Monday, October 22nd, 2018

Lacagta Russia Kaga Baxday Martigelinta Koobka Adduunka, Waxa Uu Ka Faa’iidayo Iyo Fursadaha Siyaasadeed Ee Ugu Jira

Published on June 15, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(15-6-2018) Waddanka Ruushka ayaa lixdii sannadood ee u dambeeyey ka shaqaynayey qaban-qaabada martigelinta Koobka Adduunka, waxaana uu dib u qaabeeyey darsin magaalooyin ah iyo garoomo qurux badan oo qaarkood la dhisay kuwo kalena dibu-habayn lagu sameeyey.

Koobka Adduunka ee lagu qabanayo Ruushka ayaa ah dhacdadii ugu weynayd ee taariikhda waddankaas tan iyo burburkii Midowgii Soviet-ka.

Madaxweyne Vladamir Putin ayaa ku kharas gareeyey qaban-qaabada lacaag ka badan 11 bilyan oo dollar, iyadoo afarta toddobaad ee soo socda ay malaayiin dad ah oo iskaga yimid dunidu ku sugnaan doonaan wadanka Ruushka.

Aqalka looga taliyo Ruushka ee Kremlin waxa uu rajaynayaa in dadka soo booqday dalkooda ay tusaan weji saaxiibtinimo, isla markaana aanay faquuq kala kulmin dadkooda oo go’doon ku jiray tan iyo sannadkii 2014 markii uu Putin xoogga kula wareegay Crimea oo ka tirsnayd Ukraine.

Laga soo bilaabo Yekaterinburg oo ku taalla Urals illaa Kaliningrad oo badda Baltic ah, dhamaan magaalooyinka waaweyn oo tiradoodu tahay 11 ayaa loo qaybiyey ciyaaraha.

Dhaqaaleyahannadu waxay ku doodayaan in Ruushka oo dhaqaalihiisu yahaya 1.5 trillion oo dollar ay ku badan tahay inuu lacag intaas le’eg ku bixiyo Koobka Adduunka, hase yeeshee waxay rajaynayaan in 50 billion ay kasoo gasho, taas oo ah dhaqaale badan marka la barbar dhigo waxa kaga baxay.

Madaxweyne Putin ayaa ka qayb-galay xafladdii furitaanka ee Khamiistii oo ay Russia iyo Saudi Arabia ku wada ciyaareen garoonka Luzhniki oo sidoo kale noqon doona halka lagu qaban doono ciyaarta finalka Koobka Adduunka oo qorshaysan July 15.

Madaxweynaha oo toddobaadkii hore la hadlay warbaahin laga leeyahay waddanka China, waxa uu sheegay in aanu wax badan ka filaynin xulka qarankiisa, hase yeeshee uu saadaalinayo Spain, Germany, Argentina iyo Brazil, balse Ruushku guul weyna yey ku bilaabeen, waxaanay 5-0 kaga takhaluseen Saudi Arabia oo boqorkoodu garoonka fadhiyey.

Heesaaga reer Britain ee Robbie Williams ayaa ka heesay xafaddii furitaanka oo indho sarcaad cajiib ah lagu soo bandhigay.

Madaxweyne Putin oo ka hadlay xafladdii furitaanka ayaa yidhi: “Dhacadan ciyaareed ee weyn ee lagu qabanayo Ruushka markii ugu horreysay aad ayaanu ugu faraxsanahay. Waxa aanu samaynay wax walba oo aanu ugu xaqiijinayno taageereyaasha, ciyaaryahannada iyo xirfadleyaasha inay helaan jewi wanaagsan markay fasaxa ka yihiin kubadda cagta, dabcan, ku raaxaysta joogitaan furan iyo soodhoweynta Ruushka.”

Dublomaasi hore oo Ruush ah oo lagu magacaabo Vladimir Frolov, haddana ah falanqeeye arrimaha siyaasadda dibedda oo ku nool Moscow, ayaa waxa uu sheegay in ciyaaraha Koobka Adduunka ee dalkiisa lagu qabanayo ay fududaynayaan kala-qoqobnaanta dunida iyo Ruushka.

“Martigelinta tartanku wuxuu si guul leh u caawinayaa inuu yareeyo go’doonka Ruushku kaga jiro Yurub.” Ayuu yidhi Vladimir Frolov.

 

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Kulamada koobka Champions League ee Caawa iyo Saacadaha Geeska Africa ee ay bilaaban doonaan?

(23-10-2018) Waxaa lacayaari doonaa kulamo xiiso badan oo kutirsan koobka UEFA Champions League gaara ahaa Cayaarihii 3 aad ee wareega ...

Daawo: Cristiano Ronaldo oo loogu yeeray Ciidamo amaankiisa suga kadib markii uu kadegay Manchester

(23-10-2018) Boqolaal taageerayaal jidbeysan ah ayaa ku soo xoomey Cayaaryahanka dalka Portugal iyo Juventus Cristiano Ronaldo kadib markii isaga ...

Ugu danbayn Cristiano Ronaldo oo Saxaafada soo hor fariistay kana hadlay sheekeeyin badan oo xiiso leh+Sawiro

(23-10-2018) Cayaaryahanka kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa kahadalay shir Jaraa id ka hor kulanka xiisaha badan ee ay ...

Lix ka mid ah Cayaartoyda Manchester United oo dhaawac ku seegi doona Kulanka Juventus+Sawiro

(23-10-2018) Kooxda Kubaad Cagta Manchester United oo soo dhaweyneysa Naadiga dalka Talyaaniga ee Juventus ayaa lasheegayaa in ay ...

Daawo: Segio Ramos oo ku ceeboobey Xerada Tababarka Real Madrid muuu sameeyey?

(23-10-2018) Sida lagu soo bandhigay muuqaal laga duubay Tababarkii kooxda Real Madrid ee isniintii kabtanka kooxdaas Segio Ramos ...

Jose Mourinho oo fariin u diray Real Madrid

(23-10-2018) Macalinka kooxda Manchester United Jose Mourinho oo ka hadlayey shir Jaraa id ayaa laweydiiyey hadii uu dib ...

Daawo Sawirada Juventus oo u duushay Magaalada Manchester

(22-10-2018) Kooxda kubada Cagta Juventus ee dalka Talyaaniga ayaa u duushay Magaalada Manchester halkaa uu ay habeenka Talaadada ...

Jose Mourinho” Waa wiilyar fadlan markale jaanis halasiiyo yaan shaqada laga Cayrin

(22-10-2018) Macalinka kooxda Manchester United Jose Mourinho ayaa shaaca ka qaaday in uusan wax colaad ah u qabin ...

Daawo Sawirada Tababarkii Juventus kahor kulanka Manchester United iyo Cristiano Ronaldo oo kahdlay kulaabashada Old Trafford

(22-10-2018) Cayaaryahanka kooxda Juventus iyo dalka Portugal Cristiano Ronaldo ayaa ku laaban doonaa Garoonkii uu kasoo bilaabay halgankiisa Kubada Cagta ...

Rasmi: Alexis Sanchez oo Manchester United ka maqnaan doona kulanka Juventus Sabab?Sawiro

(22-10-2018) Cayaaryahanka kooxda Manchester United ee Alexis Sanchez ayaa lagu dhawaaqay in uu ka maqnaan doono kooxdiisa kulanka xiisaha ...

Magacyada 11 kii Cayaaryahan ee Todobaadkaan ugu fiicnaa Horyaalka Premier League

(22-10-2018) Kadib markii lacayaaray Kulamadii 9 aad ee Horyaalka Premier League dalka England ayaa waxaa lasoo saaray qiimeyn lagu ...

Ilgooni ah ku eeg Wiilkan Timaha weyn Jose Mourinho ayaa ka Caashaqay Caruurta Manchester United+Sawiro

(22-10-2018) Macalinka kooxda Manchester United Jose Mourinho ayaa doortay mid ka mid ah Cayaartoyda da.da yar ee Naadigaas ...

Eden Hazard oo inuu kaligiis Isla Hadlo ku kallifay Tababare Sarri, Sababta Ogow

(22-10-2018) Mar Farxad Gelin doonto, Taageere, Ciyaartoy iyo qof kasta oo Chelsea wanaageeda ka fakara, marka uu maqlo ...

Xiriirka Kubada Cagta Talyaaniga oo loo doortay Madaxweyne Cusub

(22-10-2018) Xiriirka kubada Cagta dalka Talyaaniga ayaa Maanta galay doorasho aad u adah oo ay ku loolamayeen laba ...

Icardi oo kuso wajahan Horyaalka Premier League-ga, Yuu ku biirayaa?

(22-10-2018) Kooxda Chelsea ayaa ku fikireysa in janaayo ay u dhaqaaqdo saxiixa xidiga kooxda Inter Milan ee Icardi. Tababaraha ...