Sunday, February 17th, 2019

Daawo: Portugal oo buur ka tuurtay Maroco Rajo Fiicana ka leh Wareega 16 ka koobka aduunka

Published on June 20, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(20-6-2018) Xulka qaranka Portugal ayaa guul muhiim ah ka gaadhay Morocco oo bandhig layaableh kulankan ka sameeyay balse ku fashilmay in ay wax goolal ah keensadaan. Xulka qaranka Portugal ayaa guushan ku gaadhay gool kaliya oo uu Cristaino Ronaldo dhaliyay bilawgii ciyaarta laakiin Morocco ayaa iska lumisay fursado ay xataa ciyaarta ugu guulaysan kareen.

Portugal ayaa hogaanka u qabtay Group B oo ay 4 dhibcood ku hayaan ka hor kulanka Spain iyo Iran iyada oo haddii ay Iran ama Spain guulaysato uu xulka qaranka Morocco macasalaamayn doono koobka aduunka. Iran ayaa 3 dhibcood haysata ka hor kulanka Spain halak Spain ay 1 dhibic haysato.

Xulka qaranka Morocco ayaa noqday xulkii ugu horeeyay ee ka hadha koobka aduunka ee Russia 2018 kadib laba guuldaro oo xidhiidh ah oo soo gaadhay waxayna iyaga oo bandhigoodii Portugal si wayn ugu qanacsan ka bixi doonaan Russia.

SHIXIHII LABADA XUL QARAN EE KULANKAN:

Morocco Starting XI (4-2-3-1): Munir Mohamedi, Nabil Dirar, Medhi Benatia (c), Manuel da Costa, Achraf Hakimi, Karim El Ahmadi, Moubarak Boussoufa, Nordin Amrabat, Younes Belhanda, Hakim Ziyech, Khalid Boutaib.

KAYDKA: Amine Harit, Ayoub El Kaabi, Youssef En-Nesyri, Mehdi Carcela-Gonzalez, Faycal Fajr, Hamza Mendyl, Sofyan Amrabat, Ahmed Reda Tagnaouti, Romain Saiss, Aziz Bouhaddouz, Bono.

Portugal Starting XI (4-4-2): Rui Patrício, Cedric Soares, Pepe, Jose Fonte, Raphael Guerreiro, Bernardo Silva, Joao Moutinho, William Carvalho, Joao Mario, Goncalo Guedes, Cristiano Ronaldo (c).

KAYDKA: Anthony Lopes, Ricardo Quaresma, Adrien Silva, Andre Silva, Gelson Martins, Mario Rui, Beto, Ricardo Pereira, Bruno Fernandes, Manuel Fernandes, Bruno Alves, Ruben Dias.

DAQIIQADII 4 AAD Cristiano Ronaldo ayaan wax waqti ah iskaga lumin in uu xulka qarankiisa u dhaliyo goolka furitaanka kadib markii uu caawin fiican ka helay João Moutinho wuxuuna Ronlado dhaliyay goolkiisii afraad ee koobka aduunka isaga oo waliba noqday xidiga abid goolasha ugu bada ee heerka caalami ee qaramada Yurubb dhaliyay, waxayna ciyaartu noqotay 1-0 uu Portugal hogaanka kula wareegay.

Laakiin xulka qaranka Morocco ayaa intaas kadib la soo baxay qaab ciyaareed aad u fiican waxayna culays badan ku hayeen Portugal oo wali isna weerar deg deg ah ku raadinayay goolka labaad balse Morocco ayay dhibaato dhinaca weerarka ah.

Portugal ayaa awoodeeda iskugu gaysay sidii ay goolka ku difaacan lahaayeen laakiin Morocco ayaa dadaal badan oo dhinac walba ay sameeyay qaybtii hore laakiin waxa kaliya ee ay awoodi waayeen ayaan noqday in ay babraraha keensadaan.

Wax walba oo ay Morocco kubbad ahaan iyo fursad abuuris u sameeyeen waxay ku fashilmeen qaybtii hore in ay ciyaarta ku soo laabtaan waxaana lagu kala nastay 1-0 uu xulka qaranka Portugal guul ugu taagnaa.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta xulka qaranka Morocco ayaa wali xil wayn iska saarayay in ay helaan goolka barbaraha laakiin Portugal ayaa si khibrad badani ku dheehan tahay hogaanka ciyaarta u ilaashanayay laakiin waxay raadiyeen sidii ay u keensan lahaayeen goolka labaad si ay ciyaarta u dilaan.

Morocco ayaa fursadba tan ka danbaysay helaysay waxayna wali garan la’aayeen qaabkii ay ku keensan lahaayeen barbaraha waxayna xaalad aad u adag ku abuureen Portugal laakiin Benatia ayaa daqiiqadii 78 lumiyay fursad loo arkayay goolkii Morocco waqtiga dheer ka shaqaynaysay.

DAQIIQADII 89 AAD Morocco ayaa si layaableh kubbada uga soo shaqaysay waxayna u muuqdeen kuwo kubbada goolka Portugal si xarago leh ugu dhalinaya laakiin Pepe ayaa si cajiib ahu daboolay darbadii ugu danbaysay ee goolka lagu dhalin kari lahaa wuxuuna Pepe joojintan ugu dabaal degay sidii uu gool xili danbe dhaliyay oo kale.

Wax walba oo uu xulka qaranka Morocco sameeyay waxa uu awoodi waayay in ay dhaliyaan goolka ay rajadooda koobka aduunku ku xidhnayd waxayna ciyaartu ku dhamaatay 1-0 uu xulka qaranka Portugal guul kaga gaadhay Morocco oo bandhig wayn muujiyay balse awoodi waayay in ay wax goolal ah ku dhaliyaan fursad abuuristii iyo kubbad hantii badnayd ee ay sameeyeen.

Xulka qaranka Portugal ayaa 4 dhibcood ku sii qabtay hogaanka Group B ka hor kulanka ay Spain la ciyaari doonto Iran oo iyaguna 3 dhibcood sii haysta waxayna natiijada kulankani ugu sabab u nqooty Morocco uu ay noqdaan xulkii ugu horeeyay ee koobka aduunka laga cidhibtiray.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Madaxweynaha Ac Milan Paolo Scaroni Oo Dhac Layaab Leh Loo Geystay & Haweeney Qaab Cajiib Ah Garab Usiisay Dambiilaha.

(16-12-2018) Madaxweynaha kooxda Ac Milan Paolo Scaroni ayaa lagu soo waramayaa in laga xaday jimcadii shalay aheyd boorso ...

Macalinka Kooxda Liverpool Jurgen Klopp oo Ka Hadlay Jose Mourinho Ka Hor Ciyaarta Manchester United iyo Liverpool

(16-12-2018) Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa ka hadlay dhigiisa Manchester United ee Jose Mourinho iyo ciyaarta ay ...

Khabiirada Shabakadda Mirror Football Oo Isku Khilaafay Shaxda Isku Dhaf Ah Kulanka Liverpool vs Man United – Mid Walba Shax Ayuu Doortay!

(16-12-2018) Kulanka ugu weyn England ayaa berito dhici doona, waana kulan aan laga mideysneyn aragtida laga aaminsan yahay, ...

Wiilkii Uu Dunida Kaga Tegay Feedhyahankii Muslimka Ahaa Ee Mohamed Ali Oo Qarka U Saaran Inuu Dawarsado Ama Tuugsado Sabab?

(16-12-2018) Wiilka kaliya ee uu dhalay feedhyahankii Muslimka ahaa ee Muhammad Ali ayaa ku sugan xaalad nololeed oo ...

Wanda Nara Oo Diyaarinaysa Qandaraas Dabar Ku Noqonaya Mauro Icardi

(16-12-2018) Wanda Nara oo ah xaaska iyo Wakiilka ciyaartoyga reer Argentina ee Mauro Icardi oo afka hore uga ...

Farriintii Uu Diego Costa U Diray Arsenal Markii Uu Dhaawacay Laurent Koscielny Iyo Qaabkii Axmaqnimada Ahaa Ee Uu Isku Difaacay

(16-12-2018) Difaaca Arsenal ee Laurent Koscielny ayaa shaaciyey inuu u bilaabmay wax uu ugu yeedhay ‘Cutubka Cusub Ee ...

Barcelona Oo Baadi Goobaysa Beddelka Luis Suarez Iyo Xiddigaha Ay Isha Ku Hayso

(16-12-2018) Luis Suarez hadda da’diisu waxay noqotay 32 jir, waxaana kooxdiisa Barcelona u muuqatay in ay u baahan ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Manchester City oo Mar Kale Hogaanka Si Ku Meel Gaadh ah U Qabatay Maanta.

(15-12-2018) Cayaar ay maanta wada ciyaareen kooxda Manchester City iyo kooxda Everton oo ahayd horyaalka dalka ingiriiska oo ...

Layaab!: Boqortooyada Kuwait oo la ogaadey in ay lacag ka dhacday Cayaartoy waa weyn oo magac leh

(15-12-2018) Lix bilood kaddib markii dalka Kuwait uu martigeliyey ciyaar ay iskugu yimaaddeen xiddigaha waaweyn ee dunida oo ...

Dhamaan Kulamada Sabtiga iyo Saacadaha Geeska Africa ee ay bilaaban doonaan?

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa dhamaan Cayaaraha dhici doona Sabtiga ee ku tirsan Horyaalada kala duwan ee qaarada ...

Halyeygii Manchester United Ee Willie Morgan Oo Magacaabay Afarta Ciyaartoy Ee Uu Doonayo In Kooxdiisa Hore Iska Iibiso Bisha January

(15-12-2018) Halyeygii Manchester United ee Willie Morgan ayaa aaminsan in tababaraha kooxdaas Jose Mourinho ay tahay inuu iibiyo ...

May Ahayn In Arsenal Loo Ogolaado Inay Ciyaarto Europa League – Tababaraha Qarabag Oo Dood Cajiib Ah Bedka Keenay Kaddib Guushii Gunners Sabab?

(15-12-2018) Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa sii wadda guul-darro la’aanta xidhiidhka ah, waxaanay xalay 1-0 ku muquunisay naadiga ...

Qorshaha Jose Mourinho Ku Qaban Doono Salah, Mane & Firmino, Dhibaatada Difaaca Ee Haysata Iyo Sida Uu U Kala Xulan Doono Xiddigaha Uu Haysto

(15-12-2018) Manchester United ayaa Axadda safar ugu tegaysa Liverpool oo kulankooda ugu horreeya xili ciyaareedkan ee horyaalka Premier ...

Cristiano Ronaldo Oo Markale looga yeeray Maxkamad dalka Spain ah iyo Ciqaabta uu lakulmi doono?

(15-12-2018) Maxkamad ku taalla dalka Spain ayaa go’aamisay xilliga ay dhegaysan doonto dacwad la xidhiidha lunsi cashuuro oo ...

Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018 kaas ...