Wednesday, December 12th, 2018

Naxdin: Mohamed Salah oo Samayn Waayey Tababarkii u danbeeyey Xulka dalka Masar

Published on June 10, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(11-6-2018) Xiddiga xulka qaranka Masar ee Mohamed Salah ayaa si rasmi ah ugu soo laabtay tababarka ka hor bilowga Koobka Adduunka oo ay ka dhiman tahay saddex ciyaarood oo kaliya.

Mohamed Salah ayaa tababarkii u dambeeyey ee xulka qaranka Masar Sabtidii ku yeeshay magaalada Qaahira si lama filaan ah uga soo muuqday, waxaana mar kaliya ay boqollaal taageereyaal ah oo garoonka joogay ugu war heleen muuqaalka xiddigooda oo garoonka dhex-jooga, isla markaana tababarka mararka qaarkood qaadanaya, wakhtiga badankiisa iskala taagnaa tababaraha.

Mohamed Salah oo tababarka la sameeyey xulka qaranka Masar Sabtidii

Goob-jooge ku sugnaa garoonka tababarka ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in Salah ay mar kaliya ku war heleen isaga oo garoonka jooga, taageereyaashii tirada badnaana ay farxad la kala caddaadeen.

Xulka qaranka Masar ayaa tababarka bilaabay wakhti ku beegnayd 10-kii fiidnimo ee xalay ee wakhtiga Masar markaas oo ay kasoo baxeen kulan ay la yeesheen madaxweynaha Masar oo qasriga madaxtooyada dardaaran ugu sii laqimay.

Warku waxa uu sheegay in Mohamed Salah uu marar badan dhex-taagnaa shaqaalaha tababarka isaga oo ku lebbisan dharka ciyaarta iyadoo xiddigaha kale qaadanayaan tababarka, taas oo ahayd calaamad muujinaysa in weli aanu caafimaadkiisu taam ahayn, hase yeeshee xidhiidhka kubadda cagta ayaa hore u sheegay in ugu badnaan uu saddex toddobaad garoomada ka maqnaan doono inkastoo ay dhici karto inuu kasoo horreeyoo.

Ka hor intii aanay tababarka samaynin, xulka qaranku waxay kulan la yeesheen madaxweynaha Masar oo dardaaran adag ku siiyey inay Koobka Adduunka kasoo hooyaan guul ka farxisa dadkooda, isla markaana ay dhawraan dhaqanka soojireenka ah ee Masar.

“Madaxweynuhu wuxuu xubnaha xulka qaranka weydiistay inay sida ugu wanaagsan ee farxad gelinaysa dadka Masar u ciyaaraan, waxaanu ku adkeeyey inay muujiyaan akhlaaqadda, ka turjumaysa dhaqanka soo jireenka ah ee Masaarida” Sidaas waxa yidhi Bassam Rady oo ah afhayeenka madaxweynaha Masar oo ka hadlayey kulanka madaxweynaha iyo ciyaartoyga..

Dhinaca kale, xiddiga da’da yar ee hoggaaminaya xulka lagu naanayso Pharaohs ama Faraacinada, ee Mohamed Salah oo shirka joogay ayaa u sheegay madaxweynaha inuu si fiican uga soo kabanayo dhaawacii garabka ka gaadhay ciyaartii finalka Champions League ee dhamaadka bishii May.

Salah waxa uu carrabka ku adkeeyey isaga oo madaxweynaha hortaagan inuu ku dhow yahay in caafimaadkiisu taam noqdo, rajo fiicanna uu ka qabo inuu si rasmi ah u bogsan doono ka hor ciyaarta furitaanka Koobka Adduunka.

Egypts national team footballer and Liverpool’s forward Mohamed Salah attends his teammates during Egyptian team in the final practice training session before going to Russia to start play in World Cup 2018, at Cairo international stadium in Cairo on June 9, 2018. (Photo by Islam Safwat/NurPhoto via Getty Images)

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Wararkii ugu danbeeya Suuqa kala iibsiga Cayaartoyda

(12-12-2018) Shabakeda qalinkacayaaraha ayaa waxa ay eegeysaa wararkii ugu waa weynaa ee suuqa kala iibsiga iyo wararka xanta ...

Messi Airlines: Xogta Gudaha Diyaarad Si Gaarka Ah Loogu Farsameeyey Messi Iyo Waxyaabaha Qariibka Ah Ee Laga Helayo

(12-12-2018) Xiddiga kooxda kubadda cagta Barcelona ee Lionel Messi ayaa markii ugu horreysay loo sameeyey diyaarad u gaar ...

Ronaldo Oo Arrimo Ganacsi Ah Kala Hadlay Gerard Pique – Hadana Doonaya Inuu Wax Badan La Fariisto Si Ay U Wada Hdalaan.

(12-12-2018) Daafaca kasii hawlgabaya kubada cagta ee Gerard Pique ayaa doonaya inuu durba saameyn ku yeesho ganacsiga dunida ...

HOLAC: Kor Kulanka England Ugu Wayn Ee Liverpool vs Man United,Jamie Carragher & Gary Neville Oo Soo Xushay Shaxda Isku Darka Kooxihii Ay Ku Soo Xufiltameen.

(12-12-2018) Kooxaha Liverpool iyo Manchester United ayaa axada geesaha isku dari doona Anfield kulanka kubbada cagta England ugu ...

Waa Maxay Rikoorka Uu Rajeynayo Lionel Messi Inuu Sameeyo Kulanka Levante? Immisa Ciyaartoy Ayaase Kaga Horreeya.

(11-12-2018) Cayaaryahan Lionel Messi waa u dhaqan inuu mar walba rikoor sameeyo, kulankiisa xiga ee horyaalka wuxuu ku ...

Cayaartoygii Ingiriiska Ee Tareenka Ku Dhex Kufsaday Gabadha Oo Maxkamadda Ka Sheegay Wixii Uu Sameeyey

(11-12-2018) Cayaartoy hore ugu ciyaari jiray xulka qaranka England yaaa la hor keenay maxkamadda York ee Duham isaga ...

Lionel Messi oo ku soo bilaaban doona kulanka Caawa

(11-12-2018) Cayaaryahanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa laxaqiijiyey in uu ku soo bilaaban doono Cayaarta Caawa ay kooxdiisu ...

Magacyada iyo Sawirada 6 da Cayaaryahan ee ku lug yeelatay Goolasha ugu badan Xiligaan Horyaalka Premier League

(11-12-2018) Waxaan idiin soo gudbineynaa aqristeyaasheena sharafta lahoow Magacyada iyo Sawirada 6 da Cayaaryahan ee ku lug yeelatay ...

Wararkii ugu danbeeyey suuqa kala ibsiga Cayaartoyda ee Maanta

(11-12-2018) Maalin wanaagsan dhamaan akhristayaasheena sharafta leh meel walba oo aad dunida ka joogtaan, ku soo dhawaada wararkii ...

Shabakada Mail Oo Ogaatay Go’aanka Uu Paul Pogba Ka Qaatay Mustaqbalkiisa Man United & Hadii Uu Baxay Bisha January?

(11-12-2018) Manchester United ayaa loo sheegay in Paul Pogba uusan garoonka Old Trafford ka bixi doonin bisha January ...

Andrew Robertson” Manchester United Waa in lagu Xisaabiyaa Kooxaha yar yar Sabab?

(11-12-2018) Cayaaryahanka Daafaca kooxda Liverpool ee Andrew Robertson ayaa hoos u dhigay awooda Manchester United ka hor kulanka ...

Kaddib Saddexleydii Toddobaadka, Maxay Ahayd Farriintii Mohamed Salah Uu Ka Helay Philippe Coutinho, Maxayse Jamaahiirta Liverpool Ugu Jawaabeen?

(11-12-2018) Cayaaryahan Philippe Coutinho ayaa muujiyey in qayb qalbigiisa ka mid ah ay weli taallo garoonka Anfield kaddib ...

Isku Aadka Wareega 16 ka Coppa Italia oo la Sameeyey

(11-12-2018) Waxaa lasameeyey Isku Aadka Wareega 16 ka Coppa Italia kaas oo ay isku soo beegmeen kooxo waa weyn sidoo ...

Chelsea, Liverpool Iyo Real Madrid Oo Ku Tartamaya Cayaartoy Muslim Ah?

(11-12-2018) Real Madrid ayaa la sheegay inay ku biirtay kooxaha Chelsea iyo Liverpool oo isku eryanaya saxeexa ciyaartoy ...

Ha Iigu Yimaaddo Talyaaniga Isaga Ayaa Ii Baahane – Cristiano Ronaldo Oo Bannaanka Keenay Dhiilaha Messi Iyo Real Madrid, Digniin Culusna U Diray

(11-12-2018) Bal qiyaas sida ay noqonayso kubadda cagta Talyaanigu iyo in xiisihii horyaalkaasi soo laaban lahaa haddii uu ...