Friday, June 22nd, 2018

Rasmi: Liverpool iyo Kooxda Lyon oo ku kala boodey heshiiskii Nabil Fekir?

Published on June 10, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(10-6-2018) Kooxda Olympique Lyonnais ayaa war saxaafadeed kale ka soo saartay wada xaajoodkii ay kula jirtay Liverpool ee kabtanka kooxdeeda Nabil Fekir kaas oo ay Reds doonaysay in ay heshiiskiisa dhamaystirto inta aanu koobka aduunku furmin. Laakiin kooxda Olympique Lyonnais ayaa markan si cad u sheegtay in ay gabi ahaanba ka baxday wada xaajoodyadii ay Liverpool kula jirtay.

War saxaafadeed ay maamulka kooxda Olympique Lyonnais ka soo saareen xaalada wada xaajoodii waqtiga badan qaatay ee Nabil Fekir ayay ku cadeeyeen in xidiga ree France uu kooxdooda sii joogi doono xili ciyaareedka cusub isla markaana ay gabi ahaanba ka baxeen wada xaajoodyadii u socday Liverpool.

War saxaafadeedka ay soo saartay kooxda Lyon ayaa lagu yidhi: ” Olympique Lyonnais waxay ku wargalinaysaa in wada xaajoodkii saddexda dhinac ahaa ee kooxda Liverpool iyo Nabil Fekir ee la wareegista kabtanka OL in aanu guulaysan isla markaana in Olympique Lyonnais ay go’aansatay in ay caawa markii ay saacadu ahayd 20:00 ay soo gabagabaysay”.

Waxaana war saxaafadeedka Olympique Lyonnais lagu xaqiijiyay in Nabil Fekir uu doonayo ku biirista Liverpool balse qoraalka oo sii socda ayaa lagu yidhi: “Inkasta oo kooxda Liverpool ay tahay suurtogalnimada ahmiyada uu Nabil ugu wareegayo iyo qorshaha danaha kale ee ka kooban Nabil iyo Olympique Lyonnais, iyo kan ka imanaya kooxaha hamiga leh, waxay Olympique Lyonnais ku faraxsan tahay in markiiba ay ku xisaabtantay joogitaanka kabtankeeda kaas oo hogaamin doona xili ciyaareedka 2018/19 kaas oo ay kooxdu ka ciiyaari doonto Champions League-ga”

Wariyaha RMC ee Loic Tanzi oo ahaa wariyihii bil ka hor shaaca ka qaaday in Liverpool iyo Lyon ah ka wada xaajoonayeen heshiiska Nabil Fekir ayaa markan cadeeyay in sababta burburka wada xaajoodyadii Reds iyo Lyon ay sabab u tahay walaac ay Liverpool ka qabtay xaalada taam ahaansho ee Nabil kadib baadhitaankii soo baxay.

Wuxuuna Loic Tanzi sheegay in Liverpool ay doonaysay sidii ay qiimaha Nabil Fekir hoos ugu dhigi lahayd maadaama oo tijaabadii caafimaadka ee uu maray ayna ku wada qancin taas oo ugu danbayn ay Lyon go’aan ku gaadhay in ay soo xidho albaabkii wada xaajood ee ay kula jirtay Liverpool.

Inkasta oo ay kooxda Olympique Lyonnais  war saxaafadeedkii labaad soo saartay maalmo dhawr ah gudahood ilaa hadda ma jiro wax hadal rasmi ah oo ka soo baxay Liverpool oo ay arintan kaga war bixisay iyada oo hadda u muuqata in albaabkii Nabil Fekir ee Reds uu soo xidhmay.

Nabil Fekir ayaa maray tijaabada caafimaadka Liverpool waxaana soo baxayay warar badan oo sheegayay in uu dhibaato ka qabo jilibka isla markaana ay Liverpool ka walwalsan tahay xaaladiisa taam ahaansho laakiin Olympique Lyonnais  ayaa meel adag iska taagtay in xaalada taam ahaansho ee kabtankeedu ay qiimihiisa saamayn ku yeelato.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Macalinka Xulka Argentina oo Guuldaradii ku dhacday ku eedeeyey?

(22-6-2018) Tababaraha xulka qaranka Argentina, Jorge Sampaoli ayaa eedayn kulul u jeediyey ciyaaryahannada xulka qaranka dalkaas oo uu ...

Saxiixa Cusub ee Khadka Dhexe kaga Ciyaari Dona United-ka,Kadib Markii Koxda United ay Baahisay Sawiradisa

(22-6-2018) Xiddiga reer Brazil ee Fred ayaa si Rasmi ah maanta loogu soo bandhigay saxaafada Isaga oo qalinka ...

Warbixin: Dalalka Muslimka ah ee ka qayb gelaya Koobka adduunka iyo Rajo Xumida ku dhacday

(22-6-2018) Tartanka Koobka Adduunka oo galay is-araggii labaad ayaa waxa shanadadahooda xidhay saddexdii waddan ee ugu horreeyey, kuwaas ...

Rasmi: Javier Pastore oo ku biirey kooxda Roma

(22-6-2018) Cayaaryahankii kooxda Kubada Cagta PSG Javier Pastore ayaa sirasmi ah ugu wareegay kooxda Roma kadib markii ladhameeyey wax ...

Daawo: Guuldaradii Ceebta iyo Fadeexada Xanbaarsanayd ee ku dhacday Messi iyo Xulka Argentina

(22-6-2018) Xulka qaranka Croatia ayaa fadeexaad iyo ceeb dusha u saaray Argentina oo dhibaato wayn oo kale ay ...

Cayaartoy Reer Iran Ah Oo Qabsaday Indhaha Dunida Kaddib Dhacdo Ku Cusub Ciyaaraha Oo Uu Sameeyey

(22-6-2018) Dunida kubadda cagta oo dhan ayaa mar kaliya indhahooda u jeediyey laacib ka tirsan xulka qaranka Iran ...

Fadeexad ku soo baxday Garsoorihii kulankii Morocco iyo Portugal?

(22-6-2018) Garsoorihii dhexdhexaadinayey ciyaartii xulka qaranka Portugal uu 1-0 kaga adkaaday Morocco ee sababay in dalkii ugu horreeyey ...

Brazil Oo War Cusub Kasoo Saartay Caafimaadka Neymar & Doorka Uu Ku Yeelan Doono Kulanka Jimcaha Ee Costa Rica

(22-6-2018) Tababaraha xulka qaranka Brazil ayaa war cusub kasoo saaray xaaladda caafimaadka ee Neymar oo la wariyey inuu ...

Rikooradii laga diiwaan geliyey Kulankii Portugal iyo Morocco?

(21-6-2018) Kadib kulankii xiisaha badnaa ee galabkii Khamiista dhex maray dalalka Morocco  iyo Portugal kaas oo ahaa koobka aduunyada ...

Daawo: Spain oo dirqi kaga badisay Iran iyo Var oo Saaciday La Roja

(21-6-2018) Xulka qaranka Spain ayaa guushiisii ugu horeysay ee koobka aduunka ka gaadhay Iran oo iska caabin xoogan ...

Warbaahinta BBC oo Taariikh Cusub ku soo kordhisey Koobka aduunka+Sawiro

(21-6-2018) Warbaahinta BBC ayaa Taariikh Cusub ku soo kordhisey Koobka aduunka kadib markii Gabdhii u horeysey Taariikhda ay ...

Macalinka Xulka dalka England oo Garab ka jabay+Sawiro

(21-6-2018) Tababaraha xulka qaranka England, Gareth Southgate ayaa ka dhaawacmay garab isaga oo ku sugan waddanka Ruushka halkaas ...

Nin Caan ka ahaa Cayaarta Musaaracada oo Geeriyoodey

(21-6-2018) Waxaa Geeriyoodey mid ka mid ah Cayaartoydii ugu Caansanayd ee soo martay Musaaracada kaas oo lagu Magacaabi ...

Maurizio Sarri oo shuruud ku xiray Chelsea

(20-6-2018) Macalinka u dhashay dalka Talyaaniga ee Maurizio Sarri oo lafilayo in uu Noqdo Macalinka Naadigaas ayaa lasheegayaa ...

Rasmi: Emre Can oo soo Gaaray Magaalada Torino si uu Tijaabo Caafimaad ugu Maro Juventus

(20-6-2018) Kooxda Kubada Cagta Juventus ayaa shaaca ka qaaday in ay heshiis rasmi ah lagaartay Cayaaryahanka dalka Jarmalka ...