Sunday, February 17th, 2019

Luka Modric Oo Abaalmarinta Xiddiga Adduunka Kula Dagaallamaya Lionel Messi Iyo Cristiano Ronaldo

Published on June 24, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(25-6-2018) Xiddiga xulka qaranka Croatia ee Luka Modric ayaa ku biiray ciyaaryahannada liiska hore kaga jira liiska murashaxiinta abaalmarinta xiddiga adduunka ee Ballon d’Or.

Luka Modric oo xulka dalkiisa Croatia u horseeday in labadii ciyaarood ee u horreeyey ee Koobka Adduunka ay guulo waaweyn ka gaadhaan Nigeria iyo Argentina, ayaa sidoo kale waxa uu bandhig ciyaareed cajiib ah muujiyey xili ciyaareedkii tegay oo dhan, waxaana uu naadiga Real Madrid ka caawiyey inay ku guuleystaan tartanka Champions League markii saddexaad oo xidhiidh ah.

32 jirkan oo tan iyo sannadkii 2012 ka mid ahaa ciyaaryahannada rigliga ah ee Real Madrid ayaan marna ku guuleysanin xiddignimada adduunka, hase yeeshee sida ay dad badan aaminsan yihiin xili ciyaareedkan ayaanay jirin cid kaga mudan haddii uu dalkiisa Croatia ka caawiyo inay meel fiican ka gaadhaan Koobka Adduunka.

Difaacyahanka kooxda kubadda cagta Liverpool ee Dejan Lovren ayaa ka mid ah dadka aaminsan in Modric ay sannadkiisii noqon doonto, hase yeeshee, waxa uu ku dooday in mar horeba uu u qalmayey in lasiiyo xiddignimada, laakiin dalka uu kasoo jeedo daraadeed uu ku hadhayey.

“Sababta aanu Modric ugu guuleysan xiddignimadu waa in aanu nahay waddan yar, waxaana lasiiyay dareen ka yar intii uu u qalmayey.” Sidaas waxa yidhi Lovren oo la hadlay warbaahinta xilli uu ku sugan yahay waddanka Ruushka oo uu dalkiisa Croatia kala qayb-gelayo Koobka Adduunka.

“Modric waxa uu heli lahaa dareen ka badan inta hadda la siiyo, haddii uu Jarmal ama Spanish. Xattaa waxa suurtogal ahaan lahayd inuu abaalmarinta xiddiga adduunka ee Ballon d’Or ku guuleysto.” Ayuu mar kale yidhi Lovren.

Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi ayaa tobankii sannadood ee u dambeeyey si isle’eg u qaybsanayey xiddignimada adduunka, waxaana uu mid walbaa ku guuleystay shan jeer, hase yeeshee waligeed may dhicin in ciyaartoy u dhashay waddanka Croatia uu hantiyo abaalmarintan inkasta oo sannadkii 1998 uu kaalinta labaad galay Dovor Suker oo ku guuleystay kabta dahabka ah ee Koobkii Adduunka ee lagu qabtay waddanka Faransiiska.

Luka Modric ayey Real Madrid kala soo wareegtay Tottenham, waxaana uu muddadii uu joogay kula guuleystay afar jeer tartanka Champions League, hal koob oo LaLiga ah iyo hal mar oo Copa del Rey ah.

Xilli ciyaareedkii tegay waxa uu caawiye ka noqday lix gool, hase yeeshee bandhiggiisa kale ayaa ahaa mid layaab ah, waxaana uu dhamaystiray 89.9% kubbadihii uu bixiyey, hase yeeshee labadii ciyaarood ee xulka qarankiisa ee Koobka Adduunka, waxa uu si cajiib ah ugu guuleystay inuu dhaliyo laba gool saddex laag oo uu ku ganay goolka iyo sidoo kale inuu si guulleh u dhamaystiray kubbadihii uu bixiyey 84.5%.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Madaxweynaha Ac Milan Paolo Scaroni Oo Dhac Layaab Leh Loo Geystay & Haweeney Qaab Cajiib Ah Garab Usiisay Dambiilaha.

(16-12-2018) Madaxweynaha kooxda Ac Milan Paolo Scaroni ayaa lagu soo waramayaa in laga xaday jimcadii shalay aheyd boorso ...

Macalinka Kooxda Liverpool Jurgen Klopp oo Ka Hadlay Jose Mourinho Ka Hor Ciyaarta Manchester United iyo Liverpool

(16-12-2018) Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa ka hadlay dhigiisa Manchester United ee Jose Mourinho iyo ciyaarta ay ...

Khabiirada Shabakadda Mirror Football Oo Isku Khilaafay Shaxda Isku Dhaf Ah Kulanka Liverpool vs Man United – Mid Walba Shax Ayuu Doortay!

(16-12-2018) Kulanka ugu weyn England ayaa berito dhici doona, waana kulan aan laga mideysneyn aragtida laga aaminsan yahay, ...

Wiilkii Uu Dunida Kaga Tegay Feedhyahankii Muslimka Ahaa Ee Mohamed Ali Oo Qarka U Saaran Inuu Dawarsado Ama Tuugsado Sabab?

(16-12-2018) Wiilka kaliya ee uu dhalay feedhyahankii Muslimka ahaa ee Muhammad Ali ayaa ku sugan xaalad nololeed oo ...

Wanda Nara Oo Diyaarinaysa Qandaraas Dabar Ku Noqonaya Mauro Icardi

(16-12-2018) Wanda Nara oo ah xaaska iyo Wakiilka ciyaartoyga reer Argentina ee Mauro Icardi oo afka hore uga ...

Farriintii Uu Diego Costa U Diray Arsenal Markii Uu Dhaawacay Laurent Koscielny Iyo Qaabkii Axmaqnimada Ahaa Ee Uu Isku Difaacay

(16-12-2018) Difaaca Arsenal ee Laurent Koscielny ayaa shaaciyey inuu u bilaabmay wax uu ugu yeedhay ‘Cutubka Cusub Ee ...

Barcelona Oo Baadi Goobaysa Beddelka Luis Suarez Iyo Xiddigaha Ay Isha Ku Hayso

(16-12-2018) Luis Suarez hadda da’diisu waxay noqotay 32 jir, waxaana kooxdiisa Barcelona u muuqatay in ay u baahan ...

Daawo Goos Gooska iyo Sawirada Manchester City oo Mar Kale Hogaanka Si Ku Meel Gaadh ah U Qabatay Maanta.

(15-12-2018) Cayaar ay maanta wada ciyaareen kooxda Manchester City iyo kooxda Everton oo ahayd horyaalka dalka ingiriiska oo ...

Layaab!: Boqortooyada Kuwait oo la ogaadey in ay lacag ka dhacday Cayaartoy waa weyn oo magac leh

(15-12-2018) Lix bilood kaddib markii dalka Kuwait uu martigeliyey ciyaar ay iskugu yimaaddeen xiddigaha waaweyn ee dunida oo ...

Dhamaan Kulamada Sabtiga iyo Saacadaha Geeska Africa ee ay bilaaban doonaan?

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa dhamaan Cayaaraha dhici doona Sabtiga ee ku tirsan Horyaalada kala duwan ee qaarada ...

Halyeygii Manchester United Ee Willie Morgan Oo Magacaabay Afarta Ciyaartoy Ee Uu Doonayo In Kooxdiisa Hore Iska Iibiso Bisha January

(15-12-2018) Halyeygii Manchester United ee Willie Morgan ayaa aaminsan in tababaraha kooxdaas Jose Mourinho ay tahay inuu iibiyo ...

May Ahayn In Arsenal Loo Ogolaado Inay Ciyaarto Europa League – Tababaraha Qarabag Oo Dood Cajiib Ah Bedka Keenay Kaddib Guushii Gunners Sabab?

(15-12-2018) Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa sii wadda guul-darro la’aanta xidhiidhka ah, waxaanay xalay 1-0 ku muquunisay naadiga ...

Qorshaha Jose Mourinho Ku Qaban Doono Salah, Mane & Firmino, Dhibaatada Difaaca Ee Haysata Iyo Sida Uu U Kala Xulan Doono Xiddigaha Uu Haysto

(15-12-2018) Manchester United ayaa Axadda safar ugu tegaysa Liverpool oo kulankooda ugu horreeya xili ciyaareedkan ee horyaalka Premier ...

Cristiano Ronaldo Oo Markale looga yeeray Maxkamad dalka Spain ah iyo Ciqaabta uu lakulmi doono?

(15-12-2018) Maxkamad ku taalla dalka Spain ayaa go’aamisay xilliga ay dhegaysan doonto dacwad la xidhiidha lunsi cashuuro oo ...

Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018

(15-12-2018) Waxaan idiin soo Gudbineynaa Magacayada iyo Sawirada 5 ta Cayaaryahan ee dhalisay Goolasha ugu badan Sanadkaan 2018 kaas ...