Tuesday, August 21st, 2018

Mohamed Salah Oo La Kulmay Hoggaamiyaha Muslimiinta Chechnya, Warbaahinta Ingiriiska Oo Dhinaca Qaldan Ka Eegtay Iyo Masaarida Oo Miciin Ku Helay Gudaha Ruushka+Sawiro

Published on June 13, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(13-6-2018) Iyada oo la ogyahay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Moscow iyo London iyo saamaynta uu saaxafada siyaasadeed ku soo yeeshay bilihii la soo dhaafay, waxay saxaafada dalka Ingiriisku si aad u xun oo waliba buun buunin ah wax uga qoreen in Mohamed Salah uu la kulmay hogaamiyaha muslimka ah ee jamhuuriyada Chechnya ee Ramzan Kadyrov, waxayna soo bandhigeen in Mohamed Salah uu dhibaato ama muran badan dhexda u galay.

Jamhuuriyada Chechnya oo dhibaato badan soo martay waxaa hadda hogaamiye ka ah Ramzan Kadyrov kaas oo ka mid ahaa xubnihii dhaq dhaqaaqii gobanimo doonka Chechnya waxaana dhalay madax waynihii hore ee jamhuuriyada Chechnya ee  Akhmad Kadyrov kaas oo shirqool lagu dilay May 2014.

Hogaamiyaha Chechnya ee Ramzan Kadyrov ayay wadamada reer galbeedka iyo guud ahaan gaaladu si xoogan u dacaayadeeyaan iyaga oo ku dura in uu islaamnimo xag jir ah wax ku xukumo isla markaana uu ciqaabo dadka isku jinsiga ah ee isku galmooda ama uu si xoogan ula dagaalamo khaniisiinta, laakiin saxaafada gaalada oo ay hogaaminayso saxaafada England ayaa kulanka Mohamed Salah iyo  Ramzan Kadyrov buun buunisay.

Hay’adaha  xuquuqal insaanka ayaa si wayn uga qayliyay in hogaamiyaha Chechnya ee  Ramzan Kadyrov uu Moahmed Salah la sameeyay socod garoonka dhexdiisa ah iyaga oo aaminsan in sumcadiisa siyaasadeed uu ku dhisayo waxayna soo bandhigeen nacaybka ay u hayaan  Ramzan Kadyrov.

Wargayska The Gardian ee dalka England ka soo baxa ayaa qormo dheer oo uu ka diyaariyay Hogaamiyaha Chechnya ee Ramzan Kadyrov iyo koobka aduunka waxa uu ku sifeeyay in uu noqday ergayga gaarka ah ee madax waynaha Russia Vladimir Putin u qaabilsan barriga dhexe iyaga oo sababta faah faahin sii raaciyay.

Maadaama oo jamhuuriyada Chechnya tahay meel umad badan oo islaam ahi ku nooshahay waxay soo jiidatay xulalka qaramada Islaamka ah ee koobka aduunka ka qayb galaya waxaana ugu horayn booqday xulka qaranka Tunisia, waxaana ku xigay xulka qaranka Iran, kadib Saudi Arabia laakiin waxaa indhaha aduunka xaday xulka qaranka Masar markii uu Mohamed Salah la lugeeyay garoonka dhexdiisa hogaamiye Ramzan Kadyrov.

Waxaa si cad u soo ifbaxday nacaybka reer galbeedka ee hogaamiyaha muslimka ah ee Ramzan Kadyrov waxaana arinta sii xumaysay xidhiidhka uu la leeyahay Russia iyo waliba khilaafka siyaasadeed ee UK iyo Russia iyada oo waliba aanu xidhiidhka guud ee reer galbeedka iyo kan Russia fiicnayn.

Sky News ayaa markii uu ka hadlayay kulanka Mohamed Salah iyo Ramzan Kadyrov waxa uu ku tilmaamay in xidiga ree Masar uu la kulmay ‘Ciqaabaha’ Ramzan Kadyrov, waxayna soo bandhigeen in hogaamiyahan lagu eedeeyay in uu si xun u jidh dilay 100 nin oo ay sheegeen in ay ka mid ahaayeen dadka isku jinsiga ah ee isku galmooda.

Laakiin Sky News ayaa dhinaca kale soo bandhigay in hogaamiye Ramzan Kadyrov uu si adag u beeniyay in xataa ay Chechnya ka jiraan dad khaniisiin ahi isaga oo sheegay in haddii ay jiraan ay Canada gaystaan waxaana hadalkiisa la soo qaatay ka mid ahaa: “Anagu ma lihin khaniisiin, haddiiba ay wax jiraan, Canada u qaada”.

Haddaba Siduu Kulanka Mohamed Salah iyo Hogaamiyaha Chechnya ee Ramzan Kadyrov uu u Dhacay?:

Mohamed Salah ayaa iskaga raaxaysanayay hudheel ku yaala Grozny kadib waxaa lagu soo war galiyay in xubin muhiim ahi ay marti u tahay oo ay sugayso, wuxuuna Mohamed Salah arkay hogaamiyaha jamhuuriyada Chechnya ee Ramzan iyo dadka ka agdhow oo sugaya.

Ramzan ayaa Mohamed Salah ka dalbaday in ay isku raacaan garoonka halkaas oo ay ciyaartoyda kale ee xulka qarankiisa Masar ay tababar ku samaynayeen waxaana daawanayay kumanyaal jamaahiirta maxaliga ah ee ree Chechnya waxayna Mohamed Salah iyo Ramzan soo wada galeen garoonka iyaga oo socdod ku dhex maraya.

Waxaa markiiba soo baxay sawirada Mohamed Salah iyo Ramzan taas oo keentay in ayna farxad galin saxaafada gaalada gaar ahaan ree galbeedka kuwaas oo dacaayad iyo buun buunin ka sameeyay kulankan dhex maray walaalaha muslimka ah ee fursada isku helay.

Waxaa markiiba baraha bulshada la soo dhigay sawirada Mohamed Salah iyo Ramzan Kadyrov iyada oo waliba tani keentay in hogaamiyaal isku sheega in ay u doodaan xuquuqal insaanku in ay arintan Mohamed Salah eedayn ugu soo jeediyaan.

Hogaamiyaha jamhuuriyada Chechnya ee Ramzan Kadyrov ayaa Mohamed Salah si wayn u amaanay wuxuuna sheegay in uu yahay xidiga kubbada cagta aduunka ugu fiican isla markaana guud ahaan ah  shaqsi dhamaystiran waxaana hadalkiisii ka mid ahaa: ” Mohamed Salah waa ciyaartoyga aduunka ugu fiican isla markanaa guud ahaan waa shaqsi dhamaystiran”.

Waxaa la arkayay Mohamed Salah iyo Ramzan Kadyrov oo si buuxda gacmaha isku haysta isla markaana midnimo muujinaya iyaga oo garoonka uu xulka qaranka Masar tababarka ku qaadanayay ee kumanyaasha taageerayaasha ahi daawanayeen si wayn uga soo dhex muuqday.

Agaasimaha hay’da Human Rights Watch ee Rachel Denber ayaa ka mid ahaa dadka ka qayliyay in hogaamiyaha Chechnya ee Ramzan uu wadamada Islaamka ah ee koobka aduunka ka qayb galaya uu soo dhaweeeyay wuxuuna tilmaamay in uu magiciisa siyaasadeed uga faa’iidaysanayo.

Agaasimaha Human Rights Watch Rachel Denber oo arintan ka hadlayay ayaa yidhi: ” Kan (Ramzan) Kadyrov waxa uu isku dayayaa in uu sumcadiisa gaarka ah uga faa’iidaysto in Chechnya noqoto meel sal dhig u ah kooxaha (muslimka ah ee koobka aduunka), boqolkiiba boqol waxay ahayd wax la sii saadaalin karayay”.

“Waxa uu ku faani doonaa iftiinka, waxa sidoo kale bilaa naxariis u ahaa Chechnya, Waxa uu raadinayay in la tirtiro nooc kasta oo siyaasad-doodeed ama shaqo xuquuqda aadanaha ah”. ayuu hadalkiisa sii raaciyay agaasimaha Human Rights Watch Rachel Denber.

Markii Mohamed Salah iyo hogaamiyaha muslimka ah ee Ramzan Kadyrov ay garoonka soo galeen waxaa arintan ka hadlay agaasimaha garoonka uu xulka qaranka Masar tababarka ku qaadanayay oo

magiciisa la yidhaa Magomed Matsuev kaas oo cadeeyay in Ramzan uu xidhiidh fiican la leeyahay boqorada iyo amiirada Saudi Arabia si la mid ah hogaamiyaasha Masar.

Agaasimaha garoonka ee Magomed Matsuev ayaa isaga oo xafiiskiisa fadhiya sheegay: “Dhamaanteen waxaynu ognahay in hogaamiyahayagu uu xidhiidh fiican la leeyahay boqorada iyo amiirada Sacuudiga oo uu xidhiidh fiican la leeyahay hogaamiyaasha Masar. Waxaanu ku faraxsanahay in Egypt ay doorteen in ay anaga noo yimaadaan”.

Wargayska Daily Mail oo isna arintan wax ka qoray ayaa muujiyay in Mohamed Salah uu dhexda u galay arin muran badan waxayna hogaamiyaha jamhuuriyada Chechnya ee Ramzan Kadyrov ku tilmaameen in uu yahay nin sharciyo adag oo islaamka ah hirgaliyay isla markaana ay dadka cabsi galiyaan ilaaladiisu.

Laakiin wargayska Daily Mail ayaa u muuqday in uu Mohamed Salah ugu cudur daarayo kulanka Ramzan Kadyrov iyaga oo sheegay in ay aqoon daro u gaysay oo aanu wax badan ka ogayn taas oo iyada lafteedu dacaayad kale ah.

Ciwaanada iyo qoraalada tirada badan ee ay saxaafada reer galbeedku ka qoraysay kulanka Mohamed Salah iyo Ramzan Kadyrov iyo waliba qaabka ay ugu sifeeyeen in hogaamiyaha Chechnya uu sumcadiisa siyaasadeed ku wanaajisanayo ayaa si cad u muujisay marka laga yimaado muslimnimada Ramzan Kadyrov iyo Salah in ay jirto arinta ah in Russia ay taageero buuxda siiso hogaamiyaha Chechnya ee Ramzan Kadyrov taas oo lugaha la galaysa khilaafka siyaasadeed ee Russia iyo reer galbeedka.

Qaar ka mid ah jamaahiirta kubbada cagta ayaa baraha bulshada ku soo bandhigay fikradooda iyaga oo qaar ka mid ahi taageeray dacaayada saxaafadu ay ka faafisay Mohamed Salah waxayna sheegeen in xidiga ree Masar looga baahan yahay in uu war saxaafadeed ka soo saaro xaalada dadka ku sugan jamhuuriyada Chechnaya ee uu hogaamiyaha ka yahay ninka ay kulmeen ee Ramzan Kadyrov.

Si kastaba ha haatee, Mohamed Salah ayaa si wayn ugu faraxsanaa in hogaamiye Ramzan Kadyrov uu ku soo booqday hudheelkii uu deganaa isla markaana uu la dhex lugeeyay garoonka uu xulka qarankiisa Masar tababarka ku qaadanayay, waxayna taasi dhinac muslimiinta noqtay mid dareen fiican muujinaysa oo gabi ahaanaba ka duwan dacaayada saxaafada reer galbeedka.

Kuma koobna oo kaliya magacyada wargaysyada aan soo qaadnay balse waa mid ay ka siman yihiin oo ay si buuxda saaxafada reer galbeedku ay u buun buunisay isla markaana ay dacaayad wayn uga abuurtay.

Haddaba akhriste aragtidaada ka dhiibo sida aad u aragto kulanka saxaafada reer galbeedka kaga qaylisiiyay ee uu Mohamed Salah la qaatay hogaamiyaha jamhuuriyada Chechnya ee Ramzan Kadyrov, sidoo kale ha ilaawin in aad asxaabta kale ee baraha bulshada la share-garayso.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Daawo: Liverpool oo Guul muran badan ka Gaartay kulankii Crystal Palace

(21-8-2018) Liverpool ayaa guushii labaad oo xiriir ah gaartay xilli ciyaareedka cusub ee Premier League ka dib markii ...

Cayaaryahan ka Cayaara Premier League oo Kufsi lagu soo eedeeyey?

(21-8-2018) Cayaaryahan aan la magacaabin oo ka dheela Premier League ayaa lagu eedeeyay in uu magaalada London ku ...

Alexis Sanchez oo lakulmay Weerar kaga yimid Taageerayaasha Manchester United+Sawiro

(21-8-2018) Cayaaryahanka kooxda Manchester United ee Alexis Sanchez ayaa lakulmay Weerar dhanka baraha bulshada ah oo kaga yimid Taageerayaasha ...

Kooxaha ku dagaalamaya saxiixa Claudio Marchisio oo Juventus laga cayriyey

(21-8-2018) Waxaa jira kooxo fara badan oo qaarada yurub ah kuwaas oo ku dagaalamaya Saxiixa Cayaaryahankii hore ee ...

JACAYLKA Iyo Diinta: Fannaanad Carbeed Oo Shaacisay Inay Jacayl Ba’an U Qabto Cristiano Ronaldo, Guur Ay Ka Dalbatay Iyo Caqabad Dhinaca Diinta Ah Oo Ay Soo Bandhigtay

(21-8-2018) Fannaanad caan ka ah geyiga dalalka carabta oo u dhalatay wadanka Baxreyn ayaa ku dhawaaqday oo warbaahinta ...

Magacyada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee ugu Timaha weyn Premier League Xiligaan?

(21-8-2018) Waxaan idiin soo gudbineynaa aqristeyaal Magacyada iyo Sawirada shanta Cayaaryahan ee ah kuwa ugu Timaha weyn dhamaan ...

Jawaabtii Maamulka Manchester United ee kulankii Guuldarada?

(20-8-2018) Maamulka kooxda Manchester United ayaa markii koowaad ka hadlay Guuldaradii xanuunka badnayn ee ka soo gaartay kooxda ...

Taageerayaashii ugu Tirada yaraa oo daawaday Kulankii koobaad ee Real Madrid+Sawiro

(20-8-2018) Tan iyo Markii uu Cristiano Ronaldo ka tegay kooxda Real Madrid waxaa aad hoos ugu dhacay dhaqaalaha kooxdaas ...

Magacyada 3 Cayaaryahan oo isugu soo hartay abaal marinta Xiddiga Yurub

(20-8-2018) Xirirka kubada Cagta qaarada yurub ee UEFA ayaa soo saaray Magacyada 3 Cayaaryahan oo isugu soo hartay ...

Madaxweyne Perez Oo Shaaciyey In Neymar Iyo Mbappe Midkood Imanayo Real Madrid Toddobaadkan

(20-8-2018) Jamaahiirta Real Madrid ayaa war farxad leh oo bushaaro ah ka helay madaxweynahooda, Florentino Perez kaas oo ...

Andre Silva oo kulankiisii koobaad Sadexley u dhaliyey Sevilla

(20-8-2018) Weeraryahanka dalka Portugal ee ay leedahay kooxda AC Milan balse sida amaahda ah ugu wareegay Naadiga dalka ...

Luka Modric oo dhulka lajaray Real Madrid isla Markaana difaacay Inter Milan?

(20-8-2018) Cayaaryahanka kooxda Real Madrid ee Luka Modric ayaa difaacay Naadiga Inter Milan kadib markii Naadiga uu hada lajoogo ...

Maxaad Samayn lahayd hadii Saaxiibka wiil uu dhalay aad isugu timaadaan Garoon adinka oo Cadaw isku ah

(20-8-2018) Caayaryahankii hore ee kooxda Kubada Cagta Juventus Gianluigi Buffon oo hada u Cayaara kooxda PSG ayaa Todobadkaan waxa ...

Jose Mourinho Muxuu ka yiri Guuldaradii kooxdiisa?

(20-8-2018) Manchester United Macalinkeeda Jose Mourinho ayaa si kooban uga jawaabay Su aalo laga weydiiyey Guuldaradii xanuunka badanayd ...

Yaa Badiyey Gabdhaha Manchester United iyo Kuwa Liverpool oo fooda isdaray+Sawiro

(20-8-2018) Waxaa ka dhacay mid ka mid ah Kulamada ugu xiisaha xiisaha badan ee dhanka Gabdhaha kadib markii ...