Friday, January 18th, 2019

Arsenal Oo Madax Xanuun Ku Bilaaban Doonta Horyaalka Premier League Xili Ciyaareedka Soo Socda

Published on June 14, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(14-6-2018) Tababaraha cusub ee kooxda Arsenal ee Unai Emery ayaa isla markiiba mari doona imtixaan aad u adag ee waayiisa cusub ee Premier league kadib markii la soo saaray jadwalka isku aadka horyaalka Premier league ee xili ciyaareedka cusub ee 2018/19. Unai Emery ayaa loo gacan galiyay bilaabasho adag oo ciqaab wayn ah.

Unai Emery ayaa waayihiisa tababaranimo ee Arsenal gaar ahaan horyaalka Premier league ku bilaaban doona laba kulan oo aad u adag isaga oo kulankiisa ugu horeeyay ee Premier League si toos ah u qaabili doona macalinka ay isku dalka Spain ka soo jeedaan ee Pep Guardiola markaas oo ay Man City soo booqan doonto Emirates Stadium.

Inkasta oo kooxaha Manchester City iyo Arsenal ay labadaba u tahay maalin furitaan oo aad u adag, haddana in Unai Emery uu kulankiisii ugu horeeyay noqday mid uu Manchester City kaga hor imanayo ayaan ahayn soo dhawayn fiican oo uu Premier league kala kulmi doono.

Arsenal ayaan wax guul ah ka soo gaadhin Manchester City shantii kulan ee Premier league ugu danbeeyay iyada oo 3 guuldaro Gunners la soo kulantay halka labada kulan ee kale ay barbaro ku dhamaadeen laakiin waxaaba ka sii xun in Gunners ay 2 kulan oo kaliya ka soo guulaysatay 12 kii kulan ee Premier league ugu danbeeyay ee ay City la soo ciyartay.

Rekoodhkan aadka u liita ee Arsenal ka haysato Manchester City waxaa kulankiisii ugu horeeyay looga dhigay Unai Emery oo bilawga xili ciyaareedka cusub indhaha ku kala furan doona Emirates Stadium marka ay Man City soo dhaweeyaan.

Laakiin Unai Emrey waxaa kaga daran in kulankiisa labaad ee Premier League uu isna noqon doono mid aan ka hoosayn kulanka Man City waxayna Gunners u safri doontaa garoonka ay natiijooyinka aadka u liita ka soo helaysay ee Stamford Bridge.

Arsenal ayaa xili ciyaareedkii la soo dhaafay kaalinta lixaad kaga dhamaysatay Premier League iyada oo waliba ka maqan UEFA Champions League laakiin Unai Emery oo laba kulan oo ciqaab ah loogu furi doono Premier League ayaa la doonayaa in uu kooxda isbadal wayn ka sameeyo.

Sidaa daraadeed, labada kulan ee ugu horeeya waayaha Unai Emery ee Arsenal ayaaba noqon kara kuwa ay markiiba jamaahiirta kooxdiisa Arsenal ku ogaan karaan awoodiisa tababaranimo iyo haddii ay wax wayn ka filan karaan.

Kulamada Uu Unai Emery Ku Furan Doono Waayihiisa Cusub ee Premier league:

August 11 – Arsenal vs Manchester City

August 18 – Chelsea vs Arsenal

August 25 – Arsenal vs West Ham

September 1 – Cardiff vs Arsenal

September 15 – Newcastle vs Arsenal

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Madaxweynaha Ac Milan Paolo Scaroni Oo Dhac Layaab Leh Loo Geystay & Haweeney Qaab Cajiib Ah Garab Usiisay Dambiilaha.

(16-12-2018) Madaxweynaha kooxda Ac Milan Paolo Scaroni ayaa lagu soo waramayaa in laga xaday jimcadii shalay aheyd boorso ...

Macalinka Kooxda Liverpool Jurgen Klopp oo Ka Hadlay Jose Mourinho Ka Hor Ciyaarta Manchester United iyo Liverpool

(16-12-2018) Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa ka hadlay dhigiisa Manchester United ee Jose Mourinho iyo ciyaarta ay ...

Khabiirada Shabakadda Mirror Football Oo Isku Khilaafay Shaxda Isku Dhaf Ah Kulanka Liverpool vs Man United – Mid Walba Shax Ayuu Doortay!

(16-12-2018) Kulanka ugu weyn England ayaa berito dhici doona, waana kulan aan laga mideysneyn aragtida laga aaminsan yahay, ...

Wiilkii Uu Dunida Kaga Tegay Feedhyahankii Muslimka Ahaa Ee Mohamed Ali Oo Qarka U Saaran Inuu Dawarsado Ama Tuugsado Sabab?

(16-12-2018) Wiilka kaliya ee uu dhalay feedhyahankii Muslimka ahaa ee Muhammad Ali ayaa ku sugan xaalad nololeed oo ...

Wanda Nara Oo Diyaarinaysa Qandaraas Dabar Ku Noqonaya Mauro Icardi

(16-12-2018) Wanda Nara oo ah xaaska iyo Wakiilka ciyaartoyga reer Argentina ee Mauro Icardi oo afka hore uga ...

Farriintii Uu Diego Costa U Diray Arsenal Markii Uu Dhaawacay Laurent Koscielny Iyo Qaabkii Axmaqnimada Ahaa Ee Uu Isku Difaacay

(16-12-2018) Difaaca Arsenal ee Laurent Koscielny ayaa shaaciyey inuu u bilaabmay wax uu ugu yeedhay ‘Cutubka Cusub Ee ...

Barcelona Oo Baadi Goobaysa Beddelka Luis Suarez Iyo Xiddigaha Ay Isha Ku Hayso

(16-12-2018) Luis Suarez hadda da’diisu waxay noqotay 32 jir, waxaana kooxdiisa Barcelona u muuqatay in ay u baahan ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Manchester City oo Mar Kale Hogaanka Si Ku Meel Gaadh ah U Qabatay Maanta.

(15-12-2018) Cayaar ay maanta wada ciyaareen kooxda Manchester City iyo kooxda Everton oo ahayd horyaalka dalka ingiriiska oo ...

Layaab!: Boqortooyada Kuwait oo la ogaadey in ay lacag ka dhacday Cayaartoy waa weyn oo magac leh

(15-12-2018) Lix bilood kaddib markii dalka Kuwait uu martigeliyey ciyaar ay iskugu yimaaddeen xiddigaha waaweyn ee dunida oo ...

Dhamaan Kulamada Sabtiga iyo Saacadaha Geeska Africa ee ay bilaaban doonaan?

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa dhamaan Cayaaraha dhici doona Sabtiga ee ku tirsan Horyaalada kala duwan ee qaarada ...

Halyeygii Manchester United Ee Willie Morgan Oo Magacaabay Afarta Ciyaartoy Ee Uu Doonayo In Kooxdiisa Hore Iska Iibiso Bisha January

(15-12-2018) Halyeygii Manchester United ee Willie Morgan ayaa aaminsan in tababaraha kooxdaas Jose Mourinho ay tahay inuu iibiyo ...

May Ahayn In Arsenal Loo Ogolaado Inay Ciyaarto Europa League – Tababaraha Qarabag Oo Dood Cajiib Ah Bedka Keenay Kaddib Guushii Gunners Sabab?

(15-12-2018) Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa sii wadda guul-darro la’aanta xidhiidhka ah, waxaanay xalay 1-0 ku muquunisay naadiga ...

Qorshaha Jose Mourinho Ku Qaban Doono Salah, Mane & Firmino, Dhibaatada Difaaca Ee Haysata Iyo Sida Uu U Kala Xulan Doono Xiddigaha Uu Haysto

(15-12-2018) Manchester United ayaa Axadda safar ugu tegaysa Liverpool oo kulankooda ugu horreeya xili ciyaareedkan ee horyaalka Premier ...

Cristiano Ronaldo Oo Markale looga yeeray Maxkamad dalka Spain ah iyo Ciqaabta uu lakulmi doono?

(15-12-2018) Maxkamad ku taalla dalka Spain ayaa go’aamisay xilliga ay dhegaysan doonto dacwad la xidhiidha lunsi cashuuro oo ...

Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018 kaas ...