Wednesday, August 22nd, 2018

Saddex Arrimood Oo Zidane Uga Tegay Real Madrid, Sirta Aan La Ogeyn Ee Qolka Lebbiska, Sababtii Uu Tababaraha U noqday Iyo Madaxweynihii Hore Ee Los Blancos Ramon Calderon Oo Taageeray Go’aankii Zizou

Published on June 2, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(02-06-2018) Madaxweynihii hore ee kooxda kubadda cagta Real Madrid, Ramon Calderon ayaa bannaanka soo dhigay sababihii kellifay go’aankii lama filaanka ahaa ee Zinedine Zidane iskaga casilay Real Madrid.

Zidane oo laba sannadood iyo badh uu joogay Real Madrid kula guuleystay sagaal koob oo saddex ka mid ah ay ahaayeen Champions League uu waliba taariikhda ku galay, ayaa si lama filaan ah ugu dhowaaqay Khamiistii inuu ka tegay shaqadii, taas oo kaliya uu tilmaamay inay u wanaagsan tahay kooxda, isaga iyo cid walba oo kale.

Madaxweynaha Real Madrid ee wakhtigan, Florentino Perez ayaa ku tilmaamay go’aanka Zidane mid aragagixiso ah oo yimid wakhtiga aan laga fileynin, hase yeeshee, madaxweynihii isaga ka horreeyey ee Ramon Calderon oo ahaa ninkii Cristiano Ronaldo keenay Real Madrid ayaa aaminsan in Zidane uu qaatay go’aankii saxda ahaa.

Calderon waxa uu sheegay in saddex arrimood kallifeen in Zidane iskaga dhaqaaqo Real Madrid.

“Is-faham la’aan ayaa u dhexaysay isaga iyo madaxweynaha xili ciyaareedka oo dhan. Arrinka koowaad waxa uu ahaa goolhaye. Madaxweynuhu wuxuu doonayey inuu heshiis la galo goolhayaha Athletic Bilbao, laakiin Zidane ayaa u sheegay in goolhayihiisu yahay Keylor Navas. Kaddib, waxa jiray wada-hadal Robert Lewandowski ah, laakiin waxaynu ognahay inuu Zidane jecel yahay Karim Benzema. Haddana waxay dhibaato ka timid Ronaldo iyo Bale – waa arrin xun runtii, sababtoo waan jecelahay Ronaldo wax badan iyo shaqo adagna way igu qaadatay markii aan Real Madrid keenayey, laakiin may ahayn wakhtigii ku habboonaa wixii uu yidhi, sidii uu u yidhiba.” Sidaas ayuu yidhi Ramon Calderon oo u warrameyey idaacadda LoveSport Radio.

Calderon waxa uu sheegay in toddobaadyada soo socda ay Real Madrid ku jiri doonto mushkilado khilaaf iyo ciyaartooyo gadoodsan ah, waxaanu yidhi: “Dhibaatadaas ayaanu ku jjiri doonaa toddobaadyada soo socda, waxana laga yaabaa inay tahay kuwii kellifay go’aanka Zidane”

Ramon Calderon waxa kale oo uu sheegay in go’aankii Zidane aanu layaab ku noqonin, sababtoo ah toddobaadyadii u dambeeyey calaamado soo muuqanayey ayaa tusiyey waxa uu samayn doono.

“Waxa aan ogaa inuu daal dareemayey toddobaadyadii iyo bilihii u dambeeyey. Daalka badankiisa waxa keenay dhibaatooyinkii tartamada gudaha oo lagu dhalleeceeyey, taas oo u muujisay inuu lumiyey kalsoonida qolka lebbiska iyo madaxweynahaba, waana inaad xisaabta ku darto xaqiiqada ah inaanu ahayn tababare xiliyeed.” ayuu ku daray.

Calderon waxa kale oo uu sheegay in Zidane uu tababare ugu noqday Real Madrid wiilkiisa darteed, waxaanu yidhi: “Tababarenimada waxa uu u bilaabay wiilkiisa oo u ciyaarayey da’yarta darteed; Sababtaas ayuu u yimid markii Benitez la eryey, sababtaas ayuu u go’aansaday inuu bishii January shaqadan qabto, waxaanu filayey inay dhamaan doonto June, laakiin waxay ku dhamaatay saddex Champions League. Wuxuu qaatay go’aankii saxda ahaa, wayna u fiicnayd inuu tago, si caqli leh ayuu ku tegay” ayuu mar kale yidhi Ramon Calderon.

Mauricio Pochettino ayaa ah macallinka ay Real Madrid u doonayso beddelka Zidane, laakiin tababaraha Tottenham ayaa waxa uu ku adkaystay inaan lagu qabsi karin inuu isbeddel sameeyo.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Wiil uu dhalay Ra iisul Wasaarihii hore ee Talyaaniga oo ka Cayaari doona Horyaalka dalkaas

(22-8-2018) Kooxda Kubada Cagta Udinese oo Cayaarta Horyaalka heerka koobaad ee dalka Talyaaniga ayaa lacadeeyey in ay heshiis lagaareen ...

N’Golo Kante Oo Cafis Weydiistay Taageere Reer Arsenal Ah – Muxuu Ku Sameeyey?

(22-8-2018) Cayaaryahanka khadka dhexe ee N’golo Kante ayaa raalligelin siiyey taageere reer Arsenal ah kaddib markii ay dhamaatay ...

Eden Hazard ooh al shuruud ku xiray heshiis Cusub oo uu Chelsea u Saxiixo?

(22-8-2018) Kubad Sameeyaha kooxda Chelsea ee Eden Hazard  ayaa shuruud ku xiray in uu heshiis Cusub lagaaro Naadigiisa waxaana ...

Shan Cayaaryahan oo uu kujiro Mesut Ozil oo lumisey kalasoonida Macalin Unai Emery+Sawiro

(22-8-2018) Tan iyo Markii macalin Unai Emery loo mahacaabay xilka kooxda Arsenal waxaa soo baxayey kalsooni daro iyo wel ...

Ma ogtahay in aan James Milner laga badin Taariikhdiisa kulan Premier League ah?

(22-8-2018) Waa macquul in uu layaab kugu abuuray aqriste qodobkaan aynu ku eegeyno Record-ka layaabka leh ee uu ...

Miralem Pjanic oo heshiis Cusub u Saxiixay Juventus+Sawiro

(22-8-2018) Cayaaryahanka kooxda Juventus ee Miralem Pjanic ayaa ugu danbayn qalinka dul dhigay Waraaqda isaga oo Saxiixay heshiis cusub ...

Manchester United oo war cad ka soo saartay doonisteeda Zinedine Zidane iyo Mustaqbalka Jose Mourinho?

(21-8-2018) Kooxda kubada Cagta Manchester United oo beryahaan aad loola Xiririyey Macalinkii hore ee Real Madrid Zinedine Zidaneayaa ...

Macalinka Inter Milan Luciano Spalletti oo laganaaxay

(21-8-2018) Maca;linka kooxda kubada Cagta Inter Milan ee Luciano Spalletti ayaa ganaax kala kulmay Gudiga Maamula Horyaalka Talyaaniga ...

TV ga Sky Sports oo shaaciyey Tirada dadkii daawaday kulankii koobaad ee Cristiano Ronaldo’

(21-8-2018) TV ga Caanka ah ee Sky Sports qaybtiisa baahisa Horyaalka dalka talyaaniga ayaa shaaca ka qaaday Tirada ...

Goolhaye Claduio Bravo Oo Halis Ugu Jira In Uu Seego Inta Ka Dhiman Xili Ciyaareedka Cusub

(21-8-2018) Kooxda kubada cagta Manchester City ayaa inta ka dhiman heysan doonta hal goolhaye oo kooxda koowaad k ...

Mino Riola Oo Weerar Afka Ah Ku Qaaday Paul Scholes Sabab?

(21-8-2018) Wakiilk laacibka xulka qaranka France Pogba ee Mino Riola ayaa weerar afka ah ku qaaday halyeyga Manchester ...

Daawo: Liverpool oo Guul muran badan ka Gaartay kulankii Crystal Palace

(21-8-2018) Liverpool ayaa guushii labaad oo xiriir ah gaartay xilli ciyaareedka cusub ee Premier League ka dib markii ...

Cayaaryahan ka Cayaara Premier League oo Kufsi lagu soo eedeeyey?

(21-8-2018) Cayaaryahan aan la magacaabin oo ka dheela Premier League ayaa lagu eedeeyay in uu magaalada London ku ...

Alexis Sanchez oo lakulmay Weerar kaga yimid Taageerayaasha Manchester United+Sawiro

(21-8-2018) Cayaaryahanka kooxda Manchester United ee Alexis Sanchez ayaa lakulmay Weerar dhanka baraha bulshada ah oo kaga yimid Taageerayaasha ...

Kooxaha ku dagaalamaya saxiixa Claudio Marchisio oo Juventus laga cayriyey

(21-8-2018) Waxaa jira kooxo fara badan oo qaarada yurub ah kuwaas oo ku dagaalamaya Saxiixa Cayaaryahankii hore ee ...