Wednesday, November 14th, 2018

Cayaartoy Reer Iran Ah Oo Qabsaday Indhaha Dunida Kaddib Dhacdo Ku Cusub Ciyaaraha Oo Uu Sameeyey

Published on June 21, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(22-6-2018) Dunida kubadda cagta oo dhan ayaa mar kaliya indhahooda u jeediyey laacib ka tirsan xulka qaranka Iran oo lagu magacaabo Milad Mohammadi, kaas oo bandhig ku cusub ciyaaraha ka sameeyey dhamaadka ciyaartii ay Spain 1-0 dirqi ah kaga adkaatay waddanka Iran.

Spain ayaa guusheedii ugu horreysay ee Koobka Adduunka Arbacadii ka gaadhay Iran, waxaanay yeelatay afar dhibcood oo ay kula simantay Portugal oo 1-0 ku jiidhay Morocco, waxaase kaalinta saddexaad fadhiya dalka Iran oo iyaguna kulankoodii koowaad saddex dhibcood ka qaatay Morocco, hase yeeshee gool barbar-dhac ah oo ay Spain ka dhaliyeen laga diiday markii uu laacibka Saeid Ezatolahi oo goolka dhaliyey uu Offside sii galay intii aanay kubaddu u imanin.

Iran bandhig fiican oo rajo geliyey Muslimiinta Shiicada ayay soo bandhigtay halka Muslimiintii Sunniga ahayd ee Saudi Arabia, Morocco iyo Masar ay hadheen, haddana waxa jirtay dhacdo kale oo ka baxsan rajadooda iyo ciyaartii ay kala hortageen Spain, taas oo ahayd in wiilka difaaca bidix ee Milad Mohammadi uu daqiiqadihii ugu dambeeyey ee ciyaarta isaga oo tuuraya kubbad uu qalaama-rogod sameeyey.

Arrintan ayaa si weyn u qabsatay baraha bulshada iyo falan-qeeyeyaashii ciyaaraha ee telefishannada fadhiyey.

Mohammedi ayaa kubadda kasoo qaatay bannaanka, kaddibna dib u baxay inta uu kubadda dhunkaday, halkaas oo dhawr tallaabo markii uu hore usoo qaaday uu qalaama-rogod sameeyey si uu kubadda u gaadhsiin karo ciyaaryahannada joogay goolka Spain horteeda maadaama ay u baahnaayeen gool barbar-dhac ah wakhtiguna gabaabsi ahaa.

Inkasta oo aanu kubadda sidaas ku tuurin oo uu joojiyey, si caad ahna ugu dhiibay ciyaartoy ku dhowaa, haddana warbaahhinta BBC Radio 5 LIVE, oo ciyaarta tebinaysay si weyn uga faallootay.

Chris Sutton oo layaab ay ku ahayd waxa uu Mohammedi sameeyey ayaa yidhi: “Tani waa goolkii, waa fursaddii Iran”

Alistair Bruce-Bill ayaa isaguna markii uu arkay Mohammadi oo isasoo rogaya, waxa uu ku tiraabay: “30 ilbidhiqsi ayaa u hadhay Iran. Milad Mohammadi ayaa tuuryo dheer ganaya. Kow, laba, saddex, afar, shan, lix reer Iran oo shaadh cas ayaa goolka hortiisa ku sugan.”

Burce-Ball oo hadalkiisa sii wata, ayaa yidhi: “Mohammadi kubadda ayuu dhunkaday waxaanu tilmaamay cirka. Allah, muxuu samaynayaa.?”

Khabiirka Sutton oo agfadhiyey ayaa qosol isxajin kari waayey, hase yeeshee Burce-Ball ayaa mar kale tibaaxay in garsooraha ciyaartu uu ka joojiyey inuu tuuro kubaddii uu isla soo qalaama-rogay.

Baraha bulshada ee Twitter-ka ayaa sidoo kale lagu qalan-qeeyey dhacdadan cajiibka ah, taas oo haddii uu garsooraha ciyaartu ogolaan lahaa ay suurtogal ahaan lahayd inuu tuuryo dheer ku geyn lahaa goolka Spain hortiisa oo ay sababi kari lahayd goolka barbar-dhaca.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Kaddib Xukunkii Argagixisada, Halyeygii Reer Masar Ee Mohamed Aboutrika Oo Xukun Kale Lagu Riday

(15-11-2018) Halyeygii hore ee xulka qaranka Masar, Mohamed Aboutrika ayaa lagu riday xukun maskamadeed oo jeelka loogu taxaabayo, ...

FIFA Oo Qarka U Saaran Inay Laba Sannadood Oo Xayiraad Suuqa Ah Kusoo Rogto Chelsea – Waa Maxay Sababtu?

(15-11-2018) Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa ku dhow inay la kulanto ciqaab adag oo ka xayiri doonto suuqa ...

Afar Caqabadood Oo Hor Yaalla Tababaraha Barcelona Ka Hor Cayaarta Atletico Madrid

(14-11-2018) Kooxda Barcelona ayaa wali ah hogaamiyaasha horyaalka La Liga inkasta oo ay ceeb iyo waji gabax kala ...

Horyaalka Premier League Guddoomiye Cusub U Doortay Haweenay Madax Ka Ahayd Barnaamijka XAYAWAANKA Ee Telefishanka Discovery

(14-11-2018) Horyaalka kubadda cagta waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa doortay guddoomiye cusub oo beddelaya midkii hore oo ...

Maxay Wadaagaan Lionel Messi Iyo Xiddiga Muslimka Ah Ee Xherdan Shaqiri?

(14-11-2018) Tobankii sannadood ee ugu dambeeyey, ciyaartooyada hibada leh ee soo baxa waxa halbeeg u ahaa Cristiano Ronaldo ...

XULKA RIYADA: Oblak, Modric, Brozovic, Pjanic, Milinkovic-Savic, Perisic & Dzeko – Xulka Qaranka Yugoslavia – Waddankee Iska Celin Lahaa?

(14-11-2018) 11-ka ciyaartoy ee xul ahaan u wada ciyaari lahaa guud ahaan dunida amaba ugu yaraan qaaradda Yurub, ...

Muxuu ku dhamaaday kulankii Itoobiya iyo Soomaaliya?

(14-11-2018) Xulka qaranka Soomaaliya ayaa guul darro qaraar kala kulmay dhigooda Itoobiya oo 4-0 ku martay kulan ka ...

Ganaax Weji Cusub Leh Oo Lagu Riday Weeraryahanka Liverpool Ee Daniel Sturridge – Muxuu Sameeyey?

(14-11-2018I) Weeraryahanka kooxda Liverpool ee Daniel Sturridge ayaa lagu ganaaxay inuu si xun u dhaqmay, isla markaana uu ...

Wargeyska The Sun Oo Daboolka Ka Qaaday Laba Qorshe Oo Midkood Dibedda U Tuurayo Jose Mourinho Oo Maamulka Man United Dejisteen Iyo Macallin Ixtiraam Badan Oo Beddelaya

(14-11-2018) Maamulka kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa la sheegay inay miiska saareen laba qorshe oo midkood caddanaynayo ...

RASMI: Zlatan Ibrahimovic Oo Ku Garaacay Wayne Rooney Xiddiga Sannadka Ee Horyaalka Dalka Maraykanka

(14-11-2018) Weeraryahanka reer Sweden ee Ibrahimovic  ayaa ku guuleystay xiddiga ugu wanaagsan horyaalka kubadda cagta dalka Maraykanka, kaddib ...

RAJO LA’AAN: Waxama Haka Sugina Man United Inta Mourinho Joogo

(14-11-2018) Toddobaadkii guul-darrada qadhaadh ee Man United ay ku dhiibtay kooxda ka arrimisa magaalada Manchester oo si buuxda ...

Macalin Antonio Conte muxuu ku maagay Sergio Ramos?

(13-11-2018) Tababarihii hore ee kooxda Chelsea ee Antonio Conte ayaa ugu dambayn ka baxay aamusnaantii isaga oo jawaabo ...

London oo markale qaabileysa Samir Nasri

(13-11-2018i) Cayaaryahankii hore ee Arsenal Samir Nasri ayaa lagu wadaa inuu dib ugu soo laabto Magaalada London iyadoo ...

Rasmi: Santiago Solari oo loo Magacaabay Macalinka Rasmiga ah ee Real Madrid

(13-11-2018) Maamulka kooxda Kubada Cagta  Real Madrid ayaa si Rasmi ah xilka ugu dhiibatay Santiago Solari iyagoona ka ...

Lionel Messi oo ku Guuleystey Xiddiga Sanadka iyo abaal marinta Pichichi

(13-11-2018)Lionel Messi ayaa  loo gacan galiyay abaal marinta Pichichi  ee 2017/18 kaddib markii uu gool dhalinta La Liga ...