Tuesday, June 19th, 2018

Siday Cayaartoyda Iyo Shaqaalaha Tababarka Xulka Qaranka Spain Uga Falceliyeen In Real Madrid Ay Julen Lopetegui U Magacowday Booskii Zidane.

Published on June 12, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(13-6-2018) Maamulka kooxda Real Madrid ayaa si rasmi ah u shaaciyay in tababaraha xulka qaranka Spain ee Julen Lopetegui uu badali doono Zinedine Zidane oo dhawaan iskaga tagay shaqada tababaranimo ee Los Blancos kadib markii uu muddo laba sano iyo badh ah soo hayay.

Dad badan ayay lama filaan ku noqotay markii ay Real Madrid ku dhawaaqday in Julen Lopetegui uu macalinkeeda cusub yahay iyada oo si wayn loo hadal hayay tababarayaal kale isla markaana aanu isaga si wayn uga dhex muuqan magacyadii sida xoogan looga hadlayay.

Haddaba siday uga falceliyeen shaqaalaha iyo ciyaartoyda xulka qaranka Spain markii ay Real Madrid ku dhawaaqday in ay Julen Lopetegui u dooratay tababaraha kooxdeeda Madrid?.

Wargayska Sport ayaa wax ka qoray falcelintii ciyaartoyda xulka qaranka Spain iyo shaqaalaha tababarka wuxuuna sheegay in ayna wax war ah ka sii hayn in Julen Lopetegui loo magacaabayo shaqada tababaranimo ee Real Madrid isla markaana ay layaab ku noqotay qof kasta oo ciyaartoyda Spain iyo shaqaalaha ka mid ah.

Wargayska Sport ayaa sheegay in shaqaalaha iyo ciyaartoyda xulka qaranka Spain ee ku sugan Krasnodar ayna waxba kala socon markii ay maamulka Madrid iyo Julen Lopetegui uu wada xaajoodku u socday waxayna sida dad waynaha ku war heleen ku dhawaaqistii Madrid ee Julen Lopetegui.

Laakiin ciyaartoyda Real Madrid ee xulka qaranka Spain ayaa sii ogaa in kooxdoodu magacaabi doonto Julen Lopetegui balse waxay ahayd arin aan la doonayn in la sii ogaado si loogu war helo ku dhawaaqista rasmiga ah inkasta oo qaar ka mid ah saxaafada xarunta tababarka Spain ay wararkan sii sheegeen.

Laakiin marka laga reebo ciyaartoyda Real Madrid ee ka tirsan xulka qaranka Spain waxay inta kale oo dhan ku haayd arin lama filaan ah iyo ku soo boodo waxayna ku war heleen magacaabista Julen Lopetegui ee kooxda Real Madrid.

Dhinaca kale xubno muhiim ah oo ka tirsan xidhiidhka kubbada cagta ee RFEF waxayna taasi keentay in isla markii ay ogaadeen in Real Madrid ay ku dhawaaqday heshiiska Julen Lopetegui ay iyaguna dhinacooda ka shaaciyeen iyaga oo waliba aad uga xun maadaama oo uu dhawaan heshiis cusub saxiixay Julen Lopetegui.

Laakiin madax waynaha xidhiidhka kubbada cagta Spain ee Luis Rubiales oo dhawaan xilkan loo soo doortay ayaa wixii ugu horeeyay ee uu qabtay ka dhigtay in uu heshiis cusub ka saxiixday macalinka xulka qarankiisa Julen Lopetegui laakiin muddo kooban waxa uu sii ogaa wada xaajoodka uu Real Madrid kula jiray.

Si kastaba ha ahaatee, inkasta oo ay ciyaartoyda xulka qaranka Spain intooda ugu badan layaab ku noqotay in macalinkooda Julen Lopetegui uu noqday tababaraha cusub ee Real Madrid waxay muujiyeen dareen farxadeed oo ay isla xarunta tababarka ugu qaabileen.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Rikooradii layaabka lahaa ee laga diiwaan geliyey Kulankii England iyo Tunisia?

(19-6-2018) Kadib Kulankii xiisaha lahaa ee dhex maray dalalka England iyo Tunisia waxaa lasoo saaray Rikooro laga diiwaan geliyey ...

Vladimir Putin oo aan daawan doonin Kulanka labaad ee koobka aduunka dalkiisa Sabab?

(19-6-2018) Madaxweynaha wadanka marti gelinaya koobka aduunka ee Ruushka Vladimir Putin ayaa lasheegayaa in uusan ka mdi ahaan ...

Daawo: England oo dirqi ku badisay iyo Harry Kane oo Taariikhdu xusi doonto

(19-6-2018) Xulka qaranka England ayaa guul dirqi ah oo daqiiqadihii ugu danbeeyay ah ka gaadhay Tunisia waxaana Three ...

DEG DEG: Diyaarad sidey Cayaartoyda Xulka Suadi Arabia oo hawada dab ku qabsaday iyo Xaaladooda oo laga dayrinayo

(19-6-2018) Diyaarad ay saaran yihiin ciyaartoyga xulka qaranka Suadi Arabia ayaa uu dab ku qabsaday iyada oo hawada ...

Nikola Kalinic oo laga Cayriyey Xulka dalka Nikola Kalinic ee Koobka aduunka Sabab?

(19-6-2018) Weeraryahanka Kooxda AC Milan iyo qaranka Croatia Nikola Kalinic ayaa loodiray Gurigiisa kadib markii uu diidey in uu badel ...

David de Gea oo Noqonaya Goolhayaha Caalamka ugu Mushaarka badan?

(19-6-2018) Goolhayaha kooxda Kubaad cagta Manchester United ee David de Gea ayaa lasheegay in uu Noqon doono kan ...

Daawo: Bandhigii Xulka Belgium-ka Wacdarihii Romelu Lukaku iyo Farshaxankii De Bruyne

(19-6-2018) Xulka qaranka Belgium ayaa guul wayn ku furtay koobka aduunka ee Russia 2018 kadib markii ay 3-0 ...

Wakiilka Xiddig Argentin ah oo Wadahadal u Jooga Magaalada London?

(18-6-2018) Kooxda Kubada cagta Arsenal ayaa Casuumaad u fidisey Wakiilka Cayaaryahanka khadka dhexe ee Naadiga Sevilla iyo Xulka ...

Sergio Ramos oo ku Maadeystey Cristiano Ronaldo Tababarka dalka Spain

(18-6-2018) Daafaca dalka Spain kabtanka au ah ee Sergio Ramos ayaa ku maadeystey Saaxiibkii Cristiano Ronaldo intii lagu ...

Arsenal oo dooneysa Xiddiga Sevilla ee Steven N’Zonzi,

(18-6-2018) Kooxda kubada Cagta Arsenal ayaa isku diwaan gelisey Saxiixa Xiddiga Naadiga Sevilla ee u dhashay dalka France Steven ...

Gerard Pique oo lagu eedeeyey in uu qiyaanay koodiisa Barcelona Sabab?

(18-6-2018) Difaaca xulka qaranka Spain iyo Barcelona ee Gerard Pique ayaa gaashaanka ku dhuftay eedaymo ah inuu khiyaameeyey ...

Daaficii hore ee dalka Braziil Cafu muxuu kayiri Rejada koobka aduunka ee dalkiisa?

(18-6-2018) Kabtankii hore ee Brazil Cafu ayaa sheegay in Selecao ay ku guuleysan doonto Koobka Adduunka xagaaga 2018. Cafu ...

Manchester United oo £60 million ku dooneysa Willian

(18-6-2018) Kooxda Kubada Cagta Manchester United ayaa lacadeeyey in ay dooneyso Xiddiga dalka Braziil ee u dheela kooxda ...

Fabio Capello Oo Bannaanka Soo Dhigay Kala-duwanaanshaha Cristiano Ronaldo Iyo Lionel Messi

(18-6-2018) Halyayga reer Talyaani Fabio Capello ayaa weerar ku qaaday xubnaha xulka qaranka Argantina ee kaga qeyb galaya ...

Waa Kuma Ciyaartoyga Xulka England Ee Tunisia Ka Baqayso?

(18-6-2018) Tababraha xulka qaranka Tunisia, Nabil Maaloul ayaa aaminsan in xiddiga xulka qaranka England ee Dele Alli uu ...