Tuesday, September 25th, 2018

Pep Guardiola Oo BEENAALE Ku Tilmaamay Yaya Toure?

Published on June 10, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(10-6-2018) Dhawaan ayay ahayd markii uu Yaya Toure waraysi aad xaasaasi u ah siiyay wargayska France Football isla markaana uu Guardiola ku tilmaamay tababare cunsurinimo kula dhaqma ciyaartoyda Afrikaanka ah, wuxuuna Toure ka sheekeeyay sababta uu eedayntan ugu soo jeediyay macalinkiisii kooxaha Barcelona iyo Man City ee Guardiola.

Saxaafada aduunka ayaa si wayn uga faalootay hadalkii uu Toure ku duray Guardiola ee uu eedaynta culus ugu soo jeediyay isaga oo waliba xidiga ree Ivory Coast balan ku qaaday in uu hadiyad Guardiola siin doono maalinta uu shan ciyaartoy oo Afrikaan ah shaxdiisa ku soo wada xusho.

Guardiola ayaa sidoo kale meesha ka saaray in noloshiisa uu markale tababare u noqon doono Barcelona, wuxuuna sheegay in marka uu joojiyo shaqada tababaranimo uu ciyaari doono Golf-ka. Guardiola ayaa sidoo kale ka hadlay calaamada hurdiga ah ee siyaasada Catalonia ee uu ganaaxa kula kulmay xili ciyaareedkii dhamaaday ee Premier league.

Haddaba Guardiola ayaa markii ugu horaysay si xoogan uga jawaabay eedaynta uu Yaya Toure kala kulmay wuxuuna been cad ku tilmaamay eedaynta uu Toure u soo jeediyay kadib markii uu waraysi siiyay TV3.

Guardiola oo u jawaabaya isla markaana iska difaacaya eedayntii cuslayd ee uga timid Yaya Toure ayaa luuqaad xoogan ku sheegay: ” Waa been isaguna wuu ogyahay. Waxaanu wada joognay laba sanadood, waana hadda marka uu sheegayaa, isagu waligay si fool-ka-fool ah aniga iigumuu sheegin”.

Dhinaca kale Guardiola ayaa wax laga waydiiyay haddii uu mar uun noloshiisa dib ugu soo laaban doono Barcelona si uu tabbaare ugu noqdo wuxuuna yidhi: “Maya, anigu tababare ayaan ahay (ma ihi madax wayne), waxaanan ku fiicanahay waxa aan ka shaqeeyo, wax walba ma noqon kartid. Marka aan joojiyo tababarida, waxaad arki doontaa aniga oo ciyaaraya Golf”.

“Ka tababaraha Barcelona ahaan wuu soo dhamaaday, sababtoo ah anigu sidii lama mid ihi iyaguna si la mid ah iima arkaan” ayuu Guardiola hadalkiisa sii raaciyay isaga oo muujinaya in aanu markale noloshiisa qaban doonin shaqada tababaranimo ee Barcelona.

Guardiola ayaa xili ciyaareedkii dhamaaday ciwaanada saxaafada England iyo Spain ku qabsaday calaamada siyaasadeed ee Catalonia ee uu jeebka sare ku soo xidhan jiray waxaana wax laga waydiiyay orinta heesta qaranka Spain ee jamaahiirta Catalonia.

Guardiola oo arintan ka hadlaya ayaa yidhi: “Aniga wax sax ah iilama muuqato in lagu heeso heesta qaranka Spain, laakiin waxaan filayaa in wax aan micno lahayn tahay in shaadhka laga saaray calaamada hurdiga ah, sababtoo ah ma aha calaamad siyaasadeed, kaliya waxay dalbanaysaa xoriyada dadka 30 ka sano xabsiga loogu xukumay in ay gaadhiga soo koreen”.

Guardiola oo siyaasada cakiran ee Catalonia ka sii hadlaya ayaa yidhi: “Tani waa waxa dhibta ugu badan leh marka aad aragto dadka oo xabsiga ku jira ama la tarxiilayo, ma jiro wax caadi ku soo noqonayaa ilaa inta taas la xalinayo”.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Fabio Capello Iyo Diego Forlan Oo Weerar Bahdilaad Ah Ku Duray Cristiano Ronaldo Iyo Lionel Messi – Waa Maxay Sababtu?

(25-9-2018) Tababaraha caanka ah ee Fabio Capello ayaa ku eedeeyey Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ixtiraam darro kaddib ...

Kaddib Guushii Xiddigga Adduunka, Waa Tuma Xaaska Luka Modric, Sidee Ayuu Jacaylkoodu Ku Bilaabmay?

(25-9-2018) Xiddiga khadka dhexe ee xulka qaranka Croatia ee Luka Modric ayaa ku guuleystay abaalmarinta laacibka ugu wanaagsan ...

Daawo Sawirada Madaxweyne Farmaajo oo degmadii uu ku dhashay Gudoonsiiyey koobkii Cayaaraha Degmooyinka Gobolka Banaadir

(25-9-2018) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay xulka degmada Waaberi hanashada Koobka Degmooyinka ...

Wariye Wax ka qoray qaladaad uu sheegay in uu ku arkay Xafladii abaal Marinta FIFA?

(25-9-2018) Waxaa soo idlaaday xaflada abaal marinta FIFA The Best ee lagu qiimeeyo xiddiga kubadda cagta qaybahooda kale ...

Daawo Sawirada iyo dhamaan sidii loo kala helay Abaal Marinada FIFA

(25-9-2018) Waxaa laqabtay Xafladii Caadiyan Sanadlaha ahayd ee lagu bixinayey abaal marinta Cayaartoyda iyo Macalimiinta Kubada cagta caalamka ...

Magacyada iyo Sawirada 11 ka Cayaaryahan ee Caalamka ugu fiican?

(25-9-2018) Xiriirka kubada Cagta Calamaka ee FIFA ayaa magacaabay 11 ka Cayaaryahan ee caalamka ugu fiican dhanka kubada ...

Mohamed Salah oo ku Guuleystey Abaal Marinta Puskas Award

(25-9-2018) Cayaaryahanka dalka Masar iyo Kooxda Liverpool ayaa ku Guuleystey Cayaaryahanka dhaliyey Goolkii ugu qurxoonaa waxaana lagu doonsiiyey ...

DEG DEG: Luka Modric oo ku Guuleystey Cayaaryahanka Caalamka ugu fiican

(25-9-2018) Cayaaryahanka kooxda Real Madrid ee Luka Modric ayaa ku Guuleystey Cayaaryahanka Caalmaka ugu fiican kadib aflada ka dhacday ...

Paul Pogba Oo Weerar Culus Ku Qaaday Qaab Ciyaareedka Jose Mourinho Iyo Khilaafkoodii Oo Cirka Isku Shareeray

(25-9-2018) Xidiga xulka qaranka France iyo kooxda Manchester United ee Paul Pogba ayaa halkiisa ka sii wata in ...

Magacyada iyo Sawirada 5 Cayaaryahan Caan ah oo Weligood Roose qaadan

(24-9-2018) Waxaan idiin doo gudbineynaa aqristeyaal magacyada iyo sawirada shan cayaaryahan ee caan ka ah kubada Cagta isla ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Gerard Pique oo Guuldaro ka bad baadiyey Barcelona

(24-9-2018) Kooxda Kubada Cagta Barcelona ayaa ka bad baaday Guuldaro kadib markii ay bareejo ka heleen Naadiga ay ...

Daawo: Juventus oo Sagaal daqiiqo ku badisay iyo Cristiano Ronaldo oo Gool dhaliyey

(24-9-2018) Kooxda Kubada Cagta Juventus ayaa Guul ka soo qaadatay Garoonka kooxda Frosinone Guushaas oo ahayd mid muhiim ah ...

Magacayada iyo Sawirada 6 da daafac ee ugu Goolasha welina kujirta Garoomada?

(24-9-2018) Waxaan idiin soo gudbineynaa aqristeyaal Magacyada iyo Sawirada 6 da Cayaaryahan ee daafaca ka cayaarta ee ah ...

Daawo: AC Milan oo Madax Xanuun kala baxday Garoonka San Siro

(24-9-2018) Kooxda Kubada Cagta AC Milan ayaa Markale lakulantay Madax Xanuun kadib markii ay bareejo 2-2 ah Garoonka ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Arsenal oo Cagta marisay Everton

(24-9-2018) Kooxda Kubada Cagta Arsenal ayaa Guul ka gaadhay kulankii Horyaalka ee ay lacayaareen kooxda Everton kaas oo ...