Wednesday, November 14th, 2018

Wararkii ugu danbeeyey suuqa kala iibsiga Cayaartoyda Maanta oo isniin ah?

Published on June 25, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(25-6-2018) Waxa jira kooxo haatanba la soo saxiixday xiddigihii ugu horeeyay sidoo kale wali ugu jira suuqa xiddigo kale si la mid ah waxa jira kooxo wali si fiican ugu jira suuqa raadinayana in ay helaan xiddigo munaasib ah.

Hadaba waxa aan halkan ku soo gudbin doonaa wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga ay wargaysyada kala duwan ka qoreen.

Kooxda Man United iyo Man city ayaa diyaar u ah in ay Real Madrid kula tartamaan saxiixa da,yarka kooxda PSG ee Kylian Mbappe oo 19 jirka ah (Mirror).

Maamulka Old Trafford ayaa dareenkooda u jeediyay saxiixa daafaca bidix ee kooxda Valencia ee Jose Luis Gaya oo 23 jir ah kadib markii ay ka quusteen daafaca kooxda Juventus ee Alex Snadro (Mirror).

Kooxda Man City ayaa heshiis afka ah la gaartay xiddiga khadka dhexe ee Kooxda Napoli ee Jorginho sida uu xaqiijiyay wakiilka ciyaaryahanku (Manchester Evening News).

Kubad sameeyaha kooxda Real Madrid Marco Asensio ayaa ka wal-walsan mustaqbalkiisa Real Madrid xilli ay Liverpool doonaysa saxiixa xiddiga (Diario Gol).

Madaxweynaha Kooxda Lyon ayaa qirtay in ay wadahadalada kulada dib ula furi doonaan kooxda Liverpool si ay uga heshiiyaan saxiixa Nabil Fekir oo 24 jir ah kadib koobka adduunka (Liverpool Echo).

Kooxda Inter Milan ayaa dhigeeda Bodeaux waydiisatay in ay heshiis amaah ah ku hesho xiddiga Malcom oo ay xagaaga kadib kula wareegi doonto lacag dhan 35.2 milyan euro (Football Italia).

Xiddiga khadka dhexe ee Mateo Kovacic ayaa doonaya in uu ka tago Real Madrid waxana uu heegan galiyay kooxaha premier League oo xiiso u qaba (Marca).

Liverpool ayaa dhigeeda Barcelona kula biirtay baacsiga xiddiga garabka uga ciyaara kooxda PSV iyo xulka Mexico ee Hirving Lozano kaas oo la go,aamin doono mustaqbalkiisa kadib koobka adduunka (Daily Star).

Kooxda Juventus ayaa talaabo muhiim ah u qaaday saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Jack Wilshere kaas oo si xor ah uga tagaya kooxda Arsenal (Sun).

Kooxda Arsenal ayaa ku biirtay baacsiga loogu jiro saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Juventus ee Mehdi Benatia (Sun).

Heshiiskii uu Riyad Mahrez ugu biiri lahaa kooxda Man city ayaa qarka u saaran in uu bur-buro xilli Leicester city dalabanayo lacag waali ah (Sun).

Kooxda Barcelona ayaa ku sii dhawaanaysa saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Chelsea ee N’Golo Kante kadib markii ay la kulantay qoyska xiddiga reer France (Le Parisien).

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Qalinka Cayaaraha Kala soco Wararka Sports oo dhameystiran

Fikirkaagu waa Muhiim

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka Maanta

Afar Caqabadood Oo Hor Yaalla Tababaraha Barcelona Ka Hor Cayaarta Atletico Madrid

(14-11-2018) Kooxda Barcelona ayaa wali ah hogaamiyaasha horyaalka La Liga inkasta oo ay ceeb iyo waji gabax kala ...

Horyaalka Premier League Guddoomiye Cusub U Doortay Haweenay Madax Ka Ahayd Barnaamijka XAYAWAANKA Ee Telefishanka Discovery

(14-11-2018) Horyaalka kubadda cagta waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa doortay guddoomiye cusub oo beddelaya midkii hore oo ...

Maxay Wadaagaan Lionel Messi Iyo Xiddiga Muslimka Ah Ee Xherdan Shaqiri?

(14-11-2018) Tobankii sannadood ee ugu dambeeyey, ciyaartooyada hibada leh ee soo baxa waxa halbeeg u ahaa Cristiano Ronaldo ...

XULKA RIYADA: Oblak, Modric, Brozovic, Pjanic, Milinkovic-Savic, Perisic & Dzeko – Xulka Qaranka Yugoslavia – Waddankee Iska Celin Lahaa?

(14-11-2018) 11-ka ciyaartoy ee xul ahaan u wada ciyaari lahaa guud ahaan dunida amaba ugu yaraan qaaradda Yurub, ...

Muxuu ku dhamaaday kulankii Itoobiya iyo Soomaaliya?

(14-11-2018) Xulka qaranka Soomaaliya ayaa guul darro qaraar kala kulmay dhigooda Itoobiya oo 4-0 ku martay kulan ka ...

Ganaax Weji Cusub Leh Oo Lagu Riday Weeraryahanka Liverpool Ee Daniel Sturridge – Muxuu Sameeyey?

(14-11-2018I) Weeraryahanka kooxda Liverpool ee Daniel Sturridge ayaa lagu ganaaxay inuu si xun u dhaqmay, isla markaana uu ...

Wargeyska The Sun Oo Daboolka Ka Qaaday Laba Qorshe Oo Midkood Dibedda U Tuurayo Jose Mourinho Oo Maamulka Man United Dejisteen Iyo Macallin Ixtiraam Badan Oo Beddelaya

(14-11-2018) Maamulka kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa la sheegay inay miiska saareen laba qorshe oo midkood caddanaynayo ...

RASMI: Zlatan Ibrahimovic Oo Ku Garaacay Wayne Rooney Xiddiga Sannadka Ee Horyaalka Dalka Maraykanka

(14-11-2018) Weeraryahanka reer Sweden ee Ibrahimovic  ayaa ku guuleystay xiddiga ugu wanaagsan horyaalka kubadda cagta dalka Maraykanka, kaddib ...

RAJO LA’AAN: Waxama Haka Sugina Man United Inta Mourinho Joogo

(14-11-2018) Toddobaadkii guul-darrada qadhaadh ee Man United ay ku dhiibtay kooxda ka arrimisa magaalada Manchester oo si buuxda ...

Macalin Antonio Conte muxuu ku maagay Sergio Ramos?

(13-11-2018) Tababarihii hore ee kooxda Chelsea ee Antonio Conte ayaa ugu dambayn ka baxay aamusnaantii isaga oo jawaabo ...

London oo markale qaabileysa Samir Nasri

(13-11-2018i) Cayaaryahankii hore ee Arsenal Samir Nasri ayaa lagu wadaa inuu dib ugu soo laabto Magaalada London iyadoo ...

Rasmi: Santiago Solari oo loo Magacaabay Macalinka Rasmiga ah ee Real Madrid

(13-11-2018) Maamulka kooxda Kubada Cagta  Real Madrid ayaa si Rasmi ah xilka ugu dhiibatay Santiago Solari iyagoona ka ...

Lionel Messi oo ku Guuleystey Xiddiga Sanadka iyo abaal marinta Pichichi

(13-11-2018)Lionel Messi ayaa  loo gacan galiyay abaal marinta Pichichi  ee 2017/18 kaddib markii uu gool dhalinta La Liga ...

Halyeygii Reer Brazil Ee Roberto Carlos Oo Sameeyey Ballan-qaad Ka Farxiyey Jamaahiirta Real Madrid

(12-11-2018) Halyeygii reer Brazil ee Roberto Carlos ayaa sameeyey ballan-qaad ka farxiyey jamaahiirta kooxdiisii hore ee Real Madrid, ...

Leroy Sane Oo Magacaabay Labada Ciyaartoy Ee Ugu Wanaagsan Taariikhda Kubadda Cagta – Miyuu Iloobay Pele, Maradona, Zidane, Ronaldinho Iyo Halyeeyadii Jarmalka?

(12-11-2018)Xiddiga reer Germany ee garabka uga ciyaara Manchester City ee Leroy Sane ayaa magacaabay labada ciyaartoy ee uu ...