Sunday, February 17th, 2019

Maanta Maxaa ugu Waa weynaa Suuqa kala iibsiga Cayaartoyda?

Published on June 20, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(20-6-2018) Waxa furmay suuqa kala iibsiga xagaaga waxana ay koox walba haatan suuqa u gali kartaa sidii ay u xoojin lahayd kooxdeeda si ay isugu diyaariyaan xilli ciyaareedka dambe.

Waxa jira kooxo haatanba la soo saxiixday xiddigihii ugu horeeyay sidoo kale wali ugu jira suuqa xiddigo kale si la mid ah waxa jira kooxo wali si fiican ugu jira suuqa raadinayana in ay helaan xiddigo munaasib ah.

Hadaba waxa aan halkan ku soo gudbin doonaa wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga ay wargaysyada kala duwan ka qoreen.

Wakiilka Maurizio Sarri ayaa soo gaaray London xilli uu tababarihii hore ee kooxda Napoli ku dhaw yahay in uu shaqada ka badalo Tababare Antonio Conte (Sky Sport).

Sarri ayaa bartilmaameedkiisa 1-aad ka dhigtay xiddiga xulka Belguim iyo kooxd Napoli ee Dries Martens oo 31 jir ah marka uu la wareego shaqada Stamford Bridge (Telegraph).

Halyeeyga Kooxda chelsea ee Gianfranco Zola ayaa sheegay in uu wadahadalo kula jira kooxda chelsea isaga oo ka mid noqon doona shaqaalaha tababaraha Sarri (Sun).

Xiddigii hore ee khadka dhexe ee kooxda Liverpool ayaa tijaabada caafimaadka u mari doona kooxda Juventus todobaadkan kadib markii ay Reds xaqiijisay in uu 24 jirkan ka tagay Anfield (Mail).

Kooxda Arsenal ayaa wadahadalo la qaadan doonta wakiilka xiddiga khadka dhexe ee xulka qaranka Argentina iyo kooxda Sevilla ee Ever Banega oo 29 jir ah todobaadkan (Mirror).

Kooxaha Arsenal iyo Tottenham oo isku baacsanaya saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara Liverpool ee Rhian Brewster inkasta oo uu 18 jirka reer England ku dhaw yahay in uu heshiis u saxiixa Reds (Sun).

Kooxda Man United ayaa lacag 100 milyan ah dul dhigtay madaxa xiddigeeda weerarka uga ciyaara ee Anthony Martail kaas oo loo ogolaaday in uu isaga tago kooxda (Sun).

Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay ka fiirsanayso in ay ka baxdo tartanka ay ugu jirto goolhayaha kooxda Roma ee Alisson (Cadena SER).

Kubad sameeyaha kooxda Real Madrid ee Marco Asensio ayaa doonaya in uu ku biiro kooxda chelsea halkii uu ku biiri lahaa Man United xilli uu mustaqbakiisa Real Hawada ku jiro (El Gol Digital).

Kooxda ku guulaystay horyaalka Serie A-da ee Juventus ayaa xiriir joogto ah la lahayd weeraryahanka kooxda Inter Milan ee Mauro Icardi todobaadyadii ugu dambeeyay (Calciomercato).

Kooxda Barcelona ayaa xiriir toos ah la samaysay wakiilka xiddiga khadka dhexe ee kooxda Juventus ee Miralem Pjanic iyaga oo isku diyaarinaya in ay u dhaqaaqaan xagaaga (Mundo Deportivo).

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Madaxweynaha Ac Milan Paolo Scaroni Oo Dhac Layaab Leh Loo Geystay & Haweeney Qaab Cajiib Ah Garab Usiisay Dambiilaha.

(16-12-2018) Madaxweynaha kooxda Ac Milan Paolo Scaroni ayaa lagu soo waramayaa in laga xaday jimcadii shalay aheyd boorso ...

Macalinka Kooxda Liverpool Jurgen Klopp oo Ka Hadlay Jose Mourinho Ka Hor Ciyaarta Manchester United iyo Liverpool

(16-12-2018) Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa ka hadlay dhigiisa Manchester United ee Jose Mourinho iyo ciyaarta ay ...

Khabiirada Shabakadda Mirror Football Oo Isku Khilaafay Shaxda Isku Dhaf Ah Kulanka Liverpool vs Man United – Mid Walba Shax Ayuu Doortay!

(16-12-2018) Kulanka ugu weyn England ayaa berito dhici doona, waana kulan aan laga mideysneyn aragtida laga aaminsan yahay, ...

Wiilkii Uu Dunida Kaga Tegay Feedhyahankii Muslimka Ahaa Ee Mohamed Ali Oo Qarka U Saaran Inuu Dawarsado Ama Tuugsado Sabab?

(16-12-2018) Wiilka kaliya ee uu dhalay feedhyahankii Muslimka ahaa ee Muhammad Ali ayaa ku sugan xaalad nololeed oo ...

Wanda Nara Oo Diyaarinaysa Qandaraas Dabar Ku Noqonaya Mauro Icardi

(16-12-2018) Wanda Nara oo ah xaaska iyo Wakiilka ciyaartoyga reer Argentina ee Mauro Icardi oo afka hore uga ...

Farriintii Uu Diego Costa U Diray Arsenal Markii Uu Dhaawacay Laurent Koscielny Iyo Qaabkii Axmaqnimada Ahaa Ee Uu Isku Difaacay

(16-12-2018) Difaaca Arsenal ee Laurent Koscielny ayaa shaaciyey inuu u bilaabmay wax uu ugu yeedhay ‘Cutubka Cusub Ee ...

Barcelona Oo Baadi Goobaysa Beddelka Luis Suarez Iyo Xiddigaha Ay Isha Ku Hayso

(16-12-2018) Luis Suarez hadda da’diisu waxay noqotay 32 jir, waxaana kooxdiisa Barcelona u muuqatay in ay u baahan ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Manchester City oo Mar Kale Hogaanka Si Ku Meel Gaadh ah U Qabatay Maanta.

(15-12-2018) Cayaar ay maanta wada ciyaareen kooxda Manchester City iyo kooxda Everton oo ahayd horyaalka dalka ingiriiska oo ...

Layaab!: Boqortooyada Kuwait oo la ogaadey in ay lacag ka dhacday Cayaartoy waa weyn oo magac leh

(15-12-2018) Lix bilood kaddib markii dalka Kuwait uu martigeliyey ciyaar ay iskugu yimaaddeen xiddigaha waaweyn ee dunida oo ...

Dhamaan Kulamada Sabtiga iyo Saacadaha Geeska Africa ee ay bilaaban doonaan?

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa dhamaan Cayaaraha dhici doona Sabtiga ee ku tirsan Horyaalada kala duwan ee qaarada ...

Halyeygii Manchester United Ee Willie Morgan Oo Magacaabay Afarta Ciyaartoy Ee Uu Doonayo In Kooxdiisa Hore Iska Iibiso Bisha January

(15-12-2018) Halyeygii Manchester United ee Willie Morgan ayaa aaminsan in tababaraha kooxdaas Jose Mourinho ay tahay inuu iibiyo ...

May Ahayn In Arsenal Loo Ogolaado Inay Ciyaarto Europa League – Tababaraha Qarabag Oo Dood Cajiib Ah Bedka Keenay Kaddib Guushii Gunners Sabab?

(15-12-2018) Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa sii wadda guul-darro la’aanta xidhiidhka ah, waxaanay xalay 1-0 ku muquunisay naadiga ...

Qorshaha Jose Mourinho Ku Qaban Doono Salah, Mane & Firmino, Dhibaatada Difaaca Ee Haysata Iyo Sida Uu U Kala Xulan Doono Xiddigaha Uu Haysto

(15-12-2018) Manchester United ayaa Axadda safar ugu tegaysa Liverpool oo kulankooda ugu horreeya xili ciyaareedkan ee horyaalka Premier ...

Cristiano Ronaldo Oo Markale looga yeeray Maxkamad dalka Spain ah iyo Ciqaabta uu lakulmi doono?

(15-12-2018) Maxkamad ku taalla dalka Spain ayaa go’aamisay xilliga ay dhegaysan doonto dacwad la xidhiidha lunsi cashuuro oo ...

Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018 kaas ...