Tuesday, June 19th, 2018

Luis Roanldo oo Saadaal ka bixiyey dalka ku Guuleysan doona Koobka Adduunka?

Published on June 13, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(13-6-2018) Halyayga xulka qaranka Brazil Ronaldo ayaa ka hadlay fikirkiisa guud ee kaga aadan in xidiga ay isku dalka yihiin iyo kooxda Paris Saint-Germain Neymar Jr uu u dhaqaaqi doono kooxda ka dhisan caasimada dalka Spain ee Real Madrid.

Weeraryahankii hore kooxda Real Madrid ayaa shir jaraa’id uu kasoo muuqday wuxuu kaga hadlay arintan wuxuuna ugu horeen hadalkiisa ku bilaaway: “Qof walba wuxuu ka hadlayaaa arintan, bal aan aragno waxa saxan iyo waxa aanan saxneen, waxaan hubaa inuu noqon doono xidig ka tirsan kooxda Real Madrid”.

Dhinaca kale Halyayga xulka qaranka Brazil Ronaldo ayaa wuxuu ka hadlay fursada uu xulka qaranka Brazil u heli karo ku guuleysiga koobka aduunka ee 2018 ee bari oo khamiis ah dalka Russia wuxuuna yidhi: “Waxaa la gaaray waqtigii aan markale ugu guuleysan lahayn koobka aduunka”.

“Labadii sanno ee la soo dhaafay, si fiican ayaan u ciyaarnay, aad ayaan u fiicanahay la shaqeynta Tite, ciyaartoydana waa ay ku faraxsan yihiin, dhamaantood waa koox da’ayar ah, qaar ayaa ciyaari doona Koobkoodii ugu horeeyay ee Koobka Adduunka, waxaa laga yaabaa inuu jiri doono walwal yar marka ugu horeysa, laakiin waxaan aaminsanahay, inay dhibaato noqon doonto”.

Ronaldo ayaa sidoo kale wax laga weydiiyay In Neymar uu dhaafi karo rikoodhkiisa kaga yiila xulka qaranka Brazil ee ah xidiga labaad ee taariikhda ugu goolasha badan wuxuuna si farxad ah u yiri: “Waan ku faraxsanaan lahaa hadii uu dhaafo, sidoo kale rikoodhka Pele, hadii ay sidaas dhacdo waxay ka dhigan tahay, inaan awoodno inaan ku guuleysano koobab”.

Halyayga reer Brazil ayaa wuxuu hadalkiisa kusoo xidhay; “Waan jeclahay rabitaankiisa iyo hamigiisa ah inuu goolal dhaliyo, si uu u caawiyo kooxdiisa iyo xulkiisa qaranka Brazil”.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Rikooradii layaabka lahaa ee laga diiwaan geliyey Kulankii England iyo Tunisia?

(19-6-2018) Kadib Kulankii xiisaha lahaa ee dhex maray dalalka England iyo Tunisia waxaa lasoo saaray Rikooro laga diiwaan geliyey ...

Vladimir Putin oo aan daawan doonin Kulanka labaad ee koobka aduunka dalkiisa Sabab?

(19-6-2018) Madaxweynaha wadanka marti gelinaya koobka aduunka ee Ruushka Vladimir Putin ayaa lasheegayaa in uusan ka mdi ahaan ...

Daawo: England oo dirqi ku badisay iyo Harry Kane oo Taariikhdu xusi doonto

(19-6-2018) Xulka qaranka England ayaa guul dirqi ah oo daqiiqadihii ugu danbeeyay ah ka gaadhay Tunisia waxaana Three ...

DEG DEG: Diyaarad sidey Cayaartoyda Xulka Suadi Arabia oo hawada dab ku qabsaday iyo Xaaladooda oo laga dayrinayo

(19-6-2018) Diyaarad ay saaran yihiin ciyaartoyga xulka qaranka Suadi Arabia ayaa uu dab ku qabsaday iyada oo hawada ...

Nikola Kalinic oo laga Cayriyey Xulka dalka Nikola Kalinic ee Koobka aduunka Sabab?

(19-6-2018) Weeraryahanka Kooxda AC Milan iyo qaranka Croatia Nikola Kalinic ayaa loodiray Gurigiisa kadib markii uu diidey in uu badel ...

David de Gea oo Noqonaya Goolhayaha Caalamka ugu Mushaarka badan?

(19-6-2018) Goolhayaha kooxda Kubaad cagta Manchester United ee David de Gea ayaa lasheegay in uu Noqon doono kan ...

Daawo: Bandhigii Xulka Belgium-ka Wacdarihii Romelu Lukaku iyo Farshaxankii De Bruyne

(19-6-2018) Xulka qaranka Belgium ayaa guul wayn ku furtay koobka aduunka ee Russia 2018 kadib markii ay 3-0 ...

Wakiilka Xiddig Argentin ah oo Wadahadal u Jooga Magaalada London?

(18-6-2018) Kooxda Kubada cagta Arsenal ayaa Casuumaad u fidisey Wakiilka Cayaaryahanka khadka dhexe ee Naadiga Sevilla iyo Xulka ...

Sergio Ramos oo ku Maadeystey Cristiano Ronaldo Tababarka dalka Spain

(18-6-2018) Daafaca dalka Spain kabtanka au ah ee Sergio Ramos ayaa ku maadeystey Saaxiibkii Cristiano Ronaldo intii lagu ...

Arsenal oo dooneysa Xiddiga Sevilla ee Steven N’Zonzi,

(18-6-2018) Kooxda kubada Cagta Arsenal ayaa isku diwaan gelisey Saxiixa Xiddiga Naadiga Sevilla ee u dhashay dalka France Steven ...

Gerard Pique oo lagu eedeeyey in uu qiyaanay koodiisa Barcelona Sabab?

(18-6-2018) Difaaca xulka qaranka Spain iyo Barcelona ee Gerard Pique ayaa gaashaanka ku dhuftay eedaymo ah inuu khiyaameeyey ...

Daaficii hore ee dalka Braziil Cafu muxuu kayiri Rejada koobka aduunka ee dalkiisa?

(18-6-2018) Kabtankii hore ee Brazil Cafu ayaa sheegay in Selecao ay ku guuleysan doonto Koobka Adduunka xagaaga 2018. Cafu ...

Manchester United oo £60 million ku dooneysa Willian

(18-6-2018) Kooxda Kubada Cagta Manchester United ayaa lacadeeyey in ay dooneyso Xiddiga dalka Braziil ee u dheela kooxda ...

Fabio Capello Oo Bannaanka Soo Dhigay Kala-duwanaanshaha Cristiano Ronaldo Iyo Lionel Messi

(18-6-2018) Halyayga reer Talyaani Fabio Capello ayaa weerar ku qaaday xubnaha xulka qaranka Argantina ee kaga qeyb galaya ...

Waa Kuma Ciyaartoyga Xulka England Ee Tunisia Ka Baqayso?

(18-6-2018) Tababraha xulka qaranka Tunisia, Nabil Maaloul ayaa aaminsan in xiddiga xulka qaranka England ee Dele Alli uu ...