Tuesday, December 11th, 2018

Khilaafkii Turkiga Iyo Jarmalka Oo Gaadhay Meel Xun, Gundogan Oo Lagu Bahdilay Cayaartii Saudi Arabia Iyo Ozil Oo Xaalad Xun Gelaya

Published on June 9, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(09-06-2018) Khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Turkiga iyo Jarmalka ayaa gaadhay meel xun, kaddib markii jamaahiirta xulka qaranka Jarmalku ay si xun ula dhaqmeen laacibkooda khadka dhexe ee Ilkay Gundogan intii ay socotay ciyaartii saaxiibtinimo ee Saudi Arabia ay iskaga hor yimaaddeen Jimcihii.

Cayaar saaxiibtinimo oo ka dhacday magaalada Leverkusen ayey Jarmalku kusoo dhoweeyeen xulka qaranka Sucuudiga, waxaana qaybtii hore kaydka la fadhiisiyey Ilkay Gundogan iyo Mesut Ozil oo dhaawac dartii aan garoobkana joogin, hase yeeshee markii uu garoonka soo galay Gundogan qaybtii dambe ayaa uu la kulmay lama filaan.

Gundogan oo isaga iyo Ozil ay bishii hore la kulmeen madaxweynaha waddanka ay asal ahaan kasoo jeedaan ee Turkiga, Racep Tayyib Erdogan, markaas oo Gundogan uu bartiisa bulshada ku baahiyey hadal kooban oo uu ku yidhi: “Sharaf bay ii tahay inaan la kulmo madaxweynahayga”

Xidhiidhka kubadda cagta Jarmalka, siyaasiyiinta iyo madax badan ayaa si aad ah uga cadhooday falka Gundogan iyo Ozil ay kula kulmeen Erdogan, waxaana ay qaar badan ku doodeen in laga caydhiyo xulka oo aan aanay waddankaas mar dambe u ciyaarin.

Tababare Joachim Low ayaa daqiiqaddii 57aad soo galay Ilkay Gundogan, waxaana uu beddelay Marco Reus, hase yeeshee halkii uu ka filayey soo dhoweyn ayey dhamaan taageereyaashii garoonka joogay iskula oogsadeen cay iyo qaylo, taas oo bilaabmaysay mar kasta oo uu kubadda taabto.

And the Saudis, who have also qualified for the World Cup, should have had an injury-time penalty when Mats Hummels pulled Mohammad Al-Sahlawi’s shirt six yards from goal.

Maalin xun ayey u ahayd Gundogan

Gundogan ayaa dhibbane u noqday taageereyaashii uu ka filayey dhiirigelinta, hase yeeshee Mesut Ozil ayaa isagana sidan oo kale loogu qayliyey ciyaartii saaxiibtinimo ee toddobaadkii hore Jarmalku guul-darrada kala kulmay Austria.

Tababaraha xulka qaranka Jarmalka Joachim Low ayaa usoo jeediyey taageereyaasha inay garab istaagaan xiddigahooda dhalasho ahaan kasoo jeeda Turkiga, halkii ay kaga qaylin lahaayeen.

“Xaqiiqadu waxay tahay in ciyaartooyada qaranka oo sidan loogu qayliyo aanay cidna caawin doonin.” ayuu yidhi tababare Low.

Tababare Low oo hadalkiisa sii wata waxa uu qiray in Gundogan uu sameeyey khalad, waxaanu yidhi: “Muxuu sameeyey Ilkay? Sawir ayuu la galay madaxweynaha, waxaanu iska indho tiray qiyamka Jarmalka. Mowduuca waan la xidho.”

Dhinaca kale, Gundogan ayaa toddobaadkan horraantiisii sheegay inuu dhibaato badan kala kulmay falcelintii dadka ee sawirkii uu la galay Erdogan, waxaana uu yidhi: “Sharaf ayey ii tahay inaan ku koray Jarmalka, taas ka sokowna, xidhiidh xoog badan ayaan la leeyahay Turkiga.”

Si kastaba ha ahaatee, cadhada taageereyaashu u hayaan Ozil iyo Gundogan ayaan la ogeyn inay socon doonto illaa Koobka Adduunka oo maalinta Khamiista ah bilaabmi doona, haddii ay sii socotana, waxa suurtogal ah inay dhibaato ku noqoto bandhig ciyaareedka labadan laacib.

 

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Andrew Robertson” Manchester United Waa in lagu Xisaabiyaa Kooxaha yar yar Sabab?

(11-12-2018) Cayaaryahanka Daafaca kooxda Liverpool ee Andrew Robertson ayaa hoos u dhigay awooda Manchester United ka hor kulanka ...

Kaddib Saddexleydii Toddobaadka, Maxay Ahayd Farriintii Mohamed Salah Uu Ka Helay Philippe Coutinho, Maxayse Jamaahiirta Liverpool Ugu Jawaabeen?

(11-12-2018) Cayaaryahan Philippe Coutinho ayaa muujiyey in qayb qalbigiisa ka mid ah ay weli taallo garoonka Anfield kaddib ...

Isku Aadka Wareega 16 ka Coppa Italia oo la Sameeyey

(11-12-2018) Waxaa lasameeyey Isku Aadka Wareega 16 ka Coppa Italia kaas oo ay isku soo beegmeen kooxo waa weyn sidoo ...

Chelsea, Liverpool Iyo Real Madrid Oo Ku Tartamaya Cayaartoy Muslim Ah?

(11-12-2018) Real Madrid ayaa la sheegay inay ku biirtay kooxaha Chelsea iyo Liverpool oo isku eryanaya saxeexa ciyaartoy ...

Ha Iigu Yimaaddo Talyaaniga Isaga Ayaa Ii Baahane – Cristiano Ronaldo Oo Bannaanka Keenay Dhiilaha Messi Iyo Real Madrid, Digniin Culusna U Diray

(11-12-2018) Bal qiyaas sida ay noqonayso kubadda cagta Talyaanigu iyo in xiisihii horyaalkaasi soo laaban lahaa haddii uu ...

John Cena & Gacalisadiisii Nikki Bella Oo Kala Tegay Iyo Peter Kraus Oo Ka Faa’iidaystay

(11-12-2018) Xiddiga ciyaarta musaaricada WWE ee John Cena iyo gacalisadiisii Nikki Bella ayaa si ramsi ah u kala ...

Xaaska Feeryahanka Tyson Fury Oo Qarisay Ilmaheedii Oo Dhintay Saacado Ka Hor Feer Taariikhi Ah Oo Fury Ku Guuleystay

(11-12-2018) Xaaska feedhyahanka Ingiriiska ee Tyson Fury oo lagu magacaabo Paris ayaa calool adag iyo adkaysi muujisay saacado ...

Lionel Messi Oo Ku Wargeliyey Coutinho Inuu Ka Shaqeeyo Xaasidnimada Real Madrid Iyo Tababare Ay Ka Hor Istaagayaan Bernabeu

(11-12-2018) Cayaaryahan Lionel Messi waa ciyaartoyga ugu halista badan ee Real Madrid ka hor tagto, waana cabsi geliyaha ...

Geeri ama Nolol: Tababaraha Liverpool Oo Ka Hadlay Waxa Uu Jamaahiirtiisa Anfield Ka Doonayo Kulanka Napoli Ee UCL

(11-12-2018) Kooxda Liverpool ayaa Anfield ku soo dhawayn doonta dhigeeda Napoli, waana kulan uu culayska oo dhami saaran ...

Jose Mourinho Oo Kalsooni Ku Qaba Inuu Heli Doono Ciyaartoy Bartilmaameed U Ah Iyo Lacagta Uu Ku Doonayo Oo La Shaaciyey

(10-12-2018) Tababaraha Manchester United, Jose Mourinho ayaa la sheegay inuu kalsooni buuxda ku qabo inuu gacanta ku dhigo ...

Layaab!: Sagaal bilood kadib Romelu Lukaku oo Gool ku dhaliyey Old Trafford

(09-12-2018) Weeraryahanka kooxda Manchester United Romelu Lukaku ayaa ugu dambeyn soo gabagabeeyay abaartii gool la’aaneed ee ku heysatay ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Chelsea oo Jabisay Recotdkii layaabka lahaa ee Manchester City

(09-12-2018) Kooxda Kubada Cagta Chelsea ayaa soo gabagabeysay rikoodhkii guuldarro la’aanta Manchester City kaddib markii ay uga badiyeen ...

Kiniinka Viagra-ha Oo Badan Ayaad Cuntay Oo Xataa Kooxdii Arsenal Ee Guuldaro La’aanta Premier League Guulaysatay Ayaad Soo Gasheen- Piers Morgan Oo Messi Uga Hiilayay Pele

(09-12-2018) Halyaygii hore ee xulka qaranka Brazil ee Pele ayaa waraysi uu siiyay Daily Mirror waxa uu si ...

Geesiga Islaamka Khabib Nurmagomedov oo hadal qiiro leh ka jeediyey Saudi Arabia

(08-12-2018) Feedhyahanka Muslimka ah ee Khabib Khabib Nurmagomedov ayaa weerar ba’an kala kulmay gaalada reer galbeedka oo si ...

Chelsea oo qarka u saaran in ay heshiis lagasho badelka Eden Hazard Waa Kuma?

(08-12-2018) Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa isku diyaarinaysa xaalad kasta oo kasoo korodha xiddigeeda Eden Hazard oo aan ...