaarta ay ...

Khabiirada Shabakadda Mirror Football Oo Isku Khilaafay Shaxda Isku Dhaf Ah Kulanka Liverpool vs Man United – Mid Walba Shax Ayuu Doortay!

(16-12-2018) Kulanka ugu weyn England ayaa berito dhici doona, waana kulan aan laga mideysneyn aragtida laga aaminsan yahay, ...

Wiilkii Uu Dunida Kaga Tegay Feedhyahankii Muslimka Ahaa Ee Mohamed Ali Oo Qarka U Saaran Inuu Dawarsado Ama Tuugsado Sabab?

(16-12-2018) Wiilka kaliya ee uu dhalay feedhyahankii Muslimka ahaa ee Muhammad Ali ayaa ku sugan xaalad nololeed oo ...

Wanda Nara Oo Diyaarinaysa Qandaraas Dabar Ku Noqonaya Mauro Icardi

(16-12-2018) Wanda Nara oo ah xaaska iyo Wakiilka ciyaartoyga reer Argentina ee Mauro Icardi oo afka hore uga ...

Farriintii Uu Diego Costa U Diray Arsenal Markii Uu Dhaawacay Laurent Koscielny Iyo Qaabkii Axmaqnimada Ahaa Ee Uu Isku Difaacay

(16-12-2018) Difaaca Arsenal ee Laurent Koscielny ayaa shaaciyey inuu u bilaabmay wax uu ugu yeedhay ‘Cutubka Cusub Ee ...

Barcelona Oo Baadi Goobaysa Beddelka Luis Suarez Iyo Xiddigaha Ay Isha Ku Hayso

(16-12-2018) Luis Suarez hadda da’diisu waxay noqotay 32 jir, waxaana kooxdiisa Barcelona u muuqatay in ay u baahan ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Manchester City oo Mar Kale Hogaanka Si Ku Meel Gaadh ah U Qabatay Maanta.

(15-12-2018) Cayaar ay maanta wada ciyaareen kooxda Manchester City iyo kooxda Everton oo ahayd horyaalka dalka ingiriiska oo ...

Layaab!: Boqortooyada Kuwait oo la ogaadey in ay lacag ka dhacday Cayaartoy waa weyn oo magac leh

(15-12-2018) Lix bilood kaddib markii dalka Kuwait uu martigeliyey ciyaar ay iskugu yimaaddeen xiddigaha waaweyn ee dunida oo ...

Dhamaan Kulamada Sabtiga iyo Saacadaha Geeska Africa ee ay bilaaban doonaan?

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa dhamaan Cayaaraha dhici doona Sabtiga ee ku tirsan Horyaalada kala duwan ee qaarada ...

Halyeygii Manchester United Ee Willie Morgan Oo Magacaabay Afarta Ciyaartoy Ee Uu Doonayo In Kooxdiisa Hore Iska Iibiso Bisha January

(15-12-2018) Halyeygii Manchester United ee Willie Morgan ayaa aaminsan in tababaraha kooxdaas Jose Mourinho ay tahay inuu iibiyo ...

May Ahayn In Arsenal Loo Ogolaado Inay Ciyaarto Europa League – Tababaraha Qarabag Oo Dood Cajiib Ah Bedka Keenay Kaddib Guushii Gunners Sabab?

(15-12-2018) Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa sii wadda guul-darro la’aanta xidhiidhka ah, waxaanay xalay 1-0 ku muquunisay naadiga ...

Qorshaha Jose Mourinho Ku Qaban Doono Salah, Mane & Firmino, Dhibaatada Difaaca Ee Haysata Iyo Sida Uu U Kala Xulan Doono Xiddigaha Uu Haysto

(15-12-2018) Manchester United ayaa Axadda safar ugu tegaysa Liverpool oo kulankooda ugu horreeya xili ciyaareedkan ee horyaalka Premier ...

Cristiano Ronaldo Oo Markale looga yeeray Maxkamad dalka Spain ah iyo Ciqaabta uu lakulmi doono?

(15-12-2018) Maxkamad ku taalla dalka Spain ayaa go’aamisay xilliga ay dhegaysan doonto dacwad la xidhiidha lunsi cashuuro oo ...

Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018 kaas ...