Friday, June 22nd, 2018

Maxaa Ka Qaldan Heshiiska Liverpool Ee Nabil Fekir? Wararkii Ugu Danbeeyay Iyo Halka Ay Saacadan Xaaladu Marayso

Published on June 8, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(08-06-2018) Tan iyo xalay waxaa soo baxay ayay warar sheegayay in ugu danbayn ay kooxaha Liverpool iyo Olympique Lyon  gacanta isku dhiibeen oo ay heshiis ka gaadheen iibka Nabil Fekir, waxaana qorayay wargaysyo iyo waliba wariyaal inta badan wararkooda si buuxda loogu kalnsoon yahay, laakiin waxaa qof kasta layaab ku noqotay markii ay kooxda Olympique Lyon barteeda twitterka si adag ugu beenisay in Liverpool ay heshiis la gaadhay.

Laakiin kooxda Olympique Lyon  ayaan gabi ahaanba meesha ka saarin in ay wada xaajood kula jirto Liverpool waxayna muujisay in ugu yaraan ay jiraan wax keenay wararka Nabil Fekir balse waxay luuqad adag ku sheegeen in aanu jirin wax heshiis ah oo ay Liverpool la gaadhay.

Jamaahiirta kooxaha Liverpool iyo Olympique Lyon  ayaa xaalada ku jaho wareerarsan sababtoo ah wararka sida xoogan isku burinaya ee ka soo baxaya saxaafada warkooda sida wayn loo aamino iyo waliba in kooxda Olympique Lyon  ay si cad u beenisay in uu heshiis dhacay.

Haddaba halkay xaaladu maraysaa saacadan La Joogo, Maxaase La Filayaa In Ay Dhacaan?

Warbaahinta dalka France ee RMC oo ka mid ah kuwa ugu xogta badan dhinaca suuqa kala iibsiga ayaa hadda qoraya in Nabil Fekir uu maray tijaabada caafimaadka Liverpool isla markaana ay maamulka Reds ka war sugayaan natiijada ka soo bixi doonta baadhitaanka caafimaad ee xidiga ree France.

Wargayska Daily Mirror ayaa isna hadda sheegaya in heshiiska Nabil Fekir maanta oo jimce ah la dhamaystiri doono isla markaana uu heshiiska uu xidigani ku imanayo Anfield uu yahay mid dhamaystiran.

Warar badan oo aan helayno ayaa muujinaya in Liverpool ay hadda ku dhawdahay in ay dhamaystirto heshiiska Nabil Fekir inkasta oo warka beeninta Lyon uu yahay mid dad badan shaki galiyay, waxayna wararku sheegayaan in Fekir uu qalinka ku duugayo qandaraas shan sano ah.

Haddii ay tahay in dhamaan wararka saxaafada England iyo France la rumaysto, waxaa la filan karaa in Liverpool ay maanta galinka danbe ilaa caawa si rasmi ah ugu dhawaaqi doonto heshiiska Fekir iyada oo hadda la sugayo natiijada baadhitaankii caafimaad ee uu Fekir u maray Reds.

Wixii ka soo kordha iyo halka giraanta heshiiska Nabil Fekir ay u wareegto waxaad insha Allah kula socon doontaan wararkeena soo socda.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Macalinka Xulka Argentina oo Guuldaradii ku dhacday ku eedeeyey?

(22-6-2018) Tababaraha xulka qaranka Argentina, Jorge Sampaoli ayaa eedayn kulul u jeediyey ciyaaryahannada xulka qaranka dalkaas oo uu ...

Saxiixa Cusub ee Khadka Dhexe kaga Ciyaari Dona United-ka,Kadib Markii Koxda United ay Baahisay Sawiradisa

(22-6-2018) Xiddiga reer Brazil ee Fred ayaa si Rasmi ah maanta loogu soo bandhigay saxaafada Isaga oo qalinka ...

Warbixin: Dalalka Muslimka ah ee ka qayb gelaya Koobka adduunka iyo Rajo Xumida ku dhacday

(22-6-2018) Tartanka Koobka Adduunka oo galay is-araggii labaad ayaa waxa shanadadahooda xidhay saddexdii waddan ee ugu horreeyey, kuwaas ...

Rasmi: Javier Pastore oo ku biirey kooxda Roma

(22-6-2018) Cayaaryahankii kooxda Kubada Cagta PSG Javier Pastore ayaa sirasmi ah ugu wareegay kooxda Roma kadib markii ladhameeyey wax ...

Daawo: Guuldaradii Ceebta iyo Fadeexada Xanbaarsanayd ee ku dhacday Messi iyo Xulka Argentina

(22-6-2018) Xulka qaranka Croatia ayaa fadeexaad iyo ceeb dusha u saaray Argentina oo dhibaato wayn oo kale ay ...

Cayaartoy Reer Iran Ah Oo Qabsaday Indhaha Dunida Kaddib Dhacdo Ku Cusub Ciyaaraha Oo Uu Sameeyey

(22-6-2018) Dunida kubadda cagta oo dhan ayaa mar kaliya indhahooda u jeediyey laacib ka tirsan xulka qaranka Iran ...

Fadeexad ku soo baxday Garsoorihii kulankii Morocco iyo Portugal?

(22-6-2018) Garsoorihii dhexdhexaadinayey ciyaartii xulka qaranka Portugal uu 1-0 kaga adkaaday Morocco ee sababay in dalkii ugu horreeyey ...

Brazil Oo War Cusub Kasoo Saartay Caafimaadka Neymar & Doorka Uu Ku Yeelan Doono Kulanka Jimcaha Ee Costa Rica

(22-6-2018) Tababaraha xulka qaranka Brazil ayaa war cusub kasoo saaray xaaladda caafimaadka ee Neymar oo la wariyey inuu ...

Rikooradii laga diiwaan geliyey Kulankii Portugal iyo Morocco?

(21-6-2018) Kadib kulankii xiisaha badnaa ee galabkii Khamiista dhex maray dalalka Morocco  iyo Portugal kaas oo ahaa koobka aduunyada ...

Daawo: Spain oo dirqi kaga badisay Iran iyo Var oo Saaciday La Roja

(21-6-2018) Xulka qaranka Spain ayaa guushiisii ugu horeysay ee koobka aduunka ka gaadhay Iran oo iska caabin xoogan ...

Warbaahinta BBC oo Taariikh Cusub ku soo kordhisey Koobka aduunka+Sawiro

(21-6-2018) Warbaahinta BBC ayaa Taariikh Cusub ku soo kordhisey Koobka aduunka kadib markii Gabdhii u horeysey Taariikhda ay ...

Macalinka Xulka dalka England oo Garab ka jabay+Sawiro

(21-6-2018) Tababaraha xulka qaranka England, Gareth Southgate ayaa ka dhaawacmay garab isaga oo ku sugan waddanka Ruushka halkaas ...

Nin Caan ka ahaa Cayaarta Musaaracada oo Geeriyoodey

(21-6-2018) Waxaa Geeriyoodey mid ka mid ah Cayaartoydii ugu Caansanayd ee soo martay Musaaracada kaas oo lagu Magacaabi ...

Maurizio Sarri oo shuruud ku xiray Chelsea

(20-6-2018) Macalinka u dhashay dalka Talyaaniga ee Maurizio Sarri oo lafilayo in uu Noqdo Macalinka Naadigaas ayaa lasheegayaa ...

Rasmi: Emre Can oo soo Gaaray Magaalada Torino si uu Tijaabo Caafimaad ugu Maro Juventus

(20-6-2018) Kooxda Kubada Cagta Juventus ayaa shaaca ka qaaday in ay heshiis rasmi ah lagaartay Cayaaryahanka dalka Jarmalka ...