Saturday, October 20th, 2018

RASMI: Goolhaye Loris Karius Oo Baadhitaan Dhinaca Maskaxda Ah Lagu Sameeyay, Natiijadii Baadhitaanka Oo Faah Faahsan Iyo Sergio Ramos Oo Maskax Guuriyay Karius.

Published on June 5, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(05-06-2018) Goolhayaha kooxda Liverpool ee Loris Karius ayaa lagu sameeyay baadhitaan dhinaca maskaxda ah kadib markii la ogaaday in jugtii ka soo gaadhay Sergio Ramos uu la dawakhay isla markaana uu maskax guur ku dhacay taas oo sabab buuxda u noqotay in uu isla markiiba sameeyay qaladaad waali ahaa oo sabab u noqday in Real Madrid ay guul 3-1 ah ka gaadhay Liverpool kulankii finalkii Champions league ee Kiev.

Kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in goolhaye Loris Karius lagu sameeyay baadhitaano dhinaca maskaxda ah waxaa si rasmi ah hadda loo shaaciyay warbixinta caafimaad ee baadhitaankiisa waxaana la xaqiijiyay in jugtii ka soo gaadhay Sergio Ramos wax yar ka hor intii aanu Karim Benzema ugu qaldamin goolkii uu xidiga ree France dhaliyay uu Karius ku jiray xaalad ku dhaw miyirdaboolan.

Wargayska dalka Jarmalka ka soo baxa ee Bild oo ogolaansho ka helay Karius ayaa daabacay warbixinta rasmiga ah ee lagu sameeyay goolhaye Karius taas oo lagu xaqiijiyay in jugtii isku dhicii Ramos uu keenay in maskaxda uu dhaawac ka soo gaadhay.

Waxaa baadhitaankan la sameeyay May 31,2018 sida aad ka arki doonto warbixinta rasmiga ah oo sawir ahaan aanu halkan idiinku soo gudbinay waxaana fuliyay baadhitaankan Dr. Ross Zafonte iyo Lenore Herget. Waxaana warbiixnta Bild lagu bilaabay in markii ay telefoono badan ka heleen maanta ka heleen arinta lagu doonayo baadhitaanka Karius ay xaaladiisa caafimaad warbixinta laga diyaariyay daabaceen iyaga oo oglaansho ka helay Karius.

Waxa kale oo warbixintan lagu shaaciyay in Karius uu qaadan doono daawayn isla markaana ka filayo in uu soo kabsan doono, waxayna arintan soo baxday kadib waqti uu Karius eedayn badan la soo kulmay balse hadda waxaa cadaatay in dhaawac dhinac maskaxda ahi uu ka soo gaadhay dhacdadii Ramos.

Warbixintan oo aad u dheer isla markaana arimaha dhaawac maskaxeed ee Karius ka soo gaadhay dhacdadii Sergio Ramos lagu faah faahiyay halkan ayaad kaga bogan kartaa iyada oo luuqada Ingiriisida ku qoran:

Si kastaba ha ahaatee, waxay arintani keentay in Karius oo eedayn xad dhaaf ah la kulmay ay hadda soo baxayso in ay jirtay sabab ka baxsan qab ciyaareedkiisa oo keentay in uu sameeyay qaladaadkii foosha xumaa ee kooxdiisa guuldarada u keenay.

Markii ay soo baxday natiijada badhitaanka goolhaye Karius ee ah in uu miyardaboolmay isla markaana uu qaladaadka u sameeyay in dhaawac maskaxda ahi uu ka soo gaadhay Sergio Ramos, waxay jamaahiirta Liverpool dalbadeen in UEFA ay dib u soo celiso finalkii Champions League maadaama oo dhaawac maskaxeed oo uu Ramos u gaystay Karius ay koobkan ku waayeen.

 

 

 

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

DEG DEG: Lionel Messi oo Garoonka laga Saaray kadib dhaawac Culus oo soo gaaray+Sawiro

(21-10-2018) Cayaaryahanka kooxda Barcelona ee Linel Messi ayaa laga saaray Kulanka xiisaha badan ee ay lacayaarayaan kooxda Sevilla ...

Juventus oo lumisey dhibcihii koobaad Horyaalka Talyaaniga Xiligaan+Sawiro

(21-10-2018) Kooxda Kubada Cagta Juventus ee hogaanka u haysa Horyaalka Talyaaniga ayaa lumisey dhibcihii koobaad kadib markii ay ...

Daawo: Manchester City oo u awood sheegatay Burnley lana wareegtay hogaanka Horyaalka Ingiriiska

(20-10-2018) Kooxda Manchester ayaa ka faa’iidaysataya barbarihii ay Cheslealagashay Man United, waxayna si toos ula wareegtay hogaanka horyaalka, ...

Goolka Cristiano Ronaldo oo Record Cusub ku soo kordhiyey Kubada Cagta yurub?

(20-10-2018) Cayaaryahanka kooxda Kubada cagta Juventus ee Cristiano Ronaldo oo Gool ka dhaliyey kooxda Genoa kulan hada socda oo ...

Kumuu ahaa Cayaaryhanka loo doortay Man of the Match Kulankii Chelsea iyo Manchester United

(20-10-2018) Kadib kulankii xiisaha badnaa ee dhe maray kooxaha Chelsea iyo Manchester United waxaa lasoo saaray Cayaaryahankii loo ...

Jose Mourinho muxuu u dagaalamay markii labareejeeyey kooxdiisa+Sawiro

(20-10-2018) Macalinka kooxda Manchetser United Jose Mourinho ayaa la arkayey isaga oo dagaalamaya Markii laga dhaliyey Goolka bareejada ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Real Madrid oo lagu garaacay Garoonkeeda

(20-10-2018) Kooxda Kubada Cagta Real Madrid ayaa Guuldaro kala kulantay kooxda Levante oo ay Duhurnimadii maanta kula Cayaareen ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Chelsea oo bareejo ka tuugtay Manchester United

(20-10-2018) Kooxda kubada Cagta Manchetser United ayaa ku dhawaatay in ay Garoonkeeda ku Garaacdo kooxda Chelsea kadib markii ...

Dhamaan Kulamada Galabta iyo Caawa Saacadaha Geeska Africa ee midkastaa bilaaban doonto

(20-10-2018) Waxaa Galabta iyo Caawa lacayaari doonaa kulamo aad u xiiso badan oo kutirsan Horyaalada kala duwan ee ...

Daawo Sawirada Cayaartoyda Manchester United oo soo gaaray London

(20-10-2018) Cayaartoyda kooxda Manchyester United ayaa soo gaaray magaalada London halkaa oo ay ka degeen Hotel iyaga oo ...

Paris Saint-Germain oo bilaawday in ay Raadiso badelka Neymar

(20-10-2018) Kooxda Kubaad cagta Paris Saint-Germain  ayaa lasheegayaa in ay durba bilaawday Cayaaryahankii badelka u noqon lahaa Xiddiga dalka ...

Daawo Sawirada Kooxda Banaadir Sports oo qaaday koobkii Jeneral Da uud 2018

(19-10-2018) Kooxda Kubada Cagta Banaadir Sports ayaa ku Guuleysatay koobka koobabka Jeneral Daa uud ka dib markii ay ...

Baaritaan lagu Samayn doono qaabkii ay AC Milan ula Wareegtay Lucas Paqueta?

(19-10-2018) Wararka ka imaanaya dalka Braziil ayaa sheegaya in baaritaan lagu samayn doono qaabkii uu u dhacay heshiiska ...

Magacyada iyo Sawirada 6 da Macalin ee ugu Guuldarada Badana Taariikhda Premier League

(19-10-2018) Waxaan idiin soo gudbineynaa aqristeyaal Magacyada iyo Sawirada 6 da Macalin ee ugu Guuldarada badan Taariikhda Horyaalka Premier ...

Digniin: Julen Lopetegui oo loo qabtay Sadex Kulan in uu shaqadiisa ku bad baadiyo

(19-10-2018) Maamulka kooxda Kubada Cagta Real Madrid ayaa lasheegayaa in ay digniin kama dambays ah u direen Macalinka ...