Tuesday, October 16th, 2018

Xulka Haysta Cayaartoyda Ugu Qaalisan, In Xulalka Qaar Ay Hal Ciyaartoy Ka Qiimo Hooseeyaan Iyo Xarunta Caalamiga Ah Ee CIES Football Observatory Oo Qiimaysay 32ka Xul Ee Koobka Aduunka.

Published on June 12, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(12-6-2018) Khamiista waxaa magaalada caasimada dalka Ruuska ee Moscow si rasmi ah uga furmi doona koobka aduunka iyada oo xaflada daah furka oo haddaba si wayn looga shaqaynayaa ay noqon doonto iba furka koobka aduunka ee Russia 2018. Dareenka aduunka ayaa si buuxa ugu soo jeedsan doona Russia iyada oo muddo bil ah uu socon doono koobka aduuka ee ay 32 ka xul qaran ku tartamayaan.

Haddaba waa xulkee kan haysta ciyaartoyda ugu qaalisan? Waase xulkee kan ay ciyaartoydiisu ka qiimo hooseeyaan hal ciyaartoy oo xulalka qaar ka tirsan?. Xarunta caalamiga ah ee cilmi baadhista kubbada cagta ee  CIES Football Observatory oo looga bartay in ay qiimayn cilmiyaysan oo waliba joogto ah ka samayso kubbada cagta ayaa su’aalahan iyo kuwo la mid ah kaga jawaabtay daraasad ay soo saartay.

CIES Football Observatory si wayn looga bartay cil baadhista ay ka samayso dhinaca suuqa kala iibsiga ciyaartoyda iyo waliba bandhigooda ayaa shaacisay in xulka qaranka France uu yahay kan haysta kooxda ugu qaalisan waxaana 23 ka ciyaartoy ee France lagu qiimeeyay 1.410 bilyan euros.

Xulka qaranka England ayaa noqday kan labaad ee koobka aduunka ka qayb galaya ee haysta ciyaartoyda ugu qaalisan waxayna ka hooseeyaan oo kaliya France. 23 ka xidig ee Three Lions uga qayb galaya koobka aduunka ayaa lagu qiimeeyay 1.386 bilyan euros. Laakiin haddana England kuma jirto qaramada koobka aduunka loo saadaalinayo.

Xulka qaranka Brazil oo ka mid ah xulalka sida wayn loogu saadaalinayo koobka aduunka ayaa kaalinta saddexaad kaga jira qiimaynta xarunta CIES waxaana 23 ka xidig ee Brazil koobka aduunka uga qayb galaya lagu sheegay 1.269 bilyan euros.

Xulka qaranka Spain oo isna ka mid ah kuwa koobka aduunka loo saadaalinayo ayaa kaalinta afraad ee xidigaha ugu qaalisan koobka aduunka waxaana ciyaartoyda Spain lagu qiimeeyay 965 milyan halka xulka qaranka Argentina uu kaalinta shanaad ugu jiro 925 milyan euros.

Xulka qaranka Panama ayaa noqday xulka qaranka ay ciyaartoydiisu ugu qiimaha hooseeyaan waxaana lagu sheegay in gabi ahaanba qiimaha 23 ka ciyaartoy ee Panama uu yahay 15 milyan euros oo kaliya, haddaba waa 15 milyan euros oo kaliya! waa qiimo ka hooseeya inta hadda suuqa ay ka joogaan ciyaartoyda da’yarta ahi.

Waxa kale oo qiimaynta CIES Football Observatory ee koobka aduunka la soo raaciyay xul kasta ciyaartoyga ugu qiimaha badan iyo boqolkiiba inta uu ka yahay qiimaha guud ee xulka qarankiisa.

Haddaba Akhrista Halkan Si buuxda Ugaga Bogo qiimaynta xulalka koobka aduunka ee xarunta caalamiga ah ee CIES Football Observatory iyada oo xul kasta uu ku hor qoran yahay qiimaha guud halka ciyaartoyga ugu qiimaha badani uu isna ku sii hoos qoran yahay.

Sida aad arki karto Mohamed Salah ayaa noqday xidiga ugu qiimaha badan ee hal xul qaran oo koobka aduunka ka qayb galayaa ugu jiro wadankiisa iyada oo qiimaha Mohamed Salah oo 171 ahi uu boqolkiiba 74% ka yahay qiimaha 22 ka ciyaartoy ee kale ee xulka qarankiisa.

Xidiga labaad ee sida Mohamed Salah qiimaha ugu badan ka ah xulka qarankiisu waa xidiga kooxda Tottenham iyo xulka qaranka Japan ee Heung-Min Son kaas oo boqolkiiba 73% ka ah qiimaha guud ee xulka qarankiisa.

 

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Magacyada iyo Sawirada 11 Cayaaryahan oo laga Sameeyey Xiddigaha Manchester United ee uu heshiisku ka dhacayo Sanadka danbe

(16-10-2018) Macalinka kooxda Manchester united Jose Mourinho ayaa wajahaya dhibaato weyn kadib markii sida lacadeeyey uu heshiisku ka ...

Daawo: Spain oo 15 Sano kadib lagu Garaacay Ciidooda

(16-10-2018) Xulka kubada Cagta England ayaa Guul muhiim ah ka gaaray kulankii xiisaha badnaa ee ay Garoonka Sevilla ...

Kooxda PSG oo Gashay booskii Real Madrid ee doonista David de Gea

(16-10-2018) Kooxda Kubada Cagta PSG ee dalka France ayaa shaaca ka qaaday in ay dooneyso Goolhayaha dalka Spain ...

Rikoorada laga diiwaan geliyey qaybta hore Kulanka Mucjisada ah ee Spain iyo England+Sawiro

(16-10-2018) Cayaaryahanka kooxda Manchester City iyo xulka dalka England ee Raheem Sterling  ayaa Noqdey Cayaaryahankii koobaad ee Ingiriis ah ...

Sadio Mane oo Gacan ka jabay kuna biirey Xiddigaha Muhiimka ah ee ka dhaawacmay Liverpool+Sawiro

(16-10-2018) Kooxda Kubaad Cagta Liverpool ayaa lasheegayaa in ay haysato dhibaato dhanka dhaawacyada ah kadib markii lasheegay in ...

Xiddiga Musaaricada John Cena Oo Muddo Dheer Garoomada Ka Maqnaan Doona Iyo Dalka Sucuudiga Oo Sugaya Soo Laabashadiisa

(16-10-2018) Halyeyga 16-ka jeer ku guuleystay Champions-ka ciyaaraha legdinta WWE ee Musaaricada, John Cena ayaa muddo dheer ka ...

Dorival Junior” AC Milan waxa ay Gacanta ku dhigtay Xiddiga lamid ah Kevin de Bruyne ama Luka Modric’

(16-10-2018) Macalinka kooxda Kubada cagta Flamengo Dorival Junior ayaa shaaca ka qaaday in Naadiga AC Milan ay Gacanta ku ...

Luka Modric Oo Shaaciyey Xiddiga Uu Ku Riyoodo Inuu Ka Garab Cayaaro

(16-10-2018) Xiddiga xilli ciyaareedkan cidkasta ka yaabsanaya ee Luka Modric ayaa doortay halyeeyga dookhiisa ah ee uu jeclaan ...

Dilka Wariye Jamal Khashoggi Oo Baajiyey Cayaartii Ugu Weynayd Dunida Bilaha Ka Hadhay Sannadka

(15-10-2018) Dalka Sucuudi Carabia ayaa la dhibaatoonaya ceebta kasoo gaadhay dilka wariye Jamal Khashoggi oo lagu dhex khaarajiyey ...

Liverpool oo ka Walaacsan dhaawacyada soo gaaray Xiddigaha Mohamed Salah iyo Virgil van Dijk

(15-10-2018) Kooxda Kubada cagta Liverpool ee dalka England ayaa laxaqiijiyey in ay aad uga walacsantahay dhaawacyo lasheegay in ...

Maxaa kajira in Jose Mourinho iyo Eden Hazard kusii jeedaan Real Madrid?

(15-10-2018) Waxaa isa soo taraya Wararka ku sii dhaweynaya Real Madrid Macalinka Manchester United Jose Mourinho iyo iddiga ...

Magacayada 11 Cayaaryahan Caan ah oo koox la.aan ah kana fariisan Kubada cagta?Sawiro

(15-10-2018) Waxaan idiin soo gudbineynaa aqristeyaal magacyada 11 Cayaaryahan oo caan ah isla Markaana xiligaan dibad joog ka ...

Rasmi: Patrick Cutrone oo heshiis Cusub u Saxiixay AC Milan

(15-10-2018) Kooxda Kubada Cagta AC Milan ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay heshiis cusub lagaartay Weeraryaahnka ...

Kooxda Banaadir Sports oo u soo baxday Finalka koobka Jeneral Da uud markii ay ka badiyeen Saxafi

(15-10-2018) Kooxda Kubada Cagta Banaadir Sports ayaa xaqiijisey in ay u soo gudubtay kama dambaysta koobka koobabka Jeneral ...

Xiriirka Kubadda Cagta Ingiriiska Oo Si Kulul U Canaantay Taageereyaashiisa Oo Rabshado Ka Sameeyey Spain+Sawiro

(15-10-2018) Xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ayaa si xun u canaantay taageereyaasha xulka qaranka England ee ku sugan waddanka ...