Wednesday, November 14th, 2018

Fadeexad ku soo baxday Garsoorihii kulankii Morocco iyo Portugal?

Published on June 21, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(22-6-2018) Garsoorihii dhexdhexaadinayey ciyaartii xulka qaranka Portugal uu 1-0 kaga adkaaday Morocco ee sababay in dalkii ugu horreeyey ay ka hadhaan Koobka Adduunka ayaa la ogaaday inuu dhinac ahaa oo aanu caddaalad u haynin ciyaarta.

Ciyaaryahannada iyo tababaraha xulka qaranka Morocco ayaa si adag uga diiday go’aamo lid ku ah oo uu garsoore Mark Geiger qaatay, kaas oo uu ku jiro goolka lagaga badiyey ee uu dhaliyey Cristiano Ronaldo oo lagu tilmaamay inuu gacan ahaa, hase yeeshee garsooraha iyo nidaamka VAR aanu midkoodna ka jawaab celinin.

Garsoore Mark Geiger oo u dhashay waddanka Maraykanka ayaa markii qaybta hore ee ciyaartu dhamaatay si badheedh ah u caddaystay inuu la safnaa xulka qaranka Portugal, waxaana uu u tegay difaaca reer Portugal ee Pepe oo uu weydiistay inuu siiyo funaanaddii uu xidhnaa ee uu ku ciyaarayey.

Xiddiga xulka qaranka Morocco ee Nouradin Amrabat ayaa si adag u weeraray garsoore Geiger, waxaana uu tibaaxay in aanu dhex ka ahayn ciyaartii lagu reebay.

“Ma garanayo wixii uu qabanayey, laakiin wuxuu aad ula dhacdsanaa Cristiano Ronaldo, waxaanan maqlayey isaga oo Pepe weydiisanaya garanka wakhtigii nasashada.” Sidaas waxa yidhi Amrabat oo goob joog u ahaa markii uu garsooruhu shaadhka weydiisanayey Pepe.

Amrabat oo u warramay telefishanka NOS, waxa uu tibaaxay in Koobka Adduunka aan loo baahnayn in arrimo noocan oo kale ah ay dhacaan, hase yeeshee waxa uu dhinaca kale xusay in jewiga garoonkii ay ku ciyaarayeen uu aad u kululaa oo uu dhididku qooyey ciyaaryahannada.

“Aad ayay u kululayd, dhididka ayaa naga da’ayey, hawaduna way taagnayd. Subaxnimada markii aan kacay, waxa aan tegay dhakhtarka, waxaanan u sheegay inaan maanta (shalay) ciyaarayo, fiicnaan ayaan dareemayay inkastoo aan dareemayay daal ka badan intii caadiga ahaa. Hadda waa inaan nasto, koobka adduunkana kusoo xidho si wanaagsan.” Sidaas ayuu yidhi Amrabat oo marka ciyaartooda u dambaysa ay Spain la yeeshaan June 25 shandadoodiisa u xidhxidhan doona waddankiisii.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

FIFA Oo Qarka U Saaran Inay Laba Sannadood Oo Xayiraad Suuqa Ah Kusoo Rogto Chelsea – Waa Maxay Sababtu?

(15-11-2018) Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa ku dhow inay la kulanto ciqaab adag oo ka xayiri doonto suuqa ...

Afar Caqabadood Oo Hor Yaalla Tababaraha Barcelona Ka Hor Cayaarta Atletico Madrid

(14-11-2018) Kooxda Barcelona ayaa wali ah hogaamiyaasha horyaalka La Liga inkasta oo ay ceeb iyo waji gabax kala ...

Horyaalka Premier League Guddoomiye Cusub U Doortay Haweenay Madax Ka Ahayd Barnaamijka XAYAWAANKA Ee Telefishanka Discovery

(14-11-2018) Horyaalka kubadda cagta waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa doortay guddoomiye cusub oo beddelaya midkii hore oo ...

Maxay Wadaagaan Lionel Messi Iyo Xiddiga Muslimka Ah Ee Xherdan Shaqiri?

(14-11-2018) Tobankii sannadood ee ugu dambeeyey, ciyaartooyada hibada leh ee soo baxa waxa halbeeg u ahaa Cristiano Ronaldo ...

XULKA RIYADA: Oblak, Modric, Brozovic, Pjanic, Milinkovic-Savic, Perisic & Dzeko – Xulka Qaranka Yugoslavia – Waddankee Iska Celin Lahaa?

(14-11-2018) 11-ka ciyaartoy ee xul ahaan u wada ciyaari lahaa guud ahaan dunida amaba ugu yaraan qaaradda Yurub, ...

Muxuu ku dhamaaday kulankii Itoobiya iyo Soomaaliya?

(14-11-2018) Xulka qaranka Soomaaliya ayaa guul darro qaraar kala kulmay dhigooda Itoobiya oo 4-0 ku martay kulan ka ...

Ganaax Weji Cusub Leh Oo Lagu Riday Weeraryahanka Liverpool Ee Daniel Sturridge – Muxuu Sameeyey?

(14-11-2018I) Weeraryahanka kooxda Liverpool ee Daniel Sturridge ayaa lagu ganaaxay inuu si xun u dhaqmay, isla markaana uu ...

Wargeyska The Sun Oo Daboolka Ka Qaaday Laba Qorshe Oo Midkood Dibedda U Tuurayo Jose Mourinho Oo Maamulka Man United Dejisteen Iyo Macallin Ixtiraam Badan Oo Beddelaya

(14-11-2018) Maamulka kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa la sheegay inay miiska saareen laba qorshe oo midkood caddanaynayo ...

RASMI: Zlatan Ibrahimovic Oo Ku Garaacay Wayne Rooney Xiddiga Sannadka Ee Horyaalka Dalka Maraykanka

(14-11-2018) Weeraryahanka reer Sweden ee Ibrahimovic  ayaa ku guuleystay xiddiga ugu wanaagsan horyaalka kubadda cagta dalka Maraykanka, kaddib ...

RAJO LA’AAN: Waxama Haka Sugina Man United Inta Mourinho Joogo

(14-11-2018) Toddobaadkii guul-darrada qadhaadh ee Man United ay ku dhiibtay kooxda ka arrimisa magaalada Manchester oo si buuxda ...

Macalin Antonio Conte muxuu ku maagay Sergio Ramos?

(13-11-2018) Tababarihii hore ee kooxda Chelsea ee Antonio Conte ayaa ugu dambayn ka baxay aamusnaantii isaga oo jawaabo ...

London oo markale qaabileysa Samir Nasri

(13-11-2018i) Cayaaryahankii hore ee Arsenal Samir Nasri ayaa lagu wadaa inuu dib ugu soo laabto Magaalada London iyadoo ...

Rasmi: Santiago Solari oo loo Magacaabay Macalinka Rasmiga ah ee Real Madrid

(13-11-2018) Maamulka kooxda Kubada Cagta  Real Madrid ayaa si Rasmi ah xilka ugu dhiibatay Santiago Solari iyagoona ka ...

Lionel Messi oo ku Guuleystey Xiddiga Sanadka iyo abaal marinta Pichichi

(13-11-2018)Lionel Messi ayaa  loo gacan galiyay abaal marinta Pichichi  ee 2017/18 kaddib markii uu gool dhalinta La Liga ...

Halyeygii Reer Brazil Ee Roberto Carlos Oo Sameeyey Ballan-qaad Ka Farxiyey Jamaahiirta Real Madrid

(12-11-2018) Halyeygii reer Brazil ee Roberto Carlos ayaa sameeyey ballan-qaad ka farxiyey jamaahiirta kooxdiisii hore ee Real Madrid, ...