Tuesday, August 21st, 2018

Real Madrid Oo Shaacisay Inay Caawa Soo Bandhigayso Tabababaraheeda Cusub, Julen Lopetegui

Published on June 14, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(14-6-2018) Kooxda Real Madrid ayaa si rasmi ah u shaacisay in caawa fiidkii ay saxaafada u soo bandhigi doonto tababaraha ay khilaafka xoogan kaga dhex abuurtay xulka qaranka Spain ee Julen Lopetegui. Maamulka Real Madrid ayaa markale ku sigtay in ay nacayb badan ka helaan jamaahiirta Spain kadib markii ay isku waqti noqon gaadheen shirka jaraa’id ee Julen Lopetegui iyo Fernando Hierro oo xulka qaranka Spain loo magacaabay.

Tababaraha cusub ee xulka qaranka Spain ee Fernando Hierro ayaa marka ay saacada Spain tahay 6:00 galabnimo waxa uu qabanayaa shirkiisii jaraa’id ee ugu horeeyay laakiin Real Madrid ayaa hal saac dib uga dhigtay waqtigan si ay saxaafada ugu soo bandhigto Julen Lopetegui.

Sidaa daraadeed, waxay maamulka Real Madrid go’aansadeen in marka ay saacada Spain soo gaadho 7:00 fiidnimo ay saxaafada u soo bandhigaan macalinkooda cusub ee Julen Lopetegui kaas oo isna markii ugu horaysay shir jaraa’id qaban doona isaga oo tababaraha cusub ee Real Madrid ah.

Julen Lopetegui oo waji gabax kala kulmaya dadka dalkiisa ree Spain isla markaana ay u arkaan in uu noqday khiyaanoole dhuuni raac ah ayaa la filayaa in uu wax yaabo badan kaga hadli doono shirkiisa jaraa’id ee ugu horeeya ee bandhigiisa Bernabeu.

War saxaafadeed ay Real Madrid ku shaacisay in caafa fiidkii ay saxaafada u soo bandhigi doonto macalinkeeda cusub ayaa lagu yidhi: “Kooxda kubbada cagta Real Madrid waxay maanta saxaafada u soo abndhigi doontaa Julen Lopetegui ee ka tababaraha kooxda kowaad-Khamiista June 14. Wuxuuna  7:00 pm CEST ka dhici doonaa goobta madax waynaha ee Santiago Bernabéu presidential box”.

Julen Lopetegui ayaa markii ugu horaysay Florentino Perez iyo maamulka Real Madrid la kulmay isaga oo soo gaadhay caasimada Madrid kadib markii uu si murugo leh uga soo duulay Russia halkaas oo shaqada xulka qaranka Spain looga soo caydhiyay maalin ka hor inta aanu koobka aduunku bilaamin.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa si wayn loo sugayaa shirka jaraa’id ee ugu horeeya ee Julen Lopetegui qaban doono iyo haddii uu si furan uga hadli doono qalalaasaha uu xulka qarankiisa Spain kaga abuuray in uu shaqada Madrid aqbalay in xili xaasaasi ah lagu dhawaaqo.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Eden Hazard ooh al shuruud ku xiray heshiis Cusub oo uu Chelsea u Saxiixo?

(22-8-2018) Kubad Sameeyaha kooxda Chelsea ee Eden Hazard  ayaa shuruud ku xiray in uu heshiis Cusub lagaaro Naadigiisa waxaana ...

Shan Cayaaryahan oo uu kujiro Mesut Ozil oo lumisey kalasoonida Macalin Unai Emery+Sawiro

(22-8-2018) Tan iyo Markii macalin Unai Emery loo mahacaabay xilka kooxda Arsenal waxaa soo baxayey kalsooni daro iyo wel ...

Ma ogtahay in aan James Milner laga badin Taariikhdiisa kulan Premier League ah?

(22-8-2018) Waa macquul in uu layaab kugu abuuray aqriste qodobkaan aynu ku eegeyno Record-ka layaabka leh ee uu ...

Miralem Pjanic oo heshiis Cusub u Saxiixay Juventus+Sawiro

(22-8-2018) Cayaaryahanka kooxda Juventus ee Miralem Pjanic ayaa ugu danbayn qalinka dul dhigay Waraaqda isaga oo Saxiixay heshiis cusub ...

Manchester United oo war cad ka soo saartay doonisteeda Zinedine Zidane iyo Mustaqbalka Jose Mourinho?

(21-8-2018) Kooxda kubada Cagta Manchester United oo beryahaan aad loola Xiririyey Macalinkii hore ee Real Madrid Zinedine Zidaneayaa ...

Macalinka Inter Milan Luciano Spalletti oo laganaaxay

(21-8-2018) Maca;linka kooxda kubada Cagta Inter Milan ee Luciano Spalletti ayaa ganaax kala kulmay Gudiga Maamula Horyaalka Talyaaniga ...

TV ga Sky Sports oo shaaciyey Tirada dadkii daawaday kulankii koobaad ee Cristiano Ronaldo’

(21-8-2018) TV ga Caanka ah ee Sky Sports qaybtiisa baahisa Horyaalka dalka talyaaniga ayaa shaaca ka qaaday Tirada ...

Goolhaye Claduio Bravo Oo Halis Ugu Jira In Uu Seego Inta Ka Dhiman Xili Ciyaareedka Cusub

(21-8-2018) Kooxda kubada cagta Manchester City ayaa inta ka dhiman heysan doonta hal goolhaye oo kooxda koowaad k ...

Mino Riola Oo Weerar Afka Ah Ku Qaaday Paul Scholes Sabab?

(21-8-2018) Wakiilk laacibka xulka qaranka France Pogba ee Mino Riola ayaa weerar afka ah ku qaaday halyeyga Manchester ...

Daawo: Liverpool oo Guul muran badan ka Gaartay kulankii Crystal Palace

(21-8-2018) Liverpool ayaa guushii labaad oo xiriir ah gaartay xilli ciyaareedka cusub ee Premier League ka dib markii ...

Cayaaryahan ka Cayaara Premier League oo Kufsi lagu soo eedeeyey?

(21-8-2018) Cayaaryahan aan la magacaabin oo ka dheela Premier League ayaa lagu eedeeyay in uu magaalada London ku ...

Alexis Sanchez oo lakulmay Weerar kaga yimid Taageerayaasha Manchester United+Sawiro

(21-8-2018) Cayaaryahanka kooxda Manchester United ee Alexis Sanchez ayaa lakulmay Weerar dhanka baraha bulshada ah oo kaga yimid Taageerayaasha ...

Kooxaha ku dagaalamaya saxiixa Claudio Marchisio oo Juventus laga cayriyey

(21-8-2018) Waxaa jira kooxo fara badan oo qaarada yurub ah kuwaas oo ku dagaalamaya Saxiixa Cayaaryahankii hore ee ...

JACAYLKA Iyo Diinta: Fannaanad Carbeed Oo Shaacisay Inay Jacayl Ba’an U Qabto Cristiano Ronaldo, Guur Ay Ka Dalbatay Iyo Caqabad Dhinaca Diinta Ah Oo Ay Soo Bandhigtay

(21-8-2018) Fannaanad caan ka ah geyiga dalalka carabta oo u dhalatay wadanka Baxreyn ayaa ku dhawaaqday oo warbaahinta ...

Magacyada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee ugu Timaha weyn Premier League Xiligaan?

(21-8-2018) Waxaan idiin soo gudbineynaa aqristeyaal Magacyada iyo Sawirada shanta Cayaaryahan ee ah kuwa ugu Timaha weyn dhamaan ...