Wednesday, December 12th, 2018

Mas uul Sare oo dalka Jarmalka ah oo Jaahil ku tilmaamay Mesut Ozil

Published on June 12, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(12-6-2018) Waxa cirka isku sii shareeraya khilaafka ka dhashay kulankii dhowaanta dhexmaray madaxweynaha waddanka Turkey, Racep Tayyib Erdogan iyo laba ciyaartoy oo ka tirsan xulka qaranka Jarmalka wakhti ay ku sugnaayeen waddanka Ingiriiska.

Toddobaadyo ka hor, laacibiinta khadka dhexe ee kooxaha Arsenal iyo Manchester City ee Mesut Ozil iyo Ilkay Gundogan ayaa magaalada London kula kulmay madaxweynaha waddanka Turkiga, Erdogan, waxaanay baraha bulshada ku baahiyeen sawirro ay la galeen iyo faallo kooban oo ay raaciyeen, gaar ahaan Gundogan oo ku tilmaamay madaxweynihiisa.

Arrintan ayaa waxa ka dhalatay canaan iyo cambaarayn ba’an oo masuuliyiin Jarmal ah iyo shacabka dalkaasiba u jeediyeen labadan ciyaartoy, kuwaas oo kulamo saaxiibtinimo oo toddobaadkii hore ay xulka dalkaas u ciyaareen lagu ooriyey iyagagoo garoonka ku jira.

Tababaraha xulka qaranka Jarmalka Joachim Low ayaa toddobaadkan dalbaday in la xidho sheekada kulanka xiddigihiisa iyo madaxweynaha Turkiga, hase yeeshee, waxa taas beddelkeeda soo dhacday eedayn cusub oo ka timid masuul sare oo ka tirsan xidhiidhka kubadda cagta Germany.

Oliver Bierhoff oo xil sare ka haya xidhiidhka, shaqo tababarenimo oo maldahanna ka haya xulka qaranka Jaramlka, ayaa Salaasadii waraysi kooban oo uu siiyey wargeyska caanka ah ee Sport Bild, waxa uu weerar qaawan ku qaaday xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Arsenal ee Mesut Ozil, kaas oo uu ku tilmaamay doqon aan fikirin oo jaahil ah.

Bierhoff waxa uu sheegay in aanu ka filaynin Ozil inuu kulan la yeesho madaxweyne Erdogan, haddii ay dhacdayna ay ahayd inuu iska aamuso oo aanu ka hadal.

“Waxay ahayd inuu iska aamusnaado, waxaanan kasoo qaadayaa inuu taas ku dhegsan yahay. Inuu ficilkiisa ku saxan yahay iyo in kale waa arrin kale, laakiin waxaynu aragnay cawaaqibkeeda isaguna wuu ogyahay khibraddii laga dhaxlay.” Sidaas ayuu yidhi Oliver Bierhoff.

Oliver Bierhoff oo ahaan jiray ciyaartoy caan ah oo ka tirsan xulka Jarmalka, waxa uu carrabka ku adkeeyey inay khalad ahayd in Ozil uu la kulmo madaxweynaha Turkiga iyadoo uu soo dhowyahay Koobka Adduunku, waxaanu yidhi: “Khalad ayuu sameeyey, laakiin marka waxaas oo dhan laga yimaaddo, waxa aanu ku xisaabtamaynaa waa dareenka ka dhashay. Ozil maaha qof xun, maaha nin siyaasad riixayso, laakiin waa jaahil aan caqli lahayn.”

Bierhoff waxa kale oo uu tilmaamay in arrinta Ozil iyo Gundogan aanay wax saamayn ah ku yeelan doonin xulka qaranka Jarmalka, waxaanu yidhi: “Walaac badan igama hayo kooxda guud ahaan, laakiin waxa uu iga hayaa labada ciyaartoy, sababtoo ah, Jarmalku mar hore ayay in badan isku halleeyeen Mesut iyo Ilkay”

Si kastaba ha ahaatee, xiisaddan oo uu doonayey tababaraha xulka qaranku in la dejiyo, ayaa u muuqanaysa mid marba dib usoo bilaabmaysa.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Wararkii ugu danbeeya Suuqa kala iibsiga Cayaartoyda

(12-12-2018) Shabakeda qalinkacayaaraha ayaa waxa ay eegeysaa wararkii ugu waa weynaa ee suuqa kala iibsiga iyo wararka xanta ...

Messi Airlines: Xogta Gudaha Diyaarad Si Gaarka Ah Loogu Farsameeyey Messi Iyo Waxyaabaha Qariibka Ah Ee Laga Helayo

(12-12-2018) Xiddiga kooxda kubadda cagta Barcelona ee Lionel Messi ayaa markii ugu horreysay loo sameeyey diyaarad u gaar ...

Ronaldo Oo Arrimo Ganacsi Ah Kala Hadlay Gerard Pique – Hadana Doonaya Inuu Wax Badan La Fariisto Si Ay U Wada Hdalaan.

(12-12-2018) Daafaca kasii hawlgabaya kubada cagta ee Gerard Pique ayaa doonaya inuu durba saameyn ku yeesho ganacsiga dunida ...

HOLAC: Kor Kulanka England Ugu Wayn Ee Liverpool vs Man United,Jamie Carragher & Gary Neville Oo Soo Xushay Shaxda Isku Darka Kooxihii Ay Ku Soo Xufiltameen.

(12-12-2018) Kooxaha Liverpool iyo Manchester United ayaa axada geesaha isku dari doona Anfield kulanka kubbada cagta England ugu ...

Waa Maxay Rikoorka Uu Rajeynayo Lionel Messi Inuu Sameeyo Kulanka Levante? Immisa Ciyaartoy Ayaase Kaga Horreeya.

(11-12-2018) Cayaaryahan Lionel Messi waa u dhaqan inuu mar walba rikoor sameeyo, kulankiisa xiga ee horyaalka wuxuu ku ...

Cayaartoygii Ingiriiska Ee Tareenka Ku Dhex Kufsaday Gabadha Oo Maxkamadda Ka Sheegay Wixii Uu Sameeyey

(11-12-2018) Cayaartoy hore ugu ciyaari jiray xulka qaranka England yaaa la hor keenay maxkamadda York ee Duham isaga ...

Lionel Messi oo ku soo bilaaban doona kulanka Caawa

(11-12-2018) Cayaaryahanka kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa laxaqiijiyey in uu ku soo bilaaban doono Cayaarta Caawa ay kooxdiisu ...

Magacyada iyo Sawirada 6 da Cayaaryahan ee ku lug yeelatay Goolasha ugu badan Xiligaan Horyaalka Premier League

(11-12-2018) Waxaan idiin soo gudbineynaa aqristeyaasheena sharafta lahoow Magacyada iyo Sawirada 6 da Cayaaryahan ee ku lug yeelatay ...

Wararkii ugu danbeeyey suuqa kala ibsiga Cayaartoyda ee Maanta

(11-12-2018) Maalin wanaagsan dhamaan akhristayaasheena sharafta leh meel walba oo aad dunida ka joogtaan, ku soo dhawaada wararkii ...

Shabakada Mail Oo Ogaatay Go’aanka Uu Paul Pogba Ka Qaatay Mustaqbalkiisa Man United & Hadii Uu Baxay Bisha January?

(11-12-2018) Manchester United ayaa loo sheegay in Paul Pogba uusan garoonka Old Trafford ka bixi doonin bisha January ...

Andrew Robertson” Manchester United Waa in lagu Xisaabiyaa Kooxaha yar yar Sabab?

(11-12-2018) Cayaaryahanka Daafaca kooxda Liverpool ee Andrew Robertson ayaa hoos u dhigay awooda Manchester United ka hor kulanka ...

Kaddib Saddexleydii Toddobaadka, Maxay Ahayd Farriintii Mohamed Salah Uu Ka Helay Philippe Coutinho, Maxayse Jamaahiirta Liverpool Ugu Jawaabeen?

(11-12-2018) Cayaaryahan Philippe Coutinho ayaa muujiyey in qayb qalbigiisa ka mid ah ay weli taallo garoonka Anfield kaddib ...

Isku Aadka Wareega 16 ka Coppa Italia oo la Sameeyey

(11-12-2018) Waxaa lasameeyey Isku Aadka Wareega 16 ka Coppa Italia kaas oo ay isku soo beegmeen kooxo waa weyn sidoo ...

Chelsea, Liverpool Iyo Real Madrid Oo Ku Tartamaya Cayaartoy Muslim Ah?

(11-12-2018) Real Madrid ayaa la sheegay inay ku biirtay kooxaha Chelsea iyo Liverpool oo isku eryanaya saxeexa ciyaartoy ...

Ha Iigu Yimaaddo Talyaaniga Isaga Ayaa Ii Baahane – Cristiano Ronaldo Oo Bannaanka Keenay Dhiilaha Messi Iyo Real Madrid, Digniin Culusna U Diray

(11-12-2018) Bal qiyaas sida ay noqonayso kubadda cagta Talyaanigu iyo in xiisihii horyaalkaasi soo laaban lahaa haddii uu ...