Wednesday, December 12th, 2018

Maxaa Kala Qabsaday Mohamed Salah Iyo Taageere Iska Laalaadiyey Garabkii Uu Ka Dhaawacnaa?

Published on June 11, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(11-6-2018) Xiddiga xulka qaranka Masar ee Mohamed Salah ayaa si degdeg ah iskaga furfuray taageere doonayey inuu sawir la galo, kaas oo qabsaday garabkii uu dhowaanta ka dhaawacmay.

Taageeraha oo ku faraxsanaa inuu sawir la galo Salah ayaa kaga yimid dhinaca midig, waxaana uu lasoo baxay telefoonka gacanta oo uu doonayey inuu ku qaato muuqaal, hase yeeshee gacantiisa bidixda ayaa uu markiiba u tallaabiyey dhinaca garabkii uu dhawaanta dhaawacu ka gaadhay Mohamed Salah, taas oo uu si xoog ah ugu soo cadaadiyey, ka hor intii aanu ciyaartoygu iska furfurin.

Wargeyska Mirror ee kasoo baxa waddanka Ingiriiska ayaa waxa uu sheegay in Mohamed Salah uu dareemay xanuun markii gacanta laga saaray garabka bidix, taasina muujinayso inuu weli dhaawacan yahay.

“Mohamed Salah wuxuu u muuqday mid aan degganayn, si cado leh ayaanu u jalleecay taageeraha oo uu iskaga furfuray gacantiisa” Sidaas ayuu yidhi wargeysku.

Salah ayaa u sheegay taageeeraha inuu si edeb leh u garab istaago haddii uu doonayo inuu sawir la galo, hase yeeshee qolada qaabilsan ammaanka ciyaartoyga oo meesha joogtay ayaa dib u qabtay taageeraha, waxaanay ku celiyeen halkii uu ka yimid.

Mohamed Salah ayaa ka hor intii aanu xulka dalkiisu u duulin Ruushka, waxa uu warbaahinta u sheegay inuu fiican yahay, waxaanu ballan-qaaday in uu soo kaban doono ka hor bilowga Koobka Adduunka, hase yeeshee dhakhtarka xulka qaranka Masar, Mohamed Abou al-Ela ayaa aaminsan in Salah uu seegi doono ciyaarta Jimcaha ee bilowga Koobka Adduunka, sababtuna tahay inuu weli dareemayo xanuun iyo dhaawacii oo aan bogsan.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Wararkii ugu danbeeya Suuqa kala iibsiga Cayaartoyda

(12-12-2018) Shabakeda qalinkacayaaraha ayaa waxa ay eegeysaa wararkii ugu waa weynaa ee suuqa kala iibsiga iyo wararka xanta ...

Messi Airlines: Xogta Gudaha Diyaarad Si Gaarka Ah Loogu Farsameeyey Messi Iyo Waxyaabaha Qariibka Ah Ee Laga Helayo

(12-12-2018) Xiddiga kooxda kubadda cagta Barcelona ee Lionel Messi ayaa markii ugu horreysay loo sameeyey diyaarad u gaar ...

Ronaldo Oo Arrimo Ganacsi Ah Kala Hadlay Gerard Pique – Hadana Doonaya Inuu Wax Badan La Fariisto Si Ay U Wada Hdalaan.

(12-12-2018) Daafaca kasii hawlgabaya kubada cagta ee Gerard Pique ayaa doonaya inuu durba saameyn ku yeesho ganacsiga dunida ...

HOLAC: Kor Kulanka England Ugu Wayn Ee Liverpool vs Man United,Jamie Carragher & Gary Neville Oo Soo Xushay Shaxda Isku Darka Kooxihii Ay Ku Soo Xufiltameen.

(12-12-2018) Kooxaha Liverpool iyo Manchester United ayaa axada geesaha isku dari doona Anfield kulanka kubbada cagta England ugu ...

Waa Maxay Rikoorka Uu Rajeynayo Lionel Messi Inuu Sameeyo Kulanka Levante? Immisa Ciyaartoy Ayaase Kaga Horreeya.

(11-12-2018) Cayaaryahan Lionel Messi waa u dhaqan inuu mar walba rikoor sameeyo, kulankiisa xiga ee horyaalka wuxuu ku ...

Cayaartoygii Ingiriiska Ee Tareenka Ku Dhex Kufsaday Gabadha Oo Maxkamadda Ka Sheegay Wixii Uu Sameeyey

(11-12-2018) Cayaartoy hore ugu ciyaari jiray xulka qaranka England yaaa la hor keenay maxkamadda York ee Duham isaga ...

Lionel Messi oo ku soo bilaaban doona kulanka Caawa

(11-12-2018) Cayaaryahanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa laxaqiijiyey in uu ku soo bilaaban doono Cayaarta Caawa ay kooxdiisu ...

Magacyada iyo Sawirada 6 da Cayaaryahan ee ku lug yeelatay Goolasha ugu badan Xiligaan Horyaalka Premier League

(11-12-2018) Waxaan idiin soo gudbineynaa aqristeyaasheena sharafta lahoow Magacyada iyo Sawirada 6 da Cayaaryahan ee ku lug yeelatay ...

Wararkii ugu danbeeyey suuqa kala ibsiga Cayaartoyda ee Maanta

(11-12-2018) Maalin wanaagsan dhamaan akhristayaasheena sharafta leh meel walba oo aad dunida ka joogtaan, ku soo dhawaada wararkii ...

Shabakada Mail Oo Ogaatay Go’aanka Uu Paul Pogba Ka Qaatay Mustaqbalkiisa Man United & Hadii Uu Baxay Bisha January?

(11-12-2018) Manchester United ayaa loo sheegay in Paul Pogba uusan garoonka Old Trafford ka bixi doonin bisha January ...

Andrew Robertson” Manchester United Waa in lagu Xisaabiyaa Kooxaha yar yar Sabab?

(11-12-2018) Cayaaryahanka Daafaca kooxda Liverpool ee Andrew Robertson ayaa hoos u dhigay awooda Manchester United ka hor kulanka ...

Kaddib Saddexleydii Toddobaadka, Maxay Ahayd Farriintii Mohamed Salah Uu Ka Helay Philippe Coutinho, Maxayse Jamaahiirta Liverpool Ugu Jawaabeen?

(11-12-2018) Cayaaryahan Philippe Coutinho ayaa muujiyey in qayb qalbigiisa ka mid ah ay weli taallo garoonka Anfield kaddib ...

Isku Aadka Wareega 16 ka Coppa Italia oo la Sameeyey

(11-12-2018) Waxaa lasameeyey Isku Aadka Wareega 16 ka Coppa Italia kaas oo ay isku soo beegmeen kooxo waa weyn sidoo ...

Chelsea, Liverpool Iyo Real Madrid Oo Ku Tartamaya Cayaartoy Muslim Ah?

(11-12-2018) Real Madrid ayaa la sheegay inay ku biirtay kooxaha Chelsea iyo Liverpool oo isku eryanaya saxeexa ciyaartoy ...

Ha Iigu Yimaaddo Talyaaniga Isaga Ayaa Ii Baahane – Cristiano Ronaldo Oo Bannaanka Keenay Dhiilaha Messi Iyo Real Madrid, Digniin Culusna U Diray

(11-12-2018) Bal qiyaas sida ay noqonayso kubadda cagta Talyaanigu iyo in xiisihii horyaalkaasi soo laaban lahaa haddii uu ...