Sunday, February 17th, 2019

Lionel Messi oo ka Fariisanaya Cayaaraha Caalamiga ah iyo Sir ku saabsan Saameynta uu kuleeyahay Xulshada Xulka Argentina

Published on June 23, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(24-6-2018) Xiddiga xulka qaranka Argentina ee Lionel Messi oo dhibaato badan kala kulmay Koobka Adduunka gaar ahaan kulankii masiibada ku noqday ee Croatia ay ku burburisay 3-0 iyo ciyaartii ka horreysay ee Iceland ay barbar-dhaca kula dhamaysatay ayaa la sheegay inuu ka fadhiisanayo xulka qarankiisa isla marka uu dhamaado Koobka Adduunku.

Sida uu sheegay wariye si weyn looga ixtiraamo waddanka Argentina oo lagu magacaabo Fernando Niembro, Lionel Messi ayaa degdeg u shaacin doona hawlgabnimada xulka marka ay dib ugu laabtaan dalkooda haddii ay ka hadhaan Koobka Adduunka iyo haddii ay meel fiican ka gaadhaanba.

Wariye Niembro waxa uu tilmaamay in Lionel Messi uu gacanta ku hayo xulka qaranka oo uu isagu maamulo, isla markaana uu soo xusho laacibiinta ciyaaraya iyo kuwa la fadhiisinayo, hase yeeshee dhibaatadiisu tahay in aanu waxba qaban karaynin marka loo eego sida uu Barcelona ugu shaqeeyo.

“Messi ayaa iska leh xulka qaranka. Isaga ayaa tababare ka ah, waxaanu go’aamiyey in saaxiibaddii ay ciyaaraan, waana tan natiijada laga dhaxlo saaxiibbadu. Koox liidata, koox aan ahayn sidii ay wax ku noqon kari lahayd, koox bilaa qalbi ah.” Sidaas ayuu yidhi wariye Niembro.

Wariyuhu waxa uu ku eedeeyey Lionel Messi in xulistii hore ee ciyaaryahannada iyo sida loo safayo xiddigaha garoonka gelayaba uu go’aankeeda leeyahay, isla markaana uu yahay tababaraha oo Sampaoli aanu waxba ahayn.

“Way ku filan tahay Mascherano, saaxiibaddaa, way ku falantahay Sampaoli iyo kasoo horjeedka, way ku filantahay cadaadiska aad saartay, way kugu filan tahay maamulka bilaa qorshaha ah. Runtuna waxay tahay, marka uu Messi ka dhaqaaqo xulka Argentina, mana xuma haddii aannu mar kale ku fikirin inuu soo laabto” Sidaas ayuu yidhi wariye Niembro oo ka mid ah saxafiyiinta sida weyn looga ixtiraamo gudaha waddanka Argentina.

Lionel Messi ayaa intii aanu Koobka Adduunku bilaaban waxa uu warbaahinta u sheegay inuu ka fadhiisan doono xulka qaranka haddii uu ku guul-darraysto inuu Koobka qaado.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Madaxweynaha Ac Milan Paolo Scaroni Oo Dhac Layaab Leh Loo Geystay & Haweeney Qaab Cajiib Ah Garab Usiisay Dambiilaha.

(16-12-2018) Madaxweynaha kooxda Ac Milan Paolo Scaroni ayaa lagu soo waramayaa in laga xaday jimcadii shalay aheyd boorso ...

Macalinka Kooxda Liverpool Jurgen Klopp oo Ka Hadlay Jose Mourinho Ka Hor Ciyaarta Manchester United iyo Liverpool

(16-12-2018) Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa ka hadlay dhigiisa Manchester United ee Jose Mourinho iyo ciyaarta ay ...

Khabiirada Shabakadda Mirror Football Oo Isku Khilaafay Shaxda Isku Dhaf Ah Kulanka Liverpool vs Man United – Mid Walba Shax Ayuu Doortay!

(16-12-2018) Kulanka ugu weyn England ayaa berito dhici doona, waana kulan aan laga mideysneyn aragtida laga aaminsan yahay, ...

Wiilkii Uu Dunida Kaga Tegay Feedhyahankii Muslimka Ahaa Ee Mohamed Ali Oo Qarka U Saaran Inuu Dawarsado Ama Tuugsado Sabab?

(16-12-2018) Wiilka kaliya ee uu dhalay feedhyahankii Muslimka ahaa ee Muhammad Ali ayaa ku sugan xaalad nololeed oo ...

Wanda Nara Oo Diyaarinaysa Qandaraas Dabar Ku Noqonaya Mauro Icardi

(16-12-2018) Wanda Nara oo ah xaaska iyo Wakiilka ciyaartoyga reer Argentina ee Mauro Icardi oo afka hore uga ...

Farriintii Uu Diego Costa U Diray Arsenal Markii Uu Dhaawacay Laurent Koscielny Iyo Qaabkii Axmaqnimada Ahaa Ee Uu Isku Difaacay

(16-12-2018) Difaaca Arsenal ee Laurent Koscielny ayaa shaaciyey inuu u bilaabmay wax uu ugu yeedhay ‘Cutubka Cusub Ee ...

Barcelona Oo Baadi Goobaysa Beddelka Luis Suarez Iyo Xiddigaha Ay Isha Ku Hayso

(16-12-2018) Luis Suarez hadda da’diisu waxay noqotay 32 jir, waxaana kooxdiisa Barcelona u muuqatay in ay u baahan ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Manchester City oo Mar Kale Hogaanka Si Ku Meel Gaadh ah U Qabatay Maanta.

(15-12-2018) Cayaar ay maanta wada ciyaareen kooxda Manchester City iyo kooxda Everton oo ahayd horyaalka dalka ingiriiska oo ...

Layaab!: Boqortooyada Kuwait oo la ogaadey in ay lacag ka dhacday Cayaartoy waa weyn oo magac leh

(15-12-2018) Lix bilood kaddib markii dalka Kuwait uu martigeliyey ciyaar ay iskugu yimaaddeen xiddigaha waaweyn ee dunida oo ...

Dhamaan Kulamada Sabtiga iyo Saacadaha Geeska Africa ee ay bilaaban doonaan?

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa dhamaan Cayaaraha dhici doona Sabtiga ee ku tirsan Horyaalada kala duwan ee qaarada ...

Halyeygii Manchester United Ee Willie Morgan Oo Magacaabay Afarta Ciyaartoy Ee Uu Doonayo In Kooxdiisa Hore Iska Iibiso Bisha January

(15-12-2018) Halyeygii Manchester United ee Willie Morgan ayaa aaminsan in tababaraha kooxdaas Jose Mourinho ay tahay inuu iibiyo ...

May Ahayn In Arsenal Loo Ogolaado Inay Ciyaarto Europa League – Tababaraha Qarabag Oo Dood Cajiib Ah Bedka Keenay Kaddib Guushii Gunners Sabab?

(15-12-2018) Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa sii wadda guul-darro la’aanta xidhiidhka ah, waxaanay xalay 1-0 ku muquunisay naadiga ...

Qorshaha Jose Mourinho Ku Qaban Doono Salah, Mane & Firmino, Dhibaatada Difaaca Ee Haysata Iyo Sida Uu U Kala Xulan Doono Xiddigaha Uu Haysto

(15-12-2018) Manchester United ayaa Axadda safar ugu tegaysa Liverpool oo kulankooda ugu horreeya xili ciyaareedkan ee horyaalka Premier ...

Cristiano Ronaldo Oo Markale looga yeeray Maxkamad dalka Spain ah iyo Ciqaabta uu lakulmi doono?

(15-12-2018) Maxkamad ku taalla dalka Spain ayaa go’aamisay xilliga ay dhegaysan doonto dacwad la xidhiidha lunsi cashuuro oo ...

Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018 kaas ...