Tuesday, September 18th, 2018

Xiddiga reer Argentina Ee Lanzini Oo Dhaawacmay, Liiska Koobka Adduunka Oo Laga Saarayo Iyo Ciyaartoyga Lagu Beddelayo

Published on June 8, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(08-06-2018) Xulka qaranka Argentina ayaa u safraya waddanka Ruushka iyadoo uu ka maqan yahay laacibka khadka dhexe ee Manuel Lanzini, kaddib markii uu dhaawac ka gaadhay xili uu tababar qaadanayey.

Lanzini oo ka mid ahaa 23-ka ciyaartoy ee uu tababare Jorge Sampaoli usoo xushay inay uga qayb-galaan Koobka Adduunka ayaa dhaawac culus uu ka gaadhay jilibka, kaas oo noqday jabniin aan sinaba suurtogal uga dhigi doonin inuu dhowaan garoomada kusoo laabto.

25 jirkan u ciyaara West Ham ayaa xili ciyaareedkii tegay 27 kulan oo uu horyaalka premier League saftay waxa uu dhaliyey shan gool, hase yeeshee, waxa uu qayb weyn ka ahaa dibu-soo kabashadii naadiga reer London ugu negaadeen horyaalka heerka koowaad kaddib markii ay qaybtii hore ee xili ciyaareedka ka mid noqdeen naadiyada meelaha ugu hooseeya ku jira.

Lanzini oo ciyaaray kulankii ugu dambeeyey ee Argentina iskugu diyaarinaysay Koobka Adduunka ee toddobaadkii hore ay 4-0 kaga adkaadeen Haiti ayaa waxa uu si ramsi ah uga hadhay xulka, halkaas oo uu noqday ciyaartoygii labaad ee qaranka muhiim u ah ee ka hadha, waxaana kasii horreeyey goolhaye Sergio Romero oo ku dhaawacmay ciyaartii saaxiibtinimo ee waddanka Spain.

Warka dhaawaca Lanzini oo uu si rasmi ah ugu dhowaaqay xidhiidhka kubadda cagta Argentina, ayaan dhinaca kale weli la caddaynin laacibka lagu beddeli doono, iyadoo sida sharcigu dhigayo ay waddamadu soo beddelan karaan ciyaartoyga ka dhaawacma maalin ka hor bilowga Koobka Adduunka, wakhtigaas wixii ka dambeeyana aan laga ogolaan doonin.

Lama hubo in tababaruhu uu go’aamin doono inuu laacib khadka dhexe ah booskiisa kusoo buuxado iyo inuu weerarka xoojisto oo uu u yeedho Icardi, waxaase la ogyahay in laacibiinta awoodda badan ee khadka dhexe ee Ever Banega, Lucas Biglia, Angel Di Maria, Giovani Lo Celso, Cristian Pavon, Maximiliano Meza iyo Eduardo Salvio ay dhamaantood diyaar yihiin.

Argentina waxay ku jirtaa group D oo ay ku wehelinayaan Croatia, Nigeria iyo Iceland.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Roberto Firmino Iyo Saddex Weeraryahan Oo Kale Oo Liverpool Ka Maqnaan Doona Ciyaarta Caawa Ee PSG

(18-9-2018) Kooxda Kubada Cagta Liverpool ayaa caawa garoonkeeda Anfield kusoo dhoweynaysa naadiga reer France ee PSG, kulankooda ugu ...

DEG DEG: Agaasimihii Cayaaraha Arsenal oo iscasilay Sabab?

(18-9-2018) Agaasimihii fulinta Arsenal ee Ivan Gazidis ayaa ku dhowaaqay inuu ka tegayo Gunners muddo dheer kaddib, isla ...

Afar Khalad Oo Sergio Ramos Sameeyey, Tababaruhuna Ku Raacay Iyo Jamaahiirta Oo Ka Garaabay In Ronaldo Loo Darsaday?

(18-9-2018) Real Madrid ayaa lumisay dhibcihii ugu horreeyey ee xili ciyaareedkan, markii ay garoonka San Mames marti ugu ...

Xogta Dahsoon: Sababta Cayaaraha Champions League loo cayaaro 7-45 daqiiqo qaarada yurub?

(18-9-2018) Waxaa Caawa bilaaban doona koobka Xiisaha badan ee Champions League koobkaas oo ah kan Sadexaad caalamka loogu jecelyahay adiga ...

Cayaaraha Champions League ee Caawa lacayaari doono?

(18-9-2018) Waxaa Caawa bilaaban doona koobka Xiisaha badan ee Champions League kaas oo ay Cayaari doonaan Naadiyo aad u adag ...

Koobka Champions League oo bilaaban doona Caawa 10 ka Naadi ee u sharaxan iyo koox kasta Xiddiga Hogaamin doona

(18-9-2018) Koobka Caalamka sida weyn looga Xiiseeyo ee UEFA Champions League ayaa habeenka Talaadada sirasmi ah uga bilaaban ...

11 kii Cayaaryahan ee ugu fiicnaa Todobaadkaan Horyaalka Premier League

(18-9-2018) Waxaa lasoo saaray liiska 11 kii Cayaaryahan ee ugu fiicnaa dhamaan Cayaartoydii Cayaartay Horyaalka Premier League dalka England ...

Daawo Sawirada Neymar iyo Kylian Mbappe oo Hogaaminaya Tababarka PSG iyo Nasser Al-Khelaifi oo soo booqdey

(18-9-2018) Cayaartoyda kooxda PSG ee kala ah Neymar iyo Kylian Mbappe ayaa dib ugu soo laabtay Tababarka Naadigooda kadib ...

N’Golo Kante oo Salaada Subax kutukuday Masjid kuyaala London kadibna Sawiro lagalay Taageerayaal+Sawiro

(17-9-2018) Cayaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Kubada Cagta Chelsea N’Golo Kante ayaa si lama filaan ah loogu arkay Masjid ...

Mohamed Salah Oo Loogu Magac Darayo Wado Weeyn Oo Ku Taala Dalkiisa Masar!

(17-9-2018) Ganacsadaha reer Masar ee Naguib Sawiris ayaa soo dhaweeyay fikir la yaab leh oo ah in wado ...

AC Milan oo heshiis lagaartay Mareeyihii Cayaaraha Arsenal Ivan Gazidis

(17-9-2018) Wararka ugu danbeeya ee laga helayo Kooxda AC Milan ayaa sheegaya in Naadigaas ay heshiis lagaartay Maareeyihii ...

Cristiano Ronaldo Oo Lagula Yaabay Qaabkii Waallida Ahaa Ee Uu Ugu Dabbaal-degay Goolashii Xalay

(17-9-2018) Jamaahiirta kubadda cagta gaar ahaan kuwooda isticmaala barta Twitter-ka oo ah kuwo inta badan ka falceliya dhaq ...

David Luiz oo aqbalay inuu heshiiska u kor dhiyo Chelsea.

(17-9-2018) Chelsea ayaa qarka u saaran inay wadahadalo qandaraas kordhina la furto daafacooda David Luiz. Xiddiga reer Brazil ayaa ...

Daawo: Gonzalo Higuain oo Guuldaro ka bad baadiyey AC Milan

(17-9-2018) Kooda kubada Cagta AC Milan ayaa bareejo lagashay Naadiga Cagliari oo ay kula soo Cayaareen banaanka waxaana ay ...

Daawo: Zlatan Ibrahimovic oo dhaliyey Gool dunida ka yaabiyey

(17-9-2018) Weeraryahanka Caanka ah ee lagu Magacaabo Zlatan Ibrahimovic ayaa dhaliyey mid ka mid ah Goolasha ugu layaabka ...