Friday, June 22nd, 2018

CONIFA Oo Faahfaahin Ka Bixisay Sababta Ay Booskii Somaliland Ee Koobka Adduunka Dalalka Aan La Aqoonsan U Geliyeen Gobolka Baraawe Ee Somaliya

Published on June 2, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(02-06-2018) Xidhiidhka kubadda cagta dalalka aan ictiraafka haysanin ee CONIFA ayaa markii ugu horreysay ka hadlay sababta ay booskii Somaliland ee Koobka Adduunka waddamada aan aqoonsiga haysanin ugu beddeleen gobolka Baraawe ee Somaliya.

Guddoomiyaha xidhiidhka kubadda cagta CONIFA Paul Watson ayaa sheegay in Barawe oo uu ku tilmaamay ismaamul-goboleed ka tirsan Somaliya ay ku dareen tartanka ka dhacaya magaalada London sababo la xidhiidha dhacdooyin murugo leh oo ka dhacay gudaha Barawa.

Ciyaaryahannada Baraawe oo u dabbaal-degaya guusha ay gaadheen

“Gobolka waxa maamulaysay Al-shabaab muddooyinkii u dambeeyey, walina waxa ku jira dhibaatooyin argagixisadu u geysato. Arrin murog leh ayey ahayd markii garoonka kubadda cagta la qarxiyey saddex tododbaad ka hor iyadoo ciyaari ka socota. Waxay ku jiraan halgan joogto ah” Sidaas ayuu yidhi guddoomiyaha xidhiidhka kubadda cagta CONIFA, Mr. Paul Watson oo ka hadlayey sababta ay Barawa oo aan ka mid ahayn dalalka madaxbanaanida ku dhowaaqay ay ugu dareen tartanka, isla markaana ay u gashay booskii Somaliland ee sannadkii hore.

Paul Watson waxa uu xusay in Xidhiidhka kubadda cagta ee Barawa ay ka shaqeeyaan inay caawiyaan da’yarta, isla markaana ay tartan kubadda cagta ah ka qabtaan magaaladaas, waxaanu yidhi: “Xidhiidhka Kubadda cagta (FA) ee Barawa waxa uu ka shaqeeyaa inuu si togan u caawiyo da’yarta oo uu tuso tamartooda, sidoo kalena horyaal ayuu ka qabtaa Barawa gudaheeda. Run ahaantii waxay si dhab ah u dhiirigeliyaan oo soo koobaan waxa CONIFA ay u taagan tahay.”

Qurba-joogta Barawa ee ku nool waddanka Ingiriiska gaar ahaan magaalada London ee uu tartanku ka socdo ayaa si weyn uga shaqeeyey sidii ay gobolkooda ugu dari lahaayeen tartanka Koobka Adduunka dalalka aan la aqoonsanin, iyadoo qurba-joogtii iyo aqoonyahannadii Somaliland ee halkaas joogay ay ka gaabiyeen, iyagoo waliba gacan ka heli lahaa Ingiriiska oo wakhtigii gumaysiga gacanta ku hayn jiray Jamhuuriyadda Somaliland, halka Somaliya oo Barawa ka tirsan tahay ay Talyaaniga gacanta ugu jireen.

Si kastaba ha ahaatee, waxay arrintani muujinaysaa in guud ahaan Jamhuuriyadda Somaliland ay ka xidhxidhan tahay fagaareyaasha ciyaaraha ee Caalamiga, taas oo ay u dheere tahay, in gudaha waddanka aan muddo dheer laga qabanin ciyaaro xilliyeysan marka laga reebo ciyaaraha gobollada oo iyaguna markay doonaan dib u dhaca.

Dhowaan ayey xidhiidhka kubadda cagta Somaliland sheegeen inay tartan u qabanayaan 32 kooxood oo 28 ka mid ah ay ka dhisan yihiin caasimadda Hargeysa, halka inta kalena ay ka imanayaan gobollada oo aanay ku jirin magaalada Burco oo laga reebay.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa wakhtigii uu ku jiray ololaha doorashada, waxa uu ballan-qaaday inuu ka shaqayn doono horumarinta dhallinyarada, iyadoo uu dhawr jeer ka qayb-galay tartamo xilliyadii Ramadaanta ka socday garoomada qaarkood, waxaase laga sugayaa inuu waddanka ka hirgeliyo tartamo ciyaareed oo xilliyeysan oo dhallinyarada ka caawiya inay xirfaddooda

kusoo bandhigaan, xijaabna uga noqdo aafada tahriibka oo marka wax ay ku mashquulaan ay waayaan ay ku dhiiradaan inay u badheedhaan khatarta tahriibta.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Macalinka Xulka Argentina oo Guuldaradii ku dhacday ku eedeeyey?

(22-6-2018) Tababaraha xulka qaranka Argentina, Jorge Sampaoli ayaa eedayn kulul u jeediyey ciyaaryahannada xulka qaranka dalkaas oo uu ...

Saxiixa Cusub ee Khadka Dhexe kaga Ciyaari Dona United-ka,Kadib Markii Koxda United ay Baahisay Sawiradisa

(22-6-2018) Xiddiga reer Brazil ee Fred ayaa si Rasmi ah maanta loogu soo bandhigay saxaafada Isaga oo qalinka ...

Warbixin: Dalalka Muslimka ah ee ka qayb gelaya Koobka adduunka iyo Rajo Xumida ku dhacday

(22-6-2018) Tartanka Koobka Adduunka oo galay is-araggii labaad ayaa waxa shanadadahooda xidhay saddexdii waddan ee ugu horreeyey, kuwaas ...

Rasmi: Javier Pastore oo ku biirey kooxda Roma

(22-6-2018) Cayaaryahankii kooxda Kubada Cagta PSG Javier Pastore ayaa sirasmi ah ugu wareegay kooxda Roma kadib markii ladhameeyey wax ...

Daawo: Guuldaradii Ceebta iyo Fadeexada Xanbaarsanayd ee ku dhacday Messi iyo Xulka Argentina

(22-6-2018) Xulka qaranka Croatia ayaa fadeexaad iyo ceeb dusha u saaray Argentina oo dhibaato wayn oo kale ay ...

Cayaartoy Reer Iran Ah Oo Qabsaday Indhaha Dunida Kaddib Dhacdo Ku Cusub Ciyaaraha Oo Uu Sameeyey

(22-6-2018) Dunida kubadda cagta oo dhan ayaa mar kaliya indhahooda u jeediyey laacib ka tirsan xulka qaranka Iran ...

Fadeexad ku soo baxday Garsoorihii kulankii Morocco iyo Portugal?

(22-6-2018) Garsoorihii dhexdhexaadinayey ciyaartii xulka qaranka Portugal uu 1-0 kaga adkaaday Morocco ee sababay in dalkii ugu horreeyey ...

Brazil Oo War Cusub Kasoo Saartay Caafimaadka Neymar & Doorka Uu Ku Yeelan Doono Kulanka Jimcaha Ee Costa Rica

(22-6-2018) Tababaraha xulka qaranka Brazil ayaa war cusub kasoo saaray xaaladda caafimaadka ee Neymar oo la wariyey inuu ...

Rikooradii laga diiwaan geliyey Kulankii Portugal iyo Morocco?

(21-6-2018) Kadib kulankii xiisaha badnaa ee galabkii Khamiista dhex maray dalalka Morocco  iyo Portugal kaas oo ahaa koobka aduunyada ...

Daawo: Spain oo dirqi kaga badisay Iran iyo Var oo Saaciday La Roja

(21-6-2018) Xulka qaranka Spain ayaa guushiisii ugu horeysay ee koobka aduunka ka gaadhay Iran oo iska caabin xoogan ...

Warbaahinta BBC oo Taariikh Cusub ku soo kordhisey Koobka aduunka+Sawiro

(21-6-2018) Warbaahinta BBC ayaa Taariikh Cusub ku soo kordhisey Koobka aduunka kadib markii Gabdhii u horeysey Taariikhda ay ...

Macalinka Xulka dalka England oo Garab ka jabay+Sawiro

(21-6-2018) Tababaraha xulka qaranka England, Gareth Southgate ayaa ka dhaawacmay garab isaga oo ku sugan waddanka Ruushka halkaas ...

Nin Caan ka ahaa Cayaarta Musaaracada oo Geeriyoodey

(21-6-2018) Waxaa Geeriyoodey mid ka mid ah Cayaartoydii ugu Caansanayd ee soo martay Musaaracada kaas oo lagu Magacaabi ...

Maurizio Sarri oo shuruud ku xiray Chelsea

(20-6-2018) Macalinka u dhashay dalka Talyaaniga ee Maurizio Sarri oo lafilayo in uu Noqdo Macalinka Naadigaas ayaa lasheegayaa ...

Rasmi: Emre Can oo soo Gaaray Magaalada Torino si uu Tijaabo Caafimaad ugu Maro Juventus

(20-6-2018) Kooxda Kubada Cagta Juventus ayaa shaaca ka qaaday in ay heshiis rasmi ah lagaartay Cayaaryahanka dalka Jarmalka ...