(18-6-2018) Daafaca dalka Spain kabtanka au ah ee Sergio Ramos ayaa ku maadeystey Saaxiibkii Cristiano Ronaldo intii lagu guda jirey Tababarka xulkiisa Spain ee isniintii,
Sergio Ramos ayaa Sameeyey Jiliin ku aadan qaabkii Rigoorada loogu dhigay Cristiano Ronaldo kulankii bareejada 3-3 ah ku dhamaaday ee dhex maray labada dal kaas oo uu 3 Gool dhaliyey Cristiano Ronaldo oo ay u wada dheelaan Real Madrid balse Rigoorada loo dhigay oo uu kuyimid Goolka koowaad ee dalka Portugal ayaa ahayd mid Muran badan dhalisay.
Ramos ayaa dhulka isku tuuray isaga oo iska dhigaya Cristiano Ronaldo iyada oo aan cidina Taaban waxaana uu ku madeystey Saaxiibkii Ronaldo oo uu u muujiyey in uu qiyaano Sameeyey.
Cristiano Ronaldo ayaa Gool u badalay Rigoore isaga lagu galay markii uu Xerada Ganaaxa ku taabtay daafaca ay isku Naadiga yihiin ee Nacho balse Rigooradaas kuma qancin Spain muran ayeyna ka keeneen waana mida keentay Sergio Ramos uu ku maadeysto Saaxiibkii Ronaldo.
Daawo Video.
Spain’s Sergio Ramos, center, smiles with his teammates during a training session of Spain at the 2018 soccer World Cup in Krasnodar, Russia, Sunday, June 17, 2018. (AP Photo/Manu Fernandez)