Wednesday, September 19th, 2018

Russia 5-0 Saudi Arabia: Ceebtii Sucuudiga Raacday Iyo Farxaddii Martigeliyayaasha Koobka Adduunka

Published on June 14, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(14-6-2018) Marti galiyaasha koobka aduunka ee Russia ayaa guul muhiim ah ku furtay kulankii lagu iba furay koobka aduunka 2018, waxayna guul daro badeen xulka qaranka Saudi Arabia. Inkasta oo xulka qaranka Saudi Arabia uu qaybtii hore muujiyay ciyaar fiican haddana xulka qaranka Ruuska ayaa si fiican uga faaa’iidaysatay fursadihii ay abuureen.

Russia ayaa 5-0 ku garaacay xulka qaranka Saudi Arabia kuwaas oo fashil wayn kala kulmay kulankoodii furitaanka koobka aduunka ee Group A taas oo xili horeba Saudi Arabia ka dhigaysa kuwo ku sii dhawaanaya alababka looga baxo koobka aduunka. Saudi Arabia ayaa ceeb iyo waji gabax kale kala kulmay koobka aduunka.

Russia ayaan waqti badan iskaga lumin in ay hesho goolkeeda furitaanka waxayna Saudi Arabia ka naxsadeen daqiiqadii 12 aad markaas oo uu goolka furitaanka u dhaliyay Y. Gazinskiy kaas oo caawin ka helay  Golovin waxayna ciyaartu noqotay 1-0 ay Russia hogaanka ku qabtay.

Xulka qarnka Saudi Araba ayaa dadaal badan u sameeyay in ay la yimaadaan goolka furitaanka waxayna awoodeen in kubbada ay inta badan hayaan balse weerarka rogaal celiska ah ee ay Russia samaynayeen ayaa halis badan ku abuurayay Saudi Arabia.

DAQIIQADII 24 AAD Russia ayay dhibaato dhaawac soo gaadhay kadib markii uu A. Dzagoev uu muruqu ku booday weerar deg deg ah oo ay soo dhisayeen wuxuuna awoodi waayay in uu ciyaarta sii wato waxaana booskiisa buuxiyay Denis Cheryshev kaas oo saamayn fiican ciyaarta ku yeeshay.

Laakiin xaalada xulka qaranka Saudi Araba ayaa meel gaadhay markii qaab difaacasho liidata ay muujiyeen isla marakana uu xulka qaranka Ruuska daqiiqadii 43 aad la yimid goolkiisa labaad ee ay kalsoonida wayn u siyaadiyay waxaana u dhaliyay xidiga badalka ku soo galay ee Denis Cheryshev, waxayna qaybtii hore ku dhamaatay 2-0 ay marti galiyaasha koobka aduunka ee Russia gacanta sare ku lahaayeen.

Qaybtii labaad ee ciyaarta xulka qaranka Ruuska ayaa ahaa kan kalsoonida ugu badan haystay waxayna awoodeen in ay Saudi Araba ka joojiyaan wax soo laabasho ah waxayna Russia goolka nijadjabka ee saddexaad heleen daqiiqadii 71 aad markaas oo uu shaba soo taabtay A. Dzyuba kadib markii uu caawin ka helay A. Dzyuba.

Laakiin dhamaadkii ciyaarta Russia ayaa laba gool oo deg deg ah keensatay iyada oo Cheryshev uu goolkiisa labaad raacsaday daqiiqadii 91 aad halka daqiiqadii 94 aad uu goolka shanaad ku soo xidhay  Golovin.

Ciyaarta ayaa noqotay 5-0 ay Russia hogaanka ugu raaxaysanayso waxayna taasi keentay niyadjab buuxa oo soo wajahay xulka qaranka Saudi Arabia. Artem Dzyuba ayaa goolka saddexaad dhaliyay markii uu 89 ilbidhiqsi oo kaliya garoonka ku jiray.

Waxaa la sugi doonaa natiijada kulanka Masar iyo Uruguay oo xiiso u yeeli doonta kulamada Group A iyada oo Russia saddexda dhibcood ka sii qaadatay Saudi Araba. Waxayna ciyaartu ku dhamaatay 3-0 ay marti galiyaasha koobka aduunka ee Russia ku dubteen Saudi Arabia.

 

 

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada baashaalkii Man United iyo Habeenkii Paul Pogba

(20-9-2018) Kooxda kubada Cagta Manchester united ayaa Guul weyn ka gaadhay kulankeedii koobaad ee Koobka UEFA Champions League kaas ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Manchester City oo lagu Garaacay Garoonkeeda

(20-9-2018) Kooxda Kubada Cagta Manchester City ayaa Guul daro xanuun badan kala kulantay Naadiga dalka France ee Lyon ...

Nicolas Tagliafico oo dhaliyey Goolkii shan Boqolaad ee ay Champions League ka dhaliyaan Xiddigaha dalka Argentina

(20-9-2018) Cayaaryahanka dalka Argentina ee u Cayaara kooxda Ajax Nicolas Tagliafico ayaa Noqdey Xiddigii dalkaas ee dhaliyey Goolkii shan ...

DEG DEG: Cristiano Ronaldo oo Roose ka qaatay Juventus+Sawiro

(20-9-2018) Weeraryahanka kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa laga Saaray Cayaarta hada socota ee ay lacayaarayaaan Naadiga Valencia waxaana Xiddigaan ...

Gennaro Gattuso oo kategay Cayaartoy Muhiim ah kulanka Europa League?

(20-9-2018) Macalinka kooxda AC Milan Gennaro Gattuso ayaa kategay Cayaartoy muhiim ah xili uu isku diyaarinayo kulanka koobka UEFA Europa ...

Ma Ogtahay in Lionel Messi Noqdey Boqorka Sadexleyda Champions League iyo in uu dhaafay Ronaldo

(19-9-2018) Kubaddii Kulanka Barcelona ay 4-0 uga badisay naadiga PSV Eindhoven waxaa la tegay Lionel Messi, oo ka ...

Iker Casillas oo noqday Bani’aadamkii u horreeyay ee 20-sano ciyaara Champions League, horay uma dhicin

(19-9-2018) Goolhaye IKER CASILLAS ayaa xirtay kabaha laacibka ugu waqtiga dheer ciyaarista Champions league, markii uu ka mid ...

Cadowgii Cristiano Ronaldo Ee Dani Alves Oo Sheegay In Real Madrid Ay Ka Raysan Doonto Xiddiga Reer Portugal

(19-9-2018) Xidiga reer Brazil iyo kooxda Paris St Germain ee Dani Alves ayaa xaqiijiyay in Real Madrid ay ...

Douglas Costa oo mudo dheer Garoomada Laga Ganaaxay?

(19-9-2018) Cayaaryahanka dalka Braziil ee Douglas Costa ayaa lasaaray Ganaa adag kadib Roosihii uu qaatay kulankii Horyaalka Talyaaniga ...

Layaab! Mohamed Salah oo ka Caroodey Goolkii Guusha ee uu dhaliyey Roberto Firmino

(19-9-2018) Maxamed Saalax ayaa laga saaray dhammaadka ciyaartii dhawaan ay Liverpool guusha soo daahday ka gaartay PSG isagoo ...

Daawo Sawirada Manchester United oo u duushay dalka Switzerland

(19-9-2018) Cayaartoyda kooxda Manchester United ayaa u duushay dalka Switzerland halkaa oo ay habeenka Arbacada kula Cayaari doonaan Naadiga Young ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Barcelona oo badisay iyo Lionel Messi oo Sadexley dhaliyey

(19-9-2018) Kooxda Kubada Cagta Barcelona ayaa Guul weyn oo muhiim ah waxa ay ka Gaartay kulankii koobka Horyaalada ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Inter Milan oo Guul muhiim ah ka Gaartay Tottenham

(19-9-2018) Kooxda Kubaad Cagta Inter Milan ayaa Guul ku bilaabatay kulankeedii koobaad ee koobka Champions League kadib markii ay San ...

Inter Milan oo Ganaax ku muteysan doonta Cayaartoyda ay u magacaawday kulanka Tottenham

(19-9-2018) Kooxda Kubada Cagta Inter Milan ee dalka Talyaaniga ayaa lasheegayaa in ay lakulmi doonto Ganaax kaga imaan ...

Cristiano Ronaldo muxuu ka aaminsanyahay Mustaqbalka Wiilkiisa?

(18-9-2018) Cayaaryahanka kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa shaaca ka qaaday in Wiilkiisa yar ee Cristiano Jr uu ...