Wednesday, July 18th, 2018

Abidal Oo Soo Bandhigay Caddaymaha Qofkii Badbaadiyey Naftiisa Ee Beerkiisa Siiyey

Published on July 6, 2018 by   ·   No Comments  ·  

(06-07-2018) Maalmihii la soo dhaafay waxay saxaafadu qortay war aad u xaasaasi ah oo sheegayay in madax waynihii hore ee kooxda Barcelona ee Sandro Rosell uu si sharci daro ah beer ugu soo iibiyay xidigii waqtigaas kooxdiisa ku dhex xanuunsanayay ee Eric Abidal kaas oo halis ugu jiray in uu naftiisa ku waayo xaalad caafimaad oo dhinaca beerka kala soo daristay.

Wararkan ayaa sabab u noqday in kooxda Barcelona ay war saxaafadeed ku beenisay wararkii sheegayay in Eric Abidal lagu badbaadiyay beer si sharci daro ay loo soo iibiyay laakiin halyaygii hore ee xulka qaranka France iyo kooxda Barcelona isla markaana hadda ah agaasimaha ciyaaraha ee Eric Abidal ayaa si qiiro leh uga jawaabay.

Eric Abidal oo soo maray xaalad nolol iyo geeri u dhexaysay isla amrkaana sanadkii 2012 kii waqti dheer cisbitaal ugu jiray xanuun dhinaca beerka ah ayaa ugu danbayn bartiisa Instagram soo dhigay shaqsigii naf hurida sameeyay ee beerkiisa qayb ka mid ah ugu deeqay si noloshiisa uu u badbaadiyo.

Eric Abidal ayaa bartiisa Instagram soo dhigay sawirka uu sariirta cisbtaalka saarnaa isla markaana uu la fadhiyay wiilka ay ilmaadeerka yihiin ee Gerard kaas oo uu shaaciyay in uu ahaa shaqsigii beerkiisa qayb u jiray si nolooshiisa loo badbaadiyo.

Waxa uu Eric Abidal saxaafada beenta ka qortay uu sawirkan meel ku saaray waxyaabaha ayna xaqiiqdooda hayn ee ay iska qoreen wuxuuna u sheegay in la ixtiraamo sharafta wiilka ay ilmaadeerka yihiin ee Gerard kaas oo cisbtaalka isaga oo kula jira uu sawirkiisii soo saaray.

Eric Abidal ayaa sawirka sare ee uu cisbtaalka kula jiro wiilka ay ilmaadeerka yihiin ee Gerard waxa uu soo raaciyay qoraalkan: ” Waxaan doonayaa in sawirkan aan ixtiraamkayga u muujiyo oo aan inaadeerkay Gerard sharaftiisa difaaco . Waxaan doonayaa in aan si cadaan ah u dhaleeceeyo maskax fikirka qaar ka mid ah saxaafada kuwaas oo soo jeedinaya wax shaki ah oo in noloshaysa si sharci daro ah loo badbaadiyay”.

Eric Abidal ayaa qoraalkiisa dareenka badan xambaarsan sii raaciyay: “Hadda joojiya. Waxaan idinka dalbanayaa in aad naftayda iyo qofkasta oo ay shaqsi ahaan heerka noloshaydani saamaynta ugu yeelatay iyo qof kasta oo xaalad la mid ah ku jira”.

Si kastaba ha ahaatee, Eric Abidal oo ixtiraam wayn u haya wiilka ay ilmaadeerka yihiin ee Gerard kaas oo naftiisa ku badbaadiyay qayb ka mid ah beerkiisa si loogu beero ayaa cadho wayn ka muujiyay in qaar saxaafada ka mid ahi ay qoreen in beer sharci daro ah loo soo iibiyay taas oo uu hadda cadayn ku beeniyay.

Qalinka Cayaaraha Xafiiska Wararka Muqdisho

E-mail: info@qalinkacayaaraha.com

Wararka Maanta

Cristiano Ronaldo oo fariin u diray Lionel Messi maxayse ku saabsanayd?

(18-7-2018) Cristiano Ronaldo ayaa sheegay in uusan Lionel Messi u arki doonin, nin isaga la xifaaltama ama Cadaawad ...

Liiska Cayaartoyda uu doonayo macalin Jose Mourinho oo la helay?

(18-7-2018) Waxaa lahelay liiska Cayaartoyda uu doonayo macalin Jose Mourinho waxaana kujira Xiddigo waa weyn oo lagu iibin ...

Wararkii ugu danbeeyey wadahadalkii Chelsea ku dooneysey Higuain iyo Rugani

(17-7-2018) Wararka ka imaanaya dalka Talyaaniga ayaa sheegaya in goor dhow lasoo gaba gabayn doono wadahadlo saacado qaatay ...

Zinedine Zidane oo shaqo ka bilaabaya Juventus iyo shaki ka dhashay ku biiristii Ronaldo ee kooxda Talyaaniga

(17-7-2018) Zinedine Zidane ayaa lagu warramayaa in uu kaalin Muuqata ku lahaa Saxiixa Laacibka CR7 uu ugu wareegay ...

Magacyada iyo Sawirada 10 kii Cayaaryahan ee ugu Fiicneyd Taariikhda Real Madrid

(17-7-2018) Kadib markii uu Real Madrid macasalaameeyey Cayaaryahanka dalka Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa waxaa lasoo saaray liiska 10 kii ...

Daawo Sawirada Cristiano Ronaldo iyo Familkiisa oo ka mid Noqdey Qoyska Marwada duqda ah

(17-7-2018) Cayaaryahanka dhawaan ku biirey kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa sheegay in isaga iyo qoyskiisu ay sirasmi ah ...

Manchester United oo lacag aad u badan ku dooneysa 2 Cayaaryahan oo u dheelayey dalka Croatia

(17-7-2018) Kooxda Kubada Cagta Manchester United ayaa lasheegayaa in ay lacag aad u fara badan ku baadi goobayaan ...

Daawo Sawiradii ugu Saameynta Badnaa Koobka aduunka 2018

(17-7-2018) Aqristeyaal waxaan idiin soo gudbineynaa Sawiradii ugu Saameynta badnaa ee laga qaaday dhamaan Cayaarihii koobka aduunka 2018 ...

Aleksandr Golovin oo Tijaabo caafimaad u maraya Chelsea

(17-7-2018) Cayaaryahanka dalka Ruushka ee lagu Magacaabo Aleksandr Golovin ayaa lasheegayaa in uu ka soo degay Magaalada London halkaa ...

Daawo Sawirada Daley Blind oo dib ugu laabtay kooxdiisii hore

(17-7-2018) Daaficii kooxda Kubada Cagta Manchester United ee Daley Blind ayaa dib ugu laabtay kooxdiisii hore ee Ajax kadib ...

Tobankii Saxiix ee ugu xumaa Cayaartoy Wacdaro ka dhigtay Koobka adduunka+Sawiro

(17-7-2018) Sanad kasta oo laqabto koobka aduunka waxaa soo baxa Cayaartoy la iibsado kuwaas oo ah Xiddigaha wacdaraha ...

Arsene Wenger Oo Sheegay Inuu Qoomamaynayo Wakhtigii Badnaa Ee Arsenal Uu Joogay

(17-7-2018) Tababarihii hore ee kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ayaa wax laga waydiiyay qaladkii ugu xumaa ee uu ...

Barcelona: Shan Ciyaartoy Oo Bartil-maameed U Ah, Kooxaha Cabsida Weyn Ay Ku Abuurtay Iyo Willian Oo Liiska Laga Saaray

(17-7-2018) Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa heshiisyo la gashay laba ciyaartoy si ay dib iskugu abaabusho oo ay ...

Faah faahin laga bixiyey Sababta uu Alexis Sanchez uga haray safarkii Maraykanka ee kooxdiisa?

(17-7-2018) Cayaaryahanka kooxda Manchester United ayaa u duulay dalka Maraykanka halkaas oo ay kaga qayb gali doonaan koobka ...

Zlatan Ibrahimovic Oo Si Layaab Leh U Amaanay Paul Pogba Iyo Saamayntii Uu Ku Lahaa Koobka Adduunka

(17-7-2018) Laacibkii hore kooxda Manchester United iyo xulka qaranka Sweden Zlatan Ibrahimović ayaa si weyn u amaanay saaxiibkiis ...