Friday, June 22nd, 2018

Roberto Firmino oo Timaha u Xiirtay sidii Ronaldo Sanadkii 2002 iyo u jeedka uu ka leeyahay?

Published on June 8, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(08-06-2018) Weeraryahanka xulka qaranka Brazil ee Roberto Firmino ayaa dib u xasuusiyey shacabka reer Brazil halyeygoodii hore ee Ronaldo ee u qaaday Koobkii Adduunka ee 2002.

Xulka qaranka Brazil oo haysta ciyaartooyo da’ yar oo si fiican iskula qabsaday ayaa ka mid ah waddamada loo saadaalinayo inay meel fiican ka gaadhaan Koobka Adduunka oo Khamiista soo socota ka bilaabmi doona waddanka Ruushka.

Roberto Firmino ayaa u xiistay qaabkii Ronaldo u xiiran jiray, taas oo dhalisay inay mar kale bilaabanto riyada reer Brazil ee ah inay heleen halyeygii guusha u horseedi jiray oo kale.

Isaga oo la hadlayey warbaahinta FourFourTwo, ayaa waxa uu Firmino sheegay in isaga oo ay da’diisu tahay 10 jir uu dhamaan daawaday ciyaarihii Brazil ee Koobkii Adduunka 2002, dhamaan kulamadii dhacayna uu saqda dhexe usoo toosi jiray, sidaas darteedna uu timaha ugu jartay qaabkii Ronaldo oo uu taageeri jiray.

“Ciyaar kasta toos ayaan ula socday Koobka Adduunka. Saqda dhexe ayaan kici jiray si aan u daawo, waana xasuusta ugu qaalisan ee wakhtigii carruurnimadayda. Intii ka dambaysayna waxa aan ku riyoon jiray inaan ciyaaro Koobka Adduunka.” ayuu yidhi Roberto Firmino.

Laacibkan khibradda badan oo gool muhiim ah u dhaliyey Brazil ciyaartii saaxiibtinimo ee Croatia ay kula ciyaareen waddanka Ingiriiska ka hor Koobka Adduunka, ayaa waxa sheegay in intii aanu dhamaanin Koobkii Adduunka ee 2002 ee uu mrayey marxaladda afar dhamaadka uu timaha u xiirtay sida Ronaldo, nasiib wanaagna ay koobkii qaadeen.

“In Brazil ay markii shanaad noqoto horyaalka adduunku waxay ahayd wax qurux badan. Xattaa waxa aan timada u jartay sida Ronaldo ka hor wareeggii afar dhamaadka. Kooxdaasi cajiib ayey ahayd koobkiina way ku guuleysteen. Wax kasta oo uu Ronaldo sameeyey, waxa aan jecelahay inaan ku daydo.” ayuu raaciyey.

Jidkii Brazil usoo Martay koobka Adduunka ee Ruushka

natiijooyinka marxaladdii sireeb-reebka

09/10/2015 Chile (gurigooda) 0-2

14/10/2015 Venezuela (marti) 3-1

14/11/2015 Argentina (Gurigooda) 1-1

18/11/2015 Peru (Marti) 3-0

26/03/2016 Uruguay (Gurigooda)2-2

30/03/2016 Paraguay (Marti) 2-2

01/09/2016 Ecuador (Gurigooda) 3-0

07/09/2016 Colombia (Gurigooda) 2-1

07/10/2016 Bolivia (Gurigooda) 5-0

12/10/2016 Venezuela (Gurigooda) 2-0

10/11/2016 Argentina (Gurigooda) 3-0

16/11/2016 Peru (Gurigooda) 2-0

23/03/2017 Uruguay (Gurigooda) 4-1

29/03/2017 Paraguay (Gurigooda) 3-0

01/09/2017 Ecuador (Marti_ 2-0

05/09/2017 Colombia (Gurigooda) 1-1

05/10/2017 Bolivia (Marti) 0-0

11/10/2017 Chile (Gurigooda) 3-0

 

Xiddigihii ggoolasha badan u dhaliyey

 

Gabriel Jesus – 7 gool.

Paulinho – 6 gool

Neymar – 6 gool.

Ciyaaryahannadii ugu safashada badnaa

 

Miranda – 17 kulan ayuu saftay

Dani Alves – 17 kulan ayuu saftay

Willian – 17 kulan ayuu saftay

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Macalinka Xulka Argentina oo Guuldaradii ku dhacday ku eedeeyey?

(22-6-2018) Tababaraha xulka qaranka Argentina, Jorge Sampaoli ayaa eedayn kulul u jeediyey ciyaaryahannada xulka qaranka dalkaas oo uu ...

Saxiixa Cusub ee Khadka Dhexe kaga Ciyaari Dona United-ka,Kadib Markii Koxda United ay Baahisay Sawiradisa

(22-6-2018) Xiddiga reer Brazil ee Fred ayaa si Rasmi ah maanta loogu soo bandhigay saxaafada Isaga oo qalinka ...

Warbixin: Dalalka Muslimka ah ee ka qayb gelaya Koobka adduunka iyo Rajo Xumida ku dhacday

(22-6-2018) Tartanka Koobka Adduunka oo galay is-araggii labaad ayaa waxa shanadadahooda xidhay saddexdii waddan ee ugu horreeyey, kuwaas ...

Rasmi: Javier Pastore oo ku biirey kooxda Roma

(22-6-2018) Cayaaryahankii kooxda Kubada Cagta PSG Javier Pastore ayaa sirasmi ah ugu wareegay kooxda Roma kadib markii ladhameeyey wax ...

Daawo: Guuldaradii Ceebta iyo Fadeexada Xanbaarsanayd ee ku dhacday Messi iyo Xulka Argentina

(22-6-2018) Xulka qaranka Croatia ayaa fadeexaad iyo ceeb dusha u saaray Argentina oo dhibaato wayn oo kale ay ...

Cayaartoy Reer Iran Ah Oo Qabsaday Indhaha Dunida Kaddib Dhacdo Ku Cusub Ciyaaraha Oo Uu Sameeyey

(22-6-2018) Dunida kubadda cagta oo dhan ayaa mar kaliya indhahooda u jeediyey laacib ka tirsan xulka qaranka Iran ...

Fadeexad ku soo baxday Garsoorihii kulankii Morocco iyo Portugal?

(22-6-2018) Garsoorihii dhexdhexaadinayey ciyaartii xulka qaranka Portugal uu 1-0 kaga adkaaday Morocco ee sababay in dalkii ugu horreeyey ...

Brazil Oo War Cusub Kasoo Saartay Caafimaadka Neymar & Doorka Uu Ku Yeelan Doono Kulanka Jimcaha Ee Costa Rica

(22-6-2018) Tababaraha xulka qaranka Brazil ayaa war cusub kasoo saaray xaaladda caafimaadka ee Neymar oo la wariyey inuu ...

Rikooradii laga diiwaan geliyey Kulankii Portugal iyo Morocco?

(21-6-2018) Kadib kulankii xiisaha badnaa ee galabkii Khamiista dhex maray dalalka Morocco  iyo Portugal kaas oo ahaa koobka aduunyada ...

Daawo: Spain oo dirqi kaga badisay Iran iyo Var oo Saaciday La Roja

(21-6-2018) Xulka qaranka Spain ayaa guushiisii ugu horeysay ee koobka aduunka ka gaadhay Iran oo iska caabin xoogan ...

Warbaahinta BBC oo Taariikh Cusub ku soo kordhisey Koobka aduunka+Sawiro

(21-6-2018) Warbaahinta BBC ayaa Taariikh Cusub ku soo kordhisey Koobka aduunka kadib markii Gabdhii u horeysey Taariikhda ay ...

Macalinka Xulka dalka England oo Garab ka jabay+Sawiro

(21-6-2018) Tababaraha xulka qaranka England, Gareth Southgate ayaa ka dhaawacmay garab isaga oo ku sugan waddanka Ruushka halkaas ...

Nin Caan ka ahaa Cayaarta Musaaracada oo Geeriyoodey

(21-6-2018) Waxaa Geeriyoodey mid ka mid ah Cayaartoydii ugu Caansanayd ee soo martay Musaaracada kaas oo lagu Magacaabi ...

Maurizio Sarri oo shuruud ku xiray Chelsea

(20-6-2018) Macalinka u dhashay dalka Talyaaniga ee Maurizio Sarri oo lafilayo in uu Noqdo Macalinka Naadigaas ayaa lasheegayaa ...

Rasmi: Emre Can oo soo Gaaray Magaalada Torino si uu Tijaabo Caafimaad ugu Maro Juventus

(20-6-2018) Kooxda Kubada Cagta Juventus ayaa shaaca ka qaaday in ay heshiis rasmi ah lagaartay Cayaaryahanka dalka Jarmalka ...