Tuesday, December 11th, 2018

Rasmi: Real Madrid oo shaacisay Macalinkeeda Cusub ee Julen Lopetegui+Sawiro

Published on June 14, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(15-6-2018) Maamulka kooxda Real Madrid ayaa si rasmi ah saxaafada ugu soo bandhigay macalinka cusub ee ay kooxdeedu yeelan doonto kaas oo ah Julen Lopetegui oo markii shaqada Madrid loo doortay laga soo caydhiyay shaqadii tababaranimo ee xulka qarankiisa Spain.

Madax waynaha Real Madrid ee Florentino Perez oo saxaafada iyo jamaahiirta dalka Spain eedayn badan kagala kulmay waqtiga uu ku dhawaaqay heshiiska Julen Lopetegui  ayaa ugu danbayn saxaafada kala soo muuqday Lopetegui isaga oo ku faraxsan in uu noqon doono badalka tooska ah ee Zidane oo iska casilay shaqada kooxda kowaad ee Los Blancos.

Julen Lopetegui ayaa muujiyay sida ay shalay ugu ahayd maalintii noloshiisa ugu murugada badnayd laakiin waxa uu sheegay in maanta ay ka duwan tahay oo ay noqotay maalinta ugu farxada badan inkasta oo uu wali cadow u yahay jamaahiirta xulka qaranka Spain.

Tababaraha cusub ee Real Madrid ee Julen Lopetegui  ayaa isaga oo ka hadlaya murugadii shalay ka qabsatay xulka qaranka Spain barbar dhigaya geeridii hooyadii ayuu yidhi: “Kadib geeridii hooyaday, waxay suurtogal noqotay in shalay ay ahayd maalintii noloshayda ugu murugada badnayd, laakiin maanta waa ta ugu farxada badan”.

Julen Lopetegui ayaa u mahad celiyay Florentino Perez isaga oo waliba u qiiraysan in uu shaqadan u doortay wuxuuna yidhi: “Waa maalin qiiro leh, madax wayne waad ku mahadsan tahay, Real Madrid waad ku mahadsan tahay in aad aniga i aaminteen isla markaana waxaan masuuliyadan ku qaadanayaa sharaf”.

Florentino Perez oo ka hadlay xafladii bandhiga Julen Lopetegui  ayaa sheegay sababta ay ugu dhawaaqeen heshiiskan koobka aduunka ka hor wuxuuna yidhi: “Waxaa waajib ah in aad dareeamaysaan dareen iska hor imanaya, waxaad haysataa laba riyo oo ah ku guulaysiga koobka aduunka iyo in aan tababarto Real Madrid, waxayn ahaayeen laba riyo oo isla shaqaynayay”.

Florentino Perez ayaa ku dhawaaqistiisii Julen Lopetegui ee ka hor koobka aduunka waxa uu u muuqday mid ka sii cadhaysiinaya jamaahiirta Spain wuxuuna yidhi: “Waxaanu doonaynay in aanu si deg deg ah koobka aduunka ka hor u samayno heshiiskan, si aanu uga dhigno mid daah furan oo aanu uga dheeraano wax xan ah iyo wararka suuqa”.

Si kastaba ha ahaatee, 51 sano jirkan ree Spain ee Julen Lopetegui  ayaa la wareegay masuuliyada kooxda kowaad ee Real Madrid isaga oo buuxiyay booskii uu Zidane Zidane dhawaan iska casilay waxaana la arki doonaa qaabka uu shaqadan uga soo bixi doono uu qaabka muran badan ku fuulay.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Andrew Robertson” Manchester United Waa in lagu Xisaabiyaa Kooxaha yar yar Sabab?

(11-12-2018) Cayaaryahanka Daafaca kooxda Liverpool ee Andrew Robertson ayaa hoos u dhigay awooda Manchester United ka hor kulanka ...

Kaddib Saddexleydii Toddobaadka, Maxay Ahayd Farriintii Mohamed Salah Uu Ka Helay Philippe Coutinho, Maxayse Jamaahiirta Liverpool Ugu Jawaabeen?

(11-12-2018) Cayaaryahan Philippe Coutinho ayaa muujiyey in qayb qalbigiisa ka mid ah ay weli taallo garoonka Anfield kaddib ...

Isku Aadka Wareega 16 ka Coppa Italia oo la Sameeyey

(11-12-2018) Waxaa lasameeyey Isku Aadka Wareega 16 ka Coppa Italia kaas oo ay isku soo beegmeen kooxo waa weyn sidoo ...

Chelsea, Liverpool Iyo Real Madrid Oo Ku Tartamaya Cayaartoy Muslim Ah?

(11-12-2018) Real Madrid ayaa la sheegay inay ku biirtay kooxaha Chelsea iyo Liverpool oo isku eryanaya saxeexa ciyaartoy ...

Ha Iigu Yimaaddo Talyaaniga Isaga Ayaa Ii Baahane – Cristiano Ronaldo Oo Bannaanka Keenay Dhiilaha Messi Iyo Real Madrid, Digniin Culusna U Diray

(11-12-2018) Bal qiyaas sida ay noqonayso kubadda cagta Talyaanigu iyo in xiisihii horyaalkaasi soo laaban lahaa haddii uu ...

John Cena & Gacalisadiisii Nikki Bella Oo Kala Tegay Iyo Peter Kraus Oo Ka Faa’iidaystay

(11-12-2018) Xiddiga ciyaarta musaaricada WWE ee John Cena iyo gacalisadiisii Nikki Bella ayaa si ramsi ah u kala ...

Xaaska Feeryahanka Tyson Fury Oo Qarisay Ilmaheedii Oo Dhintay Saacado Ka Hor Feer Taariikhi Ah Oo Fury Ku Guuleystay

(11-12-2018) Xaaska feedhyahanka Ingiriiska ee Tyson Fury oo lagu magacaabo Paris ayaa calool adag iyo adkaysi muujisay saacado ...

Lionel Messi Oo Ku Wargeliyey Coutinho Inuu Ka Shaqeeyo Xaasidnimada Real Madrid Iyo Tababare Ay Ka Hor Istaagayaan Bernabeu

(11-12-2018) Cayaaryahan Lionel Messi waa ciyaartoyga ugu halista badan ee Real Madrid ka hor tagto, waana cabsi geliyaha ...

Geeri ama Nolol: Tababaraha Liverpool Oo Ka Hadlay Waxa Uu Jamaahiirtiisa Anfield Ka Doonayo Kulanka Napoli Ee UCL

(11-12-2018) Kooxda Liverpool ayaa Anfield ku soo dhawayn doonta dhigeeda Napoli, waana kulan uu culayska oo dhami saaran ...

Jose Mourinho Oo Kalsooni Ku Qaba Inuu Heli Doono Ciyaartoy Bartilmaameed U Ah Iyo Lacagta Uu Ku Doonayo Oo La Shaaciyey

(10-12-2018) Tababaraha Manchester United, Jose Mourinho ayaa la sheegay inuu kalsooni buuxda ku qabo inuu gacanta ku dhigo ...

Layaab!: Sagaal bilood kadib Romelu Lukaku oo Gool ku dhaliyey Old Trafford

(09-12-2018) Weeraryahanka kooxda Manchester United Romelu Lukaku ayaa ugu dambeyn soo gabagabeeyay abaartii gool la’aaneed ee ku heysatay ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Chelsea oo Jabisay Recotdkii layaabka lahaa ee Manchester City

(09-12-2018) Kooxda Kubada Cagta Chelsea ayaa soo gabagabeysay rikoodhkii guuldarro la’aanta Manchester City kaddib markii ay uga badiyeen ...

Kiniinka Viagra-ha Oo Badan Ayaad Cuntay Oo Xataa Kooxdii Arsenal Ee Guuldaro La’aanta Premier League Guulaysatay Ayaad Soo Gasheen- Piers Morgan Oo Messi Uga Hiilayay Pele

(09-12-2018) Halyaygii hore ee xulka qaranka Brazil ee Pele ayaa waraysi uu siiyay Daily Mirror waxa uu si ...

Geesiga Islaamka Khabib Nurmagomedov oo hadal qiiro leh ka jeediyey Saudi Arabia

(08-12-2018) Feedhyahanka Muslimka ah ee Khabib Khabib Nurmagomedov ayaa weerar ba’an kala kulmay gaalada reer galbeedka oo si ...

Chelsea oo qarka u saaran in ay heshiis lagasho badelka Eden Hazard Waa Kuma?

(08-12-2018) Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa isku diyaarinaysa xaalad kasta oo kasoo korodha xiddigeeda Eden Hazard oo aan ...