Tuesday, December 11th, 2018

Boqorada Ingiriiska Oo Maalinta Xuska Dhalashadeeda Darajada SIR Ku Sharaftay Halyayga Liverpool Ee Kenny Dalglish Iyo Waxyaabaha Uu Ku Kasbaday

Published on June 9, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(09-06-2018) Halyayga kooxda Liverpool ee Kenny Dalglish ayaa si rasmi ah loogu abaal mariyay darayada ay boqorada dalka Ingiriisku bixiso ee Sir kadib markii abaal marintan lagu soo beegay maalinta xuska dhalashada boqorada Ingiriiska. Kenny Dalglish ayaa lagu sharfay wixii uu kubbada cagta UK ku soo kordhiyay iyo waliba bini aadamnimada uu ka shaqayo oo uu si wayn amaan ugu helay.

Waxa kale oo xafladii abaal marinaha boqorada Ingiriiska darajooyin lagu gudoonsiiyay feedhyahanka miisaanka culus ee Anthony Joshua iyo xidiga ree England ee Jermain Defoe kaas oo isna abaal marintan ku helay hawlaha samafar ee uu hayo gaar ahaan qaabkii uu wiilkii yaraa ee Sunderland ee xanuunsanayay uu noloshiisa saamaynta layaabka leh ugu yeeshay.

Kenny Dalglish oo ka mid ah shaqsiyaadka ugu xusuusta iyo waxtarka fiicnaa jamaahiirta kooxda Liverpool kaas oo isaga oo ciyaartoy ah iyo waliba isaga oo tababare ah soo madadaaliyay The Kopp ayaa ugu danbayn helay darajada Sir isaga oo 67 sano jir ah.

Markii horeba waxaa magaca Kenny Dalglish la raacin jiray King iyada oo hadda magiciisa la racin doono Sir Kenny Dalglish ama Sir King Kenny Dalglish wuxuuna waayihiisa ciyaareed ka soo bilaabay kooxda dalkiisa Scotland ee Celtic halkaas oo uu 167 gool ku soo dhaliyay 322 kulan oo uuu soo ciyaaray.

Sir Kenny Dalglish ayaa xulka qarankiisa Scotland u saftay 102 kulan waana ciyaartoyga ilaa hadda rekoodkan haysta isaga oo 30 gool u soo dhaliyay laakiin waxa uu waayihiisii ciyaartoy iyo tababaranimo ee ugu fiicnaa uu ku soo qaatay Liverpool.

Sir Kenny Dalglish ayaa Liverpooll u soo saftay 515 kulan wuxuuna u soo dhaliyay 172 gool isaga oo noqday ciyaartoy iyo tababare wada noqday markii ay 1985 kii ma siibado ka dhacday garoonka Heysel Stadium.

Guud ahaan Sir Kenny Dalglish ayaa ku soo guulaystay 14 koob oo horyaalada Scotland iyo England ah isaga tababare ama ciyaartoy ah wuxuuna sidoo kale Liverpool ka soo caawiyay saddex koob oo koobka kooxaha Yurub ah.

Sir Kenny Dalglish ayaa kooxda Blackburn sanadkii 195 kii ka caawiyay in ay si layaableh ugu guulaysatay koobka Premier league, laakiin waxa uu amaan wayn ku helay sida bini aadamnimadu ku dheehan tahay ee uu u soo caawinayay dadkii ku waxyeeloobay musiibadii Hillsborough  ee April 1989 kii isaga oo si joogto ah u soo caawinayay qoysaskii dadkii ku waxyeeloobay musiibadan.

Si kastaba ha ahaatee, Kenny Dalglish oo ilaa hadda ka mid ah shaqsiyaadka ay jamaahiirta Livrpool ugu jecel yihiin ayaa boqorada Ingiriiska ka helay darajada ‘knighthood’ iyada oo lagu abaal mariyay wixii uu kubbada cagta UK ka soo qabtay iyo waliba wax qabadkiisa bini aadamnimo ee uu soo waday.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Andrew Robertson” Manchester United Waa in lagu Xisaabiyaa Kooxaha yar yar Sabab?

(11-12-2018) Cayaaryahanka Daafaca kooxda Liverpool ee Andrew Robertson ayaa hoos u dhigay awooda Manchester United ka hor kulanka ...

Kaddib Saddexleydii Toddobaadka, Maxay Ahayd Farriintii Mohamed Salah Uu Ka Helay Philippe Coutinho, Maxayse Jamaahiirta Liverpool Ugu Jawaabeen?

(11-12-2018) Cayaaryahan Philippe Coutinho ayaa muujiyey in qayb qalbigiisa ka mid ah ay weli taallo garoonka Anfield kaddib ...

Isku Aadka Wareega 16 ka Coppa Italia oo la Sameeyey

(11-12-2018) Waxaa lasameeyey Isku Aadka Wareega 16 ka Coppa Italia kaas oo ay isku soo beegmeen kooxo waa weyn sidoo ...

Chelsea, Liverpool Iyo Real Madrid Oo Ku Tartamaya Cayaartoy Muslim Ah?

(11-12-2018) Real Madrid ayaa la sheegay inay ku biirtay kooxaha Chelsea iyo Liverpool oo isku eryanaya saxeexa ciyaartoy ...

Ha Iigu Yimaaddo Talyaaniga Isaga Ayaa Ii Baahane – Cristiano Ronaldo Oo Bannaanka Keenay Dhiilaha Messi Iyo Real Madrid, Digniin Culusna U Diray

(11-12-2018) Bal qiyaas sida ay noqonayso kubadda cagta Talyaanigu iyo in xiisihii horyaalkaasi soo laaban lahaa haddii uu ...

John Cena & Gacalisadiisii Nikki Bella Oo Kala Tegay Iyo Peter Kraus Oo Ka Faa’iidaystay

(11-12-2018) Xiddiga ciyaarta musaaricada WWE ee John Cena iyo gacalisadiisii Nikki Bella ayaa si ramsi ah u kala ...

Xaaska Feeryahanka Tyson Fury Oo Qarisay Ilmaheedii Oo Dhintay Saacado Ka Hor Feer Taariikhi Ah Oo Fury Ku Guuleystay

(11-12-2018) Xaaska feedhyahanka Ingiriiska ee Tyson Fury oo lagu magacaabo Paris ayaa calool adag iyo adkaysi muujisay saacado ...

Lionel Messi Oo Ku Wargeliyey Coutinho Inuu Ka Shaqeeyo Xaasidnimada Real Madrid Iyo Tababare Ay Ka Hor Istaagayaan Bernabeu

(11-12-2018) Cayaaryahan Lionel Messi waa ciyaartoyga ugu halista badan ee Real Madrid ka hor tagto, waana cabsi geliyaha ...

Geeri ama Nolol: Tababaraha Liverpool Oo Ka Hadlay Waxa Uu Jamaahiirtiisa Anfield Ka Doonayo Kulanka Napoli Ee UCL

(11-12-2018) Kooxda Liverpool ayaa Anfield ku soo dhawayn doonta dhigeeda Napoli, waana kulan uu culayska oo dhami saaran ...

Jose Mourinho Oo Kalsooni Ku Qaba Inuu Heli Doono Ciyaartoy Bartilmaameed U Ah Iyo Lacagta Uu Ku Doonayo Oo La Shaaciyey

(10-12-2018) Tababaraha Manchester United, Jose Mourinho ayaa la sheegay inuu kalsooni buuxda ku qabo inuu gacanta ku dhigo ...

Layaab!: Sagaal bilood kadib Romelu Lukaku oo Gool ku dhaliyey Old Trafford

(09-12-2018) Weeraryahanka kooxda Manchester United Romelu Lukaku ayaa ugu dambeyn soo gabagabeeyay abaartii gool la’aaneed ee ku heysatay ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Chelsea oo Jabisay Recotdkii layaabka lahaa ee Manchester City

(09-12-2018) Kooxda Kubada Cagta Chelsea ayaa soo gabagabeysay rikoodhkii guuldarro la’aanta Manchester City kaddib markii ay uga badiyeen ...

Kiniinka Viagra-ha Oo Badan Ayaad Cuntay Oo Xataa Kooxdii Arsenal Ee Guuldaro La’aanta Premier League Guulaysatay Ayaad Soo Gasheen- Piers Morgan Oo Messi Uga Hiilayay Pele

(09-12-2018) Halyaygii hore ee xulka qaranka Brazil ee Pele ayaa waraysi uu siiyay Daily Mirror waxa uu si ...

Geesiga Islaamka Khabib Nurmagomedov oo hadal qiiro leh ka jeediyey Saudi Arabia

(08-12-2018) Feedhyahanka Muslimka ah ee Khabib Khabib Nurmagomedov ayaa weerar ba’an kala kulmay gaalada reer galbeedka oo si ...

Chelsea oo qarka u saaran in ay heshiis lagasho badelka Eden Hazard Waa Kuma?

(08-12-2018) Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa isku diyaarinaysa xaalad kasta oo kasoo korodha xiddigeeda Eden Hazard oo aan ...