Wednesday, November 14th, 2018

Rasmi: AC Milan oo laga Ganaaxay koobka UEFA Europa League Sabab?

Published on June 23, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(23-6-2018) Xiriirka kubadda cagta Yurub ee EUFA ayaa go’aamiyey in kooxda AC Milan laga saaro naadiyada sannadkan ka qayb-geli doona tartanka Europa League, isla markaana lagu soo rogo ganaax lacageed oo ciqaab ah.

AC Milan oo sannadihii u dambeeyey u kala wareegtay saddex gacmood oo midba mar mulkiyaddeed lahaa, ayaa waxa bilihii u dambeeyey oo dhan loogu hanjabayey inay la kulmi doonto ciqaab iskugu jirta in laga saaro tartamada Yurub iyo mid lacageed, haddii ay kor u qaadi weydo dhaqaalaheeda si ay ugu hoggaansanto sharciga FFP ee dheelli-tirnaanta dhaqaalaha.

UEFA ayaa la sheegay inay si rasmi ah go’aan uga gaadhay ganaaxa AC Milan, oo wakhtigan uu madaxweyne ka yahay Yonghong Li oo dhowaan iibsaday, waxaana lagu haystaa in kooxdu ay jebishay sharciga dheelli-tirnaanta dhaqaalaha ee FFP.

Sida uu qoray wargeyska La Gazzetta dello Sport ee kasoo baxa waddanka Talyaaniga, UEFA ayaa ciqaabteeda ka dhigtay laba nooc oo midka hore uu yahay in tartanka Europa League oo ay ka qayb-geli lahayd xili ciyaareedka bilaabmaya laga tuuro, looguna daro lacag ganaax oo dhan 30 milyan oo Euro.

Warku waxa uu intaa ku daray in AC Milan ay ka badbaadi doonta ganaaxan haddii ay fasaxdo qaar ka mid ah ciyaaryahanneeda qaaliga ah, isla markaana ay lacag badan kasoo xerayso, taas oo dhinaca kale wiiqi doonta bandhiggii kooxda oo dhowaan la geliyey lacag badan oo ay ciyaaryahanno kusoo iibsatay.

ROME, ROMA – SEPTEMBER 10: President of AC Milan Mr Lee and Director General of AC Milan Marco Fassone before the Serie A match between SS Lazio and AC Milan at Stadio Olimpico on September 10, 2017 in Rome, Italy. (Photo by Marco Rosi/Getty Images)

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Cayaaryahan La Toogtay Oo Illaahay Ka Badbaadiyey Xabbad Gaadhigiisa Ka Dhex-baxday Oo Ka Sheekeeyey Sidii Wax U Dhaceen

(15-11-2018) Kubadda cagta marar badan ayay ka dhacdaa in qaab shirqool ah loo dilo ciyaartooyo, waxaase inta badan ...

Wayne Rooney Oo Markii Ugu Dambaysay Xidhanaya Calaamadda Kabtanka Xulka Qaranka England

(15-11-2018) Cayaartoyga ugu goolasha badan taariikhda xulka qaranka England ee Wayne Rooney ayaa xidhan doona calaamadda kabtanka iyo ...

Magacyada iyo Sawirada 10 ka Naadi ee bixiya nushaarka Sanadlaha ah ee ugu badan qaarada yurub

(15-11-2018) Waxaan idiin soo gudbineynaa aqristeyaal magacyada iyo Sawirada 10 ka kooxood ee kubada cagta isla markaana bixiya ...

Nolosha Qarsoon: Ma Ogtahay In Zinedine Zidane Ahaan Jiray Askari Milateri Ah, Yeyse Ahaayeen Xiddigii Faransiiska Ee Ciidanka Ay Ku Wada Jireen?

(15-11-2018) Cayaaraha marar badan waxa la barbar-dhigaa sida dagaal, waxaana kuu caddaynaysa luuqadda lagu isticmaalo falan-qaynta kubadda cagta, ...

Chelsea Oo Kooxaha Ingiriiska Ka Dalbatay In Lasoo Ururiyo Lacag 5 Milyan Ah – Maxay Ku Falaysaa, Yaase Lasiinayaa?

(15-11-2018) Dhamaan labaatanka kooxood ee ka tirsan horyaalka Premier League ayaa laga dalbaday inay soo ururiyaan lacag gaadhaysa ...

Kaddib Xukunkii Argagixisada, Halyeygii Reer Masar Ee Mohamed Aboutrika Oo Xukun Kale Lagu Riday

(15-11-2018) Halyeygii hore ee xulka qaranka Masar, Mohamed Aboutrika ayaa lagu riday xukun maskamadeed oo jeelka loogu taxaabayo, ...

FIFA Oo Qarka U Saaran Inay Laba Sannadood Oo Xayiraad Suuqa Ah Kusoo Rogto Chelsea – Waa Maxay Sababtu?

(15-11-2018) Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa ku dhow inay la kulanto ciqaab adag oo ka xayiri doonto suuqa ...

Afar Caqabadood Oo Hor Yaalla Tababaraha Barcelona Ka Hor Cayaarta Atletico Madrid

(14-11-2018) Kooxda Barcelona ayaa wali ah hogaamiyaasha horyaalka La Liga inkasta oo ay ceeb iyo waji gabax kala ...

Horyaalka Premier League Guddoomiye Cusub U Doortay Haweenay Madax Ka Ahayd Barnaamijka XAYAWAANKA Ee Telefishanka Discovery

(14-11-2018) Horyaalka kubadda cagta waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa doortay guddoomiye cusub oo beddelaya midkii hore oo ...

Maxay Wadaagaan Lionel Messi Iyo Xiddiga Muslimka Ah Ee Xherdan Shaqiri?

(14-11-2018) Tobankii sannadood ee ugu dambeeyey, ciyaartooyada hibada leh ee soo baxa waxa halbeeg u ahaa Cristiano Ronaldo ...

XULKA RIYADA: Oblak, Modric, Brozovic, Pjanic, Milinkovic-Savic, Perisic & Dzeko – Xulka Qaranka Yugoslavia – Waddankee Iska Celin Lahaa?

(14-11-2018) 11-ka ciyaartoy ee xul ahaan u wada ciyaari lahaa guud ahaan dunida amaba ugu yaraan qaaradda Yurub, ...

Muxuu ku dhamaaday kulankii Itoobiya iyo Soomaaliya?

(14-11-2018) Xulka qaranka Soomaaliya ayaa guul darro qaraar kala kulmay dhigooda Itoobiya oo 4-0 ku martay kulan ka ...

Ganaax Weji Cusub Leh Oo Lagu Riday Weeraryahanka Liverpool Ee Daniel Sturridge – Muxuu Sameeyey?

(14-11-2018I) Weeraryahanka kooxda Liverpool ee Daniel Sturridge ayaa lagu ganaaxay inuu si xun u dhaqmay, isla markaana uu ...

Wargeyska The Sun Oo Daboolka Ka Qaaday Laba Qorshe Oo Midkood Dibedda U Tuurayo Jose Mourinho Oo Maamulka Man United Dejisteen Iyo Macallin Ixtiraam Badan Oo Beddelaya

(14-11-2018) Maamulka kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa la sheegay inay miiska saareen laba qorshe oo midkood caddanaynayo ...

RASMI: Zlatan Ibrahimovic Oo Ku Garaacay Wayne Rooney Xiddiga Sannadka Ee Horyaalka Dalka Maraykanka

(14-11-2018) Weeraryahanka reer Sweden ee Ibrahimovic  ayaa ku guuleystay xiddiga ugu wanaagsan horyaalka kubadda cagta dalka Maraykanka, kaddib ...