Wednesday, October 24th, 2018

Wararkii ugu danbeeyey Suuqa kala iibsiga Maanta oo Arbaco ah?

Published on June 13, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(13-6-2018) Waxaa wali furan suuqa waxaan fiirindoonaan Wararkii ugu dambeyay ee Suuqa ee Ciyaaraha.

Real Madrid ayaa la xiriirtay Tababarihii hore ee Chelsea iyo Tottenham Andre Villas-Boas si uu badel ugu noqdo Zidane. (RMC Sport)

Kaddib markii ay heshiisyo waqti dheer ah la gaareen Mauricio Pochettino iyo Harry Kane, Tottenham ayaa lagu wadaa inay heshiis cusub la gaarto Xiddiga reer England ee Dele Alli 22-jir kaa oo Usbuuciiba ku kacaya 100,000 oo bound . (London Evening Standard)

Liverpool uma badna inay sameyso dalab si ay Roma ugala soo saxiixato goolhayaha reer Brazil Alisson, 25-jir. (Sky Sports)

Alisson ayaa doonaya in la xaliyo mustaqbalkiisa ka hor inta aysan Brazil Axada bilaabin olalaheeda koobka adduunka marka ay wajaheyso Switzerland . (ESPN)

Xiddiga qadka dhexe ee reer Talyaani Jorginho, 26-jir ayaa ku faraxsan inuu sii joogo Napoli balse u dhaqaaqista Manchester City waxay ciyaaryahanka u tahay Fursad noloshiisa ah sida uu sheegay Wakiilkiisa. (TuttoMercatoWeb)

Arsenal ayaa ku jirta wada hadalo ay kula soo saxiixaneyso Xiddiga qadka dhexe ee daafaca Sampdoria ee ku kacaya 22-milyan Lucas Torreira, 22-jir kaa oo koobka adduunka u ciyaaraya Uruguay. (Mail)

Fiorentina ayaa sare u qaaday oona garsiisay 62-milyan oo bound qiimaha ay ku dooneyso xiddigeeda qadka dhexe ee reer Talyaani Federico Chiesa, 20-jir iyadoo ay xiiseynayaan kooxaha Liverpool, Manchester City iyo Manchester United. (Gazzetta dello Sport)

Macallinka Manchester United Jose Mourinho ayaa doonaya Saxiix kale oo cusub ka hor Koobka Adduunka wuxuuna soo nooleyn karaa u dhaqaaqistiisa daafaca Tottenham Toby Alderweireld ee lagu qiimeeyay 50-milyan oo bound. (Sun)

Yeelkede, Kuwa wax u soo indho indheeya Manchester United kuma qanacsana Alderweireld waxayna ka fikirayaan badel kale, sida ay sheegayaan ilo wareedyo heer sare oo kooxda ah. (Manchester Evening News)

Goolhayaha xulka 21-jirkada England Dean Henderson, 21-jir kaa oo la aamisan yahay inuu bartilmaameed u yahay Arsenal iyo Chelsea ayaa lagu wadaa inuu qandaraas cusub u saxiixo Manchester United. (Mail)

Daafaca cusub ee Garabka Midig Manchester United Diogo Dalot ayaa la soo sawiray isagoo biro ku kutubaya dhacdo lagu qabtay Manchester. (Express)

Manchester United malahan wax qorshooyin ah ay xagaagan kula soo saxiixaneyso daafaca reer Brazil ee kooxda Juventus Alex Sandro 27-jir, balse suuqa ayay ku jiraan si ay u helaan daafaca garabka bidix haddii la helo dooqa saxda ah. (Manchester Evening News)

iverpool ayaa isku daba ridi doonta dadaalkeeda si ay u soo xiro galiso xiddiga qadka dhexe ee reer Switzerland iyo kooxda Stoke City Xherdan Shaqiri, 26-jir, marka uu ka soo laabto World Cup. (Mirror)

Tottenham ayaa u soo ifbaxday sida Musharax tartanka loogu jiro xiddiga qadka dhexe ee Barcelona Rafinha. 25-jirka ayaa amaah ku qaatay Inter Milan kal ciyaareedkii tagay balse kooxda reer Talyaani uma muuqato inay bixineyso 30.8 milyan oo bound si ay joogto ula saxiixato wiilka reer Brazil 30-ka June. (Talksport)

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Qiimeyn lagu Sameeyey dhamaan Cayaartoydii kulankii Manchester United iyo Juventus+Sawiro

(24-10-2018) Kadib Kulankii xiisaha lahaa ee xalay ka dhacay Masraxa Riyada ee Old Trafford isla Markaana Guusha ay qaadatay ...

Dhamaan Natiijooyinka kulamada Champions League ee Xalay

(24-10-2018) Waxaan idiin soo gudbineynaa aqristeyaal dhamaan cayaarihii ladheeley xalay ee koobka Champions League kuwaas oo ahaa kuwo aad u ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Juventus oo sidii ay doonto ka yeelatay Manchetser United

(24-10-2018) Kooxda Kubada Cagta Juventus ayaa Guul ay u qalantay ka gaadhay kulankii ay Old Trafford ugu Martiyeen Manchester ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Real Madrid oo lafaha ag dhigtay Viktoria Plzen

(24-10-2018) Kooxda Kubada Cagta Real madrid ayaa Guul ka Gaartay kulankii ay lacayaartay kooxda Viktoria Plzen waxaana ay ku ...

Hal Xiraale: Isku day in aad sheegto adiga oo aan Gudaha gelin hadda waa Gool dhaliye weyn oo Caan ah?

(24-10-2018) Waxaan idiin soo gudbineynaa aqristeyaal mid ka mid ah Cayaartoyda Weerarka ka Cayaarta ee ah kuwa ugu ...

Daawo Sawirada Tababarkii Barcelona oo laga tebay Lionel Messi

(24-10-2018) Kooxda kubada Cagta Barcelona ee dalka Spain ayaa Samaysey Tababarkii ugu danbeeyey ee kulanka Xiisaha badan ee ...

Manchester United oo markale Ganaax kala kulmi doonta Xiriirka UEFA

(24-10-2018) Kooxda Kubada Cagta Manchester United ayaa markale Ganaax kala kulmi doonta Xiriirka UEFA kadib markii ay kasoo ...

Xavi Hernandez” Sadex Naadi unbaa Juventus kula Tartami karta Champions League

(24-10-2018) Cayaaryahankii hore ee kooxda Kubada Cagta Barcelona Xavi Hernandez ayaa shaaca ka qaaday saadaal ku aadan koobka Champions ...

Weeraryaahnka Genoa Krzysztof Piatek oo sheegay kooxda uu jeclaan lahaa in uu u Cayaaro?

(24-10-2018) Weeraryahanka dalka Poland iyo kooxda Genoa Krzysztof Piatek ayaa shaaca ka qaaday kooxda kaliya ee uu doonayo in ...

Midabka Dameer farawga oo qabsaday Wadooyinka Magaalada Manchester+Sawiro

(23-10-2018) Waxaa Magaalada Manchester aad looga dareemay imaatinka kooxda dalka Talyaaniga ee Juventus iyada oo in badan calaamadaheeda ...

Daawo Sawiradii koobaad Lionel Messi tan iyo markii uu dhaawacu soo gaaray

(23-10-2018) Waxaa lasoo saaray Sawiradii koobaad ee Cayaaryahan Lionel Messi tan iyo markii uu dhaawac ka soo gaaray gacanta ...

Ronaldo oo farriin u diray Macallin Sir Alex Ferguson ka hor kulanka uu kusoo Laabanayo Old Trafford, muxuu yiri?

(23-10-2018) Vayaaryahanka kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa si weyn xushmad ugu muujiyay tababare Sir Alex Ferguson isagoo ...

Kulamada koobka Champions League ee Caawa iyo Saacadaha Geeska Africa ee ay bilaaban doonaan?

(23-10-2018) Waxaa lacayaari doonaa kulamo xiiso badan oo kutirsan koobka UEFA Champions League gaara ahaa Cayaarihii 3 aad ee wareega ...

Daawo: Cristiano Ronaldo oo loogu yeeray Ciidamo amaankiisa suga kadib markii uu kadegay Manchester

(23-10-2018) Boqolaal taageerayaal jidbeysan ah ayaa ku soo xoomey Cayaaryahanka dalka Portugal iyo Juventus Cristiano Ronaldo kadib markii isaga ...

Ugu danbayn Cristiano Ronaldo oo Saxaafada soo hor fariistay kana hadlay sheekeeyin badan oo xiiso leh+Sawiro

(23-10-2018) Cayaaryahanka kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa kahadalay shir Jaraa id ka hor kulanka xiisaha badan ee ay ...